Dalmar1

PM Kheyre VS Puntland: Isimada Puntland ''PM Kheyre you are a bad guest'' and ex- minister Juxa and 11 puntland politicians attack PM Kheyre verbally.

Recommended Posts

Dalmar1   

puntland-focus-group-265x198.jpg

 

Garoowe Online– Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.

War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Puntland.

 

“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka.

Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland”

Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran 

Arbaca, August 1, 2018.

1 – Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 – Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 – Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 – Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 – Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 – Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin:

  1. Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
  2. Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
  3. Cali Xaaji Warsame
  4. Faarax Cali Shire
  5. Jamiila Saciid Muuse
  6. Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
  7. Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
  8. Khalif Ciise Mudan
  9. Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
  10. Saciid Cabdullahi Deni
  11. Dr. Maxamed Salaad Qoryooley

 

Isimada Puntland oo R/W Kheyre u hanjabay xilli uu C/W Gaas goobjooge ahaa

 

Isimada ayaa ku dooday in ilaa saaka jidadka loo taagnaa Kheyre isla markaasna ay si lama filaan ah u maqleyn inuu ka baaqday.

Waxay sheegeyn inay arrintaas kala xisaabtami doonaan marka uu dib u laabto haddana ay ku ixtiraamayaan martida uu yahay.

Hadalkaas marka laga sheegayey xafladda waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga xariga ka jaray Dekadda la doonayo in halkaas laga sameyo.

Idaacadda BBC-da ayaa Kheyre xalay waydiisay inuu marti ku yahay Magaalada Garoowe iyo in kale wuxuuna ku jawaabay inuusan marti ku aheyn balse hadalka kasoo yeeray isimada ayaa bixinayo micno kale.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.