kyz

Nomads
  • Content Count

    135
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kyz

  1. -Sarkaal ka tirsan dawladda Federaalka ku meel gaadhka ah ee Somaliya ee uu Sheikh Shariif Axmed hogaamiyo, oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Cismaan, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu maalintii Arbacada ee todobadkan ee ay tariikhdu ahayd 2 September kulan la yeeshay Wasiir ka tirsan dawaldda Fedraalka Somaliya magaalada Jabuuti. Waxa sarkaalkani shaaca ka qaaday in intii uu ku sugnaa Jabuuti uu Cabdillahi Maxamed Ducaale shir dheer la yeeshay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda ee dawladda TFG da Somaliya, hadana ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar. Waxaana uu intaa ku daray masuulkani u hadlayay dawladda TFG du inuu wadahadaladan uu goob joog ka ahaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Jabuuti, Mudane Xaamud Cabdi Suldaan, oo dawladda Jabuuti u qaabilsan Arrimaha dib u heshiisiinta kooxaha siyaasadda ee Somaliya. Mas’uulkani wuxuu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheer ka bixiyo qodobada lagawada hadalay. Laakiin wuxuu sheegay in maamulka Sheikh Shariif soo dhwaynayo wadahadalka dhexmaraya maamulka Somaliland iyo xukuumadda TFGda. Haseyeeshee, warar u dhuun daloola safarka Cabdillahi Maxamed Ducaale ee Jabuuti oo ka soo baxay ilo wareedyo ku dhaw xukuumadda Jabuuti ayaa ****olka ka qaaday in khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland ee u dhexeeyay xukaamadda Rayaale iyo xisbiyada mucaaradku ay muujinyaan in xukuumadda Daahir Rayaale ay ku dhawday burbur, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la helo qaab siyaasadeed oo kale oo xal u noqda helitaanka dawlad Somaliyeed oo Somaliland qayb ka tahay, si ayna Somaliland gacanta ugu galin kooxaha mucaaradka oo la filayo inay sii wadaan siyaaasadii kale gooynta Somaliliya, oo hadda u muuqda inay ku guulaysanayaan talada hogaaminta Somaliland. Xilli ay shacabka Somaliland ay u diyaargaroobayaan doorasho madaxwayne oo ay xukuumadda Rayaalana ka caga jiidayso ayuu madaxwayne Rayaale u diray Wasiirkiisa khaarijiga dalka Jabuuti si uu shir ula galo masuuliyiin ka tirsan Jabuuti iyo maamulkaTFG da. Waxay dadka siyaasadda gorfeeyaa talaabadan ku tilmaameen mid uu ulajeedadeedu noqon karto in haddii uu Rayaale ku guulaysan waayo sii wadida xukunka dalka in aanay Somaliland sii jirin Wasiir Cabdillahi Maxamed Ducaale oo in muddo ahba joogay dalka jabuuti ayaa la garan la’aa sabatu uu u joogo dalkaasi muddo intaa leg, iyadaoo aanay xukuumadda Daahir rayaale wax tafaasiil ah ayna ka bixin joogitaan dheer ee Jabuuti,Haseyeeshee warkani wuxuu caddayn buuxda u yahay hawlagalada uu Cabdillahi Maxamed Ducaale u tagay Jabuuti wakhti lagu jiro xiligiii ugu adkaa ee ay siyaasadda Somaliland soo marto tan intii la qaatay nidaamka dimuqraadiyadda. Allidamaale.com Your Reliable Sources
  2. fikirkaas waan ku taageersanaay shariifka somaliland inee tahay dowlad gobaleed
  3. thanks mr daarandoole book gaa hadaan dalbanayaah nin shiekh ah ayuu ahaa runtii waan kadan beeyahay dadkii taariikhda ku lahaa wadankii
  4. this year the year of arsenal pre,cham,fa cup,
  5. musharaxinta somaliland waxaa ku sobiray madaxa alshabaab yaad u codayseen riyaale zilanyo f cali warabe ina godane
  6. nice pic bosasso future capital city of somalia and large's comercial city in somalia this year 2009 , this from the ppl of punt ,
  7. 1:http://www.youtube .com/watch?v=TACA1up 1_cU&feature=related 2:
  8. mahadsanidin humble iyo nuune
  9. Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayyadii Sh. Cali Cabdiraxmaan FiqqiKhayrre (Sh.Cali******teen), tiriyey abbaarihii sannadkii 1835tii badhtamihii Sh. qarnigii 20aad. Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada. Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay. Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye. Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene Sabab bay idiin noqon mar ay badan su’aashiiye. Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa. Xayteen Allaa xaakimoo xukunki juusaaye Wax Xadiiska laga sheegayaa xaal aan fududayne Xisaab li’i wax loo geyn Jannada nimuu xoreeyaaye Bal xusuusta xaashida wax dhigan nin iyo xaalkiisa. Khayteen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaarnaane. Deelyeen daliilkii cilmigu waa kan daahiraye Daarahakan loo baxay mar bay wada dumaayaane Intaan mawdku soo degin intaan dabaqa lays geynin Nin walaw naftaada u dedaal Aakhiraa darane. Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna. Siinyeen sidaad aadmi tahay waad silloontahaye Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy seegtay taladiiye Nin waloo suldaan ihi ka socoy soof wuxuu dhaqaye Sakadayska bixi yaad ku dhicin solayga Naareede. Shiinyeen shar baa loo kiciyo shuqul an toosnayne Sharcigii Ilaah laga tegyoo looma soo shiro e Aakhiro wexeer sharrax u dhigan waa shiddiyo khoofe Shayddaan ha raacina ayuu shaal idiin luline. Saadyeen wax saadiqa ninkii soomay Ramadaane Sadaqo u ratiba waalidkiin waydin sugayaaye Ninba saaka wuxuu geystey baa saaddanbaw imane Salaaddana ha deynina Jannaa la isku siiyaaye. Dayteen wax doornimo la biday col iyo duullaane Nin waliba anaa duul batuu dad ugu faanaaye Wixii dunida joogiyo la waa dawladii sare e Dabka baxaya yaan laysku ridin deregga hooseeya. Caynyeen nin caasiyey Ilaah cadhadi waw meel e Cunsur oo dhan baa lagu ridaa lagu ciqaabaaye Cilmigiyo Quraankiyo intii caadadii Nebiya Bal cuskada Allaa caaddiloo inna caqiibayne. Qaynyeen maxaa laga qoslaa qaylo waa badan e Maantii Qiyaamuhu dhecee ruuxa laga quusto Ninba qayb wuxuu falo markii qoorta loo geliyo Allahayow dartaa nagu quwee Qaaddir waa adiye. Fayteen anaa faro leh iyo labo fadhdhoo geel ah Haddii faan waxtaro gaaladaan lagu fidneeyeene Wax ka fiican Naartiyo ninkii laga fogeeyaaye Bal fekera wexeer idinku furan hawsha faraheeda. Qaafyeen qubuurahani waa wada qabiilkiine Haddaad qooshkan mooddeen inaan layska qabanaynin Qadka waxaan ku dhaartaa inaan qolona waarayne Qalbi li’idinaa soo ma arag galabba waa qayre. Kaafyeen Kariimow adaa noo karaamadaye Kurbi adag ninkii qabeyba wuu ku cuskanaayaaye Wixii jiraba waad kaafidaa keli ahaantaaye Allow naga kalkaal dunidatani waa kabaal jabaye. Laanyeen lihiin ma lihinoo kuma lulmoodtaane Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne Nin laxaad lehow haysu filin inaadan laabmeyne Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye. Miinyeen Macbuudow adaa lagu muraadaaye Mulkigaaga adigaa leh oon lagugu maagayne Adigaa masiibada ceshoo noo miciin fala e Allahayow ku soo magangalnoo kuu martaan nahaye. Nuunyeen niyaayiro la waa nolol la eegaaye Intay nabaddu joogtaa arlada lagu nimcaysnaaye Nabsigeed hadduu galay muggeer gelinba waa nooce Neeryaa Ilaah soo rogiye yaan niyo xumaysnaane. Wowyeen werdiga lama maqloo waano laga baydhye Asaxaabihii kuma warramin waxaydin yeeshaane Wanaag kuma galaan xoolahaan xaq u wanbaarnayne Wariisada wexeedii la cunay Weyne ma illaabo. Hayteen kuwii hodon ahaa haatan waa dane e Iyaguba waxay hayn jireen wayagaa huraye Hawo been ah lama raaco iyo hal aan ku haynayne Waxa haybaddii helay Ilaah nimuu hadeeyaaye. Yayteen an yaabaye maxaa yaradka loo qaatay Wixii laga yakhaafoba maxaa loogu yididiishey Nin yatiin dulmiyey Aakhiraa laga yamxeeraaye Allahayow yaqiin lama hayee noo yassir amuurta.
  10. new change starting in mudug but we need to do what the ppl need change caming form ppl to ppl