Originally posted by Che -Guevara:
A. People with big heads.
B. People with big heads that sit in front of me.
C. People with big heads that sit beside me.
D. Relatives with bigs heads.
E. Toddlers with big heads.
No wonder you hate people with big heads, aniguba aduunkaan ugu necbahay,
sheeka laga hayo ninkii Soomaaliga ahaa ee ugu qosolka iyo shactiro badnaa uguna af xumo badnaa Soomaali ahaan marka laga hadlo iyo Soomaaliyoo dhan, koobka ayuu u qaadey xaga af xumada, ninkan ayaa horey sheeka ku saabsan madaxweynaanta ka hadlay, this story is so X-RATED that I won't be able to share it here since we have minors here unless verfied
laakin aan u guda galo sheekada bilowdeega inaad maqashey laga yaabo, ninkan ayaa waxaa casuumey gabar uu walaalkiis qabo, dhowr sano ma uusan tagin gurigeeda, waa dumaashidiis, dumaashiisna cunug yaroo afar jira ayey wadataa balse aad u madax weyn laakin ninkan war uma hayo iney gaabdhu ilma dhashey iyo in kale, madax aan caadi aheyn ayaa ka lalmado ilmaha yaree saqiirka ah, reerka dhan baa la wada casuumey iyo qaraabadii reerihii ideelkood,
ninkan casuumaadii waa uu diidey sababtoo ah buu yiri maad iga deysaan ma kari karee, inuu hadal badanyahay ayuu is ogaa oo uu hadalkuu dhahaba ay caay ama af xumo tahay ama wax lagu qoslo, hadii uu meesha tago waa uu ogaa iney wax dhacayaan inuusan afka iska xiri karina wuu ogyahay, calaayata xaal waa lagu qasbey ug danbeyntii oo lagu yiri adiga la'aantaa waliimada maba soconeeso waa inaad joogtaa ala bariga reerka uu yeelanayo,
waa uu soo baxey xaajigii hadalka badnaa, reerihii qaraabadii dhannaa ayaa guriga yimid oo in muda ah is arag, ninkan hadalka badan wuxuu ku dhaartey in uusan meesha qoyska iskugu yimaadey inuusan ku hadlin, ayagiina ballan ayuu ka qaadey inuusan hadleenin illeen waa la ogyahay wax aan cay ama afxumo aheyn inuusa oraneyn,
halkii baa lagu wada qadeeyey oo la dhargey, la iska nasanayo oo qof kasta barkinta iska jiqleestay, xariifkii hadalka badnaa wali hadalka waa uu isku celinayaa inta tabartiis ah, laakin xad dhaaf ayey noqotey intaas ka badan ma uu dul qaadan karo, meeshii reerku dhamaantiis wada fadhiyey ayaa waxaa soo hor marey cunugii maadxa weynaa asagoo gonjof gonjof u socda oo waa ilma madax weyn socodkii lugaha minjahooda waa ay nusqaamayaan,
halkan ayuu ilmihii yaraa soo marey oo ninkii hortiisa ayuu soo ag marey, ninkan ma oga ilmahan in uu dhalay walaalkiis oo uu adeer u yahay, meesha walaalkiis baa fadhiya iyo gabadhii ilmaha dhashey, adeeryaal hooyooyinkii aabayaashii kulli waxba meesha kama maqna ilma adeeryaashii,
ninkii waa is celin waayey intaas ka badna waa danbi buu hoosta ka yiri oo hadal danbe isku caburin maayo, xad dhaaf weeye sheekadu, ilmihii yaraa ee madaxa weynaa markuu meesha marayay qof kasta oo meesha fadhiyey ayaa arkayey ilmaha meesha socda qolka fadhiga, wena ogaayeen inuusan ninkii hadalka badnaa aamus uusan soo wadin maadama meesha madax ashuun la eg soo marey, dadkii waa la wada aamusey inta ilmaha meesha uu marayey
ninkii hadalka badnaa ee Soomaalida dhamaanteed marka laga hadlo ugu af xumo uguna caay badnaa ayaa intuu yaabey, hadlay oo kor u qaadey codkiisa dadka dhaxdiisa yiri iyo eheladii meesha wada fadhiyey iyo gabadhii ilmaha dhashey fadhido meesha, ninkii baa naqaska iska sii daayey oo intuu amakaagey tacajub iyo yaab isku darsadey asagoo fiirinaya ilmihii madaxa weynaa kadibna yiri si daacada "war ilma adeerayaaloow bal ila fiiriya ilmahaa madaxa intaas la eg wada ee socon la', madaxaas intaas la eg meesha uu ka soo baxey soo kama weyna maxaad u maleeneesaan meesha uu ka soo baxey inta ay la egtahay"
of course I had to make it easy, the man said it directly mentioning names that may sound horrible in here
The rest of the story, maxa ka dhacey hee, calaamadeeso oo Alla ku sii qaad oo afka Ilaah hakaa gooyo, everyone meesha fadhiyey kistiisa habaarka ayuu soo tuurtey, and his final answer was "idinku maxaad ii casuunteen idinkoo ogaa inaanan aamuseen"