
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Puntland its population come against Djibouti process
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
AUDIO Sida uu ku socdo shirka Jabuuti ma khuseeyo Puntland..." M/weyne Faroole. -
Dhamaan jaaliyadda reer puntland ee north america oo taageertay warkii uu idaacadda bbcda ka sii daayay madaxwaynaha puntland mudane cabdirahman mohamed faroole Posted to the MOL January 27, 2009, 1:24 pm Dhamaan Jaaliyadaha ree puntland ee north Ameerica gaar ahaan magaalada mataanaha ee Minneapolis Minnesota . Waxaay taageerayaan oo ay ayidayaan hadalkii uu madaxwaynaha puntland mudane Cabdirahman Mohamed faroole ka sheegay idaacadda bbc hadalkaasoo ahaa fikirka ay maamulgoboleedka puntland uu qabo shirka dibuheshiisiinta soomaliyeed ee ka dhacaya dalka jabuuti. Hadalkaasoo ahaa hadii fedraalka la faragaliyo oo uu siduu ahaa wax laga badelo inayan puntland ku jirin iyo In qaybtii baarlamaanka ah ee la yidhi waa lagu darayaa qaybteeda in ay puntland magacaabato oo loo soo gudbiyo puntland oo ayan awood u lahayn inay jabuuti lagu magacaabo maadaama 4.5 lagu qaybsanayo .Haddaba dhamaan waxaanu u sheegaynaa caalamka oo dhan sida united nationka, urur goboleedka igad jaamacadda carabta ,O.AU , IYO wadamada reer yurub iyo kuwa hadda ku shiraya jabuuti waxaanu u sheegaynaa inaanu ku raacsanahay madaxwaynaha puntland hadalka uu yidhi mudane cabdirahman Mohamed faroole . Waxaana ka mid ah dadkaa aqoonyahano odayaaal ,hawennka iyo dhalinyarada ,wax gatradka .
-
Baidoa capture anger at Abu mansuur, why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abu Mansuur move today was a great one, he spared his city and the people. Thats a great move and must be recognised. -
Aadan Madoobe Jagadiisa Yaase ugu Cadcad Xilka Madaxweynaha? Monday, 26 January 2009 21:23 Editor Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo ay wadahadalladu uga socdaan DFKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa la filayaa in marka xubnaha iskudar ah kulmaan Arabacada in doorashada Madaxweynaha loo gudbo oo iyada lagu billaabo iyadoo la filayo inay taasi dhacdo Jimcaha iyadoo lagu wado in madaxweynaha la doorto uu toos horey uga qaybgalo kulanka Madaxda Midawga Afrika oo dhawaan dhacaya. Jagada Aadan Madoobe ayaa muran ka taagan yahay iyadoo sida heshiisku dhigayo ay tahay in laga billaabo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka marka shirka ugu horreeya ay isugu yimaadaan labada dhinac oo Baarlamaan wadaag ah isku noqonaya. Aadan Madoobe ayaa doonaya in uun jagada madaxweynaha oo haatan marnaan dastuur ka taagan tahay lagu gaabsado jagadiisana loo daayo haddii kale laga cabsi qabo in caqabado shirka soo wajahaan. Dhanka kale xubno ka tirsan Isbahasiga iyo Baarlamaanka KMG ah ayaa ku adkaysanaya in jagada gudoomiyaha Baarlamaanku iyana noqoto mid loo baratamo sida heshiisku dhigayey. Jagada Madaxweynaha ayaa ilaa iyo haatan waxaa ugu cad cad Nuur Cade, Galaydh iyo Sheekh Shariif iyadoo dhanka kalana laga yaabo in Yuusuf Garaad uu jagadaa isoo rashaxo laakiin ilaa hadda ma ahani tani mid la shaaciyey. Nuur Cadde ayaa laga yaabaa in in badan oo ka tirsan dhankiisa TFG-da aysan u codayn iyagoo ka aarsanaya dagaalkii isaga iyo Madaxweyne Yuusuf iyo xubno baarlamaanka ah kusoo dhex maray Baarlamaanka iyagoo la filayo inay ku xumayn darteed u codeeyaan sheekh Shariif. Dhanka kale Xubno Isbahaysiga ka tirsan ayaa laga yaabaa inay iyana u codeeyaan Nuur Cadde iyagoo dhalilsan qaabka hogaamineed ee Sh Shariif, iyadoo beesha caalamkana laga cabsi qabo inay ka biyo diidsan yihiin in Sh Shariif jagadaasi qabto. Lama oga cidda dhabta ah ee kusoo bixi karta jagadaasi waase mid caqabado hor taagan yihiin ciddii soo baxda iyo Baarlamaankuba maadama ay dalka kusii fidayaan kooxo ka biyo diidsan heshiiska. Soomaalida ayay u sahlan tahay in wax la diido ka dibna la burburiyo waxaase adaga in la helo awood wax lagu dhiso ama lagu furdaamiyo iyadoo dhanka kalana ay Soomaalida u fududahay in magac qabiil ama diin loo dhinto balse ay adag tahay in la helo dad nafta u hurayo sidii nabadda loo adkayn lahaa ama dawlad inta badan aqbaleen loo difaacan lahaa yuusan qofku jago ama dan toos ah ku qabinba'e, taasoo ah mid ka mid ah asaasyada loo baahan yahay in la helo si Soomaaliya dawlad iyo kala danbayni ka taabbo gasho.
-
M/weynaha cusub ee Somaliya oo la dooran doono maalinta Jimcaha, Sabtidana la dhaarin doono Jabuuti, Jabuuti (Calanka.com) 27-Janaayo-09 Warar lagu kalsoon yahay oo aan si hoose ku helnay ayaa sheegaya in maalinta Jimcaha ah la dooran doono m/weynaha cusub ee qaranka Somaliya kaasoo maalinta xigta ee ee Sabtiga ah lagu dhaarin doono isla magaalada Jabuuti. Shalay oo taariikhda ku beegneyd 26/janaayo ayaa waxaa uu baarlamaanka dowladda federalka si buuxda u ansixiyay in xildhibaanada garabyada TFG iyo ARS la isku daro islamarkaana ey arintaasi dhacdo maalinta Talaadada (Maanta) oo maalinka Arbacadana ey yeeshaan kalfadhigooda ugu horeeya. Beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa in ey cadaadiskan lagu de-dejinayo howlaha uu ka imaanayo, waxaana la filayaa in 1-da bisha lagusoo kala dareero caasimadda Jabuuti iyadoo la dhisay dowlad midnimo qaran iyo madaxweyneheeda oo ey Somaliya yeelato.
-
Baidoa capture anger at Abu mansuur, why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
..Adeer indeed you are a novice, the groups pushing the Sharif are the same groups who want to continue the war for what ever reason. Thus the Al Shabaab are easily the best option out of the bad apples left in the south. The Sharif and the clan acolytes will be forced to fight their old friends and this is what you do not see. The anti Al Shabaab rhetoric has increased markedly from the same clan webistes that used to support them. e have seen the massacre of the Al Shabaab fighters in Guri-Ceel by the same groups who now support the Sharif, Why? And what will this mean for the people of the south, this is the real question ya Pirate wanna be. -
^^^If that’s the case then either the Sharif is the dumbest man in Somali political history, Or those who gave you that report are insane. Which one is it?
-
^^^lool. Nur Cade & Sharif admin would work in Djibouti hotel if that’s the case. Sharif Ahmed should win easily. They agreed to the 4.5 the PM will be from the large clan that has vacated the Presidency, that’s the truth lads. Nothing will change, but the problem here is the bloated parliament, its too big. Never mind the Al Shabaab takeover of the south, its a daunting dilema that faces any of them.
-
Baidoa capture anger at Abu mansuur, why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mr Prirate, you do not get the point of the post, so you rush in like the novice you are. Al Shabaab seem to be on top of the game, thus why the anger from the usual clan portals, that used to support them what has changed now? The Shabaab have morphed into an organization which is against the vested interest of the usual clan acolytes thus this is a welcome thing. Though the showdown in the south is not good for anyone and least of all the poor helpless population. Where is Adan Madobe, Nur Cade and their strategy to empower the governemnt, they lost everything in less than a month. -
Baidoa capture anger at Abu mansuur, why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo oo Islaamiyiin ay la wareegeen iyo xildhibaano lasii daayay. Monday, 26 January 2009 18:08 BXM Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la wareegay oo gaaray halkaasi xoogag katirsan kuwa Islaamiyiinta kuwaasi oo kala ah Shabaabka iyo sidoo kale Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso). Xoogagani ayaa waxa ay gaareen Baydhabo xilli ay kajirto fowdo xoogan oo dhac loo geystay xarunta Madaxtooyada iyo tii ADC-da Baydhabo iyo goobo kale. Hadaba markii ay xoogagani galeen Baydhabo ayaa waxa ay isku fidiyeen dhowr goobood gaar ahaan goobaha ay dhaca iyo boobka kasocdeen halkaasi oo ay kamid aheyd bankiga dhexe oo ay sheegeen Ammaankiisa in iyagu ay sugayaan. Kadib markii ay magaalada la wareegeen ayaa waxa ay gacanta kudhigeen xildhibaano katirsan TFG-da iyo saraakiil dhinaca Ammaanka ah oo Maamulka Gobolka bay katirsan. Waxaa kamid ahaa dadkii gacanta lagu dhigay Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim ***** Yarow, Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geesey, Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Ammaanka iyo rag kale. Abuu-mansuur oo heyb ahaan ay isku meel kasoo jeedaan ayaa si wanaagsan u qaabilay, waxaana uu kula shiray Baydhabo isaga oo ka reebtay hubkooda lakin gaari inta shidaal uga buuxiyay u fasaxay dhanka Degmada Xudur. Xaaladda Magaalada ayaa ah iminka meel degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa ganacsi oo xilliyadii dambe la arkayay in aanu lafuri Karin wixii ka dambeeya shanta galabnimo lakin maanta ay furaanayaan illaa habeenimo. -
Baidoa capture anger at Abu mansuur, why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
He was a hero for so long, now they accuse him of committing war crime and of being a tyrant, a two faced clanist? Why now. The monster they created is coming to haunt them. Al Shabaab has become a lethal multi clan organization with a mind of its own. -
Alshabaab capture Baidoa + take former TFG MP hostages
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Puntland is fine and since the old left even Baidoa has been forced into Al Shabaab's hands. Its a difficult time, but who knows it could be for the best. -
source
-
Djibouti project seems like another fake dawn.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali Pirate don’t concern yourself with an individual a whole nation is lost. Has been lost for 18 years. The simple idiotic excuses you once made don’t hold water today. Yusuf for all the talk played a key role in securing his region a huge entity within Somalia. Lets see what you secure. -
Djibouti project seems like another fake dawn.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirka Jabuuti Rajo mise Rajo-beel? (Faallo) Monday, January 26th, 2009 at 7:21 pm Soofe Xaaji Siciid editor@horseedmedia.net 1991dii Markii uu bur bur kuyimid Qaranimadii Soomaaliya ee ay u kala jajabtey kooxo-kooxo, qabiil qabiil, waxaa Beesha Caalamka ee danaha kala duwan ka leh Soomaaliya ay u dhiseen Sadex Dawladood, Waxaa ugu horeysey Dawladii Cali Mahdi Maxamed oo lagu dhisey Jabuuti 1991dii Waxaa ku xigey shirar isdaba joog ah oo lagu qabanaayey dalka Itoobiya oo ah dal deris la ah Soomaaliya ayna ka dhexaysey Colaad hore isla markaasna ka lahaa dano gaar ah oo lama taabtaan ah, shirarkaas ayaan ahayn kuwo guulystey waxaase Siyaasadda Soomaaliya ay gebi ahaanba wareegtey xagal 360 digrii ah kadib shirkii lagu qabtey Dalka Masar 1996-1997kii Kaas oo ay isku daydey Dawladda Masar in ay Madaxweyne ka dhigto Cali Mahdi Raysalwasaarena u soo xulatey Xuseen Caydiid oo dhaxal aabihii siyaaadda ku soo galay, Markii uu fashilmey isku daygii Masar waxaa soo baxay Kooxdii la magacbaxdey Soodare oo ahaa shir lagu qabtey halka loo yaqaan Soodare oo ay garwadeen ka ahayd Dawladda Itoobiya, Kooxdaan ayaa 6dii biloodba nin hayn jirey xukunka dalka!!!. Shirkii labaad ee Dawladd lagu dhiso waxaa lagu qabtey Dalka Jabuuti waxaana Madaxweyne loogu doortey Cabdiqaasim Salaad Xassan, dawladdan magaca ay caanka ku ahayd waxa uu ahaa Carta ama TNG, waxaa garwadeen kahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele, isaga oo adeegsadey halkudhig ah qab qable meesha haka baxo bulshada rayidka ah ayaa talin, dawladdan ma noqon mid hana qaada, mana ahayn mid dhaafsiisan Agagaarka Hottelada waaweyn ee Muqdisho iyo Xaafadda Hodan jidka fookha hoos mara, waxaa boqonta gooyey Hogaamiye kooxeedyadii uu Madaxweynaha Jabuuti sheegay inaan loo baahneyn iyo Dawladda Itoobiya kadib markii ay u samaysey Dallad ay ku mideysan yihiin loogna magacdaray SRRC. Dawladdii Sadexaad, waxaa abaabulkeedu bilawdey Dawladdii carta oo aan dhamaysan waqtigeedi waa 2002dii, markaan waa ka duwanayd markii hore waxaa shirku ka dhacayaa waa wadan kale oo isaguna qayb libaax ka qaata cayaarta qori isu dhiibka ee Siyaasadda Soomaalida waa Kenya Markan, inkasta oo ay ciyaartey Kenya Door wax ku ool ah iyada oo huwan magaca IGAD, markii ay meel ka murugto waxaa khabiir u ahaa oo miisksa hoostiisa ugu jirey Itoobiya oo hageysey shirka. Shirkaan oo ahaa kii ugu mudada dheeraa waxaa ka soo baxay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Baarlamaan tiradiisu dhantahay 275 ayna ku jiraan dad aad u kala aragti duwan, isla markaasna aan jiibta iyo jaanta isla heleyn, kaba daranooo qaar waxaa ka dhexeeyay cadaawad aysan ka heshiin, salaanta islaamkana aan iska qaadeyn, muddo ka badan sanad ayey dul saar ku ahaayeen Dalka Kenya waxaa halkaas ku biilaayey wax loogu yeero Beesha Caalamka oo ah dulaaliin Soomaaliya dabar iyo jeebo isugu daray, waxaa dalka Kenya ka soo galay dhaqaalo faro badan oo ay ka helayeen kuwa loogu yeero beesha caalamka, iyaga oo ugu danbeyntii soo dalacdey 140milyan oo Dollarka maraykanka ah taas oo ah deyn ay ku galeen shirka, waana la baxshey. Sidey doontaba ha noqotee Doontii uu naakhuudaha ka ahaa Mudane Cabdullaahi Yusuf oo badmaaxiinta saaran ay dhanyihiin 275 oo ay ku yaryihiin inta taqaan dabaasha, dakhalkii aya ka jabay weyna degtey Badmaaxiintii caanka ku ahaa khilaafka waxa ay jabsadeen alwaaxdii doonta midba meeshii u muuqatey ayuu ula caariyey ugu danbeyntii waxaa intoodi badneyd laga helay xeebta Jabuuti, Cabdullaahi Yusufna wuxuu ku boodey Barashuud samada inta uu isku ganay ayuu dig ku soo yiri halkii laga soo direy markii hore Qarankii agoonka iyo rajanimada ahaa 18sano waxaa u soo haray 275 xill-dhibaan ama xill-madhibe, waxaa durba soo noolaadey damacii waalnaa ee ahaa kursi doonka, kadib markii uu is casiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, 31.12.2009 ayaa beesha ****** gogol u fidisey Beesha kale ee ay walaalaha yihiin ee xilaftanku ka dhexeeyo waa **********, gogoshan waxaa lagu macneeyay, Mudadii uu Raysal wasaaraha ahaa Cali Maxamed Geedi Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada uu ahaa Maxamed Cumar Xabeeb dhibkii idingaarey qaxii idinku dhacay iyo hataawilifkii aad marteen ayaan idiinka soo hoyaney (Tixraac Waraysi Axmed Diiriye BBC 02.01.2009) beesha habargidirna waa aqbaleen, waxaase is weydiin mudneyd, Xuseen Caydiid iyo Gacma dheere oo isaga danbeeyay arimaha Gudaha iyo Qaybdiid oo Booliska ahaa yaa looga hoyan arintooda miyeysan wuxu ahayn dawladd wadaagtey wanaag iyo xumaanba, laakiin xeeldheerayaasha siyaasadu waxa ay markiiba meeshaas ka saadaaliyeen in kursiga Mugaan ay raadinayso Beesha Mudulood, cida ugu horeysa ee ka carqaladayn kartana ay yihiin **********, si ay beri ugu garaabaan ayey shirkaas u qabteen. Shirka Jabuuti. Shirka Jabuuti waxa uu bilowdey sanadkii 2008-dii bishii Lixaad, waxa uu ku bilowdey waxa ay ahayd, Heshiis dhexmara DFKG ah iyo Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya, mid kamid shirarkii isdaba jooga ahaa Waxaa ka qaybgalay Cabdullaahi Yusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii DFKGS, waxa uu soo jiitamo waxa shirkaasi noqdey Virus kala qaybiya Labada dhinacba, kadib markii ay saxiixeen heshiis nuxurkiisu uu yahay 275 xildhibaan halagu daro Baarlamaanka Soomaaliya, Itoobiyana Dalka haka baxdo, Xabaddana waa in la joojiyo. Kooxdii Casmara ka timi waxa ay noqdeen laba garab mid dagaalka sii wada iska dhaaf inay joojiyaane waaba sii laba kacleeyeen, iyo koox Jabuuti ka dhigtey Saldhig caalamkuna ugu yeero Islaamiyiinta qunyar socodka ah iyo koox ka soo hartey Baarlamaankii hore ee Kenya lagu dhisey. 550 xilldhibaan! Waxaa maanta Xubnihii Baaralamaankii hore ee Soomaaliya ee iminka dibad jooga noqdey ay ansixiyeen in la kordhiyo xubnaha Baarlamaanka taas oo ay bedeleen dastuurka keliya ee ay haystaan waxayse ilaaween in ay bedalaan habka uu xildhibaanku ku imaanayo taas oo axdiga ay aaminsanyihiin uu dhigaayo in Beesha uu ka soo jeedo ay iska soo xusho kadibna Hogaamiyaha beeshaas ama isimku uu ansixiyo haddaba mucaaradku 275tooda xubnood haba ku qaybsadeen 4.5 ee yaa u soo xulaya: Waxaa soo xulaya Sh.Shariif, Sh.Janaqow, Shariif Adam, iyo rag kale oo lamid ah waxaa is weydiin mudan meeyay miisaankii aan awalba cadaalada ku dhisneyn ee ahaa 4.5, waa cadahay in hab qaybtu noqoneyso habkii ay habar dugaaga wax ugu qaybisey dawacadu markii la weydiiyeyna ay tiri waxaan saas u yeelay isha Cali (Dhurwaa) ka laad laada. Nin ayaa hadda ka hor yiri Xul ma nihine Xal baan nahay ka tirsanaa Baarlamaankii lagu dhisay Imbghati, hadaba ma xalbaa, ma dawbaa 550xildhibaan?, halkee la geyn sidee u shirayaan?, goobtee la isugu geyn?, yaa kharashkooda bixin?,sidee isu dhegaysanayaan, waa wax aan loo meerin karin caruurta maantase Soomaali qaadatay Dawladd dhex degan Dawladd kale Shiikh Adam Madoobe oo noqdey Madaxweyne Ku meel gaar ah Gudoomiye Baarlamaan waa labadii awoodood ee ugu weyneyd ayaa damac qaadey waxa uu is yiri kursigaan cidi kaama xigto haddii aad Baydhabo ku qabato doorashada, durba gudi doorasho ayuu sameeyay, waqtina waa mudeeyay, waxaase taasi beenowdey markuu arkey Ciidamo ka badan intii hore in Itoobiya meesha keensatey Musharax aan isaga ahayna ay wataan, Odaygu candhuuftiisu dib ayuu u liqey waxaase soo martey fursad dahabi ah kadib markii uu helay hadiyad fiican oo ka timi dalalka carabta loona sii marsiiyey Kuweyt ayuu aqbalay in Jabuuti wax lagu qaybsado isla markaana ay der deraan axdigoodi. Waxaa cad in Baydhabo ay geli gacanta Abuu-Mansuur, waana sida ay doonayso Itoobiya, waxaa cad in Muqdisho aysan ahayn goob amaan ah oo ay kala haystaan mucaskaraad kala afkaar duwan, 550 xildhibaan, iyo madaxweynahdooda, iyo xukuumadooduba waxa ay marti u noqonayaan dalka yar ee Jabuuti, Sida ay doonayso Dawladda Jabuuti waxaa caalamkii dabray walaalkood (soomaaliya) ay laba laabayaan dhaqaalaha ay siin jireen, waxaana is bedel weyn ku imaanayaa dhaqaalaha dalka Jabuuti maadaama dawladd meel lageeyo aan lahayn ay hayaan, haddii markii hore taangi Itoobiyaan keenay iminka waxaa keeni doona Markab dagaal ileyn taangi ma qaadee oo cidda leh aysan weli caddayn. Doorka Puntland. Qorax timidba subaxeede 550 xildhibaan waxaa Puntland ay ku leedahay 35 xildhibaan kuwaan oo ka tirsan xildhabanadii ay iska soo xuleen beelaha dega Puntland 2004tii, Beelaha dega Puntland doorka ay ku leeyihiin arimaha Soomaaliya waa mid aan ka sheekayn u baahneyn, Puntland ma lahayn mucaarad hubaysan oo dawladda ka soo horjeeda, waxaa jirey siyaasiyiin faro ku tiris ah oo ka soo horjeeday, haddaba timir lafbaa ku jirtee sabab ayaa 4.5 ay ugu qaybsadeen mucaaradku, may isku koobaan ileyn waa is yaqaanaan, waxaa taa kasii daran haddii ay iyagu u soo xulayaan xubnihii Puntland, miisaankii Baaralamaankuna uu sidaas u ku idlaanayo. Dhanka kale waxaa muuqata in la doonayo in meesha laga saaro arinta Federaalka taas oo ah waxa Soomaali maanta mideyn kara ama ay kuwada dhisan karaan dawlad wadaag ah. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole waxa uu soo saarey baaq uu la hadlaayo Beesha caalamka iyo garwadeenada shirka, haddii aan baaqaas dheg jalaq loo siin makuu muuqataa akhristow Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Puntland. -
No doubt he is President, but the problem he faces are many. Good luck to him...
-
Remembering the altar of our struggle: Dr. Mohamed Siraad Dollal
General Duke replied to Abtigiis's topic in Politics
Ilaahay ha u naxariisto. -
Dayniile clan media in shock confusion .Now attack the clan.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Golden rules respected..As for the topic, the confusion stems from their lack of understanding and planning. -
Garowe: Teachers training
-
^^^And the victims of Hargaysa were not because of the Ethiopian office? Adeer again your hypocracy is noted. The people of Mogadishu should not be paying a price while your groups hold elections. Charity starts at home lad, otheriwse keep out of it.
-
^^^I am talking to you adeer, thus dont worry. Why are your reactions different between this attack and that of Hargaysa?