Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda Somalia oo isku casilay xiisadaha ka taagan Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdifataax_Geeseey-oo-is-casilay.jpg?re
Muqdisho (PP) ─
Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda Somalia, C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay inuu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu hayay.

Geeseey, ayaa sheegay inuu isku-casilay xiisadaha iyo rabsadaha ka taagan xarunta maamulka Koonfur-galbeed, isagoo intaas ku daray in Xukuumadda Somalia ay fara-gelin ku hayso maamulada dalka, gaar ahaan kan Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jirto fara-gelin toos ah oo Dowladda Somalia ay ku hayso Maamulka Koonfur-galbeed, gaar ahaan Doorashada la filay oinay dhawaan ka dhacdo Baydhabo, taasoo madaxweyne lagu soo dooran doono.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood ayaa Xukuumadda Somalia horay ugu eedeeyay inay fara-geliso maamullada dalka ka jira, waxaana ka jiray Baydhabo xisado ka dhashay xarigga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxinta doorashada, taasoo lagu tilmaamay fara-gelin doorashada lagu hayo.

Dhanka kale, Wasiirka is-casilay ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ee uu ka tirsanaa ay hareer marayso ku dhaqanka dastuurka, taasina ay tahay sharci-darro, sababi karta muranno intaan ka badan.

C/fataax Ibraahim Geeseey, ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo ka tirsan xukuumadda Somalia oo isku casila xiisad ka taagan maamul ka mid ah kuwa dalka, waxaana tani ay muujinaysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur-galbeed.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shiikh iyo dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ahmiyada siiyaan sidii ay kaga hor-tegi lahaayeen wxuu ku tilmaamay Af-gembi lagu haayo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

DHAGEYSO; Sababta uu isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somalia;

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYSO_Sababta-uu-isku-casilay-Geeseey.mp3

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda Somalia oo isku casilay xiisadaha ka taagan Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this