General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. ^^^More news for you Mr Red Sea, it seems the clan courts internal dispute is emerging... The Dude from Dayniile contradicts Xasan Dahir, IndaCADE and Shiekh Sharif..

     

     

    MUQDISHO: Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Maxkamadaha oo sheegay inay Isbaarooyin yaallaan shabeellada Hoose

    Posted to the Web Sep 01, 13:19

     

     

    Muqdisho (PP) - Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadaha Muqdisho Sheekh C?/raxmaan Maxamuud Faarax (Jinaqoow) ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan isbaarooyin yaalla gobolka Shabeellada Hoose kuwaasoo ay ka warhayaan Maxkamadaha Muqdisho.

     

    Sheekh C/raxmaan wuxuu sheegay in Isbaarooyinkaas ay dhawaan wax ka qaban doonaan isla markaana laga hirgelin doono gobolka Shabeellada hoose maamulka Maxkamadaha, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inaysan noqonayn shabeellada hoose meel la iska hilmaamo.

     

    "Shabeellada hoose way la socdaan Maxkamaduhu waxa ka jira mana dhacayso in la isk daayo ama ay sidaa sii ahaanayso, balse waxaa wax laga qaban doonaan dhawaan" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Jinaqoow.

     

    Sheekha ayaa sidoo kale dhawaajiyay in dhibaatooyinka ka dhacaya gobolkaas ay yihiin kuwo lala socodo, ayna Maxkamaduhu doonayana inay dhawaan wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas ayna ka hirgeliyaan halakas Maamulka Maxkamadaha oo ah nasteexo ka wanaagsan maamulka hadda ka jira.

     

    Hadalkaan ayaa khilaafaya hadal uu dhawaan jeediyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in Shabeellada Hoose aan loogu abaalgudeyn in maamulkooda la buburiyo isla markanaa maamulka Maxkamadaha laga hirgeliyo, waxaase uu sheegay inay saxayaan wixii khaladaad ah ee jira.

     

    Maxamed Xuseen Jantiile

    Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

    E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com


  2. NN, made the points I would.But let me add that Mr Red Sea you have no leg to stand on. Ethiopia has becoem the excuse to hide behind when not meeting ones obligations.

     

    Yesterday it was Qaynyare, who opposed FT and cried out Ethiopia. Today we have XasaN Dahir speaking the same language peppered with religious statements. They were and are still part of the problem...


  3. Ethiopia is a silly excuse. These warlords who are in the new Courts would love to have the same relationship that these two other areas have. Consider Inda Cade and Xasan Dahir already cultivated a relationship with Asmara, so what is the difefrence?

     

    No body is going to be fooled by the same statements the warlords used to make...


  4. ^^^ lol. Nice attempt but another horrible failure.

     

    My dear Red Sea it was not the TFG or Puntland that declared a Jihad, or made these silly conditions or threatened Ethiopia at every turn.

     

    It was these courts, so why did they not think about te consequences before? Why do they not think about the consequences of their actions in lower Shabbele?

     

    What rubish sir.

    You sound like a drwoining man, defending what he does not even know....


  5. Moreover, the ICU are the only hope for the folks living in Southern Somalia, not in Somaliland.

    Thats a nice point, one that summs up your love fore the fake wadaads and hate for the legitimate[Xasan Dahirs words] government.

     

    Like Faisal warrabe you are all ofr the Jihad so long as it does not touch your little feifdom.

    The hypocracy is noted and the fact that you know nothing of Southern Somalia has also been made clear by your simplistic argumetns in defence of the warlords such as Inda cade and the denial of the occupation of lower Shabbele.

     

    PS: You have not commented on the news article, it is from a Mogadishu based reporter, asking the question why these courts have not ventured into lower Shabbele..


  6. folks unlike the TFG, the courts have the man power and ability to get it done, well, because with weak and nonfunctioning garbage like the TFG trying to challenge them. It's not like they need Eritrea to be there for

    Unlike the secesionists we in the real world know that if the courts had any power as you say they would not be in Khartum today negotiating or not moving any where outside their clan area. Even Galkacyu is a no go zone...

     

    I will remind you that these courts only a montha ago declared a Jihad on Ethiopia, and stated clearly that they would NEVER negotiate with the TFG so long as there was a single Ethiopian bootin Somalia. So what happened?


  7. Faysal Cali Waraabe;C/laahi Yuusuf Tuute ayuu xidhay oo dagaal ayuu diyaar garoobay, ciidamada Somaliland-na waxa aan ugu baaqaya in ay xadka gaadhaan oo laascaanood laga saaro cida ku soo duushay

     

    Gaadakaciyaar.jpg

     

    Somaliweyn -Hargeysa-28/08/06

     

    Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ing Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu la yaaban yahay siyaasad xumida maamulka M/weyne Rayaale ee ku aadan Gobolada Bari iyo sida ilaa haatan uu uga aamusan yahay in uu wax ka qabto dhibaatada ka taagan Gobolada Bari.

     

    Inj Faysal Cali Waraabe waxa uu shir jaraa`id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay shirka la rabo in uu 10Sept lagu qabto magaalada Washinton ee lagaga hadlaayo qadiyada Somaliland.

     

     

    Faysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi:

     

    "waxa aan maanta iskugu kiin yeedhay in aan idiin sheego in aanu ka qayb gali dooo shir lagu qabanaayo Maraykankaoo nalagu marti qaaday waxa shirkaa ka qayb gelaya xukuumada,axsaabta qaranka,ururada bulshada iyo aqoonyahano waxaana shirkaa laga soo wada saarayaa baaq wada jir ah oo ku saabsan sidii qadiyada Somaliland uu Mareykanku uga caawin lahaa arimaha dhaqaalaha,siyaasada,caafimaadka,waxbarashada iyo nabad gelyada,Xaalada ka socota Soomaaliya waxay isu bedeshay hab qabiileysi oo ay hogaaminayaan Cabdillaahi Yuusuf iyo Cade Muuse waxayna wadaan dagaal saamayn ku yeelanaya mandaqada oo dhan markaa waxa loo baahan yahay in la xoojiyo dhamaan agabka iyo qalabka ciidamada Somaliland waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumada inay gaadho xadka Somaliland oo ciidamadu ay dhaafaan magaalada Laascaanood lagana saaro ciidamada ******teeniya Laascaanood,Shacbiga degen Berbera waxaanu leenahay waa inay dadka soo dhaweeyaan, waxa la sheegay dadka u deegaanka Boosaaso qofka ay u Gartaan reer Somaliland ay siiyaan Hudheel Bilaasha, dhulka Berbera laga iibsanayo waa inay jabiyaan dadkana ay soo dhaweeyaan".

     

    Mr Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay dirayska uu dhawaan xidhay M/weyne C/Laahi Yuusuf in uu yahay diyaar garow dagaal sidaasi daraadeedna loo sii diyaar garoobo. mar uu arrintaaasi ka hadlaayayna waxa uu yidhi"waxaan leeyahay waa in nabadgelyada iyo difaacaba la adkeeyo oo aanay shacbigu is dhigan, C/laahi Yuusuf Tuute ayuu xidhay oo dagaal ayuu diyaar garoobay, oo fadhiga laga kacaa markaa waa in dalkan la difaacaa".

     

    Shirkaasi markii uu dhamaadayna waxa halkaasi lagu weydiiyay dhowr su`aalood oo uu mid mid uga jawaabay.


  8. Xukuumadda Somaliland Oo Dacwad Ah Hub Ay Ethiopia Siisay Beelo Dega Sool U Gudbisay Ethiopia:Safiirka Ethiopia Ee Hargeysa Oo Loo Yeedhay

    Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 31 August, 2006

    --------------------------------------------------------------------------------

     

     

    Hargeysa (Somaliland.Org)-- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka waxay u yeedhay Danjiraha u fadhiya Ethiopia Xarunta Somaliland ee Hargeysa Ambassador Wubishet Demissie, iyadoo hor dhigtay Cabasho ay ka qabto Hub Dawladda Ethiopia u qaybisay maleeshiyaad ku sugan magaalada Laas Canood ee agagaarkeeda.

     

    Sida uu shabakadda Wararka Ee Somaliland.Org caawa fiidkii u xaqiijiyey Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris waxaa Saaka looga yeedhay Ambassador Wubishet Demissie Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda iyadoo loo mariyey Dawladiisa cabashadani Xukuumadda Somaliland, Afhayeenka oo aanu wax ka weydiinay qoraalka cabashada ah, wuxuu sheegay in ay Xukuumadda Somaliland muujisay sida ay uga xuntahay hubkaasi ay Ethiopia u qaybisay maleeshiyaadkaasi iskuguna dhiibtay beelahaasi, taasi oo collaad badani kaga soo food leedahay ayuu yidhi Cabdi Idiris Somaliland dhinaca Maamulka Puntland oo collaad muranka dhulka ahi muddo ka dhexaysay taasi oo ayuu yidhi Ethiopia ay ogayd.

     

    Waxaa ku qornaa ayuu yidhi Mudane Idiris Afhayeenka Madaxtooyadu Waraaqdaasi iyadoo Dawladda Ethiopia xaq u leh cidday taakulanayso haddana inaanan raali ka ahayn Somaliland ahaan Maleeshiyaadkaasi hubka la siiyey isla markaana aanu u aragno ayuu yidhi Khalad weyn oo dhacay.

     

    Hore ayaa Labada Xisbi Ee KULMIYE iyo UCID Dood Cilmiyeed ay bishani August horaanteedii ku qabteen Magaalada Hargeysa waxaa si weyn loogu naqdiyey hannaank ay Ethiopia u taakulanayso Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha Maamulka Embigathi iyo Puntland, balse taasi Xukuumaddu dhawr jeer ayey sheegtay inaanay kula mawqif ahayn xisbiyada Mucaaridka ah, Hubkani la sheegay inay Xukuumadda Ethiopia Gaysay Sool ayaa la sheegayaa inuu dhanyahay 500 oo Qoryahaha AK47 loona qaybiyey Maleeshiyaad beeleedyo daacad u ah Maamulka ******teeniya ee ka taliya Magaalada Laas Canood, sida laga warqabo sannadkii 2003-dii ayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maleeshiyaadka ******teeniya waxaa dagaal ku dhex maray agagaarka magaalada Laas Canood oo ilaa imikana ay Ciidamada labada dhinac Isku hor fadhiyaan.

     

    MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

     

    Somaliland.Org, Hargeisa

     

    diridhaba@gmail.com


  9. Bare Hiiraale::: Hawsha maamulka Juballand Dowlada Federaalka Way taageertay

    Last Updated::2006-08-31 15:12:08

     

    Kismaayo:- Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Soomaaliya Col.Bare Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha Maamul u sameynta Jubballand uu yahay mid ay Dowlada wax ka ogtahay.

     

    Col.Bare Hiiraale oo hada ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maamulka Jubballand uu ka koobnaan doono gobalada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

     

    Wuxuun wasiirka Sheegay in hawshan ay tahay hawl dawladeed isla markaana ay si weyn u taageerayaan labada gole ee DFKMG iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

     

    Col.Bare Hiiraale ayaa sheegay in hada ay dhiseen Guddiyadii farsamo isla markaana ay wax badan qabteen, ayna socdaan wadahadalo dheeraad ah.

     

    Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay hada ku hawlan yihiin wakhtigii la bilaabi lahaa maamulka ku dhawaaqidiisa iyo shirweyn, asagoo intaa raaciyey in ay ku hawlan yihiin kharashkii ku bixi lahaa arrimahaasi.

     

    Arrinta Ciidamada Shisheeye

     

    Col.Bare Hiiraale oo ka hadlay arrimaha Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya la keenayo ayaa sheegay in arrimahaasi ay dowlada ka wada hadashay, isla markaana uu talooyin kala gedisan ka bixiyey ciidamada la keenayo.

     

    Bare Hiiraale oo sheegay inuusan aaminsaneyn in hada loo baahan yahay in ciidamo dibada laga keeno.

     

    Wuxuun sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in ciidamo badan oo ah kuwii Hore ee Qaranka ay gudaha dalka Soomaaliya ku sugan yihiin, kuwaasna la qalabeeyo oo dhaqaale lasiiyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha Amniga.

     

    Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in aragtidiisa uu u gudbiyey dowlada, isla markaana uu jiro qorshe dowladooda oo ku beegan ciidamada la keenayo. Hase yeeshee uu asagu shaqsiyan qabin in ciidamo la keeno.

     

    Maxamed Cabdi

    HorseedNet.com


  10. Ciidamada Maxaakiimta oo isaga baxaya gobolada dhexe.......... Hoyga Xogta Iyo Xaqiiqada

     

     

     

    Galkacyo(Allmudug.com):- Midowga Maxaakiimta oo ciidamo aad tirabadan kusoo daad gureeyay gobolada dhexe bishii lasoo dhaafay si ay gacanta ugu dhigaan Magaalada Galkacyo ayaa bilaabay inay ciidamadooda dib u raraan kadib markii ciidamo aad uxoogan oo ka kala tirsan Coll. Cabdi cawaale qaybdiid iyo Puntland ay soo galeen Gobolka mudug fariisimana ka samaysteen goobo aan ka fogayn Fariisimada Maxaakiimta.

     

    Ciidamada Cabdi qaybdii ayaad moodaa inay kaga taageero bateen midowga maxaakiimta Gobolka Mudug iyagoo baryahan dambe bilaabay inay qabsadaan deegaamo istiraatiiji u ah Difaaca gobolka mudug sida Bandiiradley,Docol iyo waliba Deg. Hobyo goobahaan oo awal ay ciidamada maxaakiimtu soo galeen ayay isaga baxeen markii lagu wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin ciidamo uu hogaaminayo Cabdi qaybdiid isagoo waliba dagaal aan waynayn kula wareegay Bandiiradley.

     

    Arimahan ayaa waxay dhabada uxaareen in ciidamada maxaakiimtu ay isaga huleelaan Gobolka Mudug kadib markay u cadaatay inaysan col iyo nabad toona kutagi Karin iyagoo bilaabay inay ciidamadooda kala baxaan Gobolada dhexe marka laga reebo kuwa ka amar qaata xasan daahir aways oo awalba ku sugnaa Gobolka Galgaduud iyadoo cutubyo katirsan Maxaakiimta kuna sii jeeday muqdisho ay isku dheceen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Gobolka hiiraan.

     

    Cabdinuur Mohamed Seeraar

     

    Allmudug.com

     

    Head Office Galkacyo


  11. ^^^ Not interested if you are convinced brother.

    Oh check out the new aminarts cartoon.

    But know this people are not blinded by clan, the secesionist who's only hope is the ICU migh destroy their old enemy.....Back to the topic.

     

    MAXAY MAXKAMADUHU UGA MEER MEERAYAAN MURUGO KA FEEDIDA MARKA CADEEY IYO MAGAALOOYINKA SH/HOOSE?!!

    Markii ay Maxkamadaha Islaamiga ah guusha ka hanteen hoggaamiyeyaashii dagaalka ee hor boodayay Isbaheysigii la magac baxay la dagaalanka argagixisada waxaa laga sugayay inay baal cusub u furaan maadaama ay gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ahaydna ubucda dhibaatada Soomaaliya ka taagan, iyadoo rajo badan ka qabeen beelo Soomaaliyeed oo dulmanaa mudadii 16-ka sano ahayd in iyana ay Maxkamadaha ka dul qaadi doonaan dhibaatada qaangaarka dhaaftay.

     

    Gobolka Sh/hoose oo ah mid kulansaday kheyraadka Badda, Xoolaha iyo beeraha ayay beelaha ku nooli la kulmeen tacadigii ugu weynaa ee dalka ka dhacay, kufsi, dhac, dil, boob hanti, isbaaro in laga xoreysto xoogna looga heysto guryo iyo beero lagana iibiyo biyaha wabiga Shabeelle, waxayna beelaha dega gobolka ee kala ah: Biyamaal, Banaadiri, Jareer weyne iyo Aw Digil ku dul habsaday musiibo ballaaran oo aan cidna uga diir naxeyn maadaama ay yihiin dad nabadeed oo aan hubeysneyn.

     

    Guusha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho shacabka dulman ee ku nool Sh/hoose waxay u soo bidhaamisay rajo cusub, waxayna filayeen in si degdeg ah looga qaadi doono heeryada la huwiyay, hase yeeshee saadaashoodu ma dhaboobin, waxayna xaaladooda u muuqataa Ceelna uma qodna cidna uma maqna.

     

    Guux xoog leh oo si weyn looga dareemay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa bilowday, iyadoo si cad iyo si hooseba loo muujiyay in Maxkamadaha Islaamiga ah looga baahan yahay inay kurbada ka qaadaan shacabka ku dulman toddobo degmo ee Sh/hoose, Marka Cadeey, Baraawe, Sablaale, Kurtun Waareey, Qoryooley, Afgooye iyo Wanllaweyn, halkaas oo ay xoog iyo qoriga caaradiisa ku heystaan shaqsiyaad aan u dhalan, iyadoo waliba Guddoomiyaha gobolkan dulman uu Maxkamadaha xil sare ka hayo si weynna dhaqdhaqaaqooda uga dhex muuqdo.

     

    Maxay Maxkamadaha Islaamiga ah u aadi waayeen waxna uga qaban la’yihiin dhibaatada ka jirta gobolka Sh/hoose? Ayaa noqotay hadal heynta ugu saameynta badan ee la isla dhex marayo goobaha siyaasadda lagu lafa guro ee magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiinta ugu sareysa Maxkamadaha Islaamiguna ay si weyn uga dheregsan yihiin arrintan, shacabka dulman ee Sh/hoose afka ma qabsan ee waxay soo bandhigeen qeyla dhaan aad u xoog badan, 14/08/2006 Guddoomiye ku xigeenka Degmada Baraawe Maxamed C/qaadir Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in dadka gobolka ay doonayaan in Maxkamaduhu degaankooda soo gaaraan, hase yeeshee taasi wuxuu ku muteystay xabsi boqol saacadood qaatay, mid ka mid ah Culimada Maxaakiimta ayaa isna laga soo ceyriyay magaalada Marka, iyadoo 18/08/2006-na dibadbax looga soo horjeedo dhacdada Sheekha lagu ceyriyay ay ka dhacday B/Mareer.

     

    20/08/2006 ayay maamulka gobolka Sh/hoose xabsiga u taxaabeen Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo mid ka mid ah dadweynihii ka qeyb qaadanayay dood ay ka qeyb qaadanayeen shacabka ku nool Marka, halka 21-kii isla bishaas ay maamulku soo saareen wareegto ka kooban saddex qodob oo lagu xakameynayo Saxaafadda iyo xoriyadda hadalka, dadka Wanllaweyn ayaa iyaguna 22/08/2006 ku soo biiray qeyla dhaanta kadib markii lagu dilay shan qof oo maleeshiyooyin aano qabiil u dileen, halka Culumaa’udiin iyo waxgarad ku nool Afgooye oo waday howlo ay Maxkamadaha ku codsanayaan in iyana laga dhigay qaar xabsiga la dhigay iyo kuwo lafahooda la baxsaday.

     

    Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Shariif Sh. Axmed oo 21/08/2006 ka hadlay xaflad lagu furayay dib u dayactir lagu sameeyay buundada Tixsiile oo soo hadal qaaday arrinta gobolka Sh/hoose ayaa yiri: “Howlaha Maxkamaduhu hayaan waa ballaaran yihiin, magaalada Muqdisho ayaan weli maamul loo sameyn, marka sax ma aha anagoo aan caasimada maamul u sameyn inaan aadno Sh/hoose oo maamul ka jiroâ€, iyadoo hadalkan uu quus iyo rajo beel ku dhaliyay shacabka dulman ee Sh/hoose si cadna u muujiyay inaan halkaas Maxkamaduhu u soo socon.

     

    Ragga gunta iyo baarka kala socda siyaasadda gadgadoonka badan ee ka jirta Soomaaliya ayaa isweydiiyay waxa Maxkamaduhu magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo 750 Km u jirta Muqdisho kana mid ah degaanada nabadda iyo maamulku ka jiro ay ku aadeen iyadoo la ogyahay in dhiig badani ku daadan doono ugana meer meerayaan inay tagaan Afgooye oo 30 Km u jirta Muqdisho?, iyadoo shaki badan ay dhalisay waxa ay Maxkamaduhu u aadi waayeen gobolada Koofureed iyadoo la ogyahay in gobolada Waqooyi ay jibaaxeen Sh/dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

     

    Xaaladan waxay Maxkamadaha ka dhigeysaa kuwo dhinac iska dhigay cadaaladda ay diintu fareyso kuna shaqeynayaan hadaf lagu raalli gelinayo dano kooxeed iyo kuwo beeleed, taas oo ugu dambeyntii keeni doonta in Maxkamaduhu gebi ahaanba waayaan taageeradii shacabka dulman ee ka sugayay inay isbedel cusub keenaan, waxaanse gabagabadii leeyahay Maxay Maxkamaduhu uga meer meerayaan murugo ka feedida Marka Cadeey iyo maglooyinka Sh/hoose?!!.


  12. I'm prepared to talk peace, says leader of Somalia's Sharia courts

    By Rob Crilly in Mogadishu

     

     

    TO SOMALIS he is the “Old Foxâ€, a former army colonel with a red, henna-stained beard whose tactical brilliance delivered Mogadishu to his Islamic militias within weeks. To America he is a terrorist, the former leader of an East African cell with connections to al-Qaeda and Osama bin Laden.

    Now Sheikh Hassan Dahir Aweys says that he wants to be a man of peace. In a rare interview, the hardline leader of the Somalian Islamic courts says that he is ready to work with the fragile interim Government before peace talks due to resume in Khartoum at the weekend. “Legally the Government is still the Government, but we are the power in Somalia,†he says over cinnamon-spiced tea in a whitewashed Mogadishu villa. “In order for the Government to fulfil its role, and for us to continue doing what we want to do and to provide leadership to our people, we need to come together.â€

     

     

     

    It is an unusual statement of reconciliation from an Islamic leader who promotes holy war against the West. Outside, militiamen lounge in the back of a four-wheel-drive vehicle armed with a heavy-calibre machinegun.

     

    Rival warlords carved this country into a series of personal fiefdoms after the collapse of Mohamed Siad Barre’s brutal regime in 1991. That changed in June, when militias allied to a network of Sharia courts defeated a US-backed alliance of warlords in Mogadishu. Since then the Islamic courts have strengthened their hold on the city and fanned out around the country. Their triumph shocked regional capitals, which fear an Islamic fundamentalist government on their doorsteps, and Western governments, who believe that Somalia could become a haven for al-Qaeda in the same way as Taleban-governed Afghanistan. Bin Laden has taken an interest in Somalia. In an audio recording broadcast in July, he urged the Mujahidin in Somalia to fight anyone who might weaken their grip on power.

     

    America believes that members of an al-Qaeda cell behind the 1998 bombing of its Nairobi Embassy remain in the country, butSheikh Aweys dismisses such allegations angrily. “America knows that al-Qaeda is not in Somalia,†he says. “Their fear is simply that they do not like to have an Islamic government here.â€

     

    It is an allegation that Sheikh Aweys is likely to face again and again. The Old Fox led al-Ittihad al-Islamiya, an Islamist militia accused of links with al-Qaeda, during the 1990s. Today he would rather ignore questions about his links with Bin Laden than condemn suicide bombers who take jihad to America.

     

    Al-Ittihad was eventually defeated after a series of battles with Ethiopian forces and with Abdullahi Yusuf, then the leader of the semi-autonomous region of Puntland and now the transitional President of Somalia. Sheikh Aweys then became a leading player in the Sharia courts that emerged gradually in Mogadishu. They were designed to restore law and order to a city kept in a permanent state of chaos by its warlord masters.

     

    Sheikh Aweys is credited with providing the tactical nous for the courts’ speedy victory. He remained in the shadows as Sheikh Sharif Ahmed, the moderate chairman of the Islamic Courts’ Union, became the public face of the movement, but at the end of June he was named chairman of the courts’ consultative council, suggesting a lurch towards a more radical form of Islam.

     

    “Aweys is the danger man,†a Western diplomatic source in Nairobi said. “He is the guy with the strategy and the ability to turn the courts into something nasty.â€

     

    For now, the courts have been warmly welcomed by Mogadishu residents tired of war. Although they have imposed brutal punishments — sentencing rapists to death by stoning and ordering drug users to be lashed — residents say that they can now walk freely around the city for the first time in years. The international airport has reopened and ships have begun arriving at the port.

     

    But heavy rains this week have exposed the scale of the task. One brick building collapsed and dozens of shacks were washed away, leaving hundreds of people homeless.

     

    TOUGH JUSTICE

     

     

    Islamic courts emerged after the collapse of the Somali Government in 1991. They became the main judicial system in Mogadishu, the capital

     

    In June the courts seized control of the city from secular warlords

     

     

    The courts boosted their popularity by cracking down on crime

     

     

    The United States fears that the courts have links to al-Qaeda — an allegation that they vehemently deny


  13. ^^^lol. Eritria Vs Ethiopia = Ethiopia wins all the time.

     

    These courts have just replaced the big talking warlords of Mogadishu. The warlords used to attack Ethiopia at every turn. They denied occupaying other clans land. They thought they could solve everything through the barrel of a gun[Aydeed].

     

    The clan courts need to change, so far they have not and are heading the same route as the fallen warlords.


  14. Salamu Aliakum.

    Red Sea we must agree to disagree. If you truly belive that the people of the south have been liberated by the likes of Inda Cade then what I wrotte is wrong and fanciful.

     

    I have noticed that you have no evidance and lack of understanding about the true nature of the realities on the ground.

     

    You have not disputed that the courts are based on a single a clan, an armed one, so where are the other clans who are not armed, that they have as top members some of the most brutal warlords ever seen in Somalia. Including alleged drug baron Inda Cade.

     

    You need to ask why there is no court in Barava, Marka, and all over lower Shabbele? Are those people not Muslim. Nor deserving the same rights as your clan in Hargaysa?

     

    You speak of the south. Who lives in the south?

     

    I would not call you nieve but at times I wonder.

     

    Justice for all. dear brother, untill then we are facing clan domination based solely on how big our guns are.


  15. ^^^ Salaam.

    No point in stating the obvious. Most Somali's were against the actions of the warlods of Mogadishu and their clan based occupations, looting and criminal enterprise. I do note that Yusuf Inda Cade, Seeraar, Goobanle and others have played a major role in the industry that was Warlordisam. I note that you never acknowledge these facts.

     

    Another point here is that these courts do not represent a true Islamic movement, because they are based on the wishes and wants of a single clan. Islam note is fair. We are all Muslims and thus need to be traeted equally regardless how many technicals you have or if Xasan Dahir is your kinsmen.

     

    Now the tide is slowely turning the Eritrian backed clan faction is facing many problems. Drunk on power they rushed around the country with the pretence of bringing justice. Thus it was humorous that they could not venture 38km south of their base to liberate the poor souls of the south. Thus they lost the moral high ground.

     

    Now I have said many times before it is the government of the Somali's that must take up the burden and liberate the people of Somalia. Much like how the SOMALILAND folks love their 18th of May. It will only be fair that the people of South Somalia should have that same right to run their won affairs.

     

    Who rules them, a few heartless men who yesterday came as USC and today go by the monikar of ICU....


  16. ^^^The President is of to Libya.

    The TFG delegation is led by Sharif Xasan.

    The COURTS delegation will be led by someone other than Shiekh Sharif Ahmed [rumour has it]

     

    As for the comment above, the whole Courts are based on clan...But you already knew that right.

     

    I belive the courts have touched the wall, i.e. they are facing multiple problems, how to overcoem the singe dominance clan perception many hold with regards to their structure?, problems in lower Shabbele, the IGAD troops and fightback of the warlords of Mogadishu.

     

    One has to take into account the fact that their prerequiste to talks which was no FT in Somalia has clearly not been met


  17. ^^^Dear Red Sea, you need to move on from this nieve tendency to question everything and seek no answers.

     

    I fear no clan, but brother Uchi point wasd that the clan courts will come to my clans town. My answer to that is the above. Which is that no single clan can invade the land of another. Justice is universal and one must not blind themselves to who or what we are dealing with.

     

    Also I guess from your remarks that I know more about the tru nature of these courts. They are trying to grap as much land as possible so they can say they control the country...So my little town is central to any land grap as it is centraly placed in Somalia.

     

    I have said and will repeat that I belive Islam to be the real solution to the ills of the Ummah.

     

    These courts represent the interst of a single clan, thats why they defend the lower Shabbele chief Inda Cade. ;) Un-Islamic and shameful, but you will avoid that, as the people of these areas are of no importance to you and others...

     

    They are receieving support from the Tigray in Asmara. They are also fighting for power and domination. Yesterday they were all in BALCAD HOLDING HANDS WITH THE WARLORDS against the TFG. Now they want to declare a Jihad?


  18. The hypocracy of it all. They are against any government, against the rights of the poeple of lower Shabbele. Now even the pretence of courts is not compatable when it comes to lower Shabbele...Did you say you was fighting for Islam???

     

    indhacade.jpg

    source

     

    Indho Cadde oo sheegay in aan laga samayn karin Maxkamad Gobalka uu isagu ka taliyo ee Sh/hoose

    Posted to the MOL August 28, 2006, 10:13 am

     

     

    Madaxa Amaanka Golaha Maxaakiimta Muqdisho isla markaana ah Gudoomiyaha Gobalka Sh/Hoose Yuusuf Maxamed Siyaas Indha Cade ayaa maanta gaaray Magaalada Marka ee Gobalkaasi, ka dib markii uu in mudo ah ku sugnaa Muqdisho.

     

    Yuusuf Indha cade oo kulan uu la qaatay Mas’uuliyiintiisa Gobalkaasi ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Gobalka Sh/hoose uu yahay Hooyada dhashay Maxaakiimta isla markaana gacanta ugu weyn ka heshay, waxa uuna tibaaxay in Gobalka Dadkiisa iyo Maamulkiisa ay u gargaareen Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye.

     

    Indha Cade waxa uu ka dhawaajiyey in aysan jirin Qorshe Maxkamad looga furayo gobalka Sh/Hoose,, waxa uuna gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in Gobalka ay ku soo wajahan yihiin golaha Maxaakiimta, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin wixii sixitaan ah.

     

    Hadalkan ka soo yeeray Yuusuf Indha Cade ayaa waxaa ka horeeyey, digniin uu jeediyey Gudoomiyaha golaha Fulinta maxaakiimta Muqdisho Shiikh Shariif sheikh Axmed, kaas oo ku wajahnaa Wararka laga tabiyo gobalka Sh/Hoose isaga oo cadeeyey in aysan meesha ku jirin in lagu jisaaro dadkii shalay Maxaakiimta garabka siiyey.

     

    Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isna ah gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakiimta Muqdisho ayaa sheegay Maamulka Gobalka Sh/Hoose ka dhisan in uu la mid yahay kan Puntland iyo Somali-land.

     

    Dadka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya sababta maxaakiimta ay uga gaashamanayaan gobalkaasi, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha ah, iyo beero iyo guryo xoog looga heysto dadkii lahaa.

     

    Maxamed C/qaadir Khalaf

    Galkacyo, Puntland, Somaliya

    Mudugonline.com


  19. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo gaaray Khartuum

    Khartuum-28.August.2006 Gudoomiyaha golalah

     

     

    fulinta ee maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu soo

    warramayaa inay gaareen magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

     

    Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa waxaa la sheegay inay xalay ay gaareen magaaladaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsam maxkamadaha Islaamiga oo muqdisho ku sugan.

     

    Waa markii ugu horeysay ee uu Sheekh Shariif safar dibada ah ugu ambabaxo tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho.

     

    Waxaana uu magaalada Khartuum kaga qeyb geli doonaa kulanka sida weyn loo dhowrayo ee magaaladaasi ku dhex mari doona dowladda federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga.

     

    Sida ay shaacisay dowladda Suudaan kulankaasi waxaa lagu wadaa inuu furmo maalinta arbacada ah oo ku beegan 30-ka bisha August.

     

     

    C/qaadi Nuunow

    SBC News


  20. BAYDHABO: Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo daqiiqado ka hor ka duulay Baydhabo

     

    Posted to the Web Aug 28, 16:29

     

     

    Baydhabo (PP) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigii uu hoggaaminayo oo dowladda federaalka uga qaybgalaya kulanka dalka Sudan ee ay ku wada-hadlayaan Maxkamadaha iyo Dowladda ayaa ka duulay goor dhaweyd Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo.

     

     

    Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa waxay ka kooban yihiin 16-xubnood oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno, waxaana xubnahaan ay ka qaybgeli doonaan kulankaas iyagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

     

     

    Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaan-dhigga Salaad Cali Jeelle, Wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim xaabsade oo ka sii raacaya dalka Kenya oo ay wafdigu ku hakan doonaan.

     

     

    Guddoomiye Shariif Xasan ayaa intii aysan ka duulin Baydhabo wuxuu kulammo kula qaatay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Sooamaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Geeddi iyagoo meel isla dhigay qodobbada kulanka ay dowladdu hor-dhigayso.

     

     

    Wafdiga guddoomiyaha uu horkacayo ayaa la shaaciyay inay caawa ku hakan doonaan dalka Kenya, iyagoo habeen dambe lagu wado inay gaaraan dalka Sudan, dabadeedna ay ka qaybgalaan isla aroorta hore ee maalinta arbacada ah kulanka ka furmaya Caasimadda dalkaas ee Khartoum.

     

     

    Kulankaan ayaa ka duwan kii ka horreeyay iyadoo Dowladda iyo Maxkamaduhu ay ka tanaasuleen shuruuddo ay hor-dhigeen laba jeer oo hore shirkaas oo ka furmi lahaa dalka Sudan.

     

     

    Maxamed Xuseen Jantiile

    Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

    E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com