Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Dabadii Meeshii Aan Dadaal Xoogle Iyo Dahab Ka Eegaayey Ayuun-Baa Sidii Buul Duqeed Daaha Loo Rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan.

F93CA75C-6DBC-4F0C-88A3-35A00928AB07.png

Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan

oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto.
Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd.

Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”.

Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo.

Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen.

1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii.

2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe.

3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari)

4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal.

Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin.

Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:063-4425243

Email:suudi786@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this