dambarsame

Nomads
  • Content Count

    212
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by dambarsame


  1. Originally posted by The Zack:

    these high ranked three politicians debating on a very respected international tv are all from the same family, now can u tell when was the last time an internation tv considered to talk to three high ranked pirates or lowyo kuus members?
    :D:D
    . That being said, I see you are still bitter, are you still being abused in San Diego?

    although to be in same family doesn't make any sense, I am sure all the three don't belong to same family.


  2. Dhuusa-Mareeb(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey oo APL ka soo gaaraya gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano aan wax badan ka fogeyn magaalo Madaxda gobalka Galguduud ee Dhuusa-Mareeb, iyadoo ay dagaaladi udhaxeeyaan Xarakada Al- Shabaab iyo Ahlu Suna.

     

    Dagaalada oo kadhacay deegaanka lugu magacaaba Ceel-Bulacle, oo masaafo dhan 40 KM,uyira magaalo Madaxda gobalka Galguduud, waxaana dagaaladu ay kadambeeyeen markii ay kooxda Ahlu Suna ciidan udirtay deegaankaas, balse ay ku soo baxeen Xarakada Al- Shabaab.

     

    Inta la og yahay dhimashada dagaaladii ugu dambeeyey ee kadhacay Galguduud ay sababeen ayaa kor udhaafaya 25 ruux, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo laga helayo dadka deegaanadaasi.

     

    Xubno ka tirsan Shabaabul Muajaahidiin ayaa sheegay in ay qabsadeen deegaankaasi,isla markaasna ujeedadu ahayd sidii ay deegaankaas ay uga celin lahaayeen ciidan loo soo diray, iyagoo sheegay in ay hada hayaan deegaankaas oo gacantooda ku jiro, ayna doonayaan in ay gobalkaas kahirgaliyaan Shareecada Islaamka.

     

    Ahlu Suna ayaa dhankeeda sheegtay in ay ku howlan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd xaaladaha culus ee kaga soo habsaday gobalka Galguduud oo ahaa mesha kaliya ee ay kooxdaas maamuleysay, heshiisna ay kula gashay dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

     

    Dagaalada Galguduud ayaa maalmihii ugu dambeeyey soo kordhayay, waxaana la xaqiijiyey in ay socdaan qorshayaal dagaal oo adag oo ka socda Galguduud, oo ay hormuud ka yihiin Xarakada Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Kooxda Ahlu Suna oo taageero kahalayso dhinacyo kala gedisan oo ay ugu horeeyaan dawladda KMG ah.

     

    F. C. Maxamed

    AllPuntland


  3. Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

    Damarsame, waa nin qalbi fiican laakin uma bilawna wax badan oo xaalada gobolkaas ah. Intay ku qufuleen quful made in china ah oo three-circle ah ooy ku qoran tahay 'maa si nabadgalyo ah wax lagu raadsado' ayey furihii tuureen!
    :D

     

    adminstartion, iyo torture iyo dhibaatada dadka haysata iyo sida nabadgalyo wax loogu raadiyo umba biloowna walaalkeen.

     

    Xabadda dhacaysa inay tahay ta nabad lagu raadiyo miyuuna ogeyn?

    :D:D:D wallaah ma saas baa iyadaba aynu u deyno maka :D:D


  4. Mr. peacenow

     

    having seen your signature implaying how hell you hate the arabs and those following their footsteps (of coarse utterly muslims), I thought that you are an atheist.

    but now in reference of your post I realized inaad gaal kitaab leh tahay :D .

    anyway thumbing where you took the reference you can get more places of it that ALMIGHTY cursed the jews through the tongues of david, moses and jesus.


  5. war iyo wacaal

    dheg iyo dhaban

    dhaqan iyo dhaqaale

    hadal iyo hunguri

    dhig iyo udub

    dhays iyo dhaleed

    inan iyo inan( :D )

    beled iyo baadiye

    bur iyo bahal

    talo iyo tusaale

    nin iyo naag( :D )

    arrin iyo aqool

    dhur iyo dheef

    gal iyo gelgelin ( biyo ku jiraan)

    taag ito tabar

    tawal iyo tallan

    xoog iyo xeelad

    tub iyo toobiye

    tix iyo tiraab

    qub iyo qac

    qawl iyo qiil

    xeer iyo xaajo

    ab iyo isir

    sinji iyo sawrac

    boon iyo bilis

     

     

    :D


  6. waa mid kale

     

    Soomaalidu intaan isticmaarku u iman waxay u kala degganeyd qabiil qabiil (ood ood) qolo walibana si uun ayay isu maamuli jirtey degsiimaduna miyi ayay u badnayd meelo aan badnayn oo xeebaha ah ma ahee.

    annaga xaggayaga waxaa ka jirey maamul boqor oo hab maamul kistoo isku dubaridan lahaa sida: ciidan, nuwaab, qudaat and so on , xaruntiisu tahay magaalada baargaal.

    haddaba waxaa jirey nin la oran cawad ilka-maddane

    oo xukunka dilka ah ee qaadiyaashu xukumaan fulin jirey, ninkaasi aad ayuu u aamminsanaa boqorka oo wuxuu u qabey inaan cid ka amar weyni jirin.

    haddaba maalin ayaa nin wacdiyey cawad oo ku yiri dadkan aad laynaysid waa laguu qabsan doonaa iyo hadallo badan oo waano camal ah, hadalkoodiina wuxuu u dhacay sidaan:

     

    Ninkii: cawadoow dadka dilkiisa iska daa hadda kii ugu dambeeyey oo aad dishey wuxuu kugu sugayaa luxudka (iilka, yacni xisaabtiisu).

    Cawad: kaas anaa ogoo meelna igu sugi mayo waayo markaan seefta kula sii socdey siduu u gariirayaan arkayey.

    Ninkii: cawad miyaadan naar ka baqayn?

    Cawad: dhib ma lahoo aniga lay cadaabi maayo waayo xataa haddii safka cadaabka laygu daro boqorkaa oranaya ii soo daaya wiilkayga cawad ah annagaa jannada isu raacaynee.

    Ninkii: oo boqorku inuu janno tegayo miyaad ogtahay?

    Cawad: hadday saas tahay jannada boqorkuba waayey maxaan ku falayaa anigu.


  7. anna bal tan iga qabta

     

    waxa la yiri laba nin oo xamar gaari dameer kaga shaqaysta ayaa fiidkii makhaayad soo galay, waxaa aad laysula dhacay khamiir (muufo), haddii ay makhaayadii ka soo baxeen ayaa mid baabuur dar-darey dad badan baa meeshii ku soo xoomay oo sxbkii oo naxsan weydiiyey war ninka ma garaneysey, ninku ma dhintay iyo hadallo badan oo saas, ninkii sxbkii gaarigu maray ayaa hal mar sidii wax hurdo kasoo toosay yiri " haba iska dhindhee wallaahi halka badar ah oo ku qasaaray aa iiga daran"