gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Aragtidayda jabuuti waxay la mid tahay ilmo yar oo waalidkii dhalay oo xanuunsan ku kor ciyaaraya.

    Siyaasadeedana waxaa ku jira degdeg aad u badan, mana wanaagsanayn in safiirkoodu afka furto ayadoo dherigii markaa dabka la saaray.

    Horta marka hore jabuuti waa soomaali dal iyo dadba haddii dal ka maqanyahay wuxuu ka maqanyahay soomaaliya.

    Dawladdii hore ee kacaanku niyad ahaan uma aqoonsanayn dal ka madax banaan dhulka soomaalida.

    Balse way ku tix gelin jireen inay madax banaanaadaan ayagoo isku fillan oo qurux badana shucuubta caalamka wax la qaybsadaan.

    Tusaale 

    Dadka reer jabuuti soomaaliya wax "visa" ah ama dal ku gal laguna xiri jirin, waxayna la mid ahaayeen ama la xaquuq ahaayeen kuwa kale ee ku nool dhul waynaha soomaalida

    Taa badelkeeda soomaalida kale waxaa waajib ku ahayd inay "visa" ku galaan jabuuti si aysan u hafin tiro ahaan walaalahood ka yar.

    Tan labaad

    Safaarad looma ogolayn inay muqdisho ku yeeshaan oo macnaheedu yahay dal isku mida dadkiisu waa isku maslaxad

    Burburkii kadib

    Jabuuti waxa ay soomaaliya u qabatay waa waajib ay ku khasban tahay inkastaba awoodeedu ha la'ekaato(laa shukran calaa waajib)

    Qof kastaa oo caaqil ah oo maskadiisu joogto wuu garan karaa haddii aysan somaaliya jirin inaysan jabuuti jirayn, wakhti dheer iyo mid gaabanba.

    Eritrea dadka soomaalida waa uga dhawyihiin ethiopia dhanka siyaasadda iyo aragtidooda fog intaba

    Mar walbana maslaxadda somalia iyo eritrea iskuma dhici karto sababo badan awgood  wayna kala saaran tahay dhan kastaba.

    Xataa halgankoodii hore qaybta ugu muhiimsan waxaa lahaa soomaaliya waxaana loo ogolaa inay qaataan baasaboorka soomaaliga ah oo berigaas qiimo badnaa.

    Hadaba waxaa laga yaabaa inuu juhdiga farmaajo uu noqon karo kaalin sharafeed iskusoo dhaweeya jabuuti iyo eritrea  

    Balse sida soomalida caadada u ah waxay u bateen xaqiiro aan qofna libin u ogolayn ayagoo ku gawracaya wax kasta qabiilaysi.

    Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mida siyaasi xaqiraya kaalinta dalkiisa  qaybteeda qurxoon sida u jinsiyadda dalkiisa ku matali karo, waa la yaab iyo gunimo meeshii ugu hoosaysay.!!

    Xataa jabuuti waxay ka jeclaan lahayd in kaalin sharafeedka in ethiopia lasiiyo sababtoo ah ayagaa mudan oo ka baxsan xayndaabka qabiilaysiga ee soomaalida ka reebay umadaha kale.

     

    • Thanks 1

  2. Maya walaal xaji uguma liitaan somaalida waxaa ugu liita aragtidayda qofkaan kala saari karin xaqiiqda iyo khiyaaliga ama aan kala garan karin dhulka soomaalidu inuu yahay daahir barakaysan oo umadda soomaaliyeed leedahay meeshuu doono haku yaalo.

    Tan horumarka waa sax in gedo noqotay meel dagaaladu ku bataan waxaana u sabab ah sidaan is leeyahay waa gobol aad uga wayn labo jeer jamhuuriyadda sacuudigu aqoonsaday, laguna dhuuman karo oo ay adagtahay in la kontoroolo dhanka buuraha jidadka la maro iwm.

    Rumee ama ha rumayn waxaan kasoo shaqeeyay mudo kooban hay'adahan somaalida caawiya mid ka mida oo islasmku leeyahay, in kooban

    Cabud waaq waxaa ku yaala 32 ceel biyood ama matoor sida somaalidu u taqaan, guri walbana waxuu helaa biyo waafi ah oo tuubo dhulka soo marta  ugu yimaada.

    Berbera waxaa ku yaal lix ceel motoor oo dhawr ciladdaysan yihiin dameerku jid uu marana ma leh iyo xataa hargaysaba waa meesha qudha aduuka oo mooto biyo lagu dhaamiyo.

    Taas macnaheedu waxaa weeyaan tuuladaas nolosha asaasigeeda way kaga hormarsan tahay magaalooyinkaas waa wayn oo soo jireenka ah ama la doonayo in london lala mataaneeyo.

    Usoo noqo mowduuca

    Sacuudigu cid ma aqoonsado asagaa wax aqoonsada u baahan ismana lahayn warqadaas wariyuhu ka akhriyay daaha gadaashiisa oodweyne way ka farxin doontaa.

    Xataa ma'ahan niqaash ama falanqayn aqoonyahan lagu casuumay oo noo sababeeya faa'iidada ugu jirta soomaalida iyo jaamacadda carabta iyo caalamka islaamka kala tagga soomaalida.

    Wariyuhu wuxuu akhriyay warqad uu qoray mujaahid beeneed duqoobay

    Wuxuuna ku bilaabay waxaan ka xorownay siyaad barre oo na gumaysan jiray kalmadda cabuudiya wariyaha rasmigaa kuma dhiirado dhaqanka carabta iyo baratakoolka saxaafadda labadaba.

    Carabtuna way yaqanaan siyaad barre wuxuu ahaa wayna u duceeyaan waxba kama sheegaan aan wanaag ahayn  mana iloobin, haybadii soomaaliya ku lahayd jaamacadda carabta iyo caalamka intiisa kaleba xiligii taliskiisa 

    Ilaa iyo hadda ama iminka sidaad u taqaan barqiyadda tahniyada soomaaliya waxay usoo diraan 21'ka oktoobar wax up-date ah kuma samayn sababtoo ah maysan arag soomaali nool oo dadnimo ka muuqato wixii asaga ka dambeeyay.

     


  3. Dawladda dhexe iyo federaalka wax xumaan ah kama dhaxeeyaan aragtidayda

    Nimankaan federaalka hogaamiya Waxay la dagaalsan yihiin shacabkii ay mataleen oo daacadnimo ka waayay iyo doorashooyinkoodii oo soo dhawaaday sidaa daraadeed waa inay furaan jabhad cusub oo sida ay is leeyihiin u cimri kordhiya.


  4. Sodon sano oo wax kasta oo wax kasta laysku xiray lafo bini aadam dhulka kasoo saar,  ingiriiska lagu hor rafto, suuf iyo xabag laysku xiro, aqoon yahan iyo culumo dibadda loo diro, ictirasfkii ma wuxuu kusoo af jarmay telefishin sacuudi ah yaa magaceena soo hadal qaaday??!

    (laa xawla walaa quwata ilaa bilaah ilaahow umadda soo hadee oo caqligooda usoo celi)

    War sacuudigu makala yaqaan koonfur iyo waqooyi iyo bari, ayagoo  isku basaboor wata, yuu god ku ridaa, oo si isku mida oo simman usoo wada tarxiilaa ee sida isu dhaama. sidaanu si ma'ahan dhimasho iyo dhareer wada socda somaalidu ma jeclaan jirin.

    ingiriis waa laga quustay sacuudigaa nasoo hadal qaaday jabhad hor leh oo cusub bay abuuri doontaa iyo fashal sii xumeeya xaaladda wareersan oo hadda jirta.


  5. Kolay si fiican uma fahmsani waxa loola jeedo beelaha ****, haddii loola jeedo wax alle waxaan ahayn beelihii horay hogaanka u hayay oo xulufo ahaan ayadoon dhalasho jirin waraaqaha lagu mideeyay, waxaa ka wanaagsanaa ayagoo xisbi ku badela qabiilka, waxayna heli lahaayeen qabiilo badan oo labadaa beelood ka baxsan oo misaankooda wax un ku kordhin lahaa sida kuwa la hayb sooco dadku waa tharwa kama daro.

    Abtigiis waxaa uga daran beelahan tabanaya sidaan filayo, gudaha beeshiisa oo isu aragta qowmiyad balaaran oo dulumka ugu wayn ayaga kusoo dhacay waana tan keenaysa inuu u ekaado nin u sad burinaya beeshiisa

    Aragtidayda waa nin wax u kala saaran yihiin oo asaga qudhiisu dhibku soo taabtay, haloo samro intuu marada geedka ka fuqsanayo yaan la degdegin, ina illeyba ayadoo la aamusan yahay oo wax shira jirrin yaa loo samri jiray.

    • Like 1

  6. Ogolaashaha reer galbeedku ugu geliyeen koofiyadda cagaaran itoobiya iyo kenya oo lagu magacaabay nabad ilaalinta Amisom, waxay ahayd tijaabadii ugu muhiimsanayd oo reer galbeedku ku barayay kenya iyo itobiya inta soomaalidu qodon tahay ama wadaniyadoodu le'egtahay.

    Reer galbeedku way guteen waajibkoodii diiniga ahaa ama ka saarnaa  in afrikaanka lagu baro cudurka soomaalida haya nooca uu yahay iyo meesha uu ka hayo inay maskaxda tahay.

    Kenya waxaa usoo baxday inay somaaliya ku noqoto 70,malyan xeebuhuna isku noqdaan ku dhawaad 3900km marka laysku daro labada dal.

    Waa dawladdii u qayshan jirtay ingiriiska markii dhawr nin oo boojisa oo maroodiga laaya lagu sheego hawdkooda.

    Waa hawo hal mar kasoo booday eber oo istaagtay boqol.

    itoobiyana waxaa usoo baxday in cid ka xigtaa aysan jirin xeebahaa iska baylahan iyo dhulkaa Gaaz'ku buuxo ama dhaxal goroyo dhabad baa leh.

    Somaalida waxaa usoo baxday inaysan wada noolaan karin beelahana xuduud loo kala sameeyo haddii isku dhac iyo dhiig yimaadana caalamku soo kala dhex galo sida puntland iyo snm oo kale tusaale ahaan

    Soomaalidu waa diin jooharad liqay oo hadana qolof lahayn, qorax iyo qabow midna uma adkaysan karo.


  7. Nasiib daro fikirka ninkaasu qabo waxaa la aaminsan soomaalida oo dhan (illaa man raximu-laah)

    Maxaa u sabab ah in sidaa loo fekero?

    Kow dastuurka waxaa lagu saleeyay qabiil ama 4.5 oo macnihiisu yahay beeshii madaxweynaha dhexe heshaa, jufada uu kasii dhashay, ha lagu tunto ama ha la dulmo, ayadoo sharciga federaalku dhigayo inaysan hadli karin maadaama wiilkoodu kursiga fadhiyo.

    Muxuu kusoo kordhiyay qabiilkiisa intii uu farmaajo hogaanka hayay?

    Waxaa diyaarado lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan asagoo ku mashquulsan masuq maasuq dhiigga reer muqdisho la fal galay

    Dumar caano teel ahna waa la kufsaday ayadoo uu u fadhiyo shirka looga hadlayo gudniinka fircooniga ah iyo sidii looga dabar goyn lahaa dalka.

    Axmed madoobe wuxuu ku takri falay maamulkii hoose iyo dhuxushii, asagoo ku koobay 5km, oo fadhi ku dirir dawladda dhexe ugu fillan.

    Ilaa samankii siyaad barre beeshaasu waa dulmanayd intaan ka ogahay ayadoo soomaalidu ugu abaal guday neef kulul, oo waliba ku eedaynaya inay naaskii irmaanaa oo caanaha lahaa keligood dhuuqi jireen.

    Wuxuu siyaad barre mashruuc fuliyay hal kuma lahayn gobolkaas loogu abtiriyay dariiq baabuur marana haku ahaado

    Farmaajo waxaan kula talin lahaa wax kastoo soomaali u gasho kuugu abaal gudi maayaan wadadii adeerkaa ha qaadin oo ha isku darsan in taariikhdaadana la inkiro iyo inaadan reerkaaga wax uqaban.

    Sawirkaa aadan cadde oo madaxa kuu saaran ku badel maxamed siyaad barre asagaa dalka abaal iyo xaqba ku leh, inta ordaysa ilaa waqooyi ilaa barri ilaa raas kasnbooni oo aad ku jirtana wax soo baray

    Dastuurku wuxuu ogalyahay oo lagu heshiiyay in madaxweynuhu beeshiisa wax u qabto sharci daro ma'ahan mana xuma dhaqanka suuban sadaqadu waxay ka bilaabataa qoyskaaga oo weligiisba dulmanaa

    Xassan sheekh ilaa No'4 ka bilaw shineemadii ekwatore ilaa gurigii khadiijo afarsano guduhood yuu ku kala tuurtay waa hanti ku qorran dumarkii u dhaxay ama marwooyinkii dalka iyo walaalahood. 

    Maantana soomaalidu waxay ku doodaysaa in loo darsaday oo aadan meesha waxba ku hayn.

    Far kaliya fool ma dhaqdo meesha ama ka maqnow ama ka shaqayso oo qabiikaaga wax u qabo.

     

     

    • Like 1

  8. Cadnaan walaal

    Way dhici kartaa inaad igu cabirto Qabiilaysi inaad igu xijiso labadaa nin, balse xaqiiqda iyo reerkaan kasoo jeedo alle iyo anigaa og.

    Aan kuu kala saaro labada nin 

    Siyaad barre alaha u naxariistee wuxuu ahaa hogaamiye toggan oo sharaf oyo magac dalkiisa iyo dadkiisaba la jeclaa kuna maamulay.

    Farmaajo waxaa loo doortay dal burbursan iyo dad aan dawladnimo rabin awoodna uma laha inuu xoog wax ku wado xeeladiina waa laysla furfurayaa ilaa raas kanbooni raas casayr  ilaa aad ku tagto badda cas.

    Taasu waxay iiga dhigan tahay inaysan wali ii dhalan dawlad ka dambaysay tii kacaankii barakaysnaa

    Markii aad u fiirsato farmaajo iyo khayre waad fahmi kartaa inay ka baratakool fiican yihiin adeeradaa ama kuwii ka horeeyay dhanka wada shaqaynta iyo musuq maasuqa waana hawl aan lagu arkin  kuwii horay usoo maray dalka

    Dhaliisha ugu wayn oo iga yaabisay waxay tahay ilaa maalinkii ay yimaadeen ilaa maanta tiirka iskolo bolosiya qof laguma xirin

    See somaali qofaan dilin u xukumi karaa? macnaha waxaan ula jeedaa gacan ku dhiiglayaasha dambiyada galay.

    Usoo noqo mowduuca

    Waxaad ogaataa qowmiyad kasta oo ku hoos nool dal gumaysta, inaadan dadkooda isu dhiibin boqolkiiba boqol, caadifadana la koontoroolo.

    Tusaale 

    Abey wuxuu si cad u sheegay dhuka soomaalidu yahay dal itoobiyaana khayraadkiisuna ula siman yahay kan gambeella kaso baxa waliba biqolkiiba shan ay ciidda ka jaftaan.

    Taa bedelkeeda waxaa soo dhaweeyay ururka Onlf oo sheegay in maanta wixii ka dambeeya aysan xabad dambe ku ridayn itoobiya kana mid yihiin shacab weynaha itoobiya

    Aaway halgankii naga wada oohin jirray?  hadday intaas ku qancayaan maxay wiilasha ugusoo laayeen gobonimo raadinta? muxuu ahaa halgankoodu?

    miyaad ka jawaabi kartaa su'aalahaas?

    Maya... u malayn maayo.

    Waxaa kaloo dhici karta wadaad quraanka kusoo bartay itoobiya sidaad u ag fadhido inuu kugu noqdo qof kale oo aadan aqoon, mar qurana luuqaddii soomaaliga fiicnaa uu ku hadli jirayba ka lunto.

    Maalin in loo sameeyo nin la xiray waa ila khaldantahay aragtidayda ayadoo aan inkirayno in dadka xirray dalkoo dhanba haystaan.

     


  9. Oodweyne

    Saxiib haddii hadalkaaga inta yar oo wanaagsan lagasoo qaato oo garta lagu siiyo

    Koonfurtu waji ma leh waa daciif iyo waa innan layaal  waa goob afrikaan dulaystay iwm.

    Maxaa keenay in odaygu af labadii yeero oo uu yidhaahdo cirkaa nalagasoo weeray, barigana waa nalaka soo galay dhanka puntland xiga, baddiina warkeedadhaaf, xagee asagu awoodaas ku arkay aan adiga kuu muuqan?


  10. Neefka markii la gawraco hadduu helo geedo uu ku rafto waa ka nasiib badan yahay midka meel cidlaa oo aan geed lahayn kaligiis lagu gawraco.

    Odaygaan hadalkiisu wuxuu u egyahay nin lumay oo gooni isu taagii wareer badan ka qaaday, tolkii uu islahaa ictiraaf iyo dawlad nimay keenayaana sii fur furanayo, markay arkeen inaan qabiil ictiraaf dawladnimo meelna ka mudnayn.

    Waxba kama duwana nin kaligiis isla hadlay.


  11. Midabka madawgu dambi ma leh wuxuu ka mid yahay midabada ilaahay sameeyay, haddaan wax xun ku matalo waxaa imaanaysa in midabka la naco oo lays caddeeyo

    Qalbi dhagax boqolaal ka horeeyay oo ka qiimo badnaa yaa raq iyo ruuxba lahayn cid is waydiisayna ma jirto.

    kiiskiisu wuxuu kaga duwanaa oo kaliya waa siyaasadaysnaa si quluubta shacabka loo qalibana caadifadaa lagu badiyay.

    Ka warran haddii soomaalida mar kale caadifadooda  la  tijaabiyo oo lagu yiraahdo wuxuu ahaa sargaal sare oo ka tirsan sirdoonka itoobiya?

    Umadda meeshii la doonaa loo jihayn karaa waana wax loogu tala galay inay iska daba laabtaan ayagoo indho ku garaadlaa.


  12. Ducaale

    Allaha na caafiyo dhamaanteen mahadsanid

    Laas caanood waxaa ku yaala geed wayn oo hoos fiican oo hadana laamo badan waxay ahayd inay hooskiisa barkinta u dhigaan, intii snm kaamara la ag fadhiisan lahayd ama marada ka rogaan wakhti aan munaasib ahayn.

    Binii-aadamka unugyada jirkiisa waxaan ka seexan oo mar walba soo jeeda waa dhagaha maqalkooda, mana dhintaan hadday markoodii hore bad qabeen.

    Haddii uusan hadli karin waa inay ishaaro lagu waydiiyaa inuu indhaha isku qabto, hadday imanka la fool xuntahay meeshuu laas caanood geeyay.

    Markaa ka dib waan hubaa inuu indhaha isku qabanayo wayna ka muuqataa, ka dibna in la cafiyaa waa waajib.

    Geeridu waa xaq ma khaldamena waa ALLE.


  13. Dr. oodweyne

    Saxiib allaha na hadeeyo dhamaanteen

    Arintu ma'ahan anaa kaa gobol fiican iyo beshaydaa taada ka mudan.

    Somaaliya oo dhan layskuma hayo inay gumaysi ku jiraan.

    Qaarna toos baa loo haystaa qaarna maskaxdaa laga haystaa sida maamulka w/galbeed, taas wax murrana kaagama furna.

    Gumaystuhu uma baahna inuu ciiddan geeyo hargaysa mar haddii maskaxdiisii joogto ama ka shaqaynayso waa guul uu joogo mar walba, dhib la'aan.

    Anaga soomaali ahaana  ama dhamaanteen way nooga khatar badan tahay gobolada uu ku joogo qorigga.

    Usoo noqo mawduuca

    Waxaa la yaab leh runtii inaad isku si u inkirto taariikhdii sayid cabdille xasan oo boqol sano ka hor ahayd iyo tii ina illey oo sadex maalin ka hor ahayd.

    Ina illey wuxuu ahaa adeege amxaar soomaali badana wuu laayay asagoo fulinaya balantii uu tigreega la galay

    Hadaad aaminsantahay qabiil dadka ugu badan oo uu wax yeelay waa beeshii uu ka dhashay, soomaalida kalena qun yar socod buu ka dhigay aan xataa afka waxba ka oran karrin gobolkuu doono haka joogo geyiga soomaaliya.

    Snm meel aan sidaa uga fogayn taliskooda yuu boqolaal ku xasuuqay ay isku hayb yihiin xataa maysan orran soo walaalo ma nihin maxaad sidaa noogu galaysaa. 

    Sidoo kalana maysan oran uma dul qaadan karno waxa loo gaystay shacabkaa aan dambi lahayn.

    Sababtu maxay ahayd? 

    Ma sharciga jamhuuriyadda aqoonsiga loogu maqan yahay, baan qrayn inay arimaha gudaha itoobiya faraha la gasho oo waxay ilaalinaysaa qawaaniinta qaramada midoobay?

    Maxay ula jeedaan waxaad doonto xasuuqe mar un casuunad noo fudi, si soomaalida kale u aragto inaan u muuqano dawlad madax banaan?

    Ka aqoonyaha ahaan Dr,oodwyne midabkee u samayn kartaa wasiiradan la xidhay?

    Wax telefona snm  itoobiya maka heleen qabashadoodii ka dib?

    Noo faa'idee saaxiib aqootaada beel riyootay haku difaacin billaa caleek, muxuu yahay hadafka ka dambeeya nimankaan fiise la'aanta lagu haysto?


  14. Biixi wuxuu u baahanyahay culumo si fiican u wacyi galiya u sheega in beentu tahay dambi aad u wayn, 

    Asagoo cuskanaya tiirka aakhiro wuxuu leeyahay ma banaana in la daadiyo dhiig muslin hadana soomaaliyeed.

    Labo jeerba dambi wayn buu ku jiraa

    Tan koowaad wuxuu kasoo duulay dhul aad u fog gabiley hadana wuxuu diidan yahay in dhiig daato.

    Tan labaadna wuxuu been ka sheegay cidda dagaalku u dhaxeeyo asagoo ugu baaqay shacabka waqooyi inay cadaabta aakhiro ka sahlantahay ragg iska celinta aduun.

     


  15. Afrikaanku waxay caan ku yihiin inay meel xun seexdaan, tahriib, musuq maasuq, dilal, dagaalo, hurumar la'aan iyo cudurada faafa.

    Waxay ku af jaran yihiin waxay yihiin hadday si fiican u labistaan oo dhalo cadara isku jabiyaan, shahaado sare la yimaadaan waa afrikaan.

    Haddii fikirkoodu saliim yahay may xanaaqeen dalalkooda iyo dadkooday hurumarin lahaayeen.

    • Like 1

  16. Qof aan taariikhdiisii shalay aqoon ama inkira tiisa maanta ma garto

    Siyaad barre wuxuu la shiray inta ugu wax garadsanayd w/galbeed odoyaal, aqoonyahan, culimo iyo dhalinyaro.

    Waxay samaysteen nin u hadla oo u jawaaba siyaad barre goobtii shirka

    Wuxuu waydiiyay su'aal qudha oo ahayd maxaad ka tabanatsaan dawladda ama idinka maqan?

    Way adkayd in qof siyaad barre hor istaagay uu caadi u hadlo si kasta uu geesi iyo codkarnimo u leeyahay laasim waa in khal khal galaa.

    Maysan dalban inay somaaliya inteeda kale ka go'aan oo ingiriisku gumaysan jiray.

    Mana aysan dalban inuu xukunka dego si loo helo dimuquraadiyad ama talada dalka loo wadaago.

    Waxay dalbadeen in sargaalkii joogay 26aad laga badelo kow....

    in ganacsatooda la siiyo  Lc oo aan u malaynayo inay ahayd ogolaasho wasaaradda ganacsigu bixin jirtay si qofka haystaa uu wax u dhoofiyo una soo dejiyo

    iyo in canshuurta dekedda laga yareeyo ama loo dhaafo.

    Intaas ayuu mudanihii ay iska soo saareen sheegay asagoo neef tuur badan ka muuqdo waxba kama qabo haddii ninkaas mujaahid loogu yeero.

    Wuxuu ugu jawaabay wax kasta oo horumarinaya degenaashiina, dawladu way idiin ogashahay sacab iyo mashxarad bay ku sogootiyeen

    Lama inkiri karo wax qabadkiisii iyo jacaylkii uu umaddiisa u qabay meel kasta oo ay joogaanba wixii iska hadala macno ma leh.

    Suurta gal ma noqonayso in taariikh looga dhigo jiilka cusub oo na anfici lahaa, diyaarad duqawday oo la suro faras magaalka iyo aabahaa mujaahid buu ahaa adna ina mujaahid baad tahay.

    Wax kastoo been lagu dhiso way dumaan aakhirka sida ka muuqata shacabka waqooyi oo wakhtigan nool.

    Wax kastoo run lagu dhisana waa loo ayaa mudo dheer mana dumaan sida mashaariicdii uu fuliyay aabe siyaad.

     

     

     

     


  17. Xaji

    Dadkii hore wixii caasi ku noqday aabe siyaad way ka toobad keeneen mushkiladu waa ciyaalkii dhashay burburkii ka dib oo aan malaynayo inaad ka mid tahay 

    Waxay u baahan yihiin inay helaan wacyi galin iyo in taariikhdooda si fiican loo baro, wax kasta ay ku hadlaana wax kasoo qaad ma leh sababtoo ah wali caqligoodu kuma filna xataa haday da'da sodonka kor u dhaafaan, waana looga cudur daari karaa runtii, mar hadaysan arag qaran wayn dhalashadoodii ka dib.

    usoo noqo mowduuca

    Hargaysa adigoon dhalan baan joogi jiray  wadada dhex marta magaalada wado wayn bay noogu muuqatay barigaas sabtoo ah dadka iyo gawaariduba way koobnaayeen

    Maamulkaan snm waxba kumasoo kordhin kaabayaasha dhaqaalaha haba yaraatee.

    Dawladdii hore waxay xoogga saari jirtay qaybaha dalka meelihiisa ugu muhiimsan mana aysan jirin reer hebel baa deggan gobolkaas ee yaan wax loo qaban dadka iyo dalkuba isku mid buu ahaa.

    Adigoon iska didin ama xajiin isku ridin waxaad fiirisaa oo kaliya mashruucii warshadda shamiitada ee barbera qiimuhuu lahaa  iyo sida uu egyahay maanta.

    Tan aad leedahay dib buu u burburiyay wuxuu siyaad barre dhisay weli ma aragtay ama maqashay madfac diyaarad kasoo dhacay oo wadada hargaysa god wayn ka qoday oo gawaaridii ka leexanayso?

    Waraaqahan aqoonsiga loogu tala galay yaysan indhuhu kugu modoobaan saaxiib waxba kama jiraan.

    Dagaal wuu dhacay nimankii dagaalamayayna maysan awoodin inay shacabka ka dhex baxaan markii dambana way la qaxeen sababtoo ah banaan maysan istaagi karin kaligood.

    Waxaanoo mujaahida oo aad arkayso iminka, dumarka iyo caruurta guntigooda bay kasoo dhex baxeen burburkii ka dib, berigii dagaaladu socdeen nin magiciisa la maqlay ma jirin waa xaqiiq waxaan kuu sheegayo.

    ugu dambayntii qarran baa waddo iyo iskool jeel isbitaalba dhisi kara.

    4km qabiil ma dhisi karo haday dhisaanna waa dhoobo iyo nafto laysku walaaqay wado laguma sheegi karo haddaan way madawdahay un laga raacayn.

    Odweyne

    Saaxiib dhaliisha faa'iido ka qaado oo snm dib ugula noqo waxaadna waydiisaa sodon waa ku filantahay wakhti lagu daalo, shacabkuna koonfur buu u socdaa sida muuqata maxaa u talo ah maamulkaan habeensaday.

     

     


  18. Dadku caqligiisu wuu joogaa wax walba sida qoraxda bay igu cad-yihiin.

    Wadada kaliya oo laamiga ah ama hargaysa dhex marta waa tii aabe siyaad uga tagay allaha u naxariisto.

    Dayac-tir dambe maysan helin walina waa laysku buuranayaa aydoo gawaari badan oo midigta ka socda lagasoo iibsaday imaaraadka dad badana ku wax-yooloobeen markay ka degayaan. 

    Wakaaladda biyahu waa tii aabe siyadd uga tagay ayadoo cadadka dadkuna sii kordhayo maalinba maalinta ka dambaysa, lagana yaabo in dad badan haraad ku hayo guriga casaabaddu ku taliso meelaan sidaa uga fogayn iska daa inay maydhaane.

    Dhismayaasha maamulku degan yahay waa tii dawladdii hore ka dhistay hargaysa iyo magaalooyinja kaleba isteeshinadda, iskoolada, maxkamadaha iwm.

    Dekedda berbera sidoo kale

    Wadada isku xirta koonfurta iyo waqooyiga inta dadku ku baxsadayba waa wax qabadkii kacaankii ducada iyo barakada badnaa.

    Dad badan yaa ilmo soo dhaaftay markaan wax ka waydiiyay noloshadoo hore iyo maanta siiba dadka danyarta ah waana xaqiiq jirta xataa caymis dadku ma leh, qofkii gaari ka dhaca waa in ehelkiisu raadiyo qabiilkii darawalka.

    Casaabadan waxay xoogga saartaa wax siinta dadka ladan ama si kale haddii loo dhigo (wan wayn subag sii)

    waxay laaluush ku bixisaa iyo dhaqaale badan isku dirka beelaha, xuduud beena iyo soo jiidashada siyaasiyiin aan mabda'lahayn oo maalinba meel u guura.

    Saalax waa idinka saxan yahay farmaajo waa hogasmiyaha soomaaliya oo sharcigaa,xaq bayna u leeyihiin shacabkaa danyartaa inay mashaariicda horumarinta ee aduunku bixiyo ay qaybtooda ka helaan, waxaana hubaal ah inay qaybtooda iyo ka badanba heli lahaayeen haddaysan casaabadassu been u sheegin. 

    Mana dhacdeen in caruur yar yar oo lafahoodu jilicsan yihiin iskool wax barasho u lugeeyaan 39km maalin walba qabow iyo kulymaylba.

    • Like 1

  19. Siyaasiyiinta usc qabiilna ma noqon karaan, qarrana ma noqon karaan.

    Taasu khalad bay ku tahay soomaalida inay sodon sano ku fahmi waydo, ama waa meel ka dhac aan caqligeena u gaysanayno.

    Mushkiladda soomaaliyoo dhan walaaqdayna waa arintaas.

    Xalku waa labo aragtidayda

    Inaad xoog ku xukunto

    Inaad tabar u waydo oo iska ag fadhido inta hashu naf baxayso

    Lagama yaabo inay siyaasi kale caqli kula midoobaan, ayaguna ku midoobaan  taas iga qora dad intii igu fillan waan aqaan

    Axmed madoobe waa meel soke wax lagu wareero ma'ahan.

    Xaaji xunjuf

    Waa eray igu cusub farmaajo wuu ku fashilay dawladnimadii

    Soomaaliya aduunka kale waxaa ugu qoran buugooda failed state, marka lagu daro makhaayadda sadexda habrood u shidan.

    Waan kugu raacsanahay in arimaha gudaha dawladiisu aysan wax wayn ka qaban waana wajiyo badan tahay balse tan dibadda iyo indhaha caalamka waa ku fiican yihiin ilaa iyo hadda iyo wada shaqaynta dhexdooda labadaba

     


  20. Farmaajo muhiim uma aha wakhtiga la joogo tuurista iyo kala daadinta federaalkaan nalagu soo dhex tuuray waana la ogyahay inay yihiin camiilo shisheeyahu ku adeegto.

    Qof madaxa ka xanuunsan lugaha lagama daweeyo

    Miinadu waxay ku aasantahay muqdisho

    Afar madaxweyne iyo bar yaa lagasoo doortay reerkii ku abtirsaday xorayntii muqdisho si loo qanciyo inkastoo ay wali doonayaan meekhaan gaara in loo sameeyo oo ayaga u gaara.

    Markii talada loo dhiibay sodon sano waxay ku noqatay taladii, gorille kubad loo dhiibay , marna caddaankay la yaabaan marna madawga.

    Dhawrkaas sano ka faa'iidsysta ninkaas daacadda ah oo la shaqeeya, si caasimaddu ugu ekaato meel soomaali looga talin karo oo nadiif ah jiil cusbba u adeegta.

    Snm waa markii ugu horaysay sodon sano oo ay aragto nin la xisaabtama oo u sheega caalamka inaysan soomaaliya labo dal ahayn qaanuunka iyo sharuucda caalamkana la ixtiraamo ayadoo la raacayo qodobo nambar leh oo u qorran, qaramada midoobay.

    Farmaajo waxa kaliya oo ku guulaystay waa haykalka dawladnimadu ku shaqayso iyo haybad dawladnimo labadaba, waana tiir muhiim ah, hadaysan dib noogusoo noqon nimankii afka kala hayay oo sacuudiga ka keeni jiray mashruucii caanka ahaa ee gabdho dhoofinta.

    Rajo fiican yaa ii muuqata dhib kastoo la maro.

     

     


  21. Madoobe wuxuu u egyahay nin doontiisa duleelinaya asagoon dabaal aqoon

    Kenya waxay la dagaalamaysaa shacab iyo waayarada telefonada ayadoo u eg in jaha wareer wayn, ka  haysto qaabka dagaalkeeda.

    ilaalinta madoobe wax macnaa usoo kordhin mayso kenya, mar hadaysan banaanka kismaayo asaga iyo ayaguba midkoodna tegi karin, shacabku labo cadaw kii u roon yuu u dhawaan.

    iilama muuqdo madaxweyne maamul goboleed, aragtidayda wuxuu iila muuqdaa double agent u shaqeeya kenya iyo itoobiya maalinkii la doortay gurigii uu galay buu ilaa iyo hadda ku jiraa lugo baxsigiisuna waa ama itoobiya ama kenya tii war bixin uga baahata.

    Tan doollarka

    Doollar nin dhintay waxba uma taro ina iley waa tagey, dhirtaas dhuxusha laga shiday, in la dabar gooyo unbaa idmanayd.

     

     

    • Like 1