Sign in to follow this  
Deeq A.

AL-SHABAAB oo WEERAR kula waaberiistay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa aroornimadii saakay weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhanka kalena aan la garanayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Shabaabka ayaa weerarkan soo qaaday, xilli dadka reer Afgooye ay isu diyaarinayeen Salaadda Subax, oo waqtigeeda ay ku soo beegeen weerarka.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa beegsaday saldhiga ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin aagga Buulo Fooliyo. Waxaana la sheegay maleeshiyada weerarka soo qaaday in ay ka timid dhanka Awdheegle.

Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, iminkana ay xaaladdu degan tahay.

Cumar Carabey ayaa intaa ku daray inaanu jirin waxyeelo dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, sidoo kalena aanay garanayn khasaaraha Shabaabka lagu gaarsiiyay.

Dhanka kale Shabaabka ayaa Maqribnimadii xalay weeraray Deegaanada Tixsiile, Garas-bandiiro iyo Warmaxan, oo ku yaala wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabaabku ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta Tixsiile, intii ay haysteena ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada Militariga Somaliya.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayan Degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku xeeran, waxaana muuqata inaanay weli dowladdu diyaarin qorshe ay kaga hortageyso weeraradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this