General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The TFG, yet again highlights its incompetence with regards to issues affecting the lives and well being of the people it represents. Civilians are being killed in large numbers, more than a hunderd have been maimed and countless others chased out of their homes, whole districts are being demolished as the battles rage in street corners. The warlords and courts have shown no regard for the lives of their combatents and less for the general public. Where is the PM, minister of ineterior and the MP's from Moigadishu? Why has the President and his aides made no comment? Leadership and backbone are required.... Allah the most merciful I beg you bring peace and protection to my people... Dowladda federaalka oo ka gaabisay joojinta dagaalada Muqdisho Dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa iyadu ka gaabisay qaab walba oo lagu doonayo in lagu kala dhex galo kooxaha ku hardamaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyagoo ku ekaaday baaqyo nabadeed oo aan cago badneyn iyo hanjabaad aan mustaqbal u noqon shacabka le'anaya. Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Max'ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u soo jeediyay baaq kooxaha ku diriraya gudaha Muqdisho isagoo ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha ka aloosan Muqdisho oo ay ku dhamaanayaan shacakba gobolka Banaadir, isagoo dhinaca kalena ugu janjabay kooxahaasi in aysan marnaba u cafin doonin dembiga ay galayaan shacabka iyo weliba dowladda federaalka Soomaaliya tiirkana la soo taagi doono mar ay noqotaba. Sidoo kale, guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka Prof. Max'ed Cumar Dalxa oo isaguna ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u soo jeediyay inay dagaalka ka joojiyaan shacabkooda kooxaha walaalaha ah ee is dilaya, wuxuuna si cad u sheegay Daxla in aysan awood u laheyn dowladda federaalka inay kala dhex gasho kooxahaasi isla markaana saldhigeedu yahay magaalada Baydhabo halka dagaalku ka dhacayona ay tahay Muqdisho “Dowladda federaalku awood uma lahan inay kala dhex gasho kooxahaasi I diriraya maxaa yeelay fariisinkeedu waa Baydhabo halka dagaalku ka socdana waa Muqdisho, waxaase jira dedaalo nabadeed oo ay horey u sameysay dowladdu waxayna u soo dirtay xildhibaano wax xal ahna wey ka keeni waayeen, welina lagama quusan waxaan u soo diri doonaa wasiiro iyo xildhibaano†ayuu yiri Daxla oo ku cel celiyay inay nabadda qaataan dhinacyadaasi isla markaana shacabka u turaan. Garaad Salaad Xirsi Muqdisho, Somalia
  2. Laascaanood: Garaadkii baddali lahaa Allaha u naxariistee Garaad C/qani iyo wafdi uu kamid yahay Cali Khaliif Galayr oo Laascaanood yimidday. Tuesday, May 09, 2006 Axmed Suufi Tool Laascaanood(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu soo dhaweeyay wufuud isugu jirta isimo iyo wax garad qurbaha ka yimid. Wafdiga waxaa kamid ah Garaad Jaamac Garaad Cali , Cali Khaliif Gallayr , qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Faarax Idaajaa. Waxay wafdigan ay ka yimaadeen qurbaha ayagoo lugtooda ugu danbaysayna ka yimid magaalada Jabouti ee xarutna dalka Jabouti. Soo dhawayntii loo samaynayay wufuuddan ayaa ahayd mid aad looga dareemay magaalada Laascaanood, ayadoo qaybaha bulshada ee gobolka oo dhan ay ka dhex muuqdeen soo dhawayntan. Shil gaari ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay goobtii soo dhawayntu ay ka dhacday halkaasina uu 2 qof dhaawac kasoo gaaray. Caleema Saarka Garaadka Beesha Garaad jaamac ayaa waxaa uu dhacayaa 22ka bishan aynu ku jirno ee May ayadoo iminkaba ay jirto dad u diyaar garoobaya inay ka qayb galaan.
  3. Garaadkii beddeli lahaa Garaad C/qani oo gaarey Laas Caanood Laas Caanood - 09.May.2006 Wafdi ballaaran oo uu kamid yahay ninka beddelaya garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, oo lagu magacaabo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta gaarey magaalad Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool. Wafdiga maanta soo gaarey magaalada Laas Caanood si ay uga qayb galaan munaasabadda caleema saarka garaadka cusub ayaa waxaa kamid ah ninka ruug caddaaga ah ee Cali Khaliif Galaydh iyo qoraa sare isla markaasna suxufi taariikh yahan ah, Axmed Faarax Cali Idaajaa. Caleema saarka garaadka cusub ee beddelay Alle ah u naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ayaa waxaa uu dhacaya 22-ka bishan May, waxana lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan wufuud ka kala socota gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya, iyo madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi. Axmed Cali Faarax SBC Laas Caanood
  4. Dagaalka oo sii xoogastay iyo Sheekh shariif sheekh Axmed oo ku dhaawacmay Muqdisho:-Ugu ayaraan 8 ruux ayaa ku geeriyootay , 17 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal kharaar maalintii sadaxaad ka soconaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ,gaar ahaan Deegaanka Siisii , iyadoo dagaalku saameeyay Suuqii Hilbka iyo Balka ee Isgoyska Fagax . Dagaalka oo ah mid maanta la isku adeegsanayay Madaafiicda hoobiyaasha iyo B-10 oo dad ku laayay agagaarka warshada baastada oo ay ku dhaawacmeen saaka 8 ruux . Maalintii Sadaxaad ayuu galay dagaalka ka socda Degmooyinka Yaqshiid iyo Kaaraan, waxayna labada dhinac ku isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyaa Midowga Maxakiimta Islaamiga ah iyo koox iyana taageero ka heleysa dhinaca Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana dagaalkaasi shalay ku geeryooday ilaa iyo 9-qofood oo u badnaa dad rayid ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda. Dagaalka ayaa waxa uu ku baahay Xaafadaha Jamhuuriya oo ka tirsan Degmada Karaan, Arjantiin iyo Sanca, waxaana la arkayay dad aad u fara badan oo ka qaxaya guryahooda, una cararayay meel ay kaga gabaadaan rasaasta habowga ah. Ilaa iyo haatan ma jiraan wax isku xilqaamay joojinta dagaalkaasi oo isagu ka socda xaafado si aad ah loo degan yahay, lagana cabsi qabo in Xaafadahaasi oo dhan ay noqdaan kuwo lagu kala cararay, balse waxaa soo baxaya baaqyo laga dalabanayo labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan. Warar isburinaya ayaa soo baxaya oo ku saabsab xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Midowga maxaaimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed , iyadoo mar aan tagay goobta dagaalka ay ii sheegeen Maleeshiyo ilaalisa gudoomiyaha Maxaakimta in shariifka uu ku dhaawacmay dagaalka , laakiin dhaawiciisa uu yahay mid fudud oo xagga garabka ah , dagaalkuna uu ku jiro , kuna dagaalamayay qori Ak47. Cali Cabdi Cali (Suxayfa) Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya
  5. Dagaaladii SIISII oo galay maalintii saddexaad & qaar ka mida madaxda Isbaheysiga oo dagaal ku qabsaday KM4 Shariif Maxamed (Email: shariif55@yahoo.com) Isgoyska KM4 Dagaalkii ka socday Degaanka SIISII ee degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad iyadoo saaka mar kale rasaas culus iyo hubka waaweyn ay is weydaarsadeen labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo. Khasaaraha ayaa u badan dadka rayidka ah, waxaana shalay ay ahayd maalintii ugu dhimashada iyo dhaawaca badneyd ee dagaalka, laakiin saaka markii uu dib u bilowday dagaalka ayaa la dareemay in inta badan dadkii degaankaas ku noolaa ay isaga qaxeen marka laga reebo dad socon waayay iyo kuwo ilaalo ahaa loogu reebay guryaha laga qaxay. Wadooyinka magaalada waxaa buuxiyay dadka ka soo qaxaya degaankaasi, iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin waanwaan laga dhex waday labada dhinac oo la sheegay inay diideen maleeshiyada degaanka ee taageerada ka heysata Isbaheysiga Argagixiso la dirirka. Dhacdooyinka xanuunka leh ee shacabka waxyeeladu soo gaartay, kuwo ay madaafiic guryahooda ku habsadeen, qaar kala lumay iyo kuwo aan garaneyn meel ay u qaxaan ayaa ka baxaya Warbaahinta Muqdisho, waxaana iska soo daba dahcaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada dhinac. Dagaalka ayaa weli ka socda inta u dhaxeysa Sanca, SIISII ilaa Fagax, laakiin madaafiicda ayaa gaareys degaano ka fogfog goobta dagaalka. Dhinaca kale rasaas xoog leh ayaa goor dhoweyd la isku weydaarsaday Isgoyska KM4 oo magaalada Muqdisho kadib markii ay isku dayeen kolonyo gawaarida dagaalka oo Isbaheysiga Argagixiso la dirirka leeyihiin inay halkasi maraan, iyadoo ay isbaaro u taallay maleeshiyo beeleed oo uu wato nin lagu magacaabo Liibaan Xersi Caweeye, kuwaasoo hore u shaaciyay inaysan halkaasi soo mari karin gawaarida dagaalka labada dhinac. Iska hor imaadkaasi oo muddo ka badan 30 daqiiqo socday ayaa sababtay in goobtaasi lagu kala yaaco isla markaana ay xirmaan goobihii Ganacsiga iyo Dugsiyadii waxbarashada, xiisadda ayaa kacsan inkastoo rasaastii joogsatay. Kolonyada Baabuurta dagaalka ee iska hor imaadka dhalisay ayaa la sheegay inay galbineysay qaar ka mida madaxda Isbaheysiga oo ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid, Cabdi-Shukri Cali Xersi, Cabdi Waal iyo xubno kale oo ka soo laabtay shir qarsoodi ahaa oo Isbaheysigu saaka ku yeeshay Deyniile, iyagoo ku socday degmada Kaaraan. Markii dagaalka ka dhex qarxay maleeshiyada KM4 iyo gawaaridii dagaalka ee galbineysay madaxda Isbaheysiga ayaa la sheegay inay kala jabeen oo laba qeybood u kala baxeen, qeyb ka mida ayaa u baxsatay dhinaca garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halka dhinaca kale ay afka saareen dhinaca Wadadii Maka Al-mukarama. Qof ayaa la sheegay inuu iska hor imaadkaasi ku dhintay saddex kalena dhaawac ka soo gaaray, xaaladda Isgoyska KM4 oo ka mida meelaha ugu mashquulsan magaalada ayaa xaaladiisa degan tahay kadib dagaalkaas ka dhacay, laakiin waxaa jirta xiisad weyn oo waddada ku xirantay. Wixii ku soo kordha kala soco Goobjoog Insha Allaah
  6. ^^ at leats you admit and are proud to have fascist, clanistic views. If THATS IS VISION then by al means keep it.. Warrabe,
  7. Dagaalka Muqdisho ee Maanta Khasaaro, waanwaan, iyo Ifafaalaha Beri, (Warbixin dheer) C/Qaadir M Cusmaan Email: somec3@yahoo.com Dagaalo Dagaalkii bilowday shalay ayaa dib saakay uga qarxay Degaanka SiiSii, waxaana dagaalku uu istaagay maqribkii, isagoo iskii u istaagay, waxaana sii kordhay khasaarihii dagaalkaas.waxaan aqristayaasha Goobjoog.com u soo gudbineynaa dagaalada maanta siday ahaayeen, khasaaraha ay geysteen, iyo dedaalada nabada ah ee la isku dayay ilaa iminka, iyo Ifafaalaha Berito. Dagaalada Maanta : Dagaalka maanta ayaa aad uga socday xaafada Tookiyo ee dhabarka ku haysa Xarunta Sii Sii iyadoo ay halkaas ku jiraan ciidamada Maxkamada islaamigaa, waxaa sidoo kale israsaaseyn ay ka jirtay wadada isku xirta SiiSii iyo Fagax waloow aysan badneyn, isku soo duuduuboo dagaalku wuxuu u badnaa Luuqyada xaafadaha dagaalka ka fool ka foolkuna ma badneyn. Waxaana dagaalku u dhaxeeyaaa Ciidamadda Maxkamadda SiiSii oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed lana la aaminsan yahay iney taageero ka helayaan Ciidamada Maxkamadaha kale halka Nuur Xasan Cali ay taageero ka helayaan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabada. Khasaaraha Dagaalka Maanta Goobjoog.com xiriiro badan oo ay la sameysay ilo ku dhow dhow dagaalka u sheegeen in aysan goobihii shalay laga dagaalamay ay dagaalada Maanta u ku habeensadeen, oo aysan jirin qolo meel laga riixday. waxaana dhimashada lagu qiyaasay ilaa iminka in ka badan labaatan qof. dhaawaca maanta ee Cusbitaalada la geeyay ayaa lagu qiyaasay in ku dhow 50 dhaawac ah. Waxaa intaas dheer qaxa dadka deegaanka iyadoo saakay mar la shaaciyay in nabad la dhex dhigi doono labada dhinac balse aanay taasi suura gelin markiibana uu qarxay dagaalka sidaasna dad badan ay ku xayirmeen guryahooda. Waan waan aan taag badnayn: Odayaal dadka deegaanka ah oo ay ka mid yihiin Sheekh C/Qaadir Soomaay Sh Xasan Calasoow iyo Ciise Axmed Dalabeey oo is xilqaamay ayaa saakay ilaa xalay isku dayay iney joojiyaan dagaalka balse aysan u suurta gelin iney joojiyaan. Wararka aan helayno ayaa sheegayo ilaa iminka in Siyaasiga Caanka ah Cali Mahdi Maxamed oo labada dhinac ee dirirtu u dhexeeyso ay isku hayb hoose yihiin ayaa ka aamusan oo aanan soo dhex gelin ilaa iminka. Dhanka kale Odayaal degaanka degan ayaa goobjoog.com Caawa u sheegay in ay iyaguna wadaan abaabul ku aadan in ay joojiyaan dagaalka gaar ahaan ay isku dayayaan in ay jid cadayaasha oo uu maanta dagaal ba’ani ka dhacay in ay xeri doonaan si aan labada ciidan ee is dagaalayaba aysan u isticmaalin. Ifafaalaha Berito: Dadka deegaanka ayaa goobjoog u sheegay in ay rumeysan yihiin in dagaalka uu caawa abaarihii 1:00 habeenimo uu qarxi doono oo aanba laysla sugeyn subaxii, iyagoo ku sababeeynayo in Ciidanka maalintii is mari waayay ay isku day caawa ah sameynayaan si horumar loo gaaro xaga dagaalka ah, iyo iyadoo gurmadka caawa uu badan yahay labada dhinac soo gaaray. Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Caawa amaba berito aad loo adeegsan doono qoriga Hoobiyaha, oo loogu talo galay in dhufeeys yada leyskaga saaro balse dadweynaha Muqdisho ku ah wadna qabad isagoo sida la ogayahay khasaaro ba’an u geysta rayidka. Labada Dhinacba waxaa maanta la dareemay iney kordhiyeen difaacii ay kaga jireen Aagaga kale ee ay isku hor fadhiyeen, sida wadooyinka ay maxkamaduhu gacanta ku hayaan iyo isgoyska K4.
  8. The people in Mogadishu are getting ready to celebrate the independence of Somaliland. You on the other hand must employ militia to visit Xamar, now who is closer Who is telling fibs, dont insult me or the people of Mogadishu. A seceiosnist can never tell me anything about Mogadishu, or Xamar. Mogadishu is a symbol of Somali unity and insha Allah when these warlords are finished it will be a becon of light as it was... As for Shabbele, I agree wit them posting those pics, of the injured, because we must never ignore the plight of the people and what is happening in Mogadishu is on a grand scale.. Jaylani, again dont ever go there, unless you renounce secesionisam, to me you will forever be like ina Warrabe... Horn, your opinion is noted, but as the situation is fluid, why not post the latest news. You confuse me considering this is the most important news item of the day.. Let me ask you, did you make that commen on behalf or as requested by the webmaster?
  9. Comrad, the theory does not suit all situations. Take Lebenon, the war there a secterian one lasted 15 years and with all their differences they have overcome them at least for now. Somali's those in the country and outside are burned out, tired and have no will or even reason to fight. If we look closer at the country, Somaliland, Puntland and other parts are quite stable, why ? Because there are less armed groups in comparison to Mogadishu which has a large number of independent warlords. The anwer then is not despair but to strengthen the nations capacity and amed forces while at the same time limit by what ever means the power of the warlords ...
  10. ^^^ On the contrary Comrad, I belive this war or status quo in Xamar will not last this decade. The age of the warlord is over, all we are seying now is their deperate attempt to keep us back. Their power is limited to their neighbour hood, even that wont last. No need for assasination squads, a combined multi clan police and armed forces is what will end their little regimee..
  11. ^^^ Firts lets not beat around the bush, you are a secesionist. Believer in a clan nation and not a nation made up of multi clans.. Now lets take your comment I am not closer to Mogadishu than you.. How so? you belive in dividing the Somali people. You dont belive in the flag and detest the 1 July independence day, all things most Somali's hold dear. You see the [reer Konfur] as them, as those who caused much suffering to [your] people. I on the other hand deeply belive in the opposite I am a unionist a Somaliweyn enthusiast and as such am more than closer to you to one of the very symbols of Somalia[Mogadishu]. Ibelive Mogadishu will be as it was the capital of the Somali people no matter were they come from. Now lets look at the other important factor, the clan. I am related by blood to the clans of South Mogadishu, and also to the clan in Dayniile. I have more contacts in Mogadishu than any where else in Somalia including Puntland... Have you such relations Mr Jaylani? Its funny how secesionist like to try and divide clans and people who hold common belifes while they who want to sell the nation and who make up myths try to take the moral high ground. Mr Jaylani if not anyone else, I am closer to Mogadishu than you ...
  12. ^^^ I am trying to enlighten you. As for my motives you can only begin to imagine... Let me be clear Mr Jaylani, you might see yourself as a foreigner to Mogadishu, but to me it is my city and anything that impacts it impacts me... Pardon but I kid you not, No generalisation here, you are a secesionist no? And as one you are part of group of ideologues, who think the same and even make similar snide comments as you have done now...
  13. ^^^ LOL. It seems your the second secesionist to suggest that. I understand that personell attacks is a tool for some. I do find those types of comments more offensive than ones directe at me or my clan. That I or any other Somali can find joy at the tragic deaths of our people and the destruction of our country. No one here is closer to me than the people of Mogadishu. Large numbers of my family still reside in that city. My hatred for the warklords is also not in doubt, it is them that are raining mortars inside the city, it is they who oppose any return to peace. They have no mercy or guilt. Look at this pic [blame shabbele] But Jaylani and the secesionist would like to attack me for what?Reporting it as it is...
  14. Dagaalkii ka socday Muqdisho oo la isku habeensaday Mogadishu 08 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaalkii ka socday deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho ayaa la isku habeensaday, iyadoo dagaalkaasi uu sii xoogeeystay galabta , ka dib markii ay ku bireen gawaari dagaal oo aad u fara badan oo gurmad ahaan ugu yimid labada dhinac ee dirirayay,waxaana sawaxanka rasaasta si daran looga maqlayay degmooyinka ku dhow dhow degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, dagaalkuna uu wali yahay mid aan la isla dhaafin halkii uu shalay ka Bilwoday. Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga Maxkamadaha iyo isbaheysiga La dagaalanka argagixisada ayaa saakay barqanimadii dib uga qarxay deegaanka Siisii, ka dib markii ay soconweysay waan waan ay wadeen odayaal nabadoono ah, inkastoo wali ay jirto dadaalo nabadeed oo soconaya. Iska horimaadkaan oo saakay mar kale dib uga qarxay deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo madaafiic habow ah ay ku dhaceyso xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, madaafiicdaasi oo 3 ka mid ah aty haleeleen xaafado ku kala yaala Arjantiin, Siisii iyo agagaarka Hotel Lafweyn, taasoo wax yeelo ka soo gaartay dad u badan haween iyo caruur u badan. Qasaaraha dagaalkii maanta dhacay uu geeystay ayaan si rasmi ah loo sheegi karin tirada dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Madaafiic iyo rasaas habow ah oo ku soo dhacday isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ay dad badan ku dishay,waxaana la arkayay meydad halkaasi yaala. Xiriiro Shabakada warbaahinta Shabelle ay la sameysay isbitaalada Madiina iyo Keysaney ayaa Cali Bile oo ka mid ah saraakiisha Isbitalka keysaney waxa uu Shabelle u sheegay in la geeyay 25 ruux oo ku soo dhaawacantay dagaalkii maanta, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo rasaas ay kula dhacday guryahooda, halka Isbitalka Madiina na la geeyay 13 ruux oo oo dhaawac ah sida uu sheegay agaasimaha isbitalkaasi Sheekh Doon Salaad Cilmi. 50 meeyo qoysas ah oo daganaa xaafadda Siisii iyo nawaaxigeeda ayaa ku barakacay dagaaladii shalay iyo maanta dhacay halkaasi oo si aan kala go' laheyn rasaas la isugu riday. iyadoo dadweyne aad u fara badan oo gacmaha ku sita caruur lagu arkayay wadooyinka qaar ee Muqdisho, Kuwaasi oo raadsanaya meel nabdoon. Waxaa gabi ahaan istaagay isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jirey wadada isku xirta Sanca iyo Ramadaan, ka dib markii halkaasi ay noqotey meel dagaal xoogan uu ka socday, Dagaalkaan oo socda maalintii labaad lagana cabsi qabo in uu ku fido deegaano kale ayaa iska horimaadkii shalay dhex maray labada dhinac waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux halka tiro 30 meeyo ahna ay dhaawacmeen. Labada dhinaca ayaa miba midka kale ku eedeeyay in dagaalka uu ku soo qaaday, iyadoo aysan jirin warar ka madax banaan eedeynta labada dhinac. Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo uu ka mid yahay Mekail Rashiid Barre iyo Muqtaar Maxamed Hiraabe ayaa ku sugan goobta dagaalka, kuwaasi oo sit oos u soo tabinaya dagaalka iyo waxyeeladiisa.
  15. Maxkamadaha islaamiga oo la wareegay gacan ku heynta Hoyga Taliyihii hogaaminayay Maleeshiyooyinka Isbahaysiga May 08, 2006 Markacadeey. -------------------------------------------------------------------------------- Ciidanka Maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir ayaa la wareegay gacan ku haynta hoyga Nuur Daqle oo ah ninka hogaaminaya maleeshiyooyinka ka soo hor jeeda ciidanka maxaakimta islaamiga, ayadoo dagaalkaasina uu weli si goos goos ah uga socda deegaankaasi. Taliye ku xigeenka maxkamada Siisii oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen guriga Nuur Daqle , isla markaana ay ka gubeen isbahaysiga gaari uu ku rakiban yahay qori baroon ah, isaga oo qirtay in dagaalkaasi uu weli ka socda xaafadaha isku raranka ee ka tirsan deegaanka Siisii. Dhinaca isbahaysiga mar aanu la xiriirnay wey inoo suurta geli waysay in aanu helno, ayadoo raga hogaaminaya dagaalkaasi oo uu ku jiro Nuur Daqle ay taleefanada dansadeen. Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u qaraar welina ka socda deegaankaasi ayaa sababay dhimashada 12 qof iyo dhaawac soo gaaray 25 kale, taasoo guud ahaan tirada wax ku noqotay dagaalada ka soconayay shalay iyo maanta ka dhigaysa dhimashada 25 qof iyo dhaawaca ku dhawaad 60 qof, ayadoo suura gal ay tahay in tirada intaasi kor u dhaafto, maadaama dagaalkaasi uu weli u dhaxeeyo labada dhinac. Cusbitalka Keysaney waxaa maanta la geeyay 9 qof oo dhaawac ah oo mid kamid ah uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, taasoo ka dhigaysa tirada shalay iyo maanta la geeyay cusbitaalkaasi 30 qof oo u badan dad rayid ah, cusbitalka Madiina waxaa la geeyay 6 qof oo ay ku jirto Mumtaaz Maxamed Cabdi oo sanad jir ah, taasi oo ka dhigaysa guud ahaan tirada shalay iyo maanta la geeyay 12 qof, cusbitaalka Xayaat waxaa la dhigay 5 qof iyo dadka kale oo la geeyay cusbitaalo ay kamid yihiin Shifo, Alxikma iyo xarumo kale. Dagaalkan waxaa bar bar socda waan waan ay wadaan siyaasiyiin iyo waxgarad reer Muqdisho, inkastoo dadaaladaasi aysan ku guulaysan joojinta dagaalka ka socda deegaanka Siisii. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo majmaca culamada ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya si shuruud la’aan ah in ay ku joojiyaan dagaalka, isla markaana ay u naxaan shacabka rayidka ah ee ku dhamaanaya dagaalkaasi. Maxamed Carab Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  16. Jaylani, your response highlights how much you care. You did not respond to the news, a major incident between two oppoisng groups in the former capital. There was a major bomb blast as well last night in a Cafe. Reports highlihgt that civilians are being killed and maimed. The elders and local leaders attempts to mediate have been refused by the warlords. This is a major Somali portel and this type of news, while tragic is important to report on. It as way to document things from diferent perspectives.. The question here is why are they fighting? politics, power and greed.
  17. Qarax weyn oo dad ku dhinteen oo xalay ka dhacay Muqdisho Posted to the Web May 08, 08:58 Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay 3 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii xalay qarax bambaano oo aad u weyn uu ka dhacay agagaarka Tabeelaha Jaceylka gaar ahaan Xaafadda Shibis ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo geystay qasaare aad u weyn ayaa warar kala duwan waxay sheegayan in qaraxu ka dhashay kadib markii mid ka mid ah Maleeshiyada daacada u ah C/qaadir Beebe bambaano u dhiibeen gabar goobtaas shaah ku iibinaysay. Gabadhii ayaa bamkii iska saartay miiska kadibna isaga tagtay goobtaas wax yar kadibna waxaa qarxay bamkii, waxaana halkaas ku naf waayay 3 ruux, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna la dhigay Isbitaalka Xamar ee Xaafadda Shaaqshiid. Dhawaaqa qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha, Yaaqshiid, Boondheere, Siinay iyo Wardhiigley. Ilaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxan ma jirto balse dadweynaha ayaa ilaa iyo hadda is weydiinayaan waxyaabaha salka ku hayo qaraxan oo yimid xilli degaanka SIISI uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Taageerayaasha Isbaheysiga Hogaamiye-kooxeedyo dhowr ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.
  18. Wararkii ugu dambeeyay dagaal shalay ilaa xalay ka socday Muqdisho Dagaal ba'an oo leysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa maalintii 2aad ka soconaya xaafada Sii Sii ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan oo shalay ku koobnaa maliishiyooyin kala taageersan labada isbaheysi ee dhowaanahan ku dagaalamayey Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay maanta dagaalka si toos ah u galeen Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo dhinac ah iyo Isbaheysiga Hogaamiye-kooxeedyo uu madax u yahay Maxamed Qanyare oo dhanka kale ah. Gawaarida dagaalka oo aad u fara badan ayaa la sheegayaa in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka, iyadoo ay ti toos ah dagaalka u galeen dhamaan labada isbaheysi ee iska soo horjeeda. Dagaalkii shalay dhacay ayaa lagu waramay in ay ku naf waayeen ugu yaraan 13 ruux oo u badnaa shacab, waxaana uu dhaawac soo gaaray tiro kale oo fara badan. Mohamud Yusuf Garre Aayaha.com Editor@aayaha.com
  19. Cududii Maleeshiyada Midowga Maxkamadaha oo isugu tagay Xaafada Siisii (Warar dheraad ah) Last Updated::2006-05-08 15:18:17 Muqdisho:- Waxaa weli socda dagaalka u dhaxeeya maleeshiyooyinka ku sugan Xaafada Siisii iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga. Gawaarida Tiknikada loo yaqaan ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta si xoogleh usoo buuxiyey goobta uu dagaalka ka socdo. Inkastoo ay sidoo kale garabka maleeshiyooyinka siisii ay taageero ka helaan maleeshiyada Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada, ayaa waxaa hadana muuqata in Midowga Maxkamadaha ay halkaasi geeyeen ciidamada ugu tirada badan. Maxkamadaha ayaa xooga saaraya in ay gacanta ku dhigaan guriga uu degan yahay Nuur Dakhli oo ah ninka ay ka amar qaataan maleeshiyada ku sugan xaafada Siisii ee shalay rasaasta ku furay gaari uu leeyahay Shariif Ahmed oo ah guddomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho. Dagaalka Maanta ka dhacay Xaafada Siisii ayaa la sheegay in ay bilaabeen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo hada la sheegay in ay qorsheenayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta xaafada ka tirsan degmada Yaaqshiid. Nuur Dakhli oo asagu horey uga mid ahaan jiray Maxkamadaha ayaa in dhawaale kasoo horjeeday Guddoomiyaha Maxkamadaha Shariif Ahmed, ayadoona la sheegay in maleeshiyooyinkiisa ay hada difaac uga jiraan gurigiisa ku yaal isla xaafadaas. Dagaalka ayaa maanta xoogeystay kadib markii ay burbureen wadahadalo ay isku dayeen in ay wax ku xaliyaan qaar kamid ah Cuqaasha iyo nabadoona deegaankaasi. Maxkamada Islaamiga ayaa ayagu xalay horey usii sheegay in ay maanta dagaalka geli doonaan hadii Isbaheysiga La dagaalanka argagaxisada uu ka bixi waayo Xaafada siisii islamarkaana joojin waayo taageerada uu u fidinayo Mr.Nuur Daqle oo asagu fariisin ku leh deegaankaas. Khasaaraha maanta dagaalkan ka yimid ayaan la aqoon ayadoo Isbitaalka Keysaney maanta la geeyey ugu yaraan 9 qofood oo dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta labada dhinac isla beegsanayaan. Waxaa sidoo kale jira madaafiic badan oo ku dhacay qaar kamid ah Xaafadaha ayadoo aan la aqoon in ay dad wax ku noqdeen xabadaha habowga ah ee ka dhacaya degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  20. ^^^ we should always avoid gross generalisation. The people of Mogadishu are victims in all this. Mere pawns. As for the courts it would, wrong of us to blame them.
  21. Code talker good reading of that article.. This is not the first time Shabbele have tried to bring Kismayu into the equation, regardless of the fact that Hiiraale and others are supporting the TFG and that the clan from Gedo has also give its backing to incorporate its members into the new security forces..
  22. Code talker good reading of that article.. This is not the first time Shabbele have tried to bring Kismayu into the equation, regardless of the fact that Hiiraale and others are supporting the TFG and that the clan from Gedo has also give its backing to incorporate its members into the new security forces..
  23. Code talker good reading of that article.. This is not the first time Shabbele have tried to bring Kismayu into the equation, regardless of the fact that Hiiraale and others are supporting the TFG and that the clan from Gedo has also give its backing to incorporate its members into the new security forces..
  24. ^^^ These are only a third of the troops in Wajid, but there are local troops in camps gettig trained as well.
  25. ^^^ These are only a third of the troops in Wajid, but there are local troops in camps gettig trained as well.