Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan xukuumada KHEYRE oo isku casilay xiisada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay.

Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira.

Wuxuu sheegay in isaga oo xildhibaan ah uu difaaci doono, waxna u qaban doono dadkiisa, balse uusan qeyb kasii ahaan karin dowladda.

Geesey ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Laysaan oo sidoo kale Mukhtaar Roobow uu ka dhashay, waana beesha ku badan ee degta magaalada Baydhaba iyo gooblka. Geesey ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Baay.

Faah-faahin naga filo dhowaan, Insha allah.

geesey.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this