Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qarax lagu burburiyay xarunta Degmada Hodon

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa dhaliyay burbur xooggan oo gaaray dhismaha xarunta maamulka degmada Hodon.

Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gaarigiisa ku qarxiyay bartamaha xarunta degmada Hodon ee bartilmaameedka ku aheyd.

“Al-Shabaab istish-haadi ah ayaa gaari ku beegsaday xarunta Kooxda degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, camaliyadda ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur xooggan oo gaaray dhismaha”ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Dhimashada ka dhalatay qaraxan ayaa tobaneeyo gaaraya balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa ah xasaasi waxaana ammaankeeda si aad ah u ilaaliya ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska.

2-dii Bishaan September ayay aheyd markii weerar midkan lamid ah lagu burburiyay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana isla weerarkaas mas’uuliyaddiisa sheegatay Al Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this