General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Hobyo: Ugu yaraan 35 qof ayaa ku geeriydooday, 70-na Waa ku Dhaawacmatay dagaalkii shalay ee deegaanka Hobyo oo wali sii socda - Wednesday, March 23, 2005 at 11:51 Hobyo (AllPuntland)- In kabadan 35 qof ayaa ku geeriydooday dadgaaraya 70na dhaawac ayaa soo gaaray deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug kadi dagaallo maalintii shalay ahayd abbaare 3:00 galabnimo ka qarxay deegaankaasi. Dagaalkan wali soconaya ayaa ah dagaal lagu tilmaami karo kii ugu waynaa ee magaalada Hobyo ka dhaca ayaysan jirin cid wali u guntatay joojintiisa. Warar aannu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in beelaha dagaalamaya ay dad badan isaga dileen isla markaana gaadiid kala duwan ay ku kala qabsadeen, waxaana lagu soo waramayaa in gaadiid 10 gaaraya inay beeluhu kala qabsadeen. Mar aannu la xiriirnay salaadiin iyo masuuliyiin ka socda beelaha dagaalamay ayay qoloba qolada kale ku eedaynaysaa inay dagaalka ka danbayso.mana jirto cid caddaynaysa cidda dagaalka bilowday. Dagaalkan ayaa sidoo kale lasheegayaa inuu si kadis ah uga dhex bilowday labada beelood xilli lagu jiro nabadaynta beelaha dagaalamay , xiligaasoo madaxwaynaha Puntland uu Gaalkacyo shir kula leeyahay odayaal ka socda labada beelood ee Sacad iyo Saleebaan. Magaalada Gaalkacyo ayaa lakeenay dhaawac gaaraya 20 qof oo lasheegay inay kusoo dhaawacmeen dagaallada wali ka soconaya magaalada Hobyo. Shucuurta dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan ayadoo dadwaynaha gobolku ay aad uga caroodeen dagaalladan soo cusboonaaday xilli dad farabadan ay waqti ku lumiyeen inay beelahaasi nabad dhex dhigaan. Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo si uu isugu hawlo joojinta dagaalkaan loona sii anbo qaado hawlaha nabada lagu radinayo oo ay wadeen gudi heer qaran Soomaliya iyo kuwo maamul goboleedka Puntland. CCC Farayaamo AllPuntland
  2. ^^^^ Sky, brother dont disturb the fantasies of Juma and his crowd. they believe they have enough support in the parliment due to the "estimated" count of the Shariif. The warlord's will lose their jobs, the PM can fire them anytime, while getting a 2/3 majority in parliment to get rid of the president/pm or sharrif would be more difficult. Ato & Suudi I belive will go[my own opinion], both have no real power anymore within their clans. Qaynyare as ever is expected to jump in the last minute and Aydeed JR and Mr Dheere of Jowhar are quite happy, so what other warlords are there?
  3. Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad dawlada Soomaaliya si ay kulana gaar gaara ula yeelato madax sar sare oo kala duwan. Waxaa soo ururiyey SomaliTalk, Qaahira, Masar -------------------------------------------------------------------------------- Shirkii shalay uga furmay madaxda carbeed magaaalada casimada dalka jazaa'ir, ayaa waxaa ay unoqotay wafdigii dowlada somaliya oo uu hogaaminayay madaxwanaha soomaalia cabdulahi yusuf ahamad , fursad wayn in ay la yeeshaan kulama gaar gaar ah madaxda dowladaha carabta , kuwaasoo ku bilaamay kulan gaara oo uu madaxwaynuhu la yeeshay dhigiisa ee Abdelaziz Bouteflika waa madaxwaynaha wadanka jazaa ir , kasoo uu madaxwaynuhu uu hordhigay xaalada ay haatan marayso somalia iyo is badalka haatan socda oo dawladu ay ugu jirto sida ay ugu guuri lahayd somalia isla markaana ay u hawl galaan sidii loo xasilin lahaa xaalada nabadeed ee somalia. Hadaba sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Aljeeriya kulan kaas ayaa ahaa mid si wanaagsan loogu bandhigay madaxda dalka si ay ula socdan xaalada nabadeed ee somaliya , kaas oo ay sheegtay wakaaladu in ayan imaan wadankaan aljeeriya madax ka socota somalia muda ku siman haatan 25 sano . Isla kulamadaas uu madaxwaynaha somalia la yeeshay madaxdii isugu yimid shirka ayaa waxaa ka mid ahaa kulan gaara uu la yeeshay ra,isul wasaraha wadanka kuwait jabir al sabaax , kasoo udhacay si wanaagsan isla markaana uu ufidiyay al sabaax casumaad in uu soo booqdo madaxwaynaha somalia kuwait si ay utaakuleeyaan dowlada somalia. Joornaalka al watan ee wadanka kuwait kasoo baxa ayaa ku tilmaamay kulankaasi mid u ah muhim dowlada Kuwait si ay ula taaba qaado dowlada somalia oo uu ku tilmaamay mid walaal la ah wadanka kuwait , isla markaa ayaa ay balan qaaday kuwait taakulayn ballaaran dowlada iyadoo uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee dalka kuwait in sanduuqa kuwait ee taakuleeya wadamada dunida sadexaad ee muslimka ah sanadka bajadkii loogu tala galay loogu deeq doono dowlada somalia isla markaana booqashada la filayo in uu madaxwanaha somalia ku yimaado kuwait , looga wada hadli doono sida iyo goorta lagu wareejinayo taakuladaas dawlada somalia. Kulanadaas gaar gaar ah ayaa waxaa iyaguna kamid ahaa kii uu la yeeshay madaxwaynaha somalia ,xoghaya siyaasada dibada ee midowga yurub ninka la yiraahdo khafeir sulana[Xavier Solana] , iyo xoghaya midowga africa mr. omar alfa konari, oo labadooduba ahaa marti sharaf kasoo qayb galay shirka wadamada carabta uga socda aljeeriya. Khudbadii uu ka jeediyay camar muuse furitaankii shirka ee shalay ayaa uu ku nuux nuuxsaday muhimada ay leedahay in la garab is taago dowlada somalia udhalatay isagoo halkaa ka hadlaya ayaa uu yiri: maanta somalidii waa hishiisay iyagoo aan cid kale soo dhex galin ayay gaareen hishiis hadaba waxaa madaxda carabta looga baahan yahay in ayan somalia cidla ku sii dayn oo ay dowlada wax la qabtaan . isagoo sheegay wada hadal uu la yeeshay madaxda somalia ayaa uu ka dareemay sida ay uga go'antahay in somalia ay dib uhabeeyaan , waxaana uu tilmaamay in somalia ay tahay wadan carab ah oo muhimad wayn leh. Kalmadaha ay madaxda carabtu ka jeediyeeen shirka ayaa badanaa waxaa ay ku soo qaadeen tageerada ay u hayaan dawlada somalia iyo in ay la shaqaynayaaan , iyadoo la filayo kulanka galabta dhacaya oo noqon doona mid albaabadu u xiran yihiin in ay kasoo bixi doonaan go'aano somalia khuseeya waana markii ugu horaysay oo shir carabi yeelato somalia go'aan laga soo saaray. [waxaan kasoo arurinay wakaaladaha carabta intii maanta ay qoreen oo somalia ku saabsanayd. ...................................................... SomaliTalk Qaahira, Masar Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005
  4. Nairobi: Ras'iisal Wasaare Geedi oo Gudi Heer Qaran ah u magacaabay Muqdisho - Tuesday, March 22, 2005 at 20:57 Nairobi (AllPuntland)- Ras'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u magacaabay gudi heer qaran ah oo uu madax u yahay Xuseen Maxamed Caydiid, wasiirka arimaha gudaha federaalka Soomaaliya ahna ra'iisal wasaare ku xige inay ka hawlgasho nabadaynta iyo maamul u samaynta magaalada Muqdisho. Gudiga uu magacaabay Prof. Geedi ayaa lagu sheegay wareegto maanta uu kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi in ay hawshoodu noqonayso qorshaynta, maamul u samaynta iyo guud ahaan nabadaynta magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Gudigaan ayaa loo xilsaaray habaynta, qorshaynta qaabka ugu haboon ee loo xaraynayo loona tababarayo maleeshiyooytinka Muqdisho ku hubaysan. Ra'iisal wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in hawsha gudigaan ay tahay mid horay u dhaqaajinaysa in dawladu ku taalaabsato hawlaheeda amaanka Muqdisho lagu sugayo. Gudiga Ra'iisal Wasaaruhu magacaabay oo 11 xubnood ka kooban waxay kala yihiin: Xuseen Maxamed Caydiid - Guddoomiye Cali Cabdullaahi Cosoble Cabdiraxmaan Yusuf Diiriye Xasan Maxamed Nuur Xasan Abshir Faarax Mowliid Macaani Maxamuud Cabdicasiis Sh Yusuf Ibraahim Sh Cali Fahma Axmed Nuur Amiin Axmed Shiikh Xuseen Cabdisalaam AllPuntland.com
  5. Baydhabo iyo Jawhar oo laga Soo Dhoweeyey Go'aankii Golaha Wasiirada Bannaanbaxyo lagu taageerayo go’aankii shalay golaha wasiirrada dowladda kmg ah ku gaareen magaalada Nairobi ee ahaa in dowladda kmg ah ay xarumo kmg ah ka dhigato magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar iyo Baydhabo. Dad wayne dhowr boqol ahaa oo ku dhaqan magaalada Jowhar,ayaa isugu soo xoomay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar,iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin in magaaladoodu ay ka mid noqoto goobaha dowladdu ku soo dagayso ka hor inta aanay tagin magaalada Muqdisho ee caasimadda ah,oo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu sheegay in dowladdu ay xafiis ka furan doonto inta ammaankeedu ka hagaagayo. Dadkaasi maanta bannaan baxa ka dhigay magaalada Jowhar waxaa khudbad u jeediyay sii hayaha xilka guddoomiyenimada gobolka Shabeellada dhexe Cusmaan Xaaji Cabdulle "Caqiil" oo u sheegay in looga baahanyahay in ay xil wayn iska saaraan,sidii dowladda ay ugu soo dhawayn lahaayeen magaalada Jowhar,ayna wax badan ka qabtaan dhinacyo fara badan ,sida Nadaafadda, Ammaanka iyo arrimo kale oo dowladda u suurto galin kara inay Jowhar si hagaagsan uga howl bilowdo. Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo dowladdu ay dooratay in ay ku sii shaqayso ayaa iyan adadka ku dhaqani waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in magaaladoodu ay mutaysato in dowladdu ay ku soo dagto. Ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Baydhabo ayaa maanta bayaan ay soo saareen ku muujiyay sida ay ugu bogsanyihiin go’aankii golaha wasiirradu shalay ku guddoonsaday in xarumo kmg ah ay dowladdu ka dhigato magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, laakiin Xildhibaan Maxmed Ibraahim Xaabsade,oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo horayna u sheegay in aanu oggolayn in caasimadda dalka Muqdisho xitaa si kmg ah looga baddalo ayaa mar kale maanta ku celiyaya in aan mowqifkiisii waxba iska baddalin,isagoo sheegay in aanu soo dhawaynaynin in magaalada Baydhabo ay dowladdu ku soo dagato. Liibaan cabdi Cali hayaan_8@hotmail.com
  6. Baydhabo: Dadaal Lagu Soo Dhawaynayo Xukuumadda KMG Somaliya oo ka Socda Baydhabo - Tuesday, March 22, 2005 at 15:07 Baydhabo (AllPuntland) - Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa si fiican uga soconaya diyraar garowga loogu jiro soo dhawaynta golaha xukuumadda KMG qaybteeda imanaysa magaalada Baydhabo. Maamulka degmada Baydhabo ayaa bilaabay ololayaal loogu diyaar garoobayo soo dhawaynta xukuumadda oo ay kamid yihiin nadaafadayn kasocota waddooyinka magaalada Baydhabo , diyaarinta guryo loogu talo galay inay timaaddo wufuudda dawladda , dayactirka xafiisyada ay dawladdu ku shaqaynayso , iyo waliba dhamaystirka guryo qabyo ahaa oo loogu talo galay in laga dhigo Hoteello waawayn oo ay wufuuddu ku dagaan inta ay joogaan magaalada Baydhabo. Inkastoo magaalda Baydhabo uu si fiican u saameeyay burburkii Soomaaliya hadana waa magaalo aad mooddo inay diyaar u tahay in wufuudda golayaasha dawladda ay dagaan marka laga eego dhinacyada ammaanka, qaabka, cimilada, iyo nolasha guud. Waxaa xaqiiqo ah in magaalada Baydhabo ay ka soo kabanayso burburkii soo gaaray dagaalladii kala danbeeyay ee sokeeye ee magaaladaasi sida xun u waxyeelleeyay marka ay xukuumaddu ka shaqo bilowdo magaalada Baydhabo. Dhinacyada dadku ay ka faa'iidaysan doonaan waxaa kamid ah shaqooyin ay dadku ka heli doonaan xafiisyada dawladda , shaqooyin isugu jira kuwa xafiisyada iyo tarjumaanno ay dadka shacabka ah heli doonaan iyo sidoo kale magaalada oo noqon doonta meel camiran oo caalamka looga yimaado. Maamulka degmada Baydhabo waxay kale oo ay haatan bartanka uga jiraan hawlo ku saabsan sugidda ammaanka iyo xaddidaadda maleeshiyaadka hubaysan. Isku soo wada duuboo, rajada reer Baydhabo ee ah in magaaladoodu ay noqoto sidii ay bari ahaan jirtay markii loogu yeeri jiray Baydhabo Jannaay ayaa ah mid aad u saraysa. CCC Farayaamo AllPuntland
  7. Jowhar: Banaan Bax ka Dhacay Jowhar, Shabeelaha Dhaxe oo Cambaaraysay Idaacad iyo Saxaafad ka beensheegtay - Tuesday, March 22, 2005 at 14:09 Lagu Taagerayo Go’aanadii Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Jowhar Jowhar (AllPuntland)- Banana bax balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Guddiga Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe, mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar, urrurada Haweenka Gobolka iyo kan Degmada, Ardada wax ka barata dugsiyada Magaalada Jowhar, ganacsatada iyo dadweynaha magaalada ayaa maanta ka dhacay garoonka weyn ee gobolka shabeelaha Dhexe. Banaanbaxan oo ahaa mid lagu taageerayo Go’aanadii shalay ay qaateen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay waey inta badan tilmaameen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan haddii ay dowladu timaad Magaalada Jowhar iyo dhammaanba goblada kale ee dalka. Mas’uuliyiintii maanta ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa Ku simaha Gudoomiyaha Guddiga Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe Md: Cismaan Xaaji C/lle “Caqiil†ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaaddo kooxaha iyagu wadda tafaraaruqa iyo kala qob qobka ummada Soomaaliyeed, iyagoo mar walibana caadeystay in ay qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ku beer laxawsadaan arrimo Qabiil. Md: Caqiil ayaa sidoo kale sheegay in maaamulka iyo shacabkiisuba ay diyaar u yihiin ay qabtaan kaalinta kaga soo aada Dowlada Federaalka in la garb istaagaan hiil iyo hooba. Abshir Cali Gabre AllPuntland.com
  8. Rahima, again some good points raised. I shall leave it at that.
  9. Rahima, many thanks for your reply. I understand your point 100% as I consider my opinions important neverthe less we must think outside the box for a bit. Ethiopia has a number of leverages which puts our embryonic government at a disadvantage. The fisrt is its undertsanding of Somali factions and leaders and the supply of wepons it can give to any one faction or leader. The second is its influance on Somaliland and Puntland though the latter poses a less of a problem to the present government. Now side stepping our emotions we see clearly the dangers it poses to derail the peace process and keep a wedge between Somaliland and the rest of the nation. Having her onbaord as part of an international peace force would help the Somali state while also assuring her that Somalia is not a tool of the Arabs. We must also undertsand that Ethiopia itself is paranoid of Somalia and does not want to see it as an enemy...
  10. I must agree with Wind on this one. If there was a vote in Banadir i belive the majority clan would win and thus form an administration. Rahima does protest too much. If a free and fair elections took place, the clan from Hobyo would have representatives in banadir but the leadership of the state and city of Mogadishu would undoubtably go to the majority clan of banadir. If this same phenomenon was to occur in the other lower region I doubt Yusuf Inda Cade would be voted to power in Marka and Barava.
  11. ^^^ Rahima, you made some good points. Keep your friends close, and your enemies closer The government’s priorities are simple, restoration of security law and order to the republic. This will be central to everything the TFG does and the basis of its domestic and foreign policies. Ethiopia is the major power of the region and has played a significant role in the reconciliation conference that created this government. Its support is vital in deflecting any serious challenges to the government with regards to the security situation. The dilemma the nation finds itself dictates that we find a new some what innovative and practical approach in dealing with Ethiopia. Excluding them is not necessary as they will only be part of a multilateral force. Keeping our ego intact is not as important as the mission to bring order and unity to the nation.
  12. "Power never takes a back step - only in the face of more power". Malcolm (1965) In a very short space of time Somali premier Ali Mohamed Geedi has come a long way. He has played a deft hand in dealing with the parasite warlord’s of Mogadishu. He has given them important and prestigious positions in the cabinet. He raised their profiles and reassured the Somali’s that these characters have gained what they always wanted and fought for. “Arafat never loses an opportunity to lose an opportunity†Abba Ebban The Mogadishu warlords have again shown their incompetence and the totall lack of understanding of the new realities which they find themselves in. They have cried out loud forced their subjects to march and demonstrate their wailing has been amplified by the media notably the BBC Somali service. Yet in an attempt to hide their true intention, they chose to champion the singular issue of the exclusion of front line troops. This considering the animosity Somali’s have towards these states notably Ethiopia, yet it has proven to be an uphill struggle for they[warlords] lacked the support in both Parliament and Cabinet in which the Premier has a substantial advantage. Subsequently they not only did they lose their mask of respectability and claim of supporting the national agenda was proven false, their actions also highlighted their collaborators within the parliament notably the speaker Shariff Shiekh Hasan. All the while Premier Geedi has had the time to put important matters into place and shore up his support base. His government has managed to keep friendly Ethiopia and the other countries that make up IGAD on board while gaining the support of the important Arab nations notably Egypt, Libyan and the rich Gulf nations. . Geedi has also chosen rightly the cities of Baidoa and Jowhar as temporary homes for the TFG. This decision has put further pressure on the warlord’s and their vocal opposition to it, will lose them the few gullible individuals who joined them on the bandwagon of “Stop Amxara†campaign. The Mogadishu warlords are a cowardly bunch who will only reason when they face against a greater power. The decision the government has made so far have marganilised them and given the government the time to prepare. “We wont go to Jowhar & Baidoa†means they have realised that Geedi is serious and is not for turning. I hope they come around before they find themselves humbled behind bars.
  13. ^^^ I agree, the first article seems to have been researched more. As for the issues raised I agree totally, we need to focus more on this and understand the magnitude of the problem, rather than reliying on speculative media reports. Again thanks for the thread.
  14. ^^^^ Insha Allah bro, peace and prosperity for all our people...Amin Jaamacada Carabta oo $65 Milyan ugu deeqday Dawlada C/Laahi Yuusuf Soomaalia Algeris. 21 Mar 2005. Xog hayaha guud ee Jaamacada Carabta Mudane Camar Muusaa ayaa gudoonsiin doona MDFS mudane C/Laahi Yuusuf lacag deeq ah oo gaadhaysa $65 milyan. Lacagtan oo ah deeq loogu tala galay inay dawlada C/Laahi Yusuf ka caawiso sifadii ay dib ugu dagi lahayd Soomaaliya. "Waa kaalmo deg-deg ah oo aan ugu tala galay caawinta lojistikiska dib u dagida dawladu ay dib ugu noqonayso Soomaaliya" ayuu yidhi Camar Muusaa. "Ma doonayno inay fashilanto dawladan cusub, waa in hiil iyo hooba lala garab istaagaa". Dawlada C/Laahi Yuusuf ee wali fadhigeedu yahay Nairobi waxaa soo waajahay intii sanadkan cusubi bilowday dhibaatooyin aan kala go'o lahayn oo la xidhiidha mucaarado ku dhex jirta golaha baarlamaanka iyo wasiirada. Qodobada ugu muhiimsan ee khilaafka ugu wayni ka jiro waxaa ka mid; 1- Ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo dalka 2- Wixii laga yeeli lahaa Muqdisho 3- Iyo xeer dajinta baarlamaanka Walow uu C/Laahi Yuusuf aad uga dadaalayo in dawladiisu noqoto midii C/Qaasin Salaad oo kale, hadana ma sahlana dhibaatooyinka hor yaala dawladiisa oo baarlamaan ahaan iyo wasiiro ahaanba ka kooban dhammaan dadkii nabada u diiday Soomaaliya, walina aan toobad keenin. SomaliTribune
  15. I must agree with the author, on this however Ethiopia's gain has been due to the lack of vision and drive on the art of the Somali's. We destroyed our nation and become subjects to all our former rivals, Ethiopia, kenya and even our own Djabouti has gained significane on the back of Somalia. Yet let me add one point, there must be a new chapter in the relations between Somalia and its neighbours, for how long can the poor Horn Africa nations continue to be involved in bitter warfare, what good has this doen for their development. Take he case of the Tigray dominated Eritria and Ethiopia former allies now are in an arms race that is dooming them both. History has shown us that nation states only prosper when they are at peace, Germany and france are the greatest example of this for they fought for centuries only to realise their interdependence.
  16. Wadamada Sacuudiga iyo Yemen oo sheegay inay ciidamo u soo diri doonaan Somalia. Algers-21.March.2005 War goor dhoweyto ka soo baxay magaalada Aljers ee xarunta dalka Algeria ayaa sheegaya in kulan madaxeedka maalinta berrita ah uga furmayo madaxda wadamada Carbeed magaaladaasi ay ajendayaashiisu ka mid yihiin arrimaha dalka Somalia. Waxaana lagu gorfayn doonaa sidii ciidamo Carbeed oo nabad ilaalin ah loogu soo diri lahaa dalka Somalia. Durbaba waxaa la sheegay wadamada Sacuudiga iyo Yemen ay sheegeen inay dalka Somalia u diri doonaan ciidamo nabad ilaalin ah. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dalalkaasi ay sheegeen haddii ay u suuroobi waydo inay ciidamo u diraan dalka Somalia ay markaasi bixin doonaan wixii kharash ah oo laga dalbado. Kulan ay yeesheen xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Camar Muusa iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Algeria C/casiis al-Khaadib ayaa waxaa ay kaga wadahadleen in si wayn loo taageero dalka Somalia islamarkaana Sanduuq lacageed loogu samayn lahaa. Dhinaca kale kulan madaxeedka Carbeed ee maalita birrito ah ayaa waxaa looga wadahadli doonaa sidii isbedel loogu samayn lahaa ururka Jaamacadda, islamarkaana ay wadamada ku jira Jaamaadda Carabta ay u samaysan lahaayeen baarlamaan iyo Sanduuq dhaqaale iyo sidii isbedel loogu samayn lahaa hannaanka go’aan qaadashada ururka. Kulankan ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale lagu eegi doono dhibaatooyinka haysta wadamada carbeed oo ay ka mid yihiin Falastiin, Sudan iyo Somalia. Saraakiil ku dhow dhow shirkaasi berrito furmaya ayaa la sheegay in wadamada Carabtu ay si wadajir ah uga soo horjeesan doonaan fikradda sheegaysa in cuno qabatayn lagu soo rogo dalka Suudaan, waxaana la sheegay inay ka hor imaan doonaan in cuna qabatayn lagu soo rogo dal ka mid ah dalalka Carbeed. Si kastaba ha ahaatee, ajendayaasha uu xambaarsan yahay shir madaxeedka carbeed ee berrito furmaya ayaa ah kuwo aad u culus, hase ahaatee waxaa shirka ka maqnaan doono hogaamiyayaal carbeed, laakii maqnaanshaha hogaamiyeyaashaasi ayaa la sheegay inuusan waxba u dhimi doonin meel marinta ajendayaasha miiska u saaran madaxda fadhida, maadaama la sheegay madaxda ka maqan shirka inay wakiilo u soo dirsanayaan. Faysal Geelle Cumar SBC Qardho
  17. There are resports circulating that Yemen, Saudi Arabi, Libiya,Egypt and other Arab states are going to contribute to peace keeping troops for Somalia...
  18. Golaha wasiirada oo go'aamiyay in dowladu u guurayso Jawhar iyo Baydhabo .... 21/3/05 10 wasiir iyo wasiir ku xigeeno ka cadhooday go,aankaas in Jawhar iyo Baydhabo loo guuro oo iskaga baxay markii codeynta golaha wasiiradu dhamaatay ... 63 wasiir/wasiiro ku xigeeno ayaa ogolaaday in dowladdu sii degto Jawhar iyo Baydhabo inta laga sugayo amniga Muqdisho. Wasiiradan xanaaqay aya waxaa ka mid ah Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato, Qanyare [/b]... I see Aydeed Jr is again not in the list.. Somalitribune.com
  19. Jaamacada Carabta oo ugu deeqday Soomaaliya $64 milyan oo dollar iyo shirka Madaxda Carabta. Cairo :- Shirka Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta uga socda caasimada wadanka Jazaa'ir (Aljeeriya) ayaa waxaa lagu falan qeeyay arrinka Soomaaliya iyadoo ay tahay markii ugu horaysay oo loo gudbiyo madaxda dalalka Carabta mashruuc ku aadan dalka Soomaliya tan iyo intii ay burburtay dawladii Siyaad Bare sanadkii 1991dii. Xoghaya Jaamacada Carabta ayaa mar uu u-waramayay saxafiyiinta usheegay in looga hadli doono shirka Madaxda carabta uga furmaya beri dalka Aljeeriya dalab uu usoo gudbiyay Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh, kasoo ka kooban dhowr qodob ay ugu muhiim sanaayeen labada qodob ee kala ah: 1- In loo diro Soomaaliya ciidamo nabad illaalina oo ka socda dowladaha Carabta isla markaana la hawl galaan ciidadma ay qorshaysay IGAD ee loo dirayo dalka Soomaliya. Wuxuuna Xoghayuhu sheegay arrinkaas in lagu wado daraasad loona rafici doono go'aanka ay ka qaataan wasiiradu madaxda wadamada Carabta oo uu ka mid noqon doono Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed. 2- Iyo qodobka labaad oo ah in ay dawladaha Carabtu ay ku deeqaan waxii kharasha oo ay dawladu ubaahan tahay si ay ugu hawl gasho bilahaan soo socda isla markaana ay ugu guuraan xorunta usii noqonaysa fadhiisin dawlada. Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday Mud.Camir Muusa in lagu gudoonsiin doono Dolwada kumeel gaarka ah $65.000.000 (lixdan iyo shan milyan) oo dollar tasoo uu ku tilmaamay taakulo deg deg ah si markaa dalwadu ay ugu guudho Soomaliya uguna hawl gasho. Lacagtan ayaa sidoo kale loogu talo galay in dowlada ay u adeegsato qorshooyinkeeda gaar ahaan hub ka dhigista meleeshiyooyinka Soomaliyeed. Joornaalada Af-Carabiga kusoo baxa ayaa maalmahaan waxaa ay aad u hadal hayaan is badalka ka socda dalka Soomaliya iyadoo ay tilmaameen in markii ugu horaysay ay dhalatay dawlad Spomaliyeed oo ay madax ka yihiin hogaamiyaal awoodleh sida uu tilmaamay Joornaalka afka dheer ee AL AHRAM oo maalin la ah, kana soo baxa dalka Masar. Joornaalkaasi Al Ahram ayaa qormadiisi shalay waxaa uu cinwaan uga dhigay <...Somalia oo mar labaad kusoo noqotay jamacada carabta...> iyada oo uu tilmaamay wada hadalkii dheeraa oo uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar dhigiisa Cabdullahi Yusuf ayaa waxaa uu ka dareemay ayey yiraaheen in ay ka go'antahay hogaanka Soomaaliya in dalkaasi dib loogu soo celiyo dawladnimo. Waxaana jira warar aan wali shaaca laga qaadin oo sheegaya in wadamada Masar, Liibiya, Yeman, Sucudiga, ay kamid noqon doonan ciidanka Carbeed ee Soomaaliya lagayn doono. Saaxafada Carabta ayaa ku tilmaamay in uu ku dhamaaday guul daro mooshinkii ay xukuumadu soo hordhigtay Baarlamaanka iyadoo tv-ga Al jazeera iyo Al Carabiya ay soo gudbiyeen sawirada Baarlamanka Soomaaliya oo ay fawda heeraysay kasoo ay markaa ku tacliiqiyeen hadalkii uu saxafada ujeediyay Ra'iisul Wasaraha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi isagoo tilmaamay in wax go'aan ah uusan Barlamaanku gaarin. Isbadaladaas ka dhacaya Soomaliya iyo ciidamada ka socda Africa iyo dawladaha Carabta ayaa loo arkaa in ay Soomaliya wax badan ka badalmayaan, waa sida ay Asbuucaan ay ku tilmaameen Wargaysida Afka-Carabiga wax ku qora. Cabdullahi Haji HorseedNet.com Cairo, Egypt
  20. Ra'iisal wasaare Geeddi: "Xukuumadu waxay isku raacdey in loo guuro Jawhar & Baydhabo" Nairobi - 21.March.2005 Kulan aan caadi ahayn oo ay albaabadu u xirnaayeen oo ay maanya yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa gabagabadisii 64 Xubnood isku raaceen in Xukuumadu si ku meel gaar ah Xarun uga dhigato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar. Kulankan oo saaka ka furmey Hotel Silver Spring ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qayb galey 73 Wasiir. Wasiiru dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno iyo Ra'salwasaaraha DFKMG ah Prof. Cali Maxamed Geedi oo shir guddoominayey kulankaas. Kulankii maanta oo inta badan si wayn doodo kulkulul uga dhaceen gaar ahaan halka Xukuumadu salka dhigan doonto marka ay ku laabato Dalka ayaa waxaa Xubnaha Wasiirada ee Kulankaasi ka qayb galey waxay doodoodu ku qotontey mid ay ku kala duwanaayeen halka ay Xukuumadu degayso. Inta badan Xubnihii kulankaasi ka hadley ayaa waxay soo jeediyeen in xaalada amaanka ee Magaalada Muqdisho oo ah mid aad u liidata aysan xiligan suurta gal ahayn in Xukuumadu ay tagto Magaaladaas, iyagoo Xubnahaasi soo jeediyeen in Magaalooyin kale ay Xukuumadu si ku meel gaar ah ugu sii nasato inta laga xasilinayo Amaanka Magaalada Muqdisho. Dhanka kale qaar ka mid ah Xubnihii Shirkaasi ka hadley ayaa waxay soo jeediyeen iyadoo la ixtiraamayo sida ku qoran Dastuurka in Xukuumadu tagto Magaalada Muqdisho, iyagoo soo jeediyey in hadii amuurtaas aan la fulin inay imaan karto kala jab ku yimaada Xukuumada. Ugu dambeyntii markii ay doodii qaraaraatey ayaa waxaa Ra'salwasaare Geedi oo ahaa shir gudoomiyihi Shirka wuxuu soo jeediyey in cod loo qaado arrinta ku aadan halka Xukuumadu degayso, waxaana 64 Xubnood isku raaceen in Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar ay noqon doonaan halka ay Xukuumadu degayso, waxaana markiiba shirkii isaga baxay 10 Wasiir oo ka caroodey go'aankaas kuna tilmaamey mid aysan raali ka ahayn. Ra'iisal wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kulankaasi markii uu dhamaadey wuxuu Saxaafada u sheegay go'aankii la qaatay oo ahaa in Xukuumadu si deg deg ah ugu guurto magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar, iyadoo uu jirayo Xafiis laga furayo Magaalada Muqdisho oo hawlaha Xukuumada si ku meel gaar ah u sii wadaya. Cali Maxamed Geedi oo ay Saxaafadu waydisiisay xiliga kama dambeysta ah ee Xukuumadu u ruqaansanayso Dalka ayuu wuxuu tibaaxay inaysan xiligaas si rasmi ah shaaca uga qaadi karin sababa jira awgood, oo ay ugu horeyso dhaqaale ay Xukuumadu ku guurto aysan haysan. Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu hoosta ka xariiqey in Wadamada deeqaha bixiya looga fadhiyo sidii ay ugu taageeri lahaayeen Xukuumada dib ugu noqoshada Wadanka. Dhanka kale Wasiirka Amniga Qaranka ee DFKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax oo saxaafada la hadley ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu ka soo horjeedo go'aankaas. Canab Mumtaaz SBC Nairobi.
  21. Cali Maxamed Geeddi oo ku dhawaaqay in Golahiisa Wasiirada isku raaceen in Xarumaha Dowladda KMG ah laga dhigo Jowhar iyo Baydhabo. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Dowladda KMG ah ee Soomaaliya u guuri doonta magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, halkaas oo sheegay in dowladu ku shaqeyn doonta ilaa iyo wax laga qabanayo xaalada Caasimadda Muqdisho oo sheegay inay tahay meel ammaan daro ka jirta. Prof. Geeddi ayaa hadalkan sheegay waqti dheer kadib kulan maanta magaalada Nairobi ku yeeshen Golihiisa Wasiirada, fadhigaas oo looga hadlayay halka ay dowladda degayso ayaa sida muuqato kulankaas waxaa uu noqday mid la isku mari waayay, in kastoo markii dambe go’aankaas ka soo baxay. “Dowladda waxay ku shaqeyn doonta magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, go’aankaan waxaa qaatay 63 xubnood kadib markii ay is qortay 42 Wasiir oo ka doodeen halka ay dowladda degayso, dood dheer kadib go’aanka waxaa uu noqday in Baydhabo iyo Jowhar loo guuro â€ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi. “Fadhiga saaka waxaa soo xaadirtay 73 Wasiir iyo aniga oo shir Guddoon u ahaa, markii codla ka qaaday aya waxaa shirka ka baxday 10 Wasiir†ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi. 10 Wasiir ayaa ka baxday shirka waxaana ka mid ahaa dadkii ka baxay Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Wasiirka warfaafinta Sifir, iyo xubno kale. Waxaa kaloo la go'aamiyay in xafiis laga furo Muqdisho isla markaana nabadgalyada magaalada Muqdisho lagu sugo ilaa iyo 3-4 Bilood Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  22. Cabinet snubs Somalia's capital Posted to the Web Mar 21, 17:33 Nairobi:-Somalia's exiled cabinet has voted to return to Somalia but not to the capital, Mogadishu, which the prime minister says is too dangerous. The ministers will instead go to the central towns of Baidoa and Jowhar until security improves in the capital. However, 10 ministers, including key Mogadishu warlords, walked out of the meeting, before the vote was taken. Somalia has not had a functioning national government for 14 years and is divided between rival warlords. Prime Minister Ali Mohammed Ghedi said the cabinet would leave Kenya "soon" but the international community would have to fund the relocation. The vote was taken to sidestep a row over whether or not the government needed peacekeepers before setting up in Mogadishu, which had threatened to bring down the government. Most dangerous President Abdullahi Yusuf wants foreign troops, including from Ethiopia, but their involvement is controversial after previous wars between the two countries. If the government does not go to Mogadishu, it might not need any peacekeepers. However, Mr Yusuf was not at Monday's cabinet meeting, as he has travelled to the Arab League summit in Algeria. Mr Yusuf was elected last year after two years of talks in Kenya. Mr Ghedi said the government would open a security office in Mogadishu, which he said was the most dangerous part of Somalia. The decision was backed by 64 of the 74-member cabinet. Warlord arrested Among those who walked out were Osman Ali Atto, Musa Sudi Yalahow, Omar Finish and Mohammed Qanyare Afrah. Between them, these men control most of Mogadishu and have been in the forefront of opposition to the use of foreign peacekeepers. Somalia has an estimated 60,000 armed militiamen. Despite being in the government, their militiamen have not started to disarm. They said the cabinet did not have the right to change Somalia's capital. Last week, Mr Yalahow was one of three Somali MPs arrested after a brawl erupted in parliament during a debate on whether to send foreign troops to Somalia. East African leaders have offered to send some 6,800 troops from Uganda and Sudan. But some Somalia leaders fear that Ethiopians could eventually join them. Source:BBC NEWS
  23. ^^^ Horn the noble Sharif damaged himself by his actions which the whole world saw as a sign of incompetence om his part. The MP's who spoke to the kenyan paper are the usual suspects, Jini, Casha and few others who if they want are free to relocate to Xamar at this time. As for the reply the cabinet has decided today relocate temporarely to Baidoa and Jowhar at the same time the PM will open up an office in Mogadishu. I am sadened by the infighting between the PM and Parliment speaker, insha Allah it will be resolved soon.
  24. Nairobi: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Isku raacay in dawladu kusii shaqayso Baydhabo iyo Jowhar - Monday, March 21, 2005 at 15:04 Nairobi (AllPuntland)- Kulankii Golaha wasiirada ee Dawladda FKMG ah ee saaka uga furmay Hotelka Silver Spring Hotel ee magaalada Nairobi,uuna shirdoonayey Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi ayaa waxay go,aan ku gaareen Wasiiradu inay dawladdu ku sii hakato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta magaalada Muqdisho laga dhigayo goob si nabad gelyo ah Hay'adaha dawladdu uga hawl gali karaan. Golaha Xukuummadda ayaa waxay dood dheer ka yeesheen sidii dib loogu noqon lahaa iyo goobtii dawladda ku hakan lahayd,iyadoo 73 Wasiiro iyo Wasiiro mku xigeeno isugu jira ka dhiibteen fikirkooda ku aadan dib u laabashada,waxayna markii damne u codeeyeen meeshii dawladda FKMG ah Xarun ku meel gaar ah ka dhigan lahayd,iyagoo 63 Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ka kooban u coddeeyeen inay dawladdu ku sii shaqayso Baydhabo iyo Jawhar,halka 10 Wasiiro iyo ku xigeeno isugu jira ka baxeen ka dib markii looga adkaaday hadafkoodii ahaa in Muqdisho loo guuro,iyadoo si doo kale la isku raacay inay Xafiis Xukuummaddu ka furato Muqdisho sii qabta hawlaha loo baahan. Xubnaha ka koobaa Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenada ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Qanyare Afrax,Muuse Suudi Yalaxow,Cismaan Xasan Cali Caato,Cumar Finish iyo xubno kale,waxayna sheegeen inaysan ku qanacsanayn goa,aanka Golaha Xukuummaddu gaartay ee ah inay lagu soo shaqeeyo Jawhar iyo Baydhabo,iyagoo tilmaamay inaysan jirin sabab looga leexdo magaala madaxda dalka ee Muqdisho. AllPuntland.com