Zaahidah

Nomads
  • Content Count

    58
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Zaahidah

  1. As salaaamu calaykum. NGONGE.......Allaah yajziika kheyran, kitaabkee ayay ku dhigan yihiin kalimaadkaa? baarakalaahu fiik. I never heard of them . Wasalaam ------------------------ Allaahuma thabitnaa.
  2. As salaamu calaykum. I believe love DOES exist. It goes through 3 stages. 1-Xub: is when you like the person and you enjoy their company. 2-Cishq:is when you LOVE the person and you're thinking of marrying him/her. 3-Wudd: is when you have love and mawada"compassion" for the peorson,this comes AFTER marriage! The best love is when you love for the sake of Allaah. Markaa jaceylku wax sahlan maaha waana loo dhintaa!!! I hope nobody asks me how Wasalaam
  3. Bismillaah wa salaatu wa salaamu calaa Nabiyinaa Muxamad wa calaa Aalihi wa saxbihi wa salam intaa ka dib. Alle Xaqa uu inagu leeyahay waa inaan Caabudno oo aynaan cidna la wadaajin Cibaadadiisa, kan Alle ugu cabsi badan baa ugu karaamo badan Adoomada Alle. Intaa ka dib adoomada xuquuq bay isku leeyihiin, Alle xaq buu inagu leeyahay,Zawjka xaq buu kugu leeyahay,ilmaha xaq bay kugu leeyihiin,dariska xaq buu kugu leeyahay,naftaada xaq bay kugu leedahay "fa'acdii kula dii xaqin xaqouh",mid walba oo xaq kugu leh sii xaqiisa. Waa inaynu ogaanaa mar walba cida ina dull saadhay"saartay" xuquuqdan inuu Allah yahay oo aynaan moodin sharci ay "Raggu" soo dajiyeen. Hadaan ka bilowno Xaqa uu ninka ku leeyahay Xaaskiisa waa: 1-Adeecid ay ku adeecdo wax walba oo macruuf ah 100%"daacatu zawj bil macruuf". 2-Inaysan gurigiisa soo galin qof uusan raali ka ahayn, firaashkiisa inuusan ku fariisan cid uusan raali ka ahayn. 3-Inaysan dhibin,oysan aff iyo addin dhib ugu gaysan "an laa tusii'a ilayh walaa tu'diih",xumaan oo dhan inaysan u gaysan. 4-Inay ku shukriso zawjkeeda oo aysan ku kufrin "an tashkura zawjahaa walaa takfuruh". 5-Inaysan ka bixin guriga ilaa uu fasaxo ninkeeda ma ahane xataa masaajidka haday aadayso waa inay ka fasax qaadato. 6-Inay isku qurxiso oo ay isku ziinayso dhan labis iyo dhan nadaafad intaba, oo ay u qososho mar walba oo ay waji fur-furan kula kulanto iyo farxad 7-Inay u khidmeyso oo ay uga adeegto gurigiisa iyo caruurtiisa. 8-Inay Maalkiisa u ilaaliso aysan bixin maalkiisa ayadoon ka amar qaadan,oo aysan ka dayicin israaf ku samayn. 9-Inay ku raali noqoto inta yar oo uu Ilaahay zawjkeeda siiyay, inta la hayona ku qanacdo oo aysan ku kalifin ninkeeda waxii nafaqo ahaa oo uusan awoodin. 10-Inay caruurtiisa tarbiyeyso,oo ay si fiican u koriso jir ahaan iyo maskaxiyan intaba,kheyrka iyo wanaaga kula dadaasho"wa hiya mas'uulatun canhum". 11-Sirtiisa inay xifdiso ooy qariso oo aysan sirtiisa bixin, waxa ugu wayn sirtiisa waa arimaha sariirta ku saabsan iyo waxa dhex mara labadooda waa Xaraam inay bixiso sirtaas. 12-Waa inaysan soomin soon sunno ah ayadoo uu ninkeedii joogo ilaa uu u idmo ma ahane. 13-Waa inay wanaajisaa la dhaqanka labadiisa waalid iyo qaraabadiisa dhan, si wanaagsan waa inay ula dhaqantaa. 14-Waa inay gabadha noqotaa mid la dadaasha ninkeeda oo ku dadaasha noloshaa wanaagsan oo uu Alle dhex dhigay inay noqoto mid daa'inta oo jirta,marnaba "furiin" ku fakarin ooysan waligeed waydiisan furiin,marnaba khuluc waydiisan ilaa ay diinteeda u baqdo mooyaane. 15-In hadii ninkeda Alle oofsado oo uu geeriyoodo waa inay 4 bilood iyo 10 habeen u samayso"asay", waxaa laga rabaa mudadaas xumaantii uu u diidi jiray markuu noolaa inay sideedii hore uga fogaato, dadkii uu jeclaa ay u sammo fasho oo ay siduu u xariirin jiray ay u xariiriso Intaa waa xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa. Waxan ka soo naqliyay arimahaa aan soo sheegay cajalka"Xuquuqu-zowjayn" ee Sheekhanaa Cabdullaahi Xasan Xaashi"Berberaawi" xafidahullaah. Waxaan jeclaystay inaan ku ziyaadiyo waano aan ku waaninayo gabadhaha. Walaalahayga aan jeclahayow Xaqqa zawjka"ninka ku qaba" waa Cadiim"mid wayn"ee aan ogaano sidaa mana ahan inaan sahlano ,dariiqa aad janno ku galayso walaashayay waa raali galinta zawjkaaga,maxaa yeelay marka aad zawjkaaga u baari fasho ood adeecdo Allaah ayuu ku xamdin oo waxuu ku dadaali siduu kuu wanaajin lahaa adiga. Waa inaad ka farxiso zawjkaaga mar walba,guri nadiif ah iyo adigoo qurux iyo nadaafad leh uu ku arkaa mar walba,ee aysan noqon gabadhii sidii carabta ku maah-maahi jirtay"qirdun fil-bayt......wa ghazaalun fi-shaaric",markay guriga joogtana ay daayeer u ekaato,markay dariiqa socotana ay deero u ekaato,waa inay markay gurigeeda joogto sida ugu qurux badan u labisataa. Waa inay gabadha kula dhaqantaa ninkeeda jeclaan iyo naxariis oo ay dhowrto shucuurtiisa oo ay mar walba ka war hayso siduu dareemayo zawjkeeda,oo ay mar walba waraysato hadii dhib ka soo gaaray shaqada ama banaanka, oysan marnaba hadal uu ka naxo ku dhihin ,hadii khilaaf dhex marona waa inaysan banaanka u saarin arintooda oo ay ayaga dhamaystaan. Maadaama Rabigeen wax aynaan awoodin uusan dusha inaga saarin, ma ahan inay dadku dusha iska saaraan wax uusan qofka kale awoodin, sidaa darteed zawjkaaga wax uusan awoodin ha ku dhibin dhan walba. Ugu danbeyntii waa inay gabadha ku dadaasho xuquuqdaas oo idil oo aysan ka gaabin ayna ka soo baxdo xuquuqdaas hadii ay doonayso Janno lagu waarayo iyo barwaaqo aan dhamaanayn, sida ay u gudan karto xuquuqdaas na waa inay la timaado marka ugu horeysa inay Allaah adeecdo ooy raali galiso Rabigeed ka dibna zawjkeeda raali galiso ayadoo raali-galinta zawjkeeda ku raadinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay. Alle ayaan ka baryaynaa inuu gabdhaha Islaamka ka dhigo saalixaat........aamiin... Wa salaamu calaykum
  4. Zaahidah

    Apology.

    As salaamu calaykum ikhwaanii. Allaah yajziikum kheyral jazaa',Mohamoud Baari,Warrior of light,Miskiin.M.Aqiyaar and Muhammad. You guys made me feel much better I really appreciate that. Wasalaam
  5. Zaahidah

    Apology.

    As salaamu calaykum ikhwaanii. After I posted some articles in Somali,one of the nomads in SOL has informed me that the majority of the people in SOL are not able to read Somali. Since I didn't know that,I would like to apologize most sincerely to those who were not able to read my articles. Please accept my sincere apology. Wasalaaamu aleikum. -------------------------- Allaahuma thabitnaa! may Allaah make us firm in the Deen.
  6. As salaaamu calaykum. Alxamdulillaah,wa salaatu wa-salaamu calaa Sayidul-Mursaliin. Ikhwaanii Fi-llaah marka aan baranayno Diinteena waa inaan Caqiidada iyo Towxiidka ka bilownaa,maadaama aan la soo koobi karin kutubta ka hadla caqiidad iyo towxiidka waxaan halkaan inoogu soo gudbin qaar ka mida kutubtaas bi-idnilaah. Magaca Kitaabka iyo Sheekha qoray Kitaabka 1-Al Usuulu-thalaatha by Sh.Muxamad ibn Cabdul-wahaab " raximahullaah" 2-Caqiidat Al-waasidiyah by Sheykhul Islam ibn-Taymiyah' raximahullaah' 3-Caqiidat Adaxaawiyah by Abii Jacfar Ad-daxaawi" raximahullaah" 4-Kashfu-Shubuhaat by Sh.Muxamad ibn Cabdul-wahab" raximahullaah" 5-Caqiidatu-Salaf by Abuu-Cuthmaan As-saabuuni" 6-Ictiqaad A'imat Ahlul-xadith by Abi-Bakr Al-ismaciili "raximahulaah" 7-lumcatul Ictiqaad by Muwafaqudiin Ibnu-Qudaamah Al maqdisi " 8-Al qowlul-mufiid calaa kitaabu-towxid by Sh.Ibn-Cuthaymin " 9-Al qowlul-mufiid fii Adilatu-towxiid by Muhamad ibn Cabdul-wahaab Al-wasaabi "xafidahulaah"Yemen ku nool" 10-Al-ibaanah can Shariicat Al-fiqah Al-naajiyah by Sh.Ibn Badah Al Cukbari " 11-Aclaam Asunah Al-manshuurah li-ictiqaad Ad'daa'fat Al-naajiyah Al-mansuurah by Sheekh Xaafid ibn-Axmad Al Xakami "raximahulaah" 12-Kitaab Ashariicah by Imam Al-Aajuuriy'raximahulaah' 13-Risaalah Al-Madaniyah by Ibn Taymiyah " 14-Risaalah At-tadmuriyah by Ibn Taymiyah " 15-Al-iqtisad fil-ictiqad by Cabdul-Qani Al Maqdisi " 16-Aduraru-Nadiir fii ikhlaas attowxiid by Imaam Ashowkaani " 17-Iqtidaa Siraadul Mustaqiim by Ibn Taymiyah " 18-Icaanatul-Mustafiid bisharx Kitabu Towxiid by Sh.Saalix Al Fowzaan xafidahulah 19-Taysiir Al-Caziizul Xamiid by sh.Suleyman ibn Cabdulaah "raximahulaah" 20-Tad-hiir Al-ictiqad can Adraan Al-ilxad by Maxamad bin ismacil Sancaani. Kutubtaan ayaa wanaagsan inuu ka bilaabo qofka baranaya Caqiidada iyo Towxiidka,Allena waxaan ka baryaynaa inuu Caqiido Saxiix ah inagu sugo....aaamiin. As-salafiya
  7. Alxamdulillaah wa salaatu wa-salaamu calaa Sayid-Al-mursaliin,amaa bacd. Waxaa lagama-maarmaan ah inaynu ogaano Cilmiga waxa uu yahay iyo Ahmiyadiisa. Cilm maxaa la yidhaahdaa? Cilm marka laga hadlayo waxaa loola jeedaa Al Cilmu-sharci"Cilmiga Diinta" , waana Cilmiga ugu horeeya ee qofka Muslimka ahi ku waajibka ah inuu barto si tafsiil ah. Al Cilm waxaa la yidhaahdaa"Macrifatul Hudaa bi-daliilihi" hanuunkii oo la aqoonsado,daliil na uu ku aqoonsado qofkii,si hadii Usuusha wax laga waydiiyo oo maxaa saa u tidhi la yidhaahdo uu oranayo Allaah ayaa sidaa yidhi , Rasuulkaa"salalaahu calayhi wa salam" sidaa yidhi,waxaa kaloo Cilm la yidhahdaa"idraaku shay calaa maa huwa calayhi idraakan jaaziman", shaygii oo sida uu yahay loo aqoonsado,isagoon shaki ku jirin. Cilmigu faa'iidooyin badan ayuu leeyahay aynaan halkan kusoo koobi karayn, hadaan in ka mida ka sheegno waxaa ugu wayn inuu Cilmigu yahay Cibaado, Allaah (Caza wa jal) waxa uu inoo sheegay in dadka Cilmiga lihi ay maalinka qiyaame dadka kale darajooyin dheeryihiin,wuxu kaloo Allaah inoo sheegay in dadka Cilmiga lihi ay Allaah ka cabsadaan,Salafkii waxay odhan jireen" Al cilm Salaatu-sirri, wa cibaadatul Qalb"oo uu micnaheedu yahay Cilmiga waa salaadii qarsoonayd waana Cibaadadii qalbiga oo loola jeedo qofka Cilmiga ku jira ee dalbaya"baranaya" Cibaado ayuu ku jiraa. Imaamu-Shaafici iyo Imaam Axmad waxay yidhaahdeen Salaada sunada ah waxaa ka fadli badan Dalabul Cilmiga"inuu qofka Cilm barto",inuu qofka salaad sune ah habeenkii tukado waxa uga fadli badan inuu kusoo jeedo inuu Cilm barto, markaa waxaa muhiim ah inaynu ogaano Cilmiga ugu horeeya ee nalaga doonayo inaynu barano waa Caqiidada iyo Towxiidka,Ibn Cuthaymiin"raximahullaah" wuxuu yidhi"Man xurimal Usuula xurimal wusuul"markaa waa inaynu Usuusha baranaa oo Fanni walbaa aynu ka bilownaa Aasaaskiisa iyo meesha laga bilaabo. Waxaan Shaki ku jirin inuu Cilmigu yahay furihii kheyrka oo idil,Xasan Al Basri wuxuu yidhi"Al caamilu calaa ghayri cilmin ka saaliki calaa ghayri dariiq, wal caamilu calaa ghayri Cilmin maa yufsidu ak-tharu mimaa yuslixu" oo uu micnaheedu yahay qofka Camal falaya Cilm la'aan wuxuu la mid yahay qof ku socda Waddo la'aan. Al Imaam Axmad na wuxuu yidhi"Al Cilm laa yacdiluhu shay'un liman saxat niyatahu" Cilmiga wax u dhigma oo la mida ma jiraan qofkii ay niyadiisu wanaagsanaato oo niyad wanaagsan ku barta. Waxa kaliya ee Nabigeena"Salalaahu calayhi wa salam" lagu yidhi Allaah waydiiso inuu kuu ziyaadiyo waa Cilm, aayadii micnaheedu ahaa " waxaad tidhaahdaa Rabiyow Cilm ii ziyaadi", inagana waa inaynu Allaah ka barinaa inuu Cilm inoo ziyaadiyo inshaaAllaah. Waxan ka soo naqliyay arimahan aan kor ku xusay Kitaabka Sheekh Ibn Baaz"raximahulaah"Ahmiyat Al Cilm",Sheekhana Cusmaan Macalin iyo Kitaabka Xilyat Daalibul Cilm ee uu Sheekh Bakar Abu Zeyd qoray. Wasalaaam
  8. Assalamu alaykum . Alle ayaa Mahad leh Nabigeenana "Salallaahu calayhi wa salam" intaa kadib, inshaAllaah waxan halkan idiinku soo gudbin 4 Qaacido oo fiqh ah. 1-Kulu Najis Xaraam. Wax walba oo Najaaso ahi waa Xaaraam. 2-Laysa Kulu Xaraam Najis. Wax walba oo Xaaraam ahi ma ahan Najaaso. 3-Kulu Xalaal Daahir. Wax walba oo Xalaal ah waa Daahir. 4-Laysa Kulu Daahir Xalaal. Wax walba oo Daahir ahi ma ahan Xalaal, sida sunta oo kale.......suntu waa Daahir laakiin Xalaal ma ahan. Waxaan ka soo qoray Qaacidooyinkan Sheekhanaa Cabdullaahi Xasan Xaashi"Berberaawi" xafidahullaah. Nas'alullaahal caafiyah.........wa salaamu calaykum wa raxmatulaah. As-salafiya