Deeq A. Posted July 21, 2018 Taliye Faarax Galan-gooli Booliska gobolka Nugaal ayaa ka hadlay carqabado dhowr ah oo ka heysta wax ka qabashada amniga caasimada Puntland ee Garowe. Taliyaha Booliska qaybta gobolka Nugaal Faarax Warsame Galan-gooli oo warbaahinta shalay ku hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay haystaan carqabado badan oo ay kamid yihiin duruufo dhaqaale, gaadiid iyo shidaal. Sidoo kale Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa sheegay in amni xumada magaalada Garowe ay qeyb ka yihiin ciidamo beeleedada la soo u ruuriyay ee jooga magaalada. Dhaka kale Taliye Galan-goole ayaa dhaliil u jeediyay culumada magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in dad Booliska weeraray oo dhaawac u geystay markii cumumada loo gubiyay kiiskoodii dambigii ay saaray askartii waxka qabatay. Bilihii u dambeeyay waxaa shacabka Garowe uu ka cabanayay dhalinyaro hubeysan oo dhac geysta habeen iyo maalinba, kuwaas oo mararka qaar shacabka u geysta dhibaatooyin ay kamid yihiin dhaawacyo. Hoos ka daawo Taliyaha oo arimahaas ka hadlaya PUNTLAND POST The post Booliska Garowe oo cabanaya, dhaliilna u jeediyay culumada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites