Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. 'Diyaarada ugu horeysa ee ardayda kaxaynaysa ayaa la idin saarayaa' ayuu u balanqaadey ardeyda madexweyne Sharif. Muqdisho: (Sh. M. Network) Arday ka timid Somaliland oo u yimid magaalada Muqdisho si ay uga faa’idaystaan deeqaha waxbarasho ee dowladda Turkiga ay ugu tala gashay Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya in ay musuq maasuqday deeqaha waxbarasho ee laga helay Turkiga. Ardaydaani oo tiradooda ay kor u dhaafayso ilaa 50 arday oo horay uga yimid deegaanada Maamulka Somaliland kadib markii ay ku guulaysteen imtixaan looga soo qaaday magaalada Hargaysa ayaa waxa ay sheegeen in cadaalad daro lagu sameeyay deeqihii waxbarasho oo Soomaalida ay ka heshay dowladda Turkiga. Mustaf Max’ed Cabdi oo ka mid ah ardaydaasi ayaa kulanka ay maanta yeesheen waxa uu ka sheegay in hoteelka ay dagan yihiin ay kusoo booqdeen Madaxweyne Shariif, Ra’iisul wasaare Gaas iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo uu sheegay in ay balan qaadeen in deeqda waxbarasho ee ugu horaysa ay iyagu ku bixi doonaan taasi oo uu sheegay in wax ka dhaqan galay aysan jirin, isagoo intaasi ku daray in hadii ay jawaab ka waayaan Madaxweynaha ay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay ka yimaadeen ee Somaliland. Sidoo kale Xildhibaanad Cosob Cali Cabdi oo iyana ka hadashay kulanka ayaa waxa ay sheegtay in aan loo dulqaadan karin in wax isdaba marin lagu sameeyo deeqaha waxbarasho oo ay sheegtay in ay ka dhaxayso Umada Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Shariif in sida ugu dhaqsiyaha badan uu jawaab cad uga bixiyo balan qaadkii uu sameeyay ardayda reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho. Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa qiray todobaadkii tahay in arday loo qaaday dalka Turkiga lagu soo xulay nidaamka dowladda KMG Soomaaliya ee 4.5 taasi oo ka caraysiisay inta badan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada oo wax laga xumaado ku tilmaamay arintaasi.
  2. Gudoomiyahan oo lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle ayaa lagu toogtey agagaarka shirkadda Galcom. Rag hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaana toogtey waxyar kadib xiligii salaada cishaha. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo gudoomiye u ahaa xaafadda Israac wuxuu sidoo kale ahaa isku dubaridaha howlaglo nabad sugid ah oo ay ciidamo madani ahi xaafadaas ka sameyn jireen. Ciidamada Booliska ayaa durbadiiba goobta dilku ka dhacay soo gaarey, waxaana socda baaritaano lagu raad goobayo cidii falkaas geystay inkasta oo aan weli cid loo soo qaban. Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Gaalkacyo mas’uul xaafadeed lagu dilo, haseyeeshee waxaa 28/8/2011 la toogtey Axmed Cismaan Gaatax oo ahaa gudoomiyihii hore ee xaafadda Israac. Horseed Media
  3. Congrats Keysaney Hospital on your 20th anniversary! Agaasime kuxigeenka Isbitaalka Keysaney Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Tajir) ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray Isbitaalka, intii uu jiray, waxaana uu sheegay in tirada bukaanka qaliinka loo smaeeyay ay gaareyso 75, 938 halka 143,132 bukaan oo aan la seexin isbitaalka lagu qaabiley qeybta OPD-da, waxaa uu mahad u celiyey bulshada Soomaaliyeed iyo weliba hay’adihii gacanta u fidiyey isbitaalka gaar ahaan ICRC.