Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyaasha oo looga yeeray Madaxtooyada Soomaaliya & Mukhtaar Roobow oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wariyaasha ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana u yeeray bahda warbaahinta u qaabilsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in goordhow la filayo in Sheikh Mukhtaar Roobow uu la hadlo warbaahinta, lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono.

Maalintii Khamiista ayaa Mukhtaar Roobow laga keenay magaalada Baydhabo, waxaana maalmahaan uu ku xirnaa magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xarunta NISA uu warbaahinta kula hadli doono Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Caasimada Online ayaa saaka baahisay in Mukhtaar Roobow la filayo inuu manta ku laabto magaalada Baydhabo, kadib kulan ka dhacay xarunta Xalane.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this