
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu security improves and taxes to be collected...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galbaite thanks for the pics adeer, the capital is now again the home of all Somali's. Thats the legacy of the TFG, it has restored it from being a clan centre to a national one. AJ, you must think you are funny? how do you know what and who has the support of Mogadishu? -
Barack Obama is a phenomenon...he is through to the final
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Peacenow. The age gap between Mcain and Obama is huge. Indeed it will be the past and the future. Lets wait for WI... -
Nur Cade to Newsweek: Ethiopia, our beloved friend in our hour of need.
General Duke replied to Kashafa's topic in Politics
Horn made me laugh, wallahi that was one of the finest trip ups I have ever witnessed on SOL. Che, the Boston Al Shabaab commander, adeer why do you cry so much and pretend so much? The Clan Courts or USC groups are finished, now they can keep up the tactics of killing and maiming civilians in markets, assasinating elderly retired officers and plainly acting crazy. They are yesterdays men, their leaders will surely face execution sooner or later. As for the AU, Africa's problems can only be solved by African's, hence Somalia is not occupied by anyone, the Ethiopians, Ugandans, Burundians and the whole AU is behind the TFG. Eritrea and a few terrorists are supporting the clan clowns and lackeys like Mohamed Abdi Yusuf, Sharif Xasan who lost. Nur Cade is doinga fine job, and he seems to have found his voice of late.. -
Mogadishu: The TFG minister for women affairs visits PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: The TFG minister for women affairs visits PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: The TFG minister for women affairs visits PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: The TFG minister for women affairs visits PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo maanta kormeer ku tagtay Xarunta Wasaarada Haweenka Ex Gurigii Ururka Haweenka.. FEB 17 2008 Radiofreesomalia.com Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarunta Wasaarada Horumarinta Qoyska ex Gurigii Ururka Haweenke ee Degmada Xamar Weyne. Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galeysay Wasiirada dhismaha Xarunta Wasaaradaas oo bur bur soo wajahay, xilliyadii Dagaalada, waxaana ay maanta ay mid mid u gashay xafiisyadii Gurigii Ex Ururkii Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana iminka noqonaya Xarunta Wasaarada ay ku howl galeyso. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa waxaa kormeerkeeda ku wehliyay Xildhibaanada Haweenka Baarlamaanka iyo haweeno ka socday Ururada Haweenka Magaalada Muqdisho Mar ay saxaafada la hadashay ayaa sheegtay Xarunta Wasaarada uu soo gaaray bur bur aad u weyn, isla markaana loo baahan yahay in dayactir ballaaran lagu sameeyo, iyadoona Hey'addaha Deeqaha bixiya ugu baaqday sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka. Dadka degan Dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka ayay ugu baaqday in muddo 10 cisho ah ugu guuraan, iyadoona sheegtay dhismaha Guriga uu yahay hanti dowladeed. Xarunta Wasaarada Haweenka ex Gurigii Ururkii Haweenka ayaa waxaa degan dad qaxooti u badan, iyadoona qeybo ka mid ah Dhismaha Xaruntana ay ka furan yihiin mehrado ganacsi, kuwaasoo ay maanta soo kormeertay Wasiirada
-
PM Nur Cade on talks, no compromise with terrorists..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nuur cadde ‘Somalia waxay ka mid tahay Furimaha Dagaal ee Argagixisada Caalamka Ciraaq iyo Afghanistaan’ Posted to the MOL February 17, 2008, 9:02 am Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay furimaha dagaal ee Argagixisada Caalamiga Ciraaq iyo Afghanistan. Nuur Cadde ayaa sheegay inay Somaliya ku sugan yihiin kooxo ku xiran kooxda Alaaciida ee dagaalka ka wada Ciraaq iyo afganistaan. Nuur Cadde ayaa sheegay in qaar ka mid ah mucaaradka Dowladiisa wada xaajoon lala gali karo laakiin ay jiraan kuwo xiriir toosa laleh Argagixisada caalamiga ah sida Alqaaciida. Nuur Cadde wareysi siiyay wargeysa afka dheer ee Newsweak ayaa xaalada Somaliya ku timaamay mid ay ka jirto fowdo baahsan dadka Somalidana ay haysato dhibaatooyin isugu jira mid dhaqaale iyo nabad xumo ay dhaliyeen dagaaladu. ‘Waa jiraan kooxo ka soo horjeeda dowlada oo ay wada hadal la galayaan, waxaa kaloo jira kuwo xag jira oo aan ogalayn wax wada hadal ah iyo nabad la gaaro toona’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Nuur cade mar uu ka hadlayay mucaaradka dowladiisa. Ra’iisal wasaare Nuur Cadde oo waayadaan dambe booqosho ku maraya wadamada midowga Yurub ayaa sheegay in dowladiisu u baahan tahay in laga taageero sidii ay wadanka nabad ugu soo dabaali lahayd. Isagoo sheegay in gacan dowladiisu ka heshay dowlado badan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo midowga Yurub. Mudugonline.com -
President Yusuf meets traditional leaders of Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde oo sheegay in mucaaradka lala hadli karo marka laga reebo kooxo Argagaxiso ah. Last Updated::2008-02-17 11:58:18 Nairobi(HRNet):-Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalai Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay wada hadalka la filayo inuu u furmo Dowlada iyo Mucaaradka. Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in Somalia ay kamid tahay dalalka ugu dagaalada badan caalamka ayna kaalinta 1aad ka gashay dalalkaasi. Mar uu ka hadlay wada hadalada ayuu sheegay inay la furi doonaan wada hadalada badi mucaaradka Asmara ku sugan marka laga reebo kooxo uu ku sheegay inay Argagaxiso yihiin kana soo dagaalameen wadamada Ciraaq iyo Afghanistan sida uu hadalka u dhigay. “Adeer, waan la kulmeynaa inta badan mucaaradka Asmara fadhiya, marka laga reebo kooxaha aan naqaan adduunka ka diiwaan gashan ee Argagaxisada ah kana soo dagaalamay Ciraaq iyo Afghanistan” ayuu yiri Nuur Cadde. Nuur Cadde waxuu sheegay inay xukuumadiisa la shaqeyso CIA-da Mareykanka, isla markaana ay isku kaashan doonaan sidii kooxaha uu ku tilmaamay Argagaxisada ee Somalia joogta cagta loo marin lahaa. Hadalka RW.Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan la filayo in kulan yeesheen Dowlada KMG ah iyo Kooxaha Mucaaradka ku ah. Abdifitahaam Ahmed abdifitahaam@hotmail.com HorseedNet.com -
President Yusuf meets traditional leaders of Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: " Madaxweyne Yuusuf wuxuu diyaar uyahay la hadalka Cid walboo rabta nabada Soomaaliya waxaana dirney Dhambaal" Afhayeen uhadlay Madaxweyne Yuusuf. 17. februar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ka saacado soo laabashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Afhayeenkiisa gaarka ah ee Warbaahinta wuxuu sheegay Saxaafada war ku saabsan Mawqifka Madaxweyne Cabdulaahi. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Xaafiiska Madaxweyne Yuusuf laga diray dhambaal qoraal ah loona diray Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,balse ma uusan sheegin Koox-da loo diray. Xuubsireed wuxuu sheegay in Madaxweyne Yuusuf diyaar uyahay la hadalka iyo la xaajoodka cid walboo ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayna muhiim tahay in Kooxahaasi ay doonayaan in ay Soomaaliya ka dhacdo nabad waarta ,isagoo ugu baaqay cid walboo ka soo horjeeda dowlada Soomaalida in ay tagaan Miiska wada hadalka. Afhayeenkan wuxuu sidoo kale sheegay in uu Madaxweynuhu daneynayo in uu meeshii walba uu kala hadlo kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo markaasi eegaya danaha Umada Soomaaliyeed ,Israaca umada iyo nabad waarta oo ka hana qaada Gudaha Soomaaliya. " Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu doonayaa nabadgalyo lugu soo celiyo Muqdisho ,wuxuu sidoo kale daneynaa amaan waara oo ka dhaca Soomaaliya ,wuxuuna ku naaloonayaa Soomaalida oo israacda midowdana waxaana dhowreynayaa Dhambaal aan udirney kooxaha naga soo horjeeda" Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Saxaafada oo warbaahinta la hadlay Saacado ka dib soo laabashadii Madaxweyne ee Xamar. Mawqifka Wada hadalka ayaa wax laga weydiiyey Xuubsireed ,isagoo sheegay in ay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysalwasaaruhu isla meel dhigeen qaabka wada hadalka ,loona dajiyay Jadwal ay kula kulmaan Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Warkan ka soo baxay Laanta Warbaahinta ee Xaafiiska Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku soo beegmaysa xili uu saacado joogo Muqdisho ,Madaxweynuhu uuna la kulmayo Masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood uu kala hadlayo la kulanka & Dibu heshiisiinta Soomaalida ku heshiin lahayd. Horey Madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu dhaartey in ay ka go'an tahay ka shaqeynta nabad waarta oo ka dhacda ,isagoo markaasi ka dib wadey dadaalo ku aadan sidii Ay Soomaaliya markale cagaheeda isku taagi lahayd ,ayna ula siman lahayd dhamaanba dowladaha Africa ugana dhex muuqan lahayd Calamada dowladaha Caalamka. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland -
Muqdisho: Madaxweyne Yuusuf oo la kulmay Salaadiinta dhaqan ee Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee Muqdisho. 17. februar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay ka duulay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa tagey Magaalada Muqdisho ,ka dib bilo uu ka maqnaa Vila Soomaaliya wuxuuna bilaabay la kulmida qeybaha ay ka go'odo tallada Magaalada Xamar. Madaxweyne Yuusuf ayaa la shiray markii uu Shalay tagey Magaalada Muqdisho ,Saraakiishiisa amaanka ee kusugnaa Magaalada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay xaalada amaan ee Caasumada iyo sida ugu bahoon ee markale Magaalada Muqdisho nabadeeda loo soo celin karo. Saraakiisha amaanka ayaa usheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amaanka Caasumadu yahay mid wanaagsan ,ayna hada ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya wataan howlahoodii Shaqo ayna ku rajo weyn yihiin in ay ciidamada dowlada Soomaaliya ,kuwa Itoobiya iyo AMISOM ku guuleystaan amaanka Magaalada ay Rabshaduhu ku baaheen ee Xamar. Taliyaashan ayaa sidoo kale soo bandhigey waxqabadkii ay qabteen ciidamadooda kala duwan tan iyo markii uu Madaxweyne Yuusuf ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ,waxa ayna sheegeen in ay jiraan waxyaabo badan oo la qabtey oo horumar lugu tilmaamo karo ayna jiraan waxyaabo lugu guuleysan la'yahay. Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ayaa la kulmay maanta sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Salaadiinta dhaqanka ee Magaalada ,iyo dhamaanba waxgaradka ay ka go'odo tallada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay sida ugu bahoon ee xaalada Caasumada wax looga qaban lahaa. Salaadiinta dhaqanka & Madaxweynaha kulankoodan oo ahaa mid albaabada loo xirey wuxuu ku saabsanaa amaanka ,waxa ayna sheegayaan wararku in ay isla meel dhigeen Madaxweynaha iyo Salaadiintu qodobo badan oo ku aadan Xasalinta guud ee Soomaaliya gaar ahaana Caasumada. Odayaasha dhaqanka ayaa usheegay Madaxweyne Cabdulaahi in ay dowladiisu qabtey waxyaabo la taaban karo ,ayna uharsan yihiin howlo badan oo baaxad leh ayna horyaalaan Xasalinta amaanka laga bilaabo Caasumada ilaa heer Tuulo iyo dibu heshiisiin balaaran oo ayna sugeysa Madaxweyne Yuusuf. Waxa ay balanqaadeen Salaadiintan in ay Dowlada Soomaaliya kala shaqeynayaan amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaana mid Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah halka ay ka taagan tahay dhibaatada faraha badan ee ka jirta dalka Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan. Wada hadaladan uu bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya ka dib tagidiisii Muqdisho ayaa ku soo beegantay xili xaalka amaan ee Caasumadu yahay mid ay wali ku guuleysan la'yihiin ciidamada faraha badan ee Magaalada jooga taasna waxaa sababihii ugu danbeeyey lugu sheegay arimaha ka jira Muqdisho oo leh wajiyo badan. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland
-
Thanks for the correctiontion. What I liked is the fact that she wants to rebuild most of the old ports, she named a few, one in Awdal, Bender Bayla, Eyl, Hobyo and a few others. A great project and we need to do more like this.
-
PM Nur Cade on talks, no compromise with terrorists..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Brussels: Raysal Wasaare Nuur Cadde oo qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah. 17. februar 2008 Brussels, Feb 15 - R/wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen 'Cadde' ayaa qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee Argagixisada Caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah. Badi mucaaradka ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa lala xaajoon karo, marka laga reebo tiro yar oo gacansaar la leh argagixisada caalamka. "Waxaan qabaa in badi mucaaradku ay yihiin kuwa saluugsan wax qabadka dawlada, rabana in isbedel la sameeyo. Qaar kale ayaa qaba in aan laga qayb galin awood-qaybsiga, jeclelna in ay iska dhex arkaan sawirka..." ayaa uu yiri R/wasaare Cadde oo ka hadlayey mucaaradka. "Lahaanshaha dawladu waa mid bulsheed, waana mid bulshada Somalida ..." ayaa uu raaciyey. R/wasaaraha ayaa waraysi uu siiyey wargeyska todobaadlaha ah ee Newsweek ku tilmaamay xaalada guud ee Somaliya mid qasan, aadna uga dayriyey xaalada bini'aadanimo ee dadka Somalida oo sida uu sheegay ah mid khatar ku sugan. Waxaa uu xusay in amni darida ka jirta dalku ay sabab u tahay taas, ayna adag tahay in laga badbaado haddii amniga dalku aanu sugnayn. R/wasaare Cadde oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Brussels, xarunta Midawga Europe, shirarna la yeeshay madaxda Midawga Europe ayaa ugu baaqay beesha caalamku in ay gacan ka gaysato hawlaha dib u heshiisiinta ee ay xukuumadiisu ku baaqday, si xal siyaasadeed loo gaaro. Dawrka dawlada Maraykanka ee arrimaha Somaliya ayaa uu R/wasaare Cadde ku tilmaamay in uu yahay mid taageero siyaasadeed, ayna dawlada Maraykanu majaraha u hayso hawlgalada ka socda Somaliya. Waxaa uu xusay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku sugan gudaha Somaliya, balse ay taageero ka helaan ciidanka sirdoonka Maraykanka ee CID-da, oo uu sheegay in ay yimaadaan dalka saraakiil ka tirsan CIA-du, aanayse ku nagaan in badan gudaha dalka Mar la weydiiyey xiriirka u dhexeeya dawladaha Somaliya iyo Ethiopia, iyo in xiriirkaasi uu yahay mid mugdi galin kara jiritaanka dawlada Somaliya ayaa R/wasaare Cadde uu sheegay in aanay taasi jirin, dhab ahaana ay Ethiopia gacan u fidisay Somaliya mar ay aad ugu baahnayd, ayna weli ka taageerto sugidda amniga. In colaada ka aloosan Somaliya ay tahay waxa loogu yeero "proxy-war" oo ay Somaliya noqotay goof ay ku hardamaan Ethiopia iyo Eritrea ayaa R/wasaaruhu aanu inkirin, oo sida uu sheegay mucaaradkuna uu taageero ka helo Eritrea, dawlada Somaliyana ay taageero ka hesho wadamo ay ka mid yihiin Ethioipa. Waxaa uu intaa raaciyey in colaada u dhaxaysa Ethiopia iyo Eritrea ay qayb ka tahay, balse ay jiraan raadad kale oo badan oo huriya mahlakada ka taagan Somaliya. Mar la weydiiyey R/wasaaruhu rajada uu ka qabo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay oo la geeyo Somaliya ayaa uu sheegay in QM ay u dirtay Somaliya sahan, layslana qiray baahida ciidamo nabad ilaalineed. R/wasaare Cadde ayaa qiray in Somaliya ay mid ka tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka oo ay saddexayso Ciraaq & Afghanistan. Waxaa uu xusay in ay jirto fursad weyn oo Somaliya ay hoy ugu noqon karto argagixisada caalamka, hubka ugu weyn ee lagula dagaalami karaana ay tahay dib u heshiisiin. Diiwaanka Wararka, Radio Daljir. Il- newsweek.com Sii baahintii AllPuntland -
RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska ay baneeyaan” Axad, February 17, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde oo shalay Waxgarad Soomaaliyeed kula hadlayay Hotelka Panari ee magaalada Nairobi ayaa wuxuu mar kale ku celiyay qorshaha ay Xukuumaddiisa dooneyso in ay wax uga qabato mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa ay muhiim u yihiin nabadeynta Soomaaliya iyo sidii xal waara loo gaari lahaa, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay Mucaaradka tabanayaan ay u kala jiraan labo arrimood oo kala ah in ay qaarkood Dowladda dhaliilsan yihiin, halka kuwo kalena ay dareemayaan in awood qeybsigii dalka aan lagu tixgelin. Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay jirto baahi ku saabsan sidii nabadda iyo dib u heshiisiinta la isugu waafajin lahaa dadka qunyar-socodka ah iyo kuwa mayalka adag ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, meeshana looga saari lahaa is-mari-waaga jira, dabadeedna loo gaari lahaa xal waara oo loo helo mushkiladda 15-ka sano ka badan ka taagan Dalka Soomaaliya. Mar uu ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd goorta ay Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo uga timid dhinaca Dadkii uu la hadlayay ee uu kula kulmay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in ay 24 saacadood ku qaadaneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka saaraan Soomaaliya hayeeshee loo baahan yahay in marka hore laga fiirsado sidii loo buuxin lahaa booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya. “In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika. Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan dadkaasi heysan gargaarka ay u baahan yihiin marka laga reebo dadaallo ay waddo Dowladda Federaalka iyo Hay’ado Deeq bixiyayaal ah oo dadkaas raashin lagu gaarsiiyo, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka inay Dadkaas gargaar deg deg ah la soo gaaraan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
I was there last night at the event, it was a success and Ms Jibril is a modern day Somali hero...
-
Mogadishu:President Yusuf arrives back in capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha DF oo ku soo laabtay Caasimadda 15 Feb 15, 2008 - 11:36:36 PM Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia C/laahi Yusuf Axmed oo safaro dibada uga maqnaa ayaa saaka dib ugu soo laabtay Caasimada Magaalada Muqdisho. Waddooyinka waaweyn gaar ahaan kuwa ku teedsan garoonka diyaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ayaa lagu daadiyey ciidamo badan oo Somali iyo Ethiopian isagu jira kuwaas joojiyay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Madaxweyne Yusuf ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno sarsare oo ka tirsan DF oo ay ka mid yihiin Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo Muqdisho ku sugnaa, Guddoomiyaha Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Booliiska Gen. Cabdi Qaybdiid, Taliyaha Nabadsugidda Gen. Darwiish iyo xubno kale. Madaxweyne Yusuf ayaa isaga iyo wefdiga la socday oo aan la ogeyn inta ay dhanyihiin waxaa loo dhaadhiciyay xarunta Madaxtooyda Villa Somalia. Ma jiraan wax hadal ah oo uu bixiyay Madaxweyne Yuusuf markii uu kasoo dagay Garoonka Muqdisho, balse afhayeen u hadlay ayaa u sheegay Garowe Online in lagu wado inuu hadal bixiyo maanta, isagoo ka hadli doona socdaalkii uu dhawaan ku tagay dalalka Britain iyo Itoobiya. Afhayeennada Madaxweyne Yuusuf ayaa waxay xalay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku wajahan yahay maanta Magaalada Baydhabo uuna kaddib imaan doono Muqdisho, waxaase saakay uu ka soo dagay Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah waddooyinkii u xirmay saaka imaanshaha Madaxweynaha Jamuuriyada Somalia ayaa haatan dib u furmay iyadoo dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u isticmaalayaan. Saacadaha soo socda ayaa la filaayaa in uu la hadlo warbaahinta waxana Madaxweynuhu safar uu ku soo maray wadanka Ingiriiska halkaasoo baaritaano caafimaad uu ku soo qaatay iyadoo ugu dambeyntii uu ka soo kicntimay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Imaashaha Madaxweyne Yusuf waxa ay ku soo beegmaysaa xili xalay weeraro hoobiyaal ah lagu qaaday dekada wayn ee Caasimada,iyadoo isla xalay dagaalo qaraar ay ka dhaceen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha gaar ahaan isgoyska H/wadaag kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada DF iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda. -
Paris: Somali PM holds meetings with leades of France :PICS +AUDIO
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio/video -
Ra'iisal-wasaaradaha dawlada Soomaaliya Nuur cadde oo Maanta shir Jaraa'id ku qabtay Paris (Maqal & Muuqaal) Rai'iisal-wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Somalia Mudane Nuur Xasan xuseen (Nuur cadde) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa wadamada Yurub ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray xarunta wadanka faransiiska ee Magaalada Paris waxuuna shir-jaraa,id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Faransiiska.Halkan ka Daawo Shirkii Jaraa'id (Maqal&Muuqaal Email Story Printable View
-
Madaxweyne Yuusuf oo casuumad ka helay dhigiisa Syria Al Bashaar Asad. Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa soo gaartay casuumad kaga timid dhigiisa dalka Syria Bashaar AlAsad,si uu madaxweynuhu dalkaa kaga qeyb galo kulan madexeedka Carabta ee dhawaan dhici doona. Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa soo gaartay casuumad kaga timid dhigiisa dalka Syria Bashaar AlAsad,si uu madaxweynuhu dalkaa kaga qeyb galo kulan madexeedka Carabta ee dhawaan dhici doona. Madaxweynaha Jamhuuriyada oo maanta uun dalka Dsib ugu soo laabtay ayaa qorsheyaasha hor yaala waxaa ka mida inuu bisha March ee ina soo aadan magaalada Dimishiq ee dalka Syria kaga qeyb galo kulan weynaha hogaamiye yaasha dalalka ku jira ururka Jaamacada Carabta ee Syria ay sanadkan marti gelineyso. Inkastoo warar ay heshay carmooyin.com ay sheegayaan casuumadu in ay hogaamiyaha qaranka Soo gaartay ayaa hadana aanay jirin wax warar ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan casuumada madaxweyne Yuusuf uu ku tagayo dalka Syria. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Mogadishu:President Yusuf arrives back in capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: War deg deg ah: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf oo gooe dhoweyd ka soo degay Madaarka Magaalada Muqdisho. 16. februar 2008 Muqdisho (AllPuntland) - War hada naga soo gaaray Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay halkaas ka soo degtay Diyaaradii siday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed. Wararka oo aanu ka helnay Saraakiil ku sugan Madaarka Muqdisho, ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha ay soo dageen. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, iyadoona Xubno ka tirsan Labada Gole ay soo dhoweeyeen. Durbadiiba waxaa Madaxweynaha loo soo galbiyay Dhinaca iyo Madaxtooyada Qaranka, waxaana lagu soo qaaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, kaasoo ah kuwa aan rasaasta karin. Madaxweynaha ayaa la filayaa in warbixino uu ka dhageysto Talisyada Ciidamada Dowladda iyo Duqa Magaalada Muqdisho, isagoona sidoo kale ka warbixin doono safarkiisii. Imaanshaha Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo xiray Wadooyin dhowr ah oo hal bowle u ah isu socodka Caasumada, iyadoona markii uu soo degayna dib loo furay wadooyinkaas. Gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay iyana isu socodkooda, kadib markii wadooyinkii saaka la xiray ay wada furmeen. C/casiis Maxamed AllPuntland -
C/llaahi Yuusuf oo ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde- Last Updated::2008-02-16 10:28:52 Muqdhishu (HRNET) War goor dhaweyd aanu ka helayno Caasimada dalka somaliya ee Muqdhishu ayaa waxa aay sheegayaan in halkaasi uu soo gaaray Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somaliya Mudane.C/laahi Yusuf Axmed. Sida aay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdhishu ayaa waxaa aay sheegayaan in C/laahi Yusuf Madaxweynaha Dowlada KMG ah uu soo gaaray saakay Subaxnimadii hore isaga oo aay siday diyaarad gaar ah. iyadoo Markii uu soo gaaray Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde aay Amaankiisa la wareegeen ciidama AMISOM kuwaas oo u sii gudbiyey Xarunta Madaxtooyada ee Muqdhishu. Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xalay iyo shalay ay weeraro xoog leh ka dhaceen Caasimada iyadoo isla xalay Weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Dekedda weyn ee Muqdhishu. Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in Madaxweyne Yusuf uu goor dhow la hadlo saxaafadda isaga oo ka warbixin doono safarkiisii dibadda. Gooni HorseedNet.com
-
^^^lool. how are you doing sis?, Yes I am on vacation from that other section..