Sign in to follow this  
Deeq A.

  Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhda Sooyaalkiisa  Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
  Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhdiisa  Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed
 lafta-1-300x225.jpg

 Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay.

Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

 Waxaa uu meesha ka saaray in la qabto wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan.

Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la qaban wareegyo kale.

Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod
2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod
3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od
5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod

Waxaana xumaaday inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen.

Akhri sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

waa kuma Lafta-gareen.

Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay.

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Xilal badan ayuu  dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ayuu ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this