Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalbi Dhagax Oo Diiday Inuu La Kulmo Farmaajo & Madaxda ONLF Oo Xamar Imaanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxda Jabhada ONLF ay Yimaadaan Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in C/kiriin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha ONLF loogu yeeray inuu yimaado Xamar balse uu diiday.

Si gaar ah ilo ku dhaw C/kiriin Qalbi dhagax waxay xaqiijiyeen inuu ka hor yimid hor fadhiisiga Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in Farmaajo uu casuumay madaxda ONLF inay yimaadaan Muqdisho balse buuq ayaa ka jira maadaama Qalbi dhagax oo Casuumaad loo diray isna uu diiday inuu la kulmo Farmaajo.

Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa dhawaan Asmara kula kulmay Madaxweyne Farmaajo laguna casuumay Xamar inuu yimaado.

Waxay noqon doontaa 30 Sano kadib in Admiral Maxamed Cumar uu yimaado Muqdisho,iyadoo ONLF ay ku kala qeybsan tahay in la hor fadhiisto Farmaajo.

Dawlada Federaalka ayaa Sanadkii hore waxay sheegtay in Qalbi dhagax markii Itoobiya loo gacan geliyey inuu ahaa Argagaxiye ONLF katirsanaa,taas oo ay ka caroodeen Jabhadu.

Waxa ugu weyn Ee ONLF iyo Madaxda Dawlada Soomaaliya ka shiri doonaan Kolka Xamar yimaadaan ayaa ah sidii Deegaanka Soomaali Galbeed Xaqeeda ku heli laheyd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this