Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Cisbitalka Daarushifa oo deeq Dawo ah gaarsiiyay MCH-ka Xamarweyne Maamulka Cisbitalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq Dawo ah iyo sheeybaar lacag la’aan ah gaarsiiyay MCH-ka degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Deeqdan Cisbitalku gaarsiiyay MCH-ka Xamarweyne oo isugu jirtay Dawo iyo baaritaan lacag la’aan ah ayaa loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku sugan degmadaasi, kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashka dawada iyo baaritaankaba. Agaasimaha Cisbitalkaasi Shariif Xuseen Rooble, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada ay halkaasi ay u geeyeen deeqdaasi ay tahay, in Cisbitaalka uu *****lo qeyb ka mid ah baahida caafimaad ee ay qabaan dadka danyarta ah ee ku sugan degmada Xamarweyne. Qoysas farabadan oo danyar ah ayaa la ildaran cudurro iyo gaajo, kuwaas oo aysan baahidoda *****li Karin gargaar kooban, waxaase hubaal ah hadii ummada Soomaaliyeed ay is gargaaraan la badbaadin karo nolosha kumannaan qoysas ah oo haatan la ildaran macluul iyo cudurro kaladuwan.
  2. Guddi qaabilsan qabanqaabada aaska Imaam Maxamuud oo la magacaabay Kulan looga hadlaayay sidii aas ballaaran loogu sameyn lahaa Allaha u naxariistee Imaaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku geeeriyooday dalka Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabay guddi u xilsaaran qabanqaabada aaska Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Xildhibaan Sh. Axmed C/llaahi Garuun. Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in maalinta Axada Meydka imaamka lagu aasi doono dhul gaar ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in guddigaasi uu la kulmidoono R/wasaaraha, iyadoo xukuumaddu ay gacan weyn ka geysan doonto aaska Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar Cumar. Imaam Maxamuud oo ahaa Imaamka qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Nairoobi ee dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in maalinta Axada lagu aaso magaalada Muqdisho
  3. Hay'adda UYS oo siminaar ugu Qabatay Magaalada Muqdisho in ka badan 100-haween ka socday qeybaha Bulshada Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS ayaa siminaar ugu qabatay Magaalada Muqdisho in ka badan 100-haween ka socday qeybaha bulshada, iyadoo siminaarkan looga hadlayay qaabka Ubadka looga bad baadin karo adeegsiga dagaalada iyo sida looga hortagi karo guurka qasabka ee Haweenka. Siminaarkan oo ahaa qeybtii labaad oo Hey'adda UYS ay u qabato haweenka ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin Baarlamaanka, haween ka socday Ururada Haweenka iyo Gudiga Haweenka ee Hey'adda UYS. Gudoomiyaha degmada Wardhiigley ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Gudiga Haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed oo siminaarka furtay ayaa ugu horeyn waxay ka hadashay sidii caruurta looga bad baadin lahaa adeegsiga dagaalada, iyadoo xustay in caruurta ay yihiin kuwo ugu nugul u adeegsiga fikradaha qaldan. Deeqo C/qaadir Axmed oo soo qaadatay dilkii Usama Bin Laden saameynta uu ku reebi karo Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in hadii uu Usama dhintay aysan fikradiisa wali dhiman, isla markaana ay shaqeyneyso, waxaana ay tilmaamtay in Usama hortiis aanay caalamka dhibaato iyo qarax ka jirin sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa ay uga mahad celisay Hey'adda UYS kaalinta ay ka qaadato isu keenida bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii ay ugu sameyn laheyd howlo baraarujin ah oo ku aadan sidii lagaga hortagi lahaa fikradaha qaldan. Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Haweenka ee UYS Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin) oo siminaarka ka hadashay ayaa sheegtay in Hey'adda UYS ay isku xil saartay sidii loo baraarujin lahaa ubadka, isla markaana looga hortagi lahaa u adeegsiga dagaalada. Mar ay ka hadashay guurka qasabka ee haweenka loo sameeyo ayay tibaaxday in taasi ay horseydeyso inuu dumo gurigii aqalka, hadii gabadha lagu qasbo nin aanay raali ka aheyn, waxaana ay cadeysay in dhaqanka aanay qasab noqon karin, isla markaana uu ku imaanayo furiin deg deg ah. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xubnaha Gudiga Haweenka UYS oo ay ka mid ahaayeen Carfoon Wehliye Siyaad, Luul Warsame Guuleed, iyo Faadumo Axmed Geeddi oo dhamaan sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi gelin joogto ah, isla markaana la sameeyo xarumo dhaqan celin ah oo caruurta la marin habaabiyay la isugu keeno. Raxmo Dahir Maxamed oo iyana ka mid ah Gudiga Haweenka ee UYS ayaa sheegtay in muhiimada isu imaatinkan oo kale inay yeelan karto is faham bulshada dhexdeeda iyo isku duubni rasmi ah oo ay ka qaataan sidii nabada iyo horumarka uga shaqeyn lahaayeen. Mar ka hadashay khilaafka u dhaxeeya Dowladda kaalinta haweenka ka qaadan karaan heshiisiinta, iyadoo cadeysay in haweenka door weyn ka qaadan karo in haweenka ay heshiisiiyaan, waxaana ay u xustay in lagama maarmaan ay tahay in haweenka ay u shiraan koox koox, si xal looga gaaro, waxaana ay tilmaamtay in haweenka aysan sal ku laheyn khilaafka. Sidoo kale waxaa ay tibaaxday in Haweenka ay yihiin hogaanka bulshada, isla markaana gacan ka geysan karaan xalinta khilaafaadka, maadaama ay xustay in haweenka ay raggu qiimeeyaan, iyadoo tilmaamtay in haweenka ay door ku lahaayeen xoriyada dalka, waxaana ay intaa ku dartay in haweenka ay yihiin kuwo dahabkooda u gaday Ragga si xornimo loo gaaro. Ugu dambeyn Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo soo xiray siminaarka oo aqriyay qaar ka mid ah qodobadii siminaarka ayaa sheegay in Haweenka ay door ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, isagoo ku ammaanay Hey'adda UYS dadaalkeeda ku aadan horumarinta Bulshada. Xildhibaanka oo mid mid u aqriyay ajandayaasha siminaarka ayaa soo qaatay in xilligan dagaalada ka socda dalka ay yihiin kuwo qasab ah, isla markaana uu sheegay in hada gabdhihii soomaaliyed la leeyahay naftaa ku jeclaatay, taasoo uu qeexay in guurka qasabka aanu ku dhismi karin qoys. Cali Seeko ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Hey'adda UYS uu horay u arkay iyadoo siminaarka u qabatay odayasha dhaqanka hadana ay doorka saareen haweenka iyo sidii ay ugu qeyb galen laheyd baraarujinta bulshada qeybaheeda kala duwan, si caruurta la marin habaabiyay ee la geliyay fikradaha qaldan looga saaro.
  4. Khamiis, Muqdisho, May 12, 2011--------Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku hadlay magaca Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray caawa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo galabta ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janatul Firdowso ku abaal mariyo. “Alle ha u naxariistee Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar wuxuu ahaa hogaamiye bulsho oo ku caanbaxay Nabad raadinta Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna had iyo jeer ku howlanaa sidii loo heli lahaa Nabad waarta, Xassilooni iyo Dowladnimo” ayuu yiri Mudane C/xakiin oo ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay in naf waliba ay dhadhamin doonto geerida. Sidoo kale Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa ku tilmaamay Imaamka inuu ahaa Hogaamiye Bulsho, isla markaana shacabka Soomaaliya uu ka baxay nin qiimo badan, oo aad loo qadarin jiray. Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo soo duuliyo Magaalada Muqdisho si loogu aaso.
  5. LAMA DHALATAY HAL DHAWEY HALNA DHAQAAJI WEY DHIBEE Imaam Maxmud Imaam Cumar, AUN
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda tacsi qaran u diray geeridii ku timid Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Imaamka lagu xusuusan doono dadaalkiisa dhanka nabada, isagoo xusay in kaalintiisii dib u heshiisiin ee uu ka qaatay dalka intii colaadaha ay jireen, waxaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay Alle u weydiiyay inuu samir iyo imaan ka siiyo. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna Imaamka uga baryay inuu janadii Fardowso eebe ka waraabiyo, waxaana uu tilmaamay in mudadii uu joogay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha uu ahaa nin in badan ka qeyb qaatay dadaalada nabada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Imaam Maxamuud, isagoo sheegay in Imaamka uu ahaa Hogaamiye dhaqan aad looga qadarin jiray dalka oo dhan. Meydka Allaha u raxmadee Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa lagu wadaa in dhowaan la keeno Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loogu aaso, iyadoo la filayo aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.
  7. Oba, Imaamka Ilaah ha u naxariisto title-ka loogu yeeraayo ma aragtey? soo cajiib maaha? http://www.calanka.com/warka/article1896.htm ------- Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa caan ka ahaa gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu ka soo qeyb qaatay xalinta khlaafyo badan oo qabaa`ilada soomaalida qaarkood dhex maray. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Imaamka ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo ehelkii uu ka geeriyooday marxuumka, waxaana ay Alaah uga baryeen in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.
  8. Young Future Somali Tennis stars on Show By Mohamed Farah Sombrit Youth Twenty boys and girls between the ages of 7 and 18 drawn from all corners of UK participated in a special Somali youth tennis tournament held at Southwark City Tennis Club, London on Sunday the 8th May 2011.The one-day tournament organized by Sombrit Youth in partnership with Somali Tennis Association and Somali Olympic committee was the first of its kind and attracted many people from the Somali Diaspora in UK. This was a historic and epic moment for Somali Youth in London. It was a great atmosphere with some competitive but fun tennis played throughout the afternoon. The Tournament, which kept the club's 3 courts busy from 2.00pm to 8.00pm, was split into two different age groups, the under 12s and the under 18s. The first to compete were the under 12’s. The standard of tennis was remarkably high, and the boys kept going through a long day that had some players playing as many as 6 sets of hard-fought singles. The tournament was eventually won by 11 yr-old Abdirizak Abdulle of West London, who beat his twin brother Hanad Abdulle. Abdirizak’s victories on the way to the final included a win over hard hitting 12 yr-old Abdulahi Daoud of South London. The under 18’s was equally competitive; the boys rose to the occasion and entertained the ever enthusiastic crowd with some brilliant tennis. The darling of the crowd was Omar Daud aged 16 who thrilled the crowd with his shots and moves. On his way to the final he easily dispatched his opponents with ease. Like the under 12’s the final match was also a family affair. Two brothers Omar Daud aged 16 and Abdulahi Daud aged 12 battled for the top honors. Having lost to the eventual winner in the semi final at his age group, Abdulahi Daoud steadied himself and came back to compete in the under 18’s Daoud impressed many with his hard hitting and tenacity against much older boys. On the way to the final he thrilled the crowd by beating two older (and much larger) boys He eventually lost against the eventual winner, Omar (on the right) who was much stronger. Mr.Duraan Farah the vice president of Somali National Olympic committee and the guest of honour said the competition was a positive response to his vision and commitment to ensure the development of the lesser-known sports in Somalia. He said that he was also happy that tennis was being revived in the community and was hopeful that well-meaning citizens, especially those with the love for sports would come together in developing various sporting disciplines. Other dignitaries who attended included Mr Abdullah Mohamed Saneey the vice president of Somalia Athletics federation, Mr Shino Guhad former Somalia National basket ball player and coach and many more community leaders. The Tournament was a great success, and thanks go to the community leaders and all the parents and who gave up large chunks of their weekend to bring their boys - and to all the boys for their efforts. Special thanks also goes to Hassan Mohamud Hassan the chief coordinator of the tournament. When asked about the events Mr Hassan stated that apart from using the competition to encourage the youth and rekindle their interest in the game of tennis, it was also aimed using the medium of sports to instil the spirit of discipline and respect among the youth at all times. Mr Hassan stated that The Club will be staging more events like this over the coming months, so if anyone is interested in competing to keep an eye on the Club's website at sombrityouth.org. At the end of the tournament, an exhibition match that pitted the champion of the under 18s category against one of the highly ranked Somali Tennis player in UK Liban Xasan aged 18 was hosted. A large crowd was on hand to cheer on both players and was treated to excellent tennis. The match went the distance and eventually won by the favorite Liiban. (Standing on the left). Anisa Daud began playing tennis at age of three and now at seven, Anisa’s tennis game has it all! Forehands, backhands, volleys, and serves! Anisa also routinely trains with both her older and younger brothers Omar and Abdulahi in the Youth club ...and here she is posing for the camera during the Tournament. Anisa put on a great show and amazed the crowd at the tournament. Go Serena! I mean Anisa!
  9. Fat xayawaan wannabee Pashtuni Mansur lost lots of baruur. They met in farm in Afgoye, wooohoooooo! I'm scarred! lol p.s. The rats can't seem to stay out I see.
  10. You don't make sense JB! Somaali aan kugu sheego, "waxay u egtahay inaad ku soo orodeen sawirka markii boqortooyada laga hadley".
  11. AUN marxuumka, samir iyo iimaana Ilaahey haka siiyo reerkiisa.
  12. Tacsida iney mamnuuceen ayaan moodaayey but I could be wrong. "Osama aan u ooyey" kulahaa asagoo coconut juice cabaayo. Maxuu ugu ooywaaye dadka abaarta ku dhimanaayo, iyo waalidka oo caruurtooda ka kaxeystey, axmaq fooqal axmaq. It will be a national holiday kuwaan markii laga sifeeyo wadanka.
  13. Jacaylbaro;718720 wrote: Then why bringing it on the picture ?? It is more like you ran to the "picture" when the Kingdom was mentioned.
  14. Abuu Mansuur "Cimrigeyga waxay aheyd qof aan arkay oo farxad la ooyay, Usama Khandahaar ayaa kula kulmay" Afhayeenkii hore ee Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Hogaanada ugu sareeya Al-Shabaab ayaa ka sheekeeyay taariikhda Usama Bin Laden iyo doorka ballaaran uu ku lahaa Jihaadka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ragg u soo diray Soomaaliya xilligii ay dhici rabtay Dowladii Siyaad Barre. Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka sheekeeyay halganka dheer ee ay soo mareen ayuu sheegay in Usama uu bud-dhig u ahaa arrimaha haatan ka socda Soomaaliya, isagoo si cad u cadeeyay in Usama uu mar yimid Soomaaliya. "Xilli Galab ah ayay aheyd Khandahaar ayaa ku arkay Walaalkeed Usama, Ilaah ha u aqbalyo shuhadadiisa, dadka aan arkay kuwo ugu aqlaaqda badan ayuu ahaa, Cimrigeyga qof aan arkay oo aan farxad la ooyay ayuu ahaa, wuxuu ahaa Mujaahidiinta Caalamka ninka aabe u ahaa"ayuu yiri Abuu Mansuur. Abuu Mansuur ayaa sheegay in Sheekh Usama Bin Laden uu mar walba ka war hayay Soomaaliya, isagoo xusay in dhalinyarada tagta Afganistan uu qof walba dhihi jiray Soomaaliya yaa ka warama. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa soo qaatay taariikhda Soomaaliya iyo kadib bur burkii Dowladii hore sida ay ololaha Jihaadka uga bilaabeen, wuxuuna xusay in Usama Bin Laden uu soo diray ragg bilaaba ololahaas oo uu tilmaamay inay ahaayeen saddex ragg oo uu labo ka mid ah sheegay inay dhinteen halka mid ka mid ah uu nool yahay. "Ma rabo inaan sheego dadkaas, walaalkeen Usama saddex ragg ayuu soo diray berigii ay dhici rabtay Dowladii Siyaad Barre, raggaas waxaa nagala joogay Sheekh Abuubakar Al-Zaylici, wuxuu is lahaa mujaahidiinta hub uruursadaa, xilligaas waxaa ku xigay dagaalkii ka dhacay Bari ka dhacay oo Sheekh Xasan Dahir uu ku jiray, markaas wuxuu soo diray Walaalkeen Abuu Dalxa Asu-sudani oo ku shahiiday Jubooyinka"ayuu yiri Abuu Mansuur oo intaa ku daray in Usama uu ku bixiyay dagaalka Jihaadka Soomaaliya, Naf, Maal iyo waqti, isagoo xusay in dhalinyaradii uu soo tababaray ay hada qeyb ka yihiin. Waxaa uu sheegay in markii ay Soomaaliya ka tageen iyagoo dhowr xubnood ah oo uu ka xusay Macalin Aadan Ceyrow ay Usama la kulmeen, waxaana uu xilligaas sheegay in mid ka mid ah dadkii la socday uu uga warbixiyay Usama xaalada Soomaaliya. "Dhalinyaradii u timid ee tagtay Afganistan ayaan ka mid ahaa, Soomaali ahaan wuxuu naga wareystay walaalkeen Abuu Usama Ilyaas Cabdiraxmaan, asigaa uga warbixiyay, wuxuu in badan nooga sheekeeyay macrikadii ugu weyneyd ee uu galay xilligii Ruushka, 21-maalmood ayay socotay maalinkii 22aad alle waa guuleeyay, Taangiyadooda in laga furto ayay noqotay, Soomaalida aad buu u jeclaa, Aakhuuna Ilyaas oo Khandahaar ku shahiiday iyo aniga ayaa meel aan wada joognay ka mad madowneyn, markaasaa dadkii kale ay na wareysteen oo na dhaheen Soomaali miyaa ka timaadeen, waxay dhaheen Mareykan dadkii baqtigiisa Soomaaliya ku soo jiiday miyaa hadana halka uga daba yimid"ayuu yiri Abuu Mansuur oo si aad ah uga sheekeeyay taariikhdooda. Abuu Mansuur ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii Mareykanka xilligii Gen. Ceydiid, wuxuu sheegay in raggii ka qeyb galay ay ahaayeen saddex walaalo oo uu ka magac dhabay Macalin Aadan Cayrow, Cumar Dheere, kuwaasoo uu sheegay inay shahiideen, sidoo kale qaar kale oo uusan magac dhabin ayuu sheegay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Ciidamada Mareykanka looga soo riday diyaaradaha. "Sheekhu waa idinla lahaa diyaaradihii la soo riday iyo dagaalkii Mareykanka lala galay, wuxuu ka hogaaminayay Sudan, inlee Guusha Soomaali baa is ka laheyd, laakiin ogaada in anagana aan ku qarsooney oo qeyb ka aheyn" ayuu yiri Abuu Mansuur oo tilmaamay in xilligaas wixii ka dambeeyay ay ka fureen Gobolada dalka Xarumo tababar ciidan ah oo dhalinyarada lagu tababaray. "Soomaaliya aad looga jeclaa Afganistan, gaar ahaan Allaha u naxariisto Gen. Ceydiid aad bey inoo weydiin jireen, waxay dhihi jireen ninkii Mareykanka la dagaalamay, wax kale ha la iska yiraahdo, laakiin meelaha qadarinta noogala hayay ayay aheyd, markii aan ku laabanay Afganistan aniga iyo raggii kale ee ila socday oo uu Sheekh Xasan ka mid ahaa waxaa ku fikirnay, hadaan Afganistan dhan walba isaga mid nahay, maa anaga Soomaaliya ka bilowno oo Shareecada Islaamka ka ogno, markaas kadib markii aan soo laabanay ayaa qolo walba ay meel gishay, xilligii Dowladii Cabdiqaasim, oo ay sameysteen Maxkamado, qaarkeen ayaa dhex galay, markaas kadib waxaa bilaabatay in Culimadii la afduubto, qaarkeen la dilo, la dhaawaco, kuwana laga iibsado Cadawga, maalin waxaa dhacday walaal muhaajir ahaa in la dhaawacay, waliba dhaawiciisa Isbitaalka Keysaney lagala baxay, ilaa laga dhoofiyay Garoonka Cisaley"ayuu yiri Abuu Mansuur oo taarikhdii dheer sida silasilada oo kale u sameysneyd goobta ka jeedinayay. Waxaa uu sheegay in xilli uu isaga arday ahaa la dhaawacay, isla markaana feeraha xabada loo geliyay xilligii Muqdisho ka socotay ugaarsiga Culimada, isagoo sidoo kale xusay in markaas kadib Sheekh Xasan Dahir qudhiisa la weeraray oo la dhaawacay, sidoo kale Abuu Masnuur ayaa tilmaamay in labo wadaad oo caan ahaa oo mid uu ahaa Kuxigeenkii jabhadii Soomaali Galbeed la dilay, qaar kale oo Culima ahaana la dhoofiyay sida uu hadalka u dhigay. Abuu Mansuur ayaa xusay in Usama Bin laden uu dagaalka jihaadka doorar waa weyn ku lahaa, isagoo tilmaamay inuu Usama uu ku yiri waxaa difaac u u tihiin Koofur Galbeed Jaziiru Carab ee dhankiina yaa laga soo gelin, waxaana sidoo kale uu xusay in Usama uu ragg u soo tababaray isla markaana uu talooyin siiyay. Mar uu soo qaatay cajalad uu sii diray sanadkii 2009-kii oo uu uga hadlayay Soomaaliya kadib is bedeladii dhacay ayuu sheegay Abuu Mansuur in usama uu dagaalka Soomaaliya ka socda ku tilmaamay dagaal u dhaxeeya Saliibiyad iyo islaam. "Cajaladii uu soo diray wuxuu walaalkeen Usama ku sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay dagaal saliibiyad iyo islaamka ka dhaxeeya, ninka talada hayay ee C/llaahi Yuusuf uu la mid ahaa Karzai Afganistan ee diyaarada lagu keenay, ninkii bedelahay wuxuu yiri waa isaga nin laga koobiyeeyay, aniga xilligaas waxaa dhahay kursiga isma bedelin ee koofiyada ayaa is bedeshay"ayuu yiri Abuu Mansuur oo ugala jeeday hadalkaas Madaxweyne Shariif oo ay berri jaal wada ahaayeen. Hadalkan Abuu Mansuur ee uu kaga hadlay taariikhdii silsilada aheyd ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Xarakada Alshabaab ku cadeeyaan in xiriir dhow la lahaayeen Usama Bin Laden, isla markaana uu u soo diray ragg howsha wada, oo isugu jiray Soomaali la soo tababaray iyo Ajaaniib.
  15. Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shalay ku qabtay kulan ay ugu magacdareen - Kullunaa Usaama - oo macnaheedu yahay 'Innaga oo dhan waxaan nahay Usaama' degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana kulankaas laga soo jeediyay warbixinno ku saabsan kaalintii uu ku lahaa dagaallada ay Xarrakatul Shabaab ka waddo dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakada Al-shabaab, sidoo kale waxaa ka hadlay xubno ka tirsan dagaalyahannada aan Soomaalida ahayd ee ka barbar dagaalama kooxdan. "Walaakeen Sheekh Usaama Bin Laaden, kaalin weyn ayuu ku lahaa dagaallada ay ku jirto Xarrakatul Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna u soo diray halkan dad tababarro siiya mujaahidiinta, isaguna dalkan wuu yimid," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansoor oo hadal uu kaga hadlay Sheekh Usaama Bin Laaden ka jeediyay kulanka. Sheekh Abuu-Mansuur ayaa sheegay in xubno uu isagu ka mid yahay ay dhowr jeer kula kulmeen Sheekh Usaama Bin Laden dalka Afgaanistaan, gaar ahaan gobolka Qandahaar, isagoo xusay inuu ahaa nin aad u jecel Soomaalida, aadna ula socday dagaallada ay Xarrakadu ku jirto. Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Max'ed Abuu-cabdalla oo kulanka kalimad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dagaallada aysan joogsan doonin, isla markaana geerida Sheekh Osmaana ay ahayd mid xaq ah ayna ka go'an tahay inay u aar-gudaan. Bayaan Xarrakatul Shabaab kasoo baxay ayaa xafladda waxaa ka akhriyay waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakada Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan), waxaana bayaankaas oo ku baxayay afka carabiga lagu sheegay in dagaallada ka socda dalka Soomaaliya aysan joogsanayn, waxaana bayaankaas loogu hanjabay Mareykanka iyadoo lagu sheegay inuu la kulmi doono weerarro ka daran kuwii uu horay ula kulmay. Sidoo kale, waxaa intii ay xafladdu socotay hadlay Sheekh Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo u dhashay dalka Mareykanka kana barbar dagaalama Xarrakatul Shabaab isagoo sheegay in cawaaqib xun uu kala kulmi doono Mareykanka dilkii Sheekh Usaama Bin Laaden, wuxuuna sheegay in Usaama uu ka mid ahaa Mujaahidiinta uuna ahaa shaqsigii waddada u furay jihaadka caalamka oo dhan ka socda. "Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay ka qaybqaataan jihaadka ka socda Soomaaliya, ayna caruurtooda ku tarbiyeeyaan jihaadka," ayuu yiri Sheekh Al-Amriiki oo ku hadlay afka Soomaaliga, isagoo intaa ku daray in dagaallada socda aysan joogsanayn illaa dhamaadka dunida. Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Fu'aad Max'ed Qalaf oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ka go'an tahay Xarrakada inay dagaallada waddo inta ay ka gaarayso hadafkeedii ahaa in adduunka oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka. Hoggaamiyihii iyo aasaasihii shabakadda Al-Qaacida Sheekh Usmaana Bin Laaden waxaa lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaaday toddobaadkii hore deegaan ku dhow xarunta dalka Bakistaan ee Islamabaad. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  16. @ awoowe in the General section Soo dhawoow and thanx for the suggestion.
  17. yaa kuu sheegaayo hee. Mad Cow Disease, Kor-saar iyo Neef Neef i dhagaysta: 1. Get 1 avatar so nomads can take you seriously 2. If you watch the first video you will know how the title of the thread came about 3. Prove that I've actually insulted a Somali clan even once on SOL 4. If it bothers you watching those videos, then don't watch it... really simple nooh 5. Far iyo meel buugtaa is og. You just blew your cover!
  18. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/45773-Laasqoray-Nato-Officials-Meets-With-Governor-Dabayl-and-Mayor-Dibad At times, Cowke is a useful lad to have in SOL.
  19. Xaaji Xunjuf;718499 wrote: Maxa Somalina lugu haysta waxay samaysey topic la Yidha What it means to be an Ethiopian since when is that a crime? I dunno awoowe. It is fun reading their responses though. lol =======
  20. Magacii? Warshada kaluunka canshuur yey siisaa? maamulka PL or maamul kale? Ii soo jawaab deg deg. lol
  21. Garoowe, May 10 - Duleedka koonfureed ee magaalada Garoowe waxaa xalay laga soo qaaday nin mayd ah iyo labo dhaawac ah kuwaas oo laga tuuray gaari nooca xammuulka qaada ah oo ku sii jeeday magaalada Garoowe, waxaana la la’yahay mid kale oo ka mid ragga gaariga laga tuuray. Arrintaan ayaa la sheegay inay dhacday ka dib markii muran lacageed uu dhexmay minanka gaariga watay iyo ragga la daadiyey oo gaarigaasi ka soo raacay magaalada Burtinle ee isla gabolka Nugaal, waxaana labada nin ee dhaawaca ah oo lagu dawaynayo Isbitaal ku yaalla Garoowe ay maanta u sheegeen idaacadda Daljir in gaariga oo soconaya laga tuuray. Falkan ayaa la sheegay inay geysteen raggii watay gaarigaasi oo hadda ku xiran magaalada Garoowe sida uu maanta Daljir u sheegay mid ka mid ah saraakiisha soo qabatay gaariga falka gaystay, kuwaas oo iyaga iyo gaarigii ay wateenba hadda lagu hayo saldhig ku yaalla magaaladaasi. Gaariga ayaa laga leeyahay magaalada Muqdisho waxaana sarkaalku sheegay inay la hadleen milkiilaha gaariga oo hadda jooga Muqdisho uuna imaanyo. Waxaana wali aan la hayn raq iyo ruux toona mid ka mid ah ragga gaariga laga tuuray oo iyaguna ka soo jeeda gobolada koonfurta. Axmed Sh. Maxamed ‘Tallman’ Radio Daljir
  22. Muqdisho: (Sh. M. Network) Tahariibayaal Soomaali ah ayaa laga tuuray gaari ay saarnaayeen kaasi oo sababay qasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac. Gaari ay saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali ah oo ka amba baxay degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe kuna sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay in laga tuuray afar ka mid ah Tahriiyaashii saarnaa kuwaasi oo aan la’ogayn sababta keentay in gaariga laga tuuro. Afarta Ruux ee laga tuuray gaariga ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu geeriyooday 2-kalena ay dhaawcmeen halka mid kale ilaa iyo iminka la la’yahay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku suganaa deegaanka Birta ee gobolka Nugaal. Taliyaha Control-ka deegaanka Birta ee gobolka Nugaal Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen ragii waday gaarigaasi iyo dadkaii saarnaa kuwaasi oo uu sheegay inay ku hayaann Baaritaano ku aadan sababtii keentay in dhalinyaro tahriibayaal ay gaariga ka tuuraan. Hase ahaatee arintaani ayaa waxaa ay qeyb ka noqonaysaa dhibaatooyinka loogaysto Tahriibayaasha ka cararaya marxaladaha adage ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana ilaa iyo iminka jira dad doonaya inay isaga baxaan dagaalada dadka badan ay ku dhinteen ee ka socda dalka Soomaaliya.
  23. Leezu;718480 wrote: Maybe then you shouldnt post propaganda with a few bribed Somalis as a way to say the Somalis occupied by Ethiopia are happy. Its obvious that you have some kind of identity crisis. I agree with Miskiin, this is an insult to Somalis and mostly the people from Soomaali Galbeed, we need to support them in their struggle against Ethiopia instead of posting videos of some people that are bribed by Ethiopians. I feel ashamed of comming from the same city as you, its better you rewrite your hometown to Addis Ababa or Mek'ele. If you want to chat with me just say so, no need to resort to insults. Your PM gave you away already. Those folks are proud Ethiopians get used to it.
  24. Thankful;718435 wrote: Wow, the source is all pro-secessionist! Just look at the bottom where it says "new,"...all NW Somalia nonesense. Get a more reliable source! the usual cantarabarash from odey JB. lol.