General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Ciidamada Dowladda oo soo faagay hub lagu aasay qabuuraha Barakaat (Radio WidhWidh Muqdisho}01.6-7Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo faagaan hub fara badan oo sida meydka oo kale loo aasay. Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka jidka warshadaha ayaa hubkan laga soo faagay iyadoo sida meydka oo kale loo aasay, waxaana hubkan uu ka koobnaa noocyada kala duwan ee qoryaha daran dooriga u dhaca, kuwa garbaha laga tuuro iyo nooca loogu talagalay in lagu dhufto diyaaraddaha. Sirdoonka dowladda KMG ayaa ka war helay dhowr qabuuro oo kale oo ay ku jiraan hub fara badan iyadoo si qarsoodi ah loogu aasay qabuuraha Barakaat, waxaana lagu guuleystay in shalay laga soo bixiyo hub fara badan. Hubkan ayaa la rumeysan yahay in ay lahaayeen kooxihii kacdaanka ka waday magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga, waxaana ciidamada dowladda ay qorsheynayaan in baaritaano kale ay ku sameeyaan goobo kale oo sidaas oo kale looga shakisan yahay. Ma ahan markii ugu horeysay ee Qabuuraha Barakaat laga soo qodo hub lagu qarsaday, iyadoo dhowr jeer oo hore laga soo qoday hub fara badan. News Desk WidhWidh Online
  2. Maamulka G/Banaadir oo sheegay inuu soo qabtay kooxdii geysatay dilka Gudoomiyihii Degmada H/wadaag. (WYNET)-Muqdisho:- Sadax nin oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay si gaadmo ah toogasho ugu dilay gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho Xasan Farey , iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu saaka ka dhawaajiyay inay gacanta ku soo dhigeen raggii geystay falkaasi . Dilka Guddoomiyihii degmada H/wadaag loo geystay Xalay ayaa waxa uu ka dhigayaa gudoomiyihii sadaxaad ee Muqdisho lagu dilo , iyadoo horey falal shirqool ah loogu khaarijiyay gudoomiyaashii degmooyinka Yaaqshid iyo Huriwaa . Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in eedeysanayaasha ku oogan inay ka dambeeyeen dilka gudoomiyihii degmada Howlwadaag la horkeeni doono Cadaaladda . Dhinaca kale koox hubeysan ayaa iyana Magaalada Kismaayo xalay dil ugu geystay Taliyihii Nabad sugidda Magaaladaasi , waxaana lagu wadaa in saaka Marxuumka lagu aaso isla Magaalada Kismaayo. Ali Abdi Ali (Suxayfa) editor@waayaha.net waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya
  3. News In English KAMPALA, 29 May 2007 (IRIN) - Non-governmental organisations working in Somalia and civil society leaders are meeting in Uganda to discuss a reconstruction programme that could see judicial officers trained and education and water supply improved, an official said. "They are here to discuss the needs of the people and the root causes of the conflict," Eric Laroche, the United Nations Humanitarian Coordinator in Somalia, said in the Ugandan capital, Kampala, on 29 May. "They are trying to find strategies to lift the lives of the Somali people out of a humanitarian situation and into one of recovery, reconstruction and development." About 60 delegates from Somalia and elsewhere are attending the meeting. "Only 25 percent of schoolgoing children in Somalia are in school," Laroche added. "The meeting will discuss how the five-year programme can increase this to 40 percent." Richard Hands of the European Union said: "The [fewer] children who go to school the [smaller] the chance to end the cycle of violence." Improved school enrolment, he added, would contribute to pacifying the Horn of Africa country. The proposed five-year programme, which will cost an estimated US$2.2 billion, would involve training 300 judges and 10,000 police officers in southern Somalia, and improving water supply to 400,000 urban and 830,000 rural Somalis. It would also improve basic infrastructure, and focus on crop production and watershed management to increase yields by 50 percent. Laroche said this was the first time a conference of this nature had been convened to discuss a plan that not only reflected the needs of the Somali people, but had the institutional support of the UN, the World Bank and donor countries. The funds needed include $462 million for deepening peace, improving security and establishing good governance and $666 million to invest in people through improved social services, he added. The remaining money is required to establish a sustainable environment for rapid poverty-reducing development. The remaining money is required to establish a sustainable environment for rapid poverty-reducing development. Abdulkadir Walayo, one of the Somalis representing civil society, agreed that unless poverty was addressed, achieving sustainable peace in Somalia would take a long time. "If they address the problem of poverty, everything will then be alright," he told IRIN. Organisers said they wanted non-state actors’ views heard independently, adding that the outcome would represent at least 85 percent of what the general reconstruction and development plan would look like. Somalia has been without an effective government since 1991. The transitional government that was named in Kenya in 2004 has yet to take full control of the country
  4. Ugandha oo marti galin doonto shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Somalia. Muqdisho, June, 02 2007(COL) Shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomalaiya ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Campala ee dalka Uganda, iyadoo ay ka qeyb gelidoonaan dad laga soo xulay Ururada bulshada rayidka ah iyo kuwa aan dowliga aheyn. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay marti gelineyso shir ay ka qeyb galayaan hogaamiyayaal sarsare oo looga hadlayo dib u dhiska dalka Somalia. Hogaamiyayaasha ka qeyb galaya kullanka Kampala, ayaa waxa ay ka kala socdaan Ururada aan dowliga ahayn iyo kooxaha bulshada rayidka ah, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Uganda. Wargeyska The Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa qoray in barnaamijka dib u dhiska uu ku jiri doono tababar lasiinayo saraakiisha garsoorka ee gacanta kula jira kiisaska ka dhashay cadaalad darradii ka jirtay dalka. Tababarka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaan arrimo ku saabsan qeybinta biyaha iyo waxbarashada. "waxa ay halkan u joogaan inay ka xaajoodaan baahida dadka Soomaalida iyo asalka sababaha dagaalada Somalia" waxaa sidaasi yiri ergeyga QM u qaabilsan isku xirka arrimaha gar gaarka Somalia Eric Laroche oo la hadlay wakaaladda wararka bani aadannimada QM ee IRIN. Waxa uu sidoo kale sheegay in hogaamiyayaasha ka qeyb galaya kullanka ay isku dayayaan inay helaan istaraatiijiyad ay nolosha dadka Soomaalida ah kaga qaadayaan heerka bani aadannimo ee aadka u xun gaarsiinayaana dib usoo kabasho, dib u dhis iyo horumar. Qiyaastii lixdan wafdi oo ka kala yimid Somalia iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah ayaa ka qeyb qaadanaya kullanka. " hadii shirkaasi lagu soo bandhigo fariga ka jira dalka somaliya, shirkaasi wuxuu noqon doonaa mid wanaagsan" ayuu yiri . Abdulkadir Walayo, oo kamid ah Urada Bulshada oo u waramayey IRIN. Laroche waxa uu sheegay in kaliya 25% ay iskuulada aadaan carruuta Soomaalida barnaamijka dib u dhiskana xooga lagu saari doono in tiradaasi la gaarsiiyo 40% shanta sano ee soo socota
  5. Original ideas and thinking was always a problem for the looters inc supporters.
  6. Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in gacanta lagu dhigay kooxihii ka danbeeyay dilka Guddoomiyihii degmada Howl-Wadaag. 2. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in labo ka mid ah kooxigii geystay falkii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Howl-Wadaag Xasan Cali Siyaad (Xasan Farey) gacanta lagu dhigay, kuwaasi oo gacanta waaxda dambi baarista ay haatan ku jiraan. Maxamed Cusmaan Dhagax Tuur oo ah Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada ayaa sheegay in ciidamada Booliska dowladda ay isla xalay u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan kooxihii geystay dilka waxooshnimada ah. Dhagax Tuur ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono labaan nin ee la qabtay marka ay soo dhamaato baarista lagu haayo, isagoo intaa raaciyay in cid kasta oo danbi noocaan oo kale gasho lagula xisaabtami doono wixii ay fashay. Xalay salaadii maqrib kadib ayaa waxaa masjidkii uu ku dukuday hortiisa lagu dilay Guddoomiyihii degmada Howl-Wadaag Xasan Farey iyadoo dilkiisa ay cambaareeyeen maamulka gobolka Banaadir. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. Burcadi Dishay Gud. Deg. H/Wadaag Oo La Qabtay Muqdisho(Calanka.com) 02-Jun-2007 Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in labo ka mid ah kooxigii geystay falkii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Howl-Wadaag Xasan Cali Siyaad (Xasan Farey) gacanta lagu dhigay, kuwaasi oo gacanta waaxda dambi baarista ay haatan ku jiraan. Mudane Maxamed Cusmaan Dhagax Tuur oo ah Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada ayaa sheegay in ciidamada Booliska dowladda ay isla xalay u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan kooxihii geystay dilka. Dhagax Tuur ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono labaan nin ee la qabtay marka ay soo dhamaato baarista lagu haayo, isagoo intaa raaciyay in cid kasta oo danbi noocaan oo kale gasho lagula xisaabtami doono wixii ay fashay. Guddoomiyiha degmada H/Wadaag marxuum Xasan Farey ayaa Xalay salaadii maqrib kadib kooxo burcad oo ku hubeysan bastoolado ku dilay masaajidki uu kusoo tukaday hortiisa iyagoo uga dhiftay madaxa xabado. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  8. Somalia rebuilding to cost $2 bn: UN panel Last Updated::2007-06-01 09:18:56 A UN expert has worked out a $2 billion rebuilding plan for Somalia beset for more than 16 years with violence and chaos. A report by UN Humanitarian Assistance in Somalia Coordinator Eric Laroche indicates that at least $1 billion will be needed for programmes to reduce poverty level in the country. The final figure includes $666 million for social services and $462 million for security and governorship. Laroche hoped international donors would provide the required funds to rescue Somalia from misgovernance since President Mohammed Siad Barre was overthrown in 1991. Experts from more than 60 NGOs and international aid groups are trying to evolve strategies to place Somalia on the way of recovery, reconstruction and development, he said.
  9. The information is filtering to the government every day.
  10. Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo soo faagay hub lagu aasay qabuuraha Barakaat. 1. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo faagaan hub fara badan oo sida meydka oo kale loo aasay. Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka jidka warshadaha ayaa hubkan laga soo faagay iyadoo sida meydka oo kale loo aasay, waxaana hubkan uu ka koobnaa noocyada kala duwan ee qoryaha daran dooriga u dhaca, kuwa garbaha laga tuuro iyo nooca loogu talagalay in lagu dhufto diyaaraddaha. Sirdoonka dowladda KMG ayaa ka war helay dhowr qabuuro oo kale oo ay ku jiraan hub fara badan iyadoo si qarsoodi ah loogu aasay qabuuraha Barakaat, waxaana lagu guuleystay in shalay laga soo bixiyo hub fara badan. Hubkan ayaa la rumeysan yahay in ay lahaayeen kooxihii kacdaanka ka waday magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga, waxaana ciidamada dowladda ay qorsheynayaan in baaritaano kale ay ku sameeyaan goobo kale oo sidaas oo kale looga shakisan yahay. Ma ahan markii ugu horeysay ee Qabuuraha Barakaat laga soo qodo hub lagu qarsaday, iyadoo dhowr jeer oo hore laga soo qoday hub fara badan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  11. SOURCE Munaasabad ay ku muujinayeen qaar katirsan Odayaasha Beelaha [uNARMED CLAN] gaar ahaan reer shangaani ayaa ka dhacday Maanta Xaruntii hore ee Degmada Shangaani oo burbur xoogan uu ka muuqdo Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/06/07 Munasabaddani oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin fara badan oo katirsan xubnaha labada gole ee dowladda ayaa waxaa lagu muujiyay sida ay u taageersan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaa halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiin aad u fara badan oo katirsan kuwa dhaqanka iyo kuwa siyaasadda, waxaana kasoo qeybgalay kulankaasi Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dadka deegaanka. Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed Jakeeti oo kamid ahaa Mas’uuliyiinti halkaasi ka hadakshay oo ugu horeyn u mahadceliyay Wasiir kuxigenka Arrimaha Gudaha DFKMG ayaa sheegay in shangaani ay tahaydaqo khdiimi ah isla marka ugu xirga gaaban. Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay ka codsaneen Maamulka Gobolka Banaadir in degmada shangaani laga dhigo mid magac gooni ah lagu dhageysanayo maadaama uu yahay degmada ugu dhimashada badan ayaa dhintay. Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Drs.Fahmo Axmed nuur oo uga Mahadcelisay dadkii soo qaban qaabiyay xafladdani. Fahmo waxa ay shegtay in ay iyadu dhowaan soo degi doonto Degmada shangaani isla markaana Maxamed dheere uu soo dhegi doono. Munaasabadda ayaa ugu dambeyntii waxaa kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiin kale iyadoo xafaladduna ay u dhacday sidii loogu talagalay.
  12. Ciidamo Loo Diyaariyey Sugidda Nabadgelyda Gobolka Shabeellada Hoose oo Diyaar ku ah Goroonka Balli-Dooglle: 05/31/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Muqdisho DMC 31 May 2007. Ka dib markii la dhisey Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa la heley warar sir ah oo ku saabsan in la diyaariyey ciidamo lagu minjixaabinaayo maamulkaas kaas oo ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo horjeeda maamulkaas oo beryahanba cabashooyin ka jeedinaayey saxaafadda. Hase yeeshee Dowlladda Kumeelgaarka iyo maamulka cusub ayaa waxay diyaar-gorow ugu jiraan sidii Gobolkaas loo geyn lahaa ciidamo aad u xoog badan kaas oo gacanta ku dhigi doona amaanka Gobolka, waxayna ciidamadaas diyaar ku yihiin Goroonka Diyaaaradaha ee Balli-Dooglle kuwaas oo halkaas tababar ku qaadanayey muddo 5 bilood ah. Ciidamada halkaas ku diyaarsan ayaa gaaraya ku dhowaad 5 Guuto. Waxaa ciidamadaas laga qaadan doonaa 1 guuto oo lagu wareejinaayo ciidamada Booliska, kuwas oo ka qeyb qaadan doona taaba gelinta maamulka cusub. Sidoo kale waxaa ciidamadaas loo kala qeybin doonaa Shabeellada Hoose iyo Kismaanyo oo laftigeeda amaandarro ka jirto. Ciidamadan oo la diyaariyey mardhow ayaa la xaqiijiyey inay sugi doonaan amaanka labadas Gobol, waxayna gacan ka heli doonaan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan la sheegin tiradooda. Warkan oo aan ka soo xiganney ilo aad ugu dhow ciidamada ayaa xaqiijinaya in loo qeeybiyey mushaaraadkii iyo direeskii ciidanimo, waxaana maalmahan dhow loo qeybin doonaa hubka. Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah noo soo gaarayaa hambalyo iyo boogaadin loo soo diraayo Maamulka Cusub ee laga dhisey Gobolka Shabeellada Hoose. Waxaa weli na soo gaaraya dhambaalada hambalyada ee loo diraayo guddoomiyaha cusub iyo maamulkiisa. Dhaambaalka u dambeeya ayaa wuxuu naga soo gaarey ardada wax ka barata dalka Suudaan gaar ahaan kuwa Koonfur-Galbeed Soomaaliya. Dhambaalka u dambeeya waxaa na soo gaarsiiyey nin ku hadlaaya magaca Xoghayaha Guud ee Ardada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo ku jirta Jaamacadaha dalka Suudaan. Dhambaal-diraha oo magaciisa la yiraahdo Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegey in ururkan uu asaaskiisa lahaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose intii uu wax ku baranaayey dalka Suudaan.
  13. Maamulka Shabeellada Hoose,Xubno Wasiirro iyo Xildhibaanno ka soo Jeeda Gobolkaas oo Maanta Shirey. Waziiriinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda G/Sh/Hoose oo la kulmey Maamulka Cusub. 05/30/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Muqdisho DMC 30 May 2007. Maamulka cusub ee Gobolka Shabeeellada Hoose iyo Wasiirka Arrimaha Golaha Wasiirada Khaalid Cumar ayaa maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho, shirkaas oo lahaa laba ujeeddo oo kala ah: • Inay isbartaan Wasiirada iyo Maamulka Gobolku. • Iyo talo dardaaran la siinaayey maamulka cusub. Ugu horreyntii waxaa hadalka qaatey Guddoomiyaha cusub oo salaamey dhammaan xubnaha maamulkiisa iyo Wasiirka khaalid Cumar iyo Xildhibaan Fiqi, wuxuna sheegey inay maanta la joogaan Wasiirada iyo Xildhibaanada shucuubta ka soo jeedda Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo uu sheegey inay yihin kuwa ayaga oo dhan soo magacaabey. Waxaa dhamaan magacayadooda midmid u sheegey xubnaha ku jira maamulka ee min Degmo illaa Gobol. Ka dib wuxuuu Guddoomiyahu hadallo kooban u jeediyey xubnaha ka socda labada Gole ee DFKMGS wuxuuna u sheegey in dadka faraha badan oo fadhiya ay yihiin maamulka lex Degmo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, wuxuuna sheegey inay ka maqan yhiin Degmooyinka Afggooye iyo Wanllaweyn oo nalagu wargeliyey in maamulkooda horey loo dhisey waxna laga saxayo dhowaanna ay ku soo biiri doonaan maamulka. Wuxuuna hadalka ku soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Golaha Wasiirada Khaalid Cumar, wuxuna xubnaha cusub uu uga warramey taariikhda uu soo marey maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna sheegey in muddo dheer laga wada hadllaayey, hase yeehee nasiibdarro noqotey in lagu heshiin waayo. Wuxuu qirey in maamulkan asaaskiisa ay dhigeen Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, Prof Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka. Wasiirku wuxuu maamulka kula dardaarmey inay dhaxda xirtaan oo maamulka dhulkooda xajistaan wuxuuna uga digey wax la yiraahdo khilaafaad oo runtii buu yiri nasiibdarro nagu ahayd inaan annagu iskhilaafno taasna muddo dheer dib u dhigtey magacaabista maamulka Gobolkan. Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsadey in Gobolkan dhaqalaha ka soo baxaya uu ku filan yahay gebi ahaan dalka Soomaaliya, wuxuuna xubnaha cusub ku booriyey inay si adag u shaqeeyaan illaa ay ka gaaraan in la waayo qof faqri ah oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegey in dhowaan Maamulka cusub iyo Xildhibanada, iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolku ka casuuman yihiin tuulada Daanyeereey ee degmada Awdheeglle, waxaana casuumaaddaas bixiyey sida Wasiirku sheegey Saldanadda ee Sulddaan Buuwe. Ka dib waxaa labada mas’uul ee shirka daadihinaayey saxaafaddu la yeelatey wareysyo gaaban, waxayna ku hormareen Guddoomiyaha Gobolka waxa la weydiyey waxa shirku ku saabsan yahay, wuxuuna ku jawaabey inay taloooyin iyo isbarasho ay la yeeshaan Wasiirada iyo Xildhibaanada soo dhisey maamulkan.
  14. Muqdisho: “Waxaan rabnaa in sida nadaafadda looga shaqeynayo aan u ugaarsano kooxaha geysanaya qaraxa iyo dilalka” Taliyaha Nabad Sugida. 31. Maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Nabad sugida dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa ku dhaliilay degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood wax ka qabasho la’aan dhinaca amniga ah, isagoo si gaar ah u soo qaatay degmada Xamar Weyne oo uu sheegay in sadax qarax oo is xiga ay ka kala dhaceen. Darwiish ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyadoo uu ku booriyay degmooyinka gobolka Banaadir in ay heegan u galaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa kooxaha geysanaya dilalka iyo qaraxyada. “Waxaan rabnaa in sida nadaafadda looga shaqeynayo aan u ugaarsano kooxaha geysanaya dilalka iyo qaraxyada” ayuu yiri Maxamed Warsame Darwiish Taliyaha ciidamada nabad sugida oo sheegay in xaalada amaan ee degmada Xamar Weyne ay tahay iminka bahala galeen. Taliyaha nabad sugida ayaa ka codsaday maamulada degmooyinka in ay soo gudbiyaan wixii caqabad ah ee ay ka hortegi waayaan degmooyinka si ciidamada dowladda ay wax ugu qabtaan. Taliyaha ayaa maamulka degmada Xamar Weyne, eheladii uu ka geeriyooday taliyihii ciidamada nabad sugida degmada Xamar weyne in samir iyo iimaan uu ka siiyo Eebe, wuxuuna sheegay in kooxaha geysanaya falalka lagula kacayo madaxda dowladda iyo maamulada degmooyinka in la horkeeni doono caddaalada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  15. M/dheere iyo Cabdi Qaybdiid oo maanta ku soowareegey degmooyinka Banaadir Last Updated::2007-05-31 17:59:24 Muqdisho:-Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb iyo taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta kormeer ku kala fidiyey xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho. Kormerka masuuliyiinta ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay si wadajir ah u sameeyaan intii ay xilalkaasi hayeen, waxana ay ku macneeyeen mid ay ugu kuur galayaan xaaladaha amaan ee degmooyinka. Degmooyin ay ka midyihiin Xamar weyne iyo Horiwaa ayaa madaxda si diirran loogusoo dhaweeyey, waxana ay dadka ku boorinayeen nabadda hallasugo meel kastoo ay tagaan. Waxaa sidoo kale lasocday labadaasi masuul xilliga ay kormeerayaan degmooyinka qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada itoobiya iyo kuwa Booliiska Soomaaliyeed. Kormeerkani waxa uu kusoo aadayaa xilli ay maalin iyo habeenba ka dhacayaan gudaha magaalada Muqdisho qaraxyo nabadda lagu dhaawacayo iyo ugaarsi lagu hayo Masuuliyiinta dowlada iyo dadka magaca ku leh magaaladaasi. Maxamed Maxamuud Welcome Fannaan@gmail.com
  16. MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta kormeerro ku soo sameeyay Degmooyinka Gobolka, uguna hanjabay guddoomiyeyaasha.... Posted to the Web May 31, 16:07 Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo maanta socod ku soo maray Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa kala hadlay amniga Degmooyinkaas Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Maxamed Dheere oo ay socdaalkaan ku wehliyeen ku xigeennadiisa dhanka Duqa Muqdisho ayaa waxay socdaalkooda ay ku kala bixinayeen Degmooyinka Muqdisho ugu kuurgalayeen xaaladaha Ammaanka ee Degmooyinka, iyadoo xilliyadii la soo dhaafay degmooyinka Muqdisho qaarkood ay ahaayeen kuwo ay ka dhacayeen qaraxyo salfaday nolosha dad badan. Guddoomiyaha oo la hadlay maamulka Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban ammaanka degmooda, waxaana uu sheegay inuu ku dhaliilayo degmadaas maamulkeeda waxqabad yari sababtay inay ka dhacaan 3-qarax. "Degmada Xamar weyne waa degmada keliya ee ay ka dhaceen saddex qarax oo waaweyn oo khasaare dhaliyay, waxaan u sheegaynaa maamulka degmada inay howlahooda si wanaagsan uga soo baxaan, waayo ma ahan kuwo ay dadka doorteen ee innaga ayaa u doornay" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ay ka qaadi doono xilalka ay hayaan haddii aysan howshooda ka soo bixin. "Maamulkiinna waxaa la idinku xantaa inaad wax ka og tihiin oo aad heshiis la gashaan kooxaha wax qarxiya, ogaada xantaasna waa ognahay" ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo sheegay in cid walba lagula xisaabtamayo howlaha ay hayaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamul kasta oo ka dhisan Gobolka Banaadir laga doonayo inay howshooda kasoo dhalaalaan, haddii kalena ay xilka wayn doonaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  17. Xaalada degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa saakay degen kadib markii ay gacankuhaynta degmadaasi lawaregeen ciidamada DGP. Posted to the MOL May 31, 2007, 6:02 am Xaaladan degenaansho ee degmada Baargaal ayaa timid kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo katirsan Dowlad goboleedka Puntland kuwasoo xalay ka ambobaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geele Diiriye oo saakay wareysi khadka taleefoonka kusiiyey Warbaahinta Mudugonline.com ayaa sheegay in xaalada degamadaasi Baargaal ay iminka tahay mid degen ayna gacanta kuhayaan ciidamada dowlad goboleedka Puntland ee iyagu xalay halkaasi gaaray. Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa intaasi kudaray in dadka deegaanka ay kacdoon kusameeyeen maleeshiyooyinkaasi isugu jira Ajaaniibta iyo Soomaalida ee uu sheegay in ay yihiin haraadigii maxakamadihii laga itaalka roonaaday kanayimaadeeen qaybo kamid ah Koonfurta dalka Soomaaliya halkaasoo ay kasoo eryadeen buu yiri ciidamada DFS Mar wax laga weydiiyey Muuse Geele halka ay ciidamadaasi hada kusuganyihiin waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay kudhuumaaleysanayaan dhulka buuralayda ah ee degmada Baargaal isagoona tibaaxay in ay kurajowaynyihiin in kooxahaasi gacanta lagu soo dhigi doono iminkana ay kuhareereysanyihiin Ciidamada dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan ayna ahaadaan had iyo goor kuwo isku duuban ayse kafeejignaadaan dadka kacdoonada wada. Habeen hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali ay doonyo kuyimaadeen xeebta degmada Baargaal waxaana markii ay yimaadeen kooxahaasi durbaba bilowday abaabul xoogan oo looga hortagayo kaasoo uu qaaday Maamulgoboleedka Puntland Rabiile Gabanow rgabanow20@hotmail.com Mudugonline.com Bosaso
  18. ^^^Adeer the real Vampire of Barava is gone. The fake Shiekhs have been defeated. The warlords humbled and now the city is getting a makeover. The world does not yet know but things have changed for the better saxib. As for Yusuf, he is sharp saxib, old yes but wisdom comes with age. Go to Mogadishu and talk like that