Samafal

Nomad
  • Content Count

    1,804
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Posts posted by Samafal


  1. Buuhoodle (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle oo saaka dagaal culus uu ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in dib looga saaray ciidamada maamulka Somaliland oo saaka qabsaday.

     

    Dagaalka oo qarxay aroornimadii hore ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala dwan, waxayna ciidamada Somaliland oo magaalada duulaan ku soo qaaday ay gudaha u galeen magaalada.

     

    Hase yeeshee ciidamada deegaanka SSC ayaa markii dambe dib isaga caabiyey taasoo keentay in ciidamada Somaliland ay dib uga baxaan xagga waqooyi ee magaalada oo ay markii hore ka soo galeen.

     

    Illaa hadda lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dadka soo gaaray, hase yeeshee waxaa jira dhaawacyo isbitaalka la geeyey.

     

    Xarumo la gubay

     

    Wariye ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in uu arkay labo saldhig boolis oo ku yaalay magaalada ay gubteen ka dib markii Madaafiicda la isweydaarsanayey ay ku dheceen.

     

    Sidoo kale xaruntii maamulka degmada ayaa madaafiic ku dhacday taasoo keentay in qeyb ay ka dunto.

     

    Barakac ka socda magaalada

     

    Dadka rayidka ayaa intiisii badneyd hore uga qaxay magaalada hase yeeshee markii saaku weerarku bilawday ayaa dadkii ku harsanaa magaalada ay bilaabeen inay qaxaan.

     

    Mid ka mid ah dadka saaka magaalada ka baxay oo Raxanreeb telefoon kula hadlay ayaa sheegay in carruurttii uu u kaxaystay dhanka xuduuda Ethiopia si uu ugala baxsado rasaasta ka socota Buuhoodle.

     

    Inkastoo duhurnimadan dagaalka uu san ka socon gudaha magaalada haddana waxaa weli lagu jiraa xaalad dagaal iyadoo wararku sheegayaan in gurmadyo ka kala imaanaya dhanka Somaliland iyo dhanka Taleex ay deegaanka ku wajahan yihiin.

     

    Faahfaahin joogto ah markasta la soco Raxanreeb.com


  2. Galeydh: Siilaanyo Isma Hortaagi Karo Qadiyadda SSC

     

    Abdulaziz Osman - VOA Somali | Washington, DC

     

    E-mail

    Daabaco

     

    Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.

     

    Prof. Galeydh wuxuu VOA u sheegay in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda isla markaana ay go’aan ku gaadheen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.

     

    Prof. Galeydh wuxuu sheegay in Somaliland aysan hor-istaagi karin qadiyadda iyo rabitaanka dadka dega gobollada SSC.

     

    Qeybta hoose ka dhageyso wareysi dheer oo aan la yeelanay Prof. Cali Khaliif Galeydh.

     

    http://www.voanews.com/somali/news/Galeydh-Siilaanyo-Ma-hor-istaago-Karo-Qadiyadda-SSC-137348288.html


  3. There are too many inconsistencies in this report and guess work. For example, Galkio is more closer to the former pirate bases of Garad and Eyl than Garowe and Bosaso, why then it has not benefited from the Pirate spoils?

     

    Also, What about the pirates of Hobyo and Xarardhere, where do they invest their pirate pay outs, certainly not in Garowe and in Bosaso. Where then? It could have been fair if she explained that as well. As for sure, due to clan allegiance, they would not invest in Puntland.

     

    The fallacy of her urgument is also apparent in ignoring the fast development that have Bosaso and Garowe gone through pre piracy era. For example Garowe before 1998 was merely a village, but due to vast investment by its people it has became a city in few years without any piracy existing.


  4. I hope and pray from Allah that Faroole term ends peacefully and him transferring power with no problems. He's very controversial person. He has some good qualities and bad ones.

     

    After Faroole the presidency should not go to Gaagaagb, Insa Samatar, nor Jama Ali Jama. Puntland should elect a technocrat with the political awareness but not a novice. Clan wise, the trinity should give up power for the greater good and handover to other disgruntled clans in Sanaag, Qandala, Raas casayr, Waaciye and Goldogob etc. That or else........


  5. Saaxiib filinkaas waa gubtay beenta iyo probagaandada dadka aa ku shubi jirteen way cadaatay ee inta goori goor tahay isaga har groupka kan yaysan aakhiradaada iyo aduunkaaga ku see jin. PIS wax madisho umana, umana baahna inay disho dad ay xiri karto oo xukumi kart.

     

    Sheikh Dr Axmed Abdirahman nin Ictisaama buu ahaa sabab ay udilaan majirin. Ragii soo wacay oo risaalooyinkiisa diidanaa oo layaqaanay baa dilay hada waa la qabtay, wayna sheegeen meesha iyo cida soo dirtay mardhowna waa la xukmin. Dadku ciyaal ma'aha garaadkooda hooseeyo, wee yaqaan waxa dilaya, waana Alshabaab. fitno ka kiciya meesha bay lahaayeen ilaahay iyaguu fitno ku kiciyay.

     

    Tankale cajaldaha sifiican u dhagayso si aad fahanto waxa ay Alshabab kaga soo horjeedaan.


  6. Wadaada aad ka hadlayso waa ka cilmi badan yihiin Alshabab waana ragii saxwada Soomaliya keenay. waa loo dhibay oo loo soo tacdiibay waligoodna kama aysan leexan arinkaa mana baqdin galin. Hadii diin run ah ay Alshabaab hayaa kama aysoo hor jeesteen.

     

    Wadaadada faroole way saxaan wayna usheegaan waxa fiican dadkana diinta way baraan isku xukunka diintuna ma in nin wadaada uu dadka madaxwayna u yahay baa oo kaliya. sidaasuuna ahaa Salafu salih fitno maysan bilaabi jirin culumadu laakiin way sixi jireen amiirada.


  7. Gacanta haa tuugada waa laga jaraa laakiin yaa ka jara dawlad caadila iyo dad iyagu diinta isku xukuma naftooda mise milishooyin fawda diintana ta,wiilinaya. isku xukunka diinta kaliya ma aha inaad dadka gacmaha jarto waa in dadka bini,adamka ah kaa nabad galaan oo aadan dhulka fasaad u horseedin. Alshabab caruurtii yar yarayd bay xasuuqayaan, dumarkii dhulka xaaqayey bay xasuuqayaan, dadka wax garadka culumadii bay laynaya?. Yaa mark xukunkooda raba? Xukunka islaamka kan kugu xukumaya soo inaad ku kalsoontahy ma'aha?


  8. ^ Maxamed Siyaad toban ulimo buu idil Alshabaab boqolaal culimo iyo wax garda bay laayeen. Diinse haday dad ku xukumayaan iyagaa isku xukumu lahaa oo dadka muslinka ah oo ay lugoonayaa, caruurta iyo haweenka ay xasuuqayaan bay iska dayn lahaayeen, waxaa layiri 'charity starts home'. Ayagu diinta aad sheegayso ha isku xugmiyaan. Tan kale see diinta isku xukun keedu ma in dadka gacmaha lugaha iyo in la is qarxiyo baad u taqaan?