
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^Back to the topic.. Galkacyo:Ciidanka Daraawiishta Puntland aya gaaray Waqooyiga Bandiiradley . Posted to the Web Nov 13, 21:40 Gaalkacyo: (pp) - Waraka naga soogaaraya aaga dagaalka ee jiida hore ayaa sheegaya in ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta puntland waqooyiga Bandiiradley halkaasi oo ay ka dheceen dagaalo aan sidaas u sii xoog badnayn. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Aagaga Mudug Maxamud Muuse (ilka dheere) oo saxaafada kula hadlayay aaga dagaalka ee waqooyiga Bandiiradley ayaa sheegay in ay puntland is difaaci doonto, islamarkaana aysan cidna weerar ku ahayn balse hadii lagu soo gar******o ay xoog isku difaaci doonto, taliyaha ayaa intaa ku daray in wixii halkaas hada ka dib ka dhaca ay eedeeda dagaal iyo dhibta ka dhasha ay dusha uridan doonaan cidii ku soo duusha dhulka aanu gacanta ku ahyno ee nabada ah, islamarkaana la isaga daba xisaabtami doono oo aan nina loogu aaba yeelayn. Xoogaga Ciidanka Daraawiishta oo wata baabuurta gaashaaman ee dagaalka ayaa gaaray aaga hore ee dagaalka gaar ahaan waqooyiga bandiiradley sida ay nagu soo gaarayaan wararkii ugu danbeeyay ee hada naga soo gaaraya bandiiradley iyo aaga dagaalka. Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waqooyiga Bandiiradley warka ayaa intaa ku daraya in ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii maxaakiimta ee shalay gacanta ku dhigtay Bandiiradley kaddib markii ay arkeen xoogaga ku soo fooleh oo aysan u babacdhigi karin. Kabixida maxaakiimta ee bandiiradley ayaa timid ka gadaal xooga iyo quwada ciidanka puntland ee ku sii siqaya Bandiiradley hadana gacanta ku haya waqooyiga Bandiiradley oo dhan iyaga oo sheegay in ay halkaasi u tageen sidii ay uga sifayn lahaayeen Bandiiradley wax ay ku tilmaameen burcad dhulbalaarsi wada oo aan loo dulqaadan doonin waa sida ay hadalka u dhigeene. Warku waxa uu intaa ku darayaa in ay hada ka jiraan aaga hore ee dagaalka cabsi dagaal oo laga cabsi qabo in ay fooda isdaraan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo aan sidaa u kala fogayn, dadbadan ayaa ka qaxaya guryahooda ee ku kala yaala Galinsoor, Cadaado, Bandiiradley oo intuba ah bartilmaameed dagaal caawa. Xaalka ayaan lasaadaalin karin iyo sida ay wax noqondoonaan balse waxaa la ogaan doona warka oo dhan marka ay wax dhacaan cida ku adkaada gacan ku ahynta dhulka dagaalku uu ka taagan. Xoogaga Ciidanka Daraawishta puntland ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay dhulkooda difaacdaan xaqna ay tahay in ay is difaacaan hadii lagu soo duulo iyaga oo aan nina u aabayeelayn. Siqida ciidnanka Daraaiishta ee waqooyiga Bandiiradley ayaa waxaa ku weheliya Culumo awdiin iyagu u khudbeeyay ciidanka daraawiishta oo halkaasi u tagay sidii ay ciidanka ula qaybsan lahaayeen difaacida dalka isla markaana ay uga dhaadhicin lahaayeen waxa ay diinta islaamku ka qabto difaacida dalkooda. Ciidamada Puntland ayaa waxay iskaashanayaan kuwa deegaanka ee uu ka soo jeedo Col. Cabdi qaybdiid oo markii looga soo adkaaday Muqdisho cagaha soo dhigay deegaanka Mudug oo ah goobaha uu hada difaaca kagala jiro kuwa Maamul-goboleedka Puntland. A/rizak koronto, puntlandpost.com Garowe Puntland
-
^^^You seem to have toned down your rhetoric of late... But brother I trust in Allah and fear no man or designs of men..
-
Is CUD party the reincarnation of the AMHARA hegemony on old Ethiopia
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
Camir thanks for the article. -
President Yusuf meets with elders religious leaders of Bay..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Everyone knows the lies you spew every other day. Every faction against Barre was based in Ethiopia. However it was not Yusuf or his faction that detroyed the Somali institutions in Mogadishu and then went about ethnic cleansing clans from parts of the country. Yusuf is a war hero and fought for Somalia in 1964 & 1978. He refused to let the Ethiopians put their flag in Somalia soil losing men and serving 6 years in jail. He was a high serving officer from 1960 on wards and a well repected strategist of war, even President Barre respected his millitary abilities though he was his bitteres rival. Yusuf led the Somali brigades to their initial victory in the ****** war. Saxib dont try it, I am too old for such lame slurs. My own relatives were in the SSDF battles and gave first hand accounts. Yours is no more than clan hearsay told by old women who have far too much time on their hands.. ........ Prison warden Xasan Dahir is not mentioned in the annals of both 1964 & 1978, a certain General Galaal has left a foot note, but nothing of Captain Xasan Dahir fighting anyone outside Somali's in the civil war period, no mention of Yusuf IndaCade either, or Seeraar, Goobanle, later day warlords who attack unarmed villages..Cayrow was a mere child.. -
President Yusuf meets with elders religious leaders of Bay..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abdi2005, stop the insults Yusuf fought two major wars for Somalia. He was a hero and still is a hero... -
President Yusuf meets with elders religious leaders of Bay..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^That was one of my favourites, Amin Ammir is real funny.. -
President Yusuf meets with elders religious leaders of Bay..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats his natural posture. He does not smile too often, a soldier.. -
^^^A/Qaybdeed and if we support him is a side issue, are the clan courts not the ones who are trying to create sub-sub-clan courts within Puntland which has a central admin? One can easily say the clan courts need to stop supporting Yusuf IndaCade and his clans aggression against the people of Bay [bur-Hakabo] and occupation of lower Shabbele.. Also why the claim of the courts and their suporters over South Mudug? Is not all about clan.. You can not have your cake and eat it.
-
President Yusuf meets with elders religious leaders of Bay..
General Duke posted a topic in Politics
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta kulan la qaatay Culuma'udiinka Gobolka Bay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka kmg ee Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Xfkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Kuxigeenka Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo Qaar ka tirsan labada gole ayaa maanta kulan la qaatay Culuma'udiinka Gobolka Bay oo soo bandhigay sida ay diyaar ugu yihiin inay la shaqeeynayaan dowlada Federaalka isla markaana soo bandhigay rabitaankooda ku aadan sida ay uga go'an tahay inay dorkooda soo bandhigaan. Shariif Xuseen Shiikh Xasan oo ka mid ahaa horjoogayaasha culumada ayaa halkaasi kasoo jeediyey in dadweynaha Reer Baydhabo ay u baahan yihiin Dowlad, Nabad iyo Nidaam, Shariifka ayaa ku nuux nuuxsaday in aysan Fowdo ku jirin oo aysan u baahnayn wuxuuna ku duceeyey in uu Ilaah siiyo Qeyr Shartana Ilaah hanaga nabad galiyo buu yiri Shariifka. Ahlu Suna Wal Jamaaca diyaar uma aha inay dowlada burburiyaan, marabno inaan shacabka dhib ku abuurno ab iyo isirna uma lihin, hadaad na taageertaan Inshaa Allah idinkana Ilaah waa idiin taageerayaa hadaad tihiin dowlada federaalka ayuu yiri Shiikh Cabdulaahi Shiikh Cali Shiikh Eedan oo ahaa Culumadii halkaasi ka hadashay. Shiikh Aadan Towfiiq oo isna ah Culumada ugu waaweyn ee Gobolka Bay oo kaalintii kaga aadanayd halkaasi ka jeediyey ayaa yiri waxaan la hadlayaa Madaxda Dowlada waxaana ka codsanayaa inaad ilaah ka baqdaan oo Ilaah ku xernaataan wuxuu kaloo Shiikha ka codsaday in Dowlada ay soo saarto sharciga ah in qofkii qof dila in la dilo waayo buu yiri waxaa magaalada ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay Rag iyo Dumar taasoo soo da dajinayso buu yiri ammaan iyo dhiiga Islaamka oo aan lagu deg degin. Shiikh Towfiiq ayaa ka codsaday madaxda dowlada inay magaalada ku naadiyaan cidii cid disho in isagana la dilayo taasoo uu ku tilmaamay in lagu heli karo amaan iyo Cabsi inaan qofna lagu deg degin. Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa laga codsaday inuu halkaasi ka duceeyo iyadoo markaasi qudbooyinkii loogu talo galay aysan suura galin waayo waxaa durbadiiba yimi Roob ma hiigaan ah oo lagu soo afjaray ducada Madaxweyne Yuusuf wuxuuna ku duceeyey: (Qeyr Allaha Nasiiyo, Iimaanka Allaha inagu soo celsho Cadowga Balaayada ah oo Bidcada ah oo wadanka fara baas ku haaya Allaha naga Qabto, Guul Allaha nagaarsiiyo, dhibaatada Allaha inaga dhameeyo, Soomaali oo mid ah oo Qaranimadeedii iyo Sharafkeedii la soo noqoto Allaha ina gaarsiiyo, aan u howl galno, Sida Daadka Socda Nimanka inta Cagaha Dhulka uga qaadno aan Dabada u Foorarino ayuu kusoo afjaray Ducada Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf. Kulankani ayaa Culumada waxa ay kusoo bandhigeen inay maalmahaanba ku jireen Quraan Aqris ay Allah ku baryayaan in Colaada jirta Ilaah uu ka kor qaado dalka Soomaaliya, iyagoo maantana Quraan Aqriskaasi lasoo gabagabeeyey halkaasina lagu cunay Alla Bari. Ma jirin sida looga bartay Madaxda Dowlada Federaalka Qudbooyin waayo waxa isla markiiba isa soo xiray Daruuro, markii la gaaray Guntii iyo Gabagabadiina waxaa si weyn u hoortay daruurtii (Roob aad u weyn) waana la soo afjaray dhamaan Xafladii loogu talo galay in madaxda ka qudbayso. Isu imaatinkaan ayaa waxaa soo diyaariyey maamulka Gobolka Bay oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar iyo Xildhibaanda beesha Digil iyo Mirifle, iyadoo waliba Shariif Xasan Shiikh Aadan uu haatan kusugan yahay magaalada Muqdisho wax war ahna uusan Madaxweynaha wali kasoo bixin. Bidix Wasiirka Amniga, Dhexda Gud. Gobolka Bay, Midig Wasiiru Dow Qorsheynta -
^^^You would have the old General confused. Try again.
-
Red Sea, you are funny, I have outlined the consequence of attacking a major Puntland city like Galkacyu. It creates a seige mentality and the people become defensive and thus united. The internal sub-clan disputes are set aside and the big picture is focused in. The invasion of Puntland has always been a key agenda for the clans of Mogadishu. It matters little to me, If you find my words and analysis of the situation difficult. The news from Galkacy is that people are gearing for a major conflict, I would rather have my city spared, my kinsmen from North & South Mudug, the boys from Mogadishu all of their lives are important and I wish and pray to Allah we could go beyond this.
-
^^^Saxib, stop with the nonsence. We in Puntland are confident of defending our land and interest just like any other clan in Somalia. The clan courts are a clan we have lived with for centuries, nothing new about this type of conflict..
-
You are promoting voilence which is not good,you are hoping for fight which in your own superficial thinking will create "united" Puntlanders in its outcome.It's sad indeed How on earth am I promoting violence? I was answering a question from brother Khalaf regarding the situation in Galkacyu, and Mudug. Have I said people lets go fight, lets go on a clan Jihad against Baidoa and so on like some in here The tension in Mudug was created by the clan courts...
-
Horseednet.com is reporting that the troops are now in Banderadlay itslef and are facing of the courts who are 1km distance.. They have provided picks of the front line pictures from Bandiradlay..... source journalist with some of the troops...
-
Khalaf, the situation is to Puntlands advantage. The troops in south Mudug right now are comprised from all the major clans of the state. The internal dispute has evaporated since the attack of the clan courts in South Mudug and their stated aim of taking Galkacyu... President Cade and most comanders with many troops have arrived in Galkacyu, there are reports that clan millitia of Mudug-Nugaal are coming from all corners in order to take their part in the upcoming struggle with the clans of Mogadishu/ Galgaduud or what we know as the clan courts. The population is angry, they want real change but not an outside invasion of Galkacyu. Its a classic clan confrontation. A/Qaybdeed is also back from Baidoa and he will spearhead any defence of South Mudug as he is the comander of the clan forces.
-
Ciidamada Puntland oo gaaray Kontaroolka Waqooyi ee Bandiiradley (Sawiro Goor Dhaw) Last Updated::2006-11-13 19:02:26 Gaalkacyo:- Waxaa gaaray Kontaroolka waqooyi ee magaalada Bandiiraley ee gobalka Mudug cutubyo kamid ah Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Gobaleedka Puntland. Ciidamadan ayaa waxaa safarka ku wehliyey Culumaa'udiinka Puntland iyo Culimada koonfurta Gaalkacyo iyo waliba Suxufiyaal uu ku jiraan wariyayaasha HorseedNet. Wafdigan Balaaran ayaa socod kusoo maray qeybo kamid ah Waqooyiga Bandiiradley iyo goobihii shalay dagaalada ka dhaceen oo ay hada gacanta si buuxda ugu hayaan ciidamada Puntland. Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa dib ugu gurtay dhinaca Koonfurta Bandiiradley halkaasi oo ay labada ciidan isu jiraan masaafo dhan 1 km. Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen in ay sugaan amniga deegaanka Koonfurta Mudug ayagoo ay wehliyaan waxgaradka kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo iyo culumaa'udiin gaaray jiida hore ayagoo ugu wacdiyey Ciidamada in ay dalkooda difaacdaan balse ka fogaadaan waxa ay diinta Islaamka naga reebtay. Taliyaasha ciidamada Puntland oo saxaafada ugu waramay jiida hore ee Bandiiradlay ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan cidii kusoo gardaroota islamarkaana wixii khasaaro halkaa ka dhasha ay eedeeda raaci doonto cida duulaanka iyo doolaalaha u timid gobalada Nabadu ka jirtay. Goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doonaa haduu ALLE idmo qeybo kamid ah Sawiradii aanu kasoo qaadnay Kontaroolka Waqooyi ee magaalada Bandiiradley ee ha moogaan....HRNet HorseedNet.com | Bandiiradley info@horseednet.com
-
Dowlada Puntland oo beenisay in ay wax dagaal ah qaadi doonto Last Updated::2006-11-13 12:16:18 Gaalkacyo:- Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah u beenisay in wax dagaal ah ay qaadi doonaan, ayadoo Wasiirka Warfaafinta ee Puntland shaaca ka qaaday in Puntland go'aankeedu yahay in ay is difaacdo. Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in ay si xoogleh ulla dagaalami doonto maleeshiyooyinka Maxaakiimta hadii ay soo cago dhigaan deegaanada Puntland. Cabsi weyn ayaa laga qabaa dagaalo ka dhacay koonfurta Mudug, ayadoo Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan ciidamo aad u badan oo ku hubeysan galabka militariga ee kala duwan ay xalay gaareen magaalada Gaalkacyo. Gadiidka dagaalka ee Taangiyada iyo kuwa kale ee Somalidu u taqaan Tiknikada ayay dowlad Puntland ku xoojisay halka loogu yeero difaaca xadka oo ku taal duleedka magaalada Gaalkacyo koonfurteeda. Imaanshaha Madaxweynaha ayaa loo arkay labo siyaabood, waxay qaar kamid ah shacabka si weyn walaac uga muujiyeen tirada ciidamada Puntland ay soo dhoobtay xaduudka, taasi oo looga baqayo in ay soo dhaweyso dagaal balaaran oo qarxa, halka shacabka intiisa badan ay soo dhaweeyeen go'aanka Puntland ku qaadatay in la xoojiyo xuduudaheeda. Shacabka deegaanada Gelinsoor iyo Cadaado ayaa si weyn uga cabsi qaba in dagaalada kusoo fidaan goobaha ay ku dhaqan yihiin, ayadoo in badan oo kamid ah dadweynaha ku sugan magaalooyinkaasi ay hada bilaabeen in ay halkaasi isaga qaxaan. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com | Gaalkacyo info@horseednet.com
-
Jaylani, no not over the top, a couple of hundred Somali technicals is not without the the scope of possability.. Mudug clans are well armed and they are coming from all courters.. Galinsoor iyo Cadaado oo shacabku ka qaxayaan ka dib markii dagaalo ka soo cusboonaadeen deeganadaasi Posted to the MOL November 13, 2006, 10:13 am Gaalkacyo:- sida ay ku warmaayaan dad ku sugan magaalooyinka Gelinsoor iyo Cadaado ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan baro kac iyo qax ay shacabka uga fogaanayaan xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaanadaasi oo ay isku horfadhiyaaan Ciidmada daraawiishta Puntland iyo Kuwa Midawga Maxkamadaha Muqdosho. Qooysas badan ayaa isaga baxay magalooyinkaasi iyaga oo ka casbsi qaba in halkaasi dagaalo ku dhexmaraan labada dhinac oo isku horfadhiya wax un ka yar 2km sida uu saxaafada u sheegay taliyaha Ciidmada daraawiistha Puntland ee Gobalka Mudug Maxmaed Muuse ilka dheere hada waxay labada dhinaca isku jiraan wax kayar 2km mana laga fursanayo dagaal sida hada wax ku socdaan. sidoo kale Maxaakiimta ayaa ayaguna maleeshiyooyin badan Muqdishu ka keenay ay maleshiyadooda deegaankaasi ku xoojinayaan taasi oo sare usii qaaday cabdisidii ay qabeen shacabka. Waxaa soo baxayay 24kii saac ee lasoo dhaafay warar badan oo sheegaya in ciidamo badan oo kasocda Puntland in ay u tilaabi doonaa dhinaca Koonfurta Mudug si ay halkaasi uga saaraan Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo shalay magaalada Bandiiradley kala wareegay Col.Cabdi Qeybdiid. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliay Mudugonline.com
-
Dhinaca kale waxaa warkooda la waayay shaqsiyaad reer Puntland ah oo taageero afkaa siiyay maxkamadaha Muqdishu ka dib markay lacago ka soo qaateen. Shaqsiyaadkaasi ayaa laga waayay magaalada Gaalkacyo meel ay jaan iyo cirin dhigeen ka dib markii dumar iyo caruur caraysan oo dhagax tuuraya ay weerareen qaar ka mid ah.
-
“Maxkamaduhu waa beel rabta inay beel kale dhulkeeda xoog ku qabsato, mana ahan arintaan wax cusub oo beelaha Muqdishu dega arintaas ayay mehered ka dhigteen tan iyo 16-kii sanno ee dagaalka sokeeye jiray” Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta. Posted to the MOL November 13, 2006, 6:30 am Gaalkacyo:- Wararka saaka ka imaanaya magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in aan wali wax dagaala oo ka dambeeyay kii shalay ka dhicin deegaanka Bandiiradley. Wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka puntland uu deegaankaas geeyay ciidamo aad u xoogan si bay yiraahdeen looga hortago dhulbalaarsiga Maleeshiyada Maxkamadaha oo ka timid dhinaca Muqdishu una socda inay dumiyaan nabada ka jirta maamulka Puntland. Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo aan wax ka weydiinay ujeedada ka dambeysa dagaalka maxkamadaha Muqdishu ayaa wuxuu yiri; “Maxkamaduhu waa beel rabta inay beel kale dhulkeeda xoog ku qabsato, mana ahan arintaan wax cusub oo beelaha Muqdishu dega arintaas ayay mehered ka dhigteen tan iyo 16-kii sanno ee dagaalada sokeeye lagu jiray, gobol Somaliya ka mid ah oo aysan wax u geysana ma jiro iyagoo markii hore qabiil qayaxan wax ku doonayay taas markay shaqeyn weydayna haatan huwaday shaati Diimeed” ayuu intaas ku daray sarkaalkaas ka tirsan ciidanka Daraawiishta oo Mudugonline la xiriirtay. Wuxuu intaas ku daray idinku waligiin ma maqasheen Puntland ayaa dhul aysan ka talin ku duushay? Jawaabtu waa maya. Ma duulo annagu waanse isdifaacnaa ayuu hadalkiisi ku soo gaabshay sarkaalkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la daabaco. Dhinaca kale waxaa warkooda la waayay shaqsiyaad reer Puntland ah oo taageero afkaa siiyay maxkamadaha Muqdishu ka dib markay lacago ka soo qaateen. Shaqsiyaadkaasi ayaa laga waayay magaalada Gaalkacyo meel ay jaan iyo cirin dhigeen ka dib markii dumar iyo caruur caraysan oo dhagax tuuraya ay weerareen qaar ka mid ah. ......... Wararka ugu dambeeyay ee Gaalkacyo ka imaanaya ayaa sheegaya in qaar ka mida shaqsiyaadkaasi ay ka hadleen Raadiyaasha madaxa banaan ee Gaalkacyo oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay wax ka difaacaan Puntland awalna maxkamadaha Muqdishu been u sheegeen oo ay u xaqiijiyeen inaysan marnaba duulaan ku soo qaadayn Puntland taas oo beenowday ka dib markii Maleeshiyadaha Maxkamadaha Muqdishu si toosa u soo galeen xuduudaha Puntland maalintii shalay. Dhinaca kale waxaa xalay fiidkii hore diyaarad qaasa ka soo qaaday magaalada Baydhabo Col. Cabdi Qaybdiid oo shalay ciidamadiisa ay maleeshiyada Maxkamadaha Muqdishu si gaadmo ah weerar ula beegsadeen xiligii salaada subax. Dagaalkii Shalay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa dagaal aan saas u weynayn oo ciidamada Cabdi Qaybdiid si kadisa loo hareereeyay ka dibna ay xeel dagaal ugu gurteen meel aan ka fogeyn tuulada lagu dagaalay ee Bandiiradley. Isku soo duuboo waxaa maanta deegaanka Bandiiradley isku horfadhiya ciidan xoogan oo laga cabsi qabo hadday fooda isdaraan in ay gobolka geeska afrika oo dhan ay saameeyn weyn ku yeelato dagaalkaasi. Iyadoo dadka u kuurgala arimaha Somaliya sheegeen in dagaalkaasi haddii uu qarxo uu noqon doono mid daba dheeraada oo aan la qiyaasi Karin cawaaqib xumada uu u keeni karo Somaliya. Wixii warar dheeraada oo la soo xaqiijiyay kuna saabsan dagaaladaan kala soco Mudugonline.com Mudugonline.com
-
GAROOWE: Puntland oo eeda dagaalkii dusha u saartay maxaakiimta Posted to the Web Nov 13, 09:13 Garoowe : Wasiirka warfaafinta DGPL Cabdirixmaan Bankax ayaa ku eedeeyay maxaakiimta Muqdisho in ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamadooda jooga aaga hore ee dalkaallka maalintii shalay , balse buu yiri ay iska caabiyeen iskana difaaceen. Wasiiraka ayaa eeda dagaalka duhsa uga tuuray kuwa maxaakiimta waxana uu yiri wixii dhib ah ee ka dhaca Bandiiradley iyo aageeda waxaa eeda dhibkaas qaadanaya kuwa duulaanka ku ah dhulka nabada ah waa sida uu hadlaka u dhigaye. Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdirixmaan Banakax ayaa ka mid ahaa waftigii u raacay madaxwaynah DGPL Gen: cade muuse magaalada Galkacyo, kagadaal markii laga soo sheegay aaga galkacyo in ay ka dhacayaan dagaalo u dhexeya maxaakiimta iyo kuwa Col: Cabdi qaybdiid oo taageero ka helaya kuwa DGPL. Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlayay gudha gaalkacyo ayaa sheegay in ay hada ciidamada puntland ku sugan yihiin meelahoodii islamakraana ay lawaregeen goobo kale oo aysan awal horay u joogin sidoo kale wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in gaadiid dagaal iyo maxaabiis laga qabsaday puntland waxana uu yiri beentu meel gaari mayso ninki been sheegana waa nahaab kaadib ah oo ilaah iyo islaamba ka furta diintana ka beensheegay, wadaadadu waxay sheeganayaan wadaado hadana waxay ku hadlayaan hadalo been ah waana arrin la yaab leh in nin wadaad sheeganaya uu gudbiyo fariimo been abuur ah. Xaalka ka taagan goobaha dagaaladu ka dhaceen ayaan ilaa iyo hada si waadixa u cadayn waraka ugu danbeeyay ee aaga dagaalkuna waxay sheegayaan in ay hada is horfadhiyaan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo isu jira masaafo yar oo il qabatin ah, walow aysan wali dagaal labada dhinac ee amxaakiimta iyo puntland uusan dhexmarin tan iyo intii ay maxaakimtu ku soo biireen fagaaraha maslaxa siyaasada Somaliay islamarkaana ay ka itaal roonaadeen qab qablayaashii dagaalka ee soomaaliya. wararka ayaa isa sootaraya lamana saadaalin karo sida ay wax isku badalidoonaan waqtiyada soo socda, waxaase laga cabsi qabaa waa dagaal dhexmara ciidanka maxaakiimta iyo kuwa puntland. Wuxuuna madaxweyne Cadde Muuse qaaday talaabadiisii ugu danbaysay wuxuuna ciidamo guutooyin gaaraya ka saaray magaalada Gaalkacyo , isagoo ku xoojiyey saraakiilsha ciidanka Daraawiishta Puntland. A/rizak Aadan koronto Garowe Puntland Somaliya
-
^^^Hold up mate, the situation is tough as it is before one starts insulting the leaders of others.
-
Ciidamo ka yimid Puntland oo caawa ka soo ruuqaansaday Gaalkacyo, iyada oo haatan ay degan tahay Bandiiradleey ka dib dagaal xoog leh oo saakay ka dhacay Deegaanka Bandiiradleey oo ka tirsan gobalka Mudug ayey Saraakiil u hadashay Maxaakiimta Islaamiga ah xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeen ka dib dagaal xoogan oo ay la galeen ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo kuwa Puntland. Afhayeenka golaha Maxaakiimta ee Gobalada dhexe Shiikh Cagaweyne ayaa sheegay in Duulaan saakay lagu soo qaaday ay keentay in ay gacanta ku dhigaan Deegaanka Bandiiradleey, isaga oo sheegay in ay qasaarooyin fara badan gaarsiiyeen Ciidamada Cabdi qeybdiid. Afhayeenkan waxa uu sheegay in caawa ay xaalada degan tahay welina ay deegaanadooda sii joogi doonaan waxa uuna meesha ka saaray in puntland ay weerar ku yihiin. Wararka ka imaanaya Caawa Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Puntland ay ka soo talaabeen magaaladaasi iyada oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin jiidaha hore ee Dagaalka si ay uga hortagaan Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah. Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Xubnaha golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in la iska difaaco wax ay ugu yeereen Weerarada qaawan ee kaga imaanaya rag sheeganaya magic diimeed, waxa ayna hoosta ka xariiqeen in aysan u dulqaadan Karin in maalinba meel laga soo sheego Maxaakiimta. Xaalada guud ayaa haatan degan inkastoo ay jiraan cabsi ay qabaan dadka ku nool Degmada Gaalkacyo kuwaas oo ka baqanaya in dushooda uu dagaal qaraar ka dhaco.
-
Bandiiradley: Degmada Badniiraley oo ay ka taagan tahay cabsi dagaal iyo labada ciidan oo wali is hor fadhiya. Isniin, November 13, 2006 Bandiiradley (AllPuntland)- Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya abaabul dagaal oo aad u xoog badan iyada oo 12kii saac ee aannu soo dhaafnay aysan dhicin wax iska hor imaad ah. Ciidamada Col. Cabdi qabdiid oo ay iskaashanayaan ciidamada Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihin duleedka magaalada Bandiiradleey, halka ciidamada maxakmadaha magaalada Muqdishana ay ku sugan yihiin gudaha magaalada. Waxaa horay looga cabsi qabay in dagaal aad u kharaari uu dhex maro labada dhinac, maadaama ay labada ciidan isku muuqdaan oo aysan u dhaxay masaafo badan. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay inoo sheegeen in uu jiro diyaar garoow dagaal oo labada dhinac ah, balse aan la qiyaasi karin xilliga uu dagaalkaasi dhici karo. Degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor ayaa waxaa ka taagan qax aad u fara badan, iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan in dagaalku uu degeenadooda ku soo fido oo u dhibaato gaarsiiyo. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
13-11-06: 04-11-06 {Allmudug.com} Cabdi Qaydiid oo xalay soo galay Gobolka Mudug iyo Ciidamada Puntland oo heegan Sare La galiyey iyaga oo ku Gaashaaman Hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan Dhoor Boqol oo Baabuurta Dagaalka ah iyo Ciidamo Farabadan oo Gaaraya dhoor kun oo Askari ayaa heegan buuxda la galiyey kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Puntland iyagoo saaka ku sii siqaya Degaanka Bandiiradley. Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan Gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in ay u muuqato dagaalo ka dhici doona halkaas iyadoo xalay uu soo galay Col: Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo xalay si kadis ah baydhabo ugu soo baxay kuna soo galay Gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa la filayaa in uu weerar ku qaado maleeshiyooyinka Midowga Maxaakiimta ee Weerar Gaadma ah ku qaaday Ciidamada Cabdi Qaydiid ee ku sugnaa Bandiiradley. Si kastaba ha ahaatee Dagaalkii shalay dhacay ay markii hore waxaa laga awood batay ciidaamada cabdi qayiid in kastoo ay ka soo gaareen oo caabiyeen ciimada puntland oo soo qab qabtay maxbuus farabadan oo haatan ku xiran xabsiga magalada galkacyo kuwaas oo haatan laga qaadi doono tilaabo sharciya. Dhanka kale Maleeshiyooyinka Midowga maxaakimta ayaa dhimashidii iyo dhawacii ka soo gaaray dagaalkaas la geeyey Magaalada Cadaado iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada in ta khasaaruhu la’eg yahay. Isku soo wada duuboo Col: Cabdi Qaydiid iyo Madaxweyne Cadde muuse oo iyagu soo kala galay xalay iyo shalay gudaha magalaada galkacyo ayaa iyaga la filayaa in ay weearar galiyaan ciidankooda ugu xooga badan oo ay weerar ku qaadayaan maleeshiyooyinka maxaakiimta ee weerarka ku soo ah Gobolka Mudug. Farxaan Yasin Mire {isqootax} isqootax@hotmail.com webmaster@allmudug.com