Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo maanta ka furmaya Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Talaado waxaa ka furmi doono shirka Madaxda maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo shalay qorshuhu ahaa in uu ka furmo Magaalada Kismaayo ayaa dib u dhacay kadib markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka soo dib dhacay shirkaasi shalay galinkii dambana uu gaaray Kismaayo .

Waxaa Kismaayo xaadir ku ah dhamaan madaxda maamul Goboleedyada Dalka Sida Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare , Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirkaasi ayaa waxaa shir gudoomin doono Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada ahna madaxweynaha Puntland Dr Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa  qeybsiga kheyraadka dalka, dib u dhiska ciidanka, xaalada dalka, iyo xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Shirkaasi waxaa ka qeeybgalay ergeyga Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Micheal Keating oo isaga shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Shirkaasi waxaan ka qeeybgaleeynin madaxda ka socoto Dowlada dhexe ee Soomaaliya waxaana taasi ay u muuqataa in uu jiro qilaaf baahsan oo u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo maanta ka furmaya Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this