Deeq A. Posted December 5, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddiga amniga maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kula qaatay saraakiil ka tirsan Wasaarada amniga Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa abada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka magaaladaasi. Xildhibaan Bashiir Cabdi oo ka mid ah xubnaha guddiga amniga Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ka warbixiyay kulankaasi. Ugu horreen Xildhibaanada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ka guddi ahaan Ciidamada Booliska ah oo ay dhawaan DFS ay geysay halkaasi. Waxaana uu shaaca ka qaaday in xilligani baahi weyn loo qabay Ciidamadaasi oo kaalin ka qaadanaya sugida amniga doorashada maamulkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay M/ Baydhabo ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed, kaas oo lagu qaaday bar koontarool oo ku taalla gudaha magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa Bamkaasi ku dhaawacmay illaa 4 Askari oo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Guddiga amniga K/ Galbeed Oo la kulmay xubno ka tirsan DFS appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites