Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Abwaan


  1. MoonLight1;838777 wrote:
    ;)
    ma waxaa rabtaa in ASWJ ay sue-gareyso SOL, sheekadu hadey saa noqoto LSK lacag badan baa laga rabaa. lol

    LST lacagta qaaraan ahaan baan u aruurinaynaa oo beesha SOL bay arrintaasi u taal. Maxaan samaynaa haddii xubintii argagaxisadu naga maqan tahay? lol


  2. Libaax-Sankataabte;838775 wrote:
    Most of them are here using other usernames (abandoned old ones, etc).

    LST aniga kan leen qabaa ee adiga meeqo magac oo kale ayaad leedahay? other than the admin?:D Qarxis time. Let me guess...........


  3. Axmed Jaamac waa raggeedii. May Allah protect him. Dadkaan wada suudadka xiranaya oo jago-doonka ah intay basaskii iyo tagaasidii iska dhigeen may sidaas u shaqaystaan intay xirfad kale bartaan, amaba tagaasi iyo basas horumarsan Soomaaliyaba ka bilaabaan. Wasiir iyo Xildhibaan dadku ma wada noqon karaan ee inta caqliga, aqoonta, kartida, daacadnimada iyo waayo-aragnimadeeda leh in loo daayo ayaa ku habboon. I am looking forward to visit him either end of this year or next year insha Allaah.


  4. LayZie G waxaan filayaa inay maqaayad ay halkaan ka xayeesiinaysay ay furatay:D..Maaddeey sida la sheegayo qaraxii Dhuusamareeb ka dib waa la waayey. Waa in Ahlu-Sunno Waljameeca ay SOL warqad u qorta ay ka codsanayaan in maxaabiistooda laga soo dhex-raadiyo. Inta kale ma aqaan meel aan ku sheego.


  5. Here come some individuals (I do not know inaan magacyo sheegsheego) Beelahooda meelahaan ku xayeesiiya, amase hoggaamiye iskus heegyo dad xasuuqa hantina dhaca buunbuuniya oo dowladda ku billaabay inay caayaan. Waxaa la yaab ah berri markii mid ay waxisku yihiin qabtana way ammaani doonaan. Soomaaliya beel dambe ka talin mayso...ee taas ogaada. Askarta dowladduna malaa'ig ma ahan oo waan ognahay, Shariifyada, Cabdiweli iyo ragga horboodayana wakhtigoodii waa iska dhammaaday oo xaalad kala guur baa lagu jiraa ee yaan indhaha la is tirin. Meeshaan waa Soomaaliya, khaasatan koofur Muqdisho, Hal beelna ma deggana oo hal kaabaqabiil wax ka maqasha ee dad isku dhafan oo xittaa dhalasho, lahjad iyo dhaqan ku kala duwan ayaa deggan maalinba in baa horumar la samayn.


  6. Soomaalidu maba is arkaanba khaladaadkooda, maalin dhoweyd xitaa markii laga hadlayey mowduuca ah Soomaalidu ma fiican tahay, sababtaan awgeed baan ugu qoray CUNSURINNIMO in far waaweyn.:DIlaah dadkeenna ha caafiyo, cudur ka xun ma jiro inaad qof walaalkaa ah Soomaali, muslim ah aad iska korreysiiso iyo qof kale toona.


  7. *Blessed;838757 wrote:
    LOL. That's so unfair. How is that allowed? Oo Kenyati badanaa meeshu, do they send awhole village? hahahaha.

    Blessed. Nin ganacsade ah oo Soomaali ah baa beryihii Afka Carabiga ka baro raadiyaha oo aan Carabta galnay haddaan Soomaali nahay ayaa waxaa la weydiiyey Af-Carabiga ma taqaan? Markaas buu yiri "Oo maxaan kale oo wax ku gattaa?" Hadda Kenya maxaa kale oo ay ku shaqaysataa aan ka ahayn oroddada:D


  8. wyre;838683 wrote:
    I Will, Xaafaddee Ku Yaalaa Sxb?

    Hadda dhul ha isku gadan, Oba xitaa ha ahaatee:D...ma akrin miyaa in labadii Kaalin Shidaal ee Lambar 4 ku taalley xitaa waa la xaraashayaa. Waxyaabaha loo baahan yahay in laga fekero oo isla markiiba ay ahayd in dowladdu ay xoogga saarto waa dhulalka iyo guryahay la kala dhacay. Every dowlad ignored this while creating wasiirrada Dalxiiska, tii Farmaajo iyo Cabdi-Weli ma hubo inay jagadaas jirto though...Yaab badanaa...Iyadoo meesha ugu badan ee dhulka la dhacay ee Xamar tahay ayaa haddana waxaa runtu tahay in meel kasta oo Soomaaliya ku taal dhul la kala dhacay..Xitaa Hargeysa oo dad lagu laayey bishii dhammaatay waan arkeyney. Arrintaan mid sahal ah ma ahan....Soomaaliduna dhul iyo xoolo-boobka weligeedba waa taqaanney in kastoo dagaallada sokeeye ka dib ay bahashu sii waalatay.


  9. Nabad = Peace

    Midnimo = unity

    Horumar = Development

    Kulayl = Heat

    Qaboow = Cold

    Samir/Sabar = Patience

    Wakhti = Time

    Abwaan = Poet

    Fannaan = Heesaa

    Hoggaamiye = Leader

    Dhallinyaro = Youth


  10. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;837904 wrote:
    Soonka bisha dambe waaye, gaalada feestadoodana bisha toban iyo labaad waaye. See camal, Hilowloow, ma kuu baxoysaa caawa oo makugu jirtaa?
    058.gif

     

    Xamar dadka wey aadoyaan, laakiin laguma soo daahooyo, I don't know. Few days iyo few weeks lee la aadoyaa. Koley bilooyinkaan soo socdo qoysas badan aadaayo filaa.

    lol MMA waa iga boobtay warkaan dhihi lahaa, Oba Chirsmass ku lahaa...Saaxiib Ciidda ma iska dhehdidoo?:D Teeda kale bal horta meeshu nabad la isku hubo ha noqoto waaba la tegi doonaa Insha Allaah.

     

    Libaax-Sankataabte;837992 wrote:
    Oba, I will accept the December 2013 invite Insha Allah. Let us give the Turkish initiatives 18 months to take hold. This is a short notice you are giving us awoowe.

    Lol..LST waxaan filayaa wuxuu is leeyahay by then, SOL moderators arresting power inay Muqdisho ku yeeshaan dowladda waa laga qalqaalin karaa illeen iyagaa la socda doodaha meeshaan iyo siday u dhacaan, maadaama laga yaabo dadka qaar inay feer isku qaadaan markii la is arko...:D


  11. Liban;837972 wrote:
    From the African secret service like guards, I am guessing somewhere near Tanzania-Kenya border. Arusha to be exact.

    :D. Is this Masawir la soo qaaday oo meesha la dhigay mise waa run? Lol....Wallee Sharif teg. Mursal Saney baanba u jeedaa his Chief of protocol marka waaba isagii:D