Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Xalane iyo Roobow oo laga Yaabo inuu Baydhabo ku laabto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in shir Xasaasi ah oo looga hadlayay xariga Roobow iyo xiisaddii ka jirtay magaalada Baydhabo uu ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa lagu falanqeeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Roobow.

Shirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Safiirka UK, Safiirka Turkey, Safiirka Jabuuti Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo lataliyaasha dowladda Qaarkood, sida xogta aan ku heleyno.

Waxyaabaha la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo, islamarkaana uu ku laabto magaalada Baydhabo si uu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Waxaa suuragal ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo Maanta oo gelinka dambe uu ku laabto magaalada Baydhabo, ama in beri lasii daayo sida ilo Xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Lataliyaasha dowladda Matalayay ee ka qeyb galay shirka ayaanan ku qanacsaneyn waxyaabaha shirka looga hadlay, waxaana la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ku aqbali doonto qorshaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa ogolaanshaha sii deynta Mukhtaar Roobow si uu kaga qeyb gal doorashada, waxaana la doonayaa in doorashada lagu reebo, sida wararka ay sheegayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this