Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Mog Islamic courts meet to discuss the threat to the culture: Indian Film Ban Update

Recommended Posts

Kulan aan caadi aheyn oo midowga maxkamadaha Muqdisho ay yeesheen.

 

Mogadishu 10 Nov. 05 ( Sh.M.Network)

 

Kulan looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa qataraha nabadgalyo iyo mida dhaqan ee ka jira dalka Somaliya ayaa ka dhacay Hotelka nabada ee magaalada Muqdisho.

 

kmaxkamadah1.jpg

 

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen golaha sare ee midowga Maxkamadaha islaamka Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga hadlay dhibaatada aflaanta hindida iyo kuwa kale ee laga daawado shineemooyinka ku yaala xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo goobtaasi lagu soo bandhigay cajalado ay ku duuban yihiin aflaan ay ka muuqato dhaqan xumo, kuwaasi oo ay soo qabteen ciidamada midowga maxkamadaha islaamiga holwgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

 

kmaxkamadah2.jpg

 

Hadaba Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay howlihii ay qabteen bishii Ramadan, iyagoo sheegay in albaabada ay u laabeen shineemooyin laga daawan jirey Filimaan laga helo anshax xumo ee ku yaalay magaalada Muqdisho.

 

kmaxkamada4.jpg

 

Dr.Max’ed Dheer oo ka howlgala isbitalka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dad lagu soo qabtey dhaqan xumo ay ka heleen cudurka dilaaga ah ee HIV Aids, waxaa kale oo ka hadlay Ganacsatada Muqdisho oo iyagu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Midowga maxkamadaha Muqdisho.

 

kmaxkamadah.jpg

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culuma udiinka Soomaalia sida Weyn looga qadariyo oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in si ficil ah wax looga qabto balse aysan noqon howluhu kuwa ku ekaaada afka iyo shirarka.

 

kmaxkamadah3.jpg

 

Gabagabadii waxaa kulankaasi lagaga dhawaaqay Gudi soo diyaariya holwaha ay qabanayaan midowga maxkamadaha magaalada Muqdisho, iyadoo midowga Maxkamaduhu ay balan ku qaadeen in gudigaasi ay la shaqeyn doonaan isla markaana ay fulin doonaan waxyaabaha ay u soo jeediyaan.

 

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

waraa wadaado high eh hada aa iigu horeyso...kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk........

Kuwaan in diinta ee soo taba caareysteen laga dhigo waayo!!!

 

Wareer Badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Runtii aniga waan ku raacsanhay arintan wadaadada, inay mamnuucaan Filimada hindiga ah ee xun xun, sida aan wada ogsoonnahay filimada hindiga ah ma'ahan sidii barigii horre loo samayn jiray, oo waxay wataan all kind of (xisy) segments, marka waxaana ma'ahan annagoo Islaam sheeganayna inaan waxaas caruurteena barno ama caado oga dhigno. Again waan ku raacsanahay arintan, balse aniga hal su'aal ayaan u qabaa wadaadada maamusha maxkamadaha islaamiga ee ka jira magaalada muqdhisho, maxaad wax oga qaban la'dihiin ammaanka magaalada, maxaase idinka hortaagan arintaan?

 

Wabillaah...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this