Muruqmaal

Nomads
  • Content Count

    36
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Muruqmaal

  1. Maamulka Puntland oo Riwaayad ku tilmaamay Dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka Axad, June 18, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay heegan adag geliyeen ciidamadooda, iyadoo la sheegay in ay shalay soo daadgureeyeen qeybo ka tirsan ciidamadooda oo ku sugnaa halka lagu magacaabo Ari Caddeeye oo ay isku horfadhiyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland. Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyskan Sanca Press ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daraya in ciidamada Puntland shalay la soo dhoobay Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena loo diyaariyay in ay ka hortagaan duufaanta Maxaakiimta Islaamiga oo ay ka cabsi qabaan in ay ku soo fido Deegaanadooda. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac ayaa uga digay Wadaadada Diinta ee deegaanadaas in ay soo dhaweeyaan wax uu ku tilmaamay Ruwaayadda Xamar ka socota in aan durbaan looga dhex garaacin deegaanada Puntland, isagoo sidoo kale xusay in aaney ogolaan doonin dacaayadaha iyo jihaadka Masaajidyada qaarkood looga dhawaaqayo ee lagu doonayo in nabadgelyo darro looga abuuro deegaanada Puntland. Dhalinyarada dhinaca Diinta iyo kuwa ka soo horjeeda maamul goboleedkan ayaa bilaabay olole ay doonayaan in ay kacdoon Islaami ah kaga abuuraan deegaanada uu ka taliyo maamul goboleedka Puntland. Hadalkan ka soo yeeray maamulka Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadyadii tegay ay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ay ka socdeen dhaqdhaqaaqayo ay wadeen Midowga maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo intey qabsadeen Magaalada Muqdisho u sii gudbay magaalooyin kale oo gobollada dalka ka tirsan, wuxuuna maamulka ka baqay in ay gaarto duufaanta ay wadaan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho kaga awood roonaaday Hoggaamiye Kooxeedyadii 16 sano saarnaa masraxa Siyaasadda Soomaaliya.
  2. Maamulka Puntland oo Riwaayad ku tilmaamay Dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka Axad, June 18, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay heegan adag geliyeen ciidamadooda, iyadoo la sheegay in ay shalay soo daadgureeyeen qeybo ka tirsan ciidamadooda oo ku sugnaa halka lagu magacaabo Ari Caddeeye oo ay isku horfadhiyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland. Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyskan Sanca Press ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daraya in ciidamada Puntland shalay la soo dhoobay Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena loo diyaariyay in ay ka hortagaan duufaanta Maxaakiimta Islaamiga oo ay ka cabsi qabaan in ay ku soo fido Deegaanadooda. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac ayaa uga digay Wadaadada Diinta ee deegaanadaas in ay soo dhaweeyaan wax uu ku tilmaamay Ruwaayadda Xamar ka socota in aan durbaan looga dhex garaacin deegaanada Puntland, isagoo sidoo kale xusay in aaney ogolaan doonin dacaayadaha iyo jihaadka Masaajidyada qaarkood looga dhawaaqayo ee lagu doonayo in nabadgelyo darro looga abuuro deegaanada Puntland. Dhalinyarada dhinaca Diinta iyo kuwa ka soo horjeeda maamul goboleedkan ayaa bilaabay olole ay doonayaan in ay kacdoon Islaami ah kaga abuuraan deegaanada uu ka taliyo maamul goboleedka Puntland. Hadalkan ka soo yeeray maamulka Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadyadii tegay ay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ay ka socdeen dhaqdhaqaaqayo ay wadeen Midowga maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo intey qabsadeen Magaalada Muqdisho u sii gudbay magaalooyin kale oo gobollada dalka ka tirsan, wuxuuna maamulka ka baqay in ay gaarto duufaanta ay wadaan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho kaga awood roonaaday Hoggaamiye Kooxeedyadii 16 sano saarnaa masraxa Siyaasadda Soomaaliya.
  3. Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland oo heshiis la saxiixday mid kamid ah shirkado ay Puntland qorshaysay inay heshiisyo kusaabsan khayraadka dalka la saxiixato. - Wednesday, August 31, 2005 at 08:52 Dubai(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maalintii Isniinta ahayd dalka ka dhoofay una socdaalay magaalada Dubai ee dalka Emaaraadka Carabta ayaa xalay hoosta ka xariiqay mid kamid ah heshiisyo uu doonayay inuu lasoo saxiixdo shirkado ajnabi ah oo ka qayb qaata soo saaridda khayraadka dalka Puntland. Shirkad laga leeyahay dalka Australia , laguna magacaao Consort ayaa heshiis la gashay masuulka ugu sareeya Puntland oo ah madaxwayne Cadde Muuse. Saxiixa heshiiskaasi waxaa goob joog ka ahaa ganacsato caan ah oo ka kala yimid gobollada dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Wafdiga madaxwaynaha Puntland ku weheliyay safarkiisa isla markaana heshiiska wax ka saxiixay waxaa kamid ah wasiirka maaliyadda dawlad goboleedka Puntland Dr: Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab. Madaxwaynaha Puntland Md: Cadde Muuse ayaa xafladdii heshiiska lagu kala saxiixday ka sheegay in shacabka Puntland ay yihiin kuwo xog ogaal u ah hawlaha heshiiskan ,ee kusaabsan baaridda khayraadka dalka ku jira , waxayna dadku raali ka yihiin in dalku uu noqdo dal ka faa'iidaysta khayraadka ku jira. Masuuuliyiintii u hadashay shirkadda Australianka ah ee heshiiska la saxiixatay Puntland waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay hawlaha ay qabanayaan ay si hufan u qabtaan , ayna aad ugu farax san yihiin inay heshiis la galaan Puntland. Heshiiskan ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaabanayaa todobaad yada soo socda ayadoo shirkadduna ay kusoo diyaar garoobayso una soo guurayso gudaha Puntland. Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib mar uu hadal arintaasi looga soo hor jeedo sheegay raysulwasaraha Soomaaliya Prof; Geeddi oo sheegay inuusan ogolayn inuu dhoco heshiis shirkad lala galo , heshiiskaasi oo aysan war u ahayn DFKGS.
  4. Haddii ay Soomaalidu dhawr iyo toban sanadood colaado sokeeye, bur-bur iyo barakac aan dhib mooyee wax dheef ah lagu ogayn dhex jibaaxaysey oo halaagyada is-fashilinta iyo middi-middi ku taagga laga dhaxlo si siman loo wada dhadhamiyey. Sidoo kalana halakooyinka iyo hoogga nidaam-darrada iyo khasaaraha nabad gelyo la’aanta ay dadkeenu si la taaban karo u dareemeen oo ay magac xumada iyo nolosha liidataa noqdeen wehelka joogtada ah ee qofka Soomaaliga ah. Soow in wixii dhacay laga waantoobo oo ay ummaddu dib isugu noqoto looma baahna. Caruurihii iyo ubadkii soo korayey haddii ay dawlad la’aantu jahli, iyo wax barasho la’aan badday, oo ay da’yartii soomaliyeed maanta barashada akhlaaqiyaad aan wanaagsanayn iyo tarbiyad xumo ku bar-baarayaan. Soow in la is-daba qabto oo haadaanta lagu socdo hoos loo qooraansado ma aha. Dhibaatada inagu habsatay haddii guud ahaan iyo gaar ahaanba loo aqoonsaday inay dawlad la’aantu xudun u tahay oo dhibaatada ay dawlad la’aantu keentay la wada garwaaqsaday. Soow in ay dadweynuhu dawladda u dhalatay ku mintidaan oo ay garab galaan si ay deganaansho nololeed u gaadhaan dantoodu kuma jirto. Markii dawlad dhisan la fashiliyaba haddii la wada ogaadey inay aafo hor lihi Soomaali u bilanayso oo weliba laga wada dheregsan yahay dadka yar ee dawlad la’aanta ka faa’iidaystaa inay had iyo goor danta inta badan cagta marinayaan. Dadweynaha dantooda iyo horumarkooda la bur-burinayaa soow inay kacaan oo kuwa nabadgelyadooda iyo noloshooda hor taagan iska qabtaan xaq ku waajibey ma aha? Bulsho weynta Soomaaliyeed soow inay masiirkooda wax iska weeydiiyaan oo ay xisaabtamaan, isla markaana si qoto dheer loo fekero looma baahna. Qofka maanta dawlad dirqi lagu soo dhisay duminteeda dubaha u sita ee afkaartiisa sirgacan dadka ku hanuuninayaa in waxa ka maqan la weydiiyo oo ujeedadiisa si sax ah loo ogaadaa soow arrin meesha ku jira ma aha. Maxaa ku jaban inay dadweynuhu iska hubsadaan toobiyaha aan dantoodu ku jirin ee uu danaystuhu ku hayaaminayo. Shaqsiga Soomaaliga ah ee uu weli qab-qable maskaxdiisa wax ku shubayaa horta ma is weeydiiyey inay isku dan yihiin iyo in kale. Kuwa ilaa iyo hadda qab-qablaynta iyo murjinta danta guud hamuunta baas u qaba ee wakhtigan xaadirka ah u sii hanqal taagaya inay dawlad dhisan oo ay xubno ka yihiin baabi’iyaan soow inay dadweynuhu ugu yaraan doonistooda gurracan gartaan oo ku gacan sayraan maaha. Soow in midabada badan ee ay dagaal oogayaashu 15ka sano dadka u kala bedelanayeen, loo daliishado oo runta wejiga laga saaro danta dadku kuma jirtio. Maxaa runta loo shareerayaa miyeeysan iyagoo u falaagoobey ilaalinta danohooda gaar ahaaneed aysan adeegsanayn tabihii iyo xeeladihii belo ee ay hore ummadda ugu marin habaabin jireen. Maxaa shacbiga Soomaliyeed ka hor taagan la xisaabtanka iyo ku baraarugga kuwa beer laxawsiga aan sii ridnayn iyo is-bihin-bihinta sarbeeban ee danahooda gaar ahaaneed ku hilan ugu gacan haatinaya. Soomaaliga dhabta ah ee dhacdooyinka dhulkiisa ka dhacaya iyo baahida dawlad shaqaysa loo qabo garanayaa, ficilada ay calaamadaha qaran-diidnimadu ka soo ifayaan waa inuu ka gil-gishaa si uu dadkiisa iyo dalkiisaba u bad-baadiyo. Haddii aan geedka laanta ugu saraysa salka la heli waayey xididdaan u siibayaa fili maayo inay noqon karto figrad maanta Soomaalida u cuntami karta oo ay xitaa maqli karaan, maxaa yeelay waa humaag aan dani ugu jirin oo ay horey u eedeen. Ummaddani sida uu nafle oomani biyo ugu baahan yahay ayeey dawlad dhexe ugu harraaddan yihiin. Sidaa daraadeed u malayn maayo in maanta la marin habaabin karo oo figrado khaldan oo aysan dani ugu jirin laga raaridi karo. Waayo wax waliba wakhti bay leeyihiin, Illahayna Soomaliya weligeed inay dawlad la’aato uma qorin, dadkuna kuma gawracna inay qab-qable saxariiriya oo talada toosan iyo tigaadda ka hor taagan weligood ka daba jaameeyaan. Sababtoo ah haddii caqligu shaqaynayo dhibaato iyo khiyaamo intii hore shacbiga soomaaliyeed ugu filan. Siyaasadda waa lagu tartamaa, la isku weeraraa oo siyaasiinta kala aragtida ahi colna ma aha, nabadna ma aha, waxayse had iyo goor ficiladooda waafajiyaan danta dadkooda oo ah cidda in loo adeego lagu beretamayo ee sumcadda laga kasbanayo. Inta badan siyasiyiinta xagga fikirka ku kala taggani waxay mar kasta ka midaysan yihiin ilaalinta danta dadweynaha oo u baahan nabad iyo xasilooni joogtaysan. Inkastoo dhaaxa fulinta awaamiirta qarriban ee qarandiidnimada loo dhega nuglaa iminka bisaylka dadka Soomaaliyeed waa mid maalinba, maalinta ka dambaysa isa soo taraya oo horumar xawli dheeraynaya saaran ku socda. Tusaale ahaan qab-qable dhaqaale waalan fawdada geyigeena ka taagan ku haystaa haddii uu ogyahay inay dadweynuhu fikirkiisa qaloocan ku raacayaan, marnaba ma ogolaadeen inuu shir mashaakilka Soomaalida lagu furdaaminayo muddo laba sano ah ka qayb qaato. Laakiin cidda inuu joogo ku cadaadinaysey waxay ahaayeen bulshada oo ay dawlad la’aanta iyo ammaan darradu soo kareen. Damiirkii guushaas dhaliyey weli ma suulin oo dadweynaha Soomaaliyeed maanta, maalin ay dawlad uga baahi badan yihiin sooma marin, haddii ay u dhalatayna ilama aha inay cid dano dadban ilaashanaysa duminta qaranimadooda garab ku siinayaan. Waxaase loo baahan yahay inay dadkeenu dar-dar geliyaan dareenka ay dawlad danohooda guud ilaalisa ku doonayaan. Sidoo kalena ay xoojiyaan damiirkooda qaranimo-doonimada ku dhisan ilaa ay qaran-diidka ka ogolaysiinayaan ka-qayb-qaadshada dadaalka nidaam iyo kala dambayn lagu kalsoonaan karo lagu raadinayo. Taasoo ay fure u tahay inay si daacad ah ula shaqeeyaan dawladda ay xubnaha waaweyn ka yihiin ee ay sharcigeeda iyo nidaamkeeda wax ka sameeyeen, isla markaana ay tar-tankeeda madaxnimo ka soo qayb qaateen. Sida xaqiiqdu tahay dareenka leexsan ee qaran-diidnimada ku suntani kuma doodi karo in dadkiisa caddaalad xumo lagu falay uu ka gil-gilanayo oo dawladda Mbagathi ka dhalatay sida ay Soomaali oo dhani ogtahay tahay 4.5 ayaa lagu saleeyey. Shakiga uu la jibaysan yihiin kuma fasiri karaan musuqmaasuq xagga doorashada ah waayo gegi cad oo aan cidna daah ka saarayn buu barlamaanka Soomaaliyeed musharaxna ku diidey, midna ku doortay. Wixii doorashadaas ka soo hadhay ee la isu magacaabayey baa la iga qadiyey murankiisa uma cuskan karo oo qof kastoo Soomaali ahi waa og yahay inuu midka ugu yari hadduusan laba xil hayn uu xubin muhiima dawladda ka yahay. Sidaa daraadeed markii dhufeysyo dhawr ah oo lagu marmarsoon lahaa awdmeen ayaa duufsiga iyo dareen gelinta dadka farsamooyin kale loo maray, si dadweynaha iyo dawladda Soomaliyeed dab looga dhex shido. Caasimaddii Soomaaliya ayaa la bedelayaa iyo ciidamo shisheeye ayaa la idinku qabsanayaa ayaa dhextaal u ah waxyaabaha dadka Soomaaliyeed lagu kicinayo. Maxaa ka run ah?. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo. Muqdisho inay caasimadda Soomaliya tahay qof kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay, ummadda ay magaalo madaxda u tahayna waxay ku qabaan kalsooni ah inay u qalanto inay xarunta Soomaaliya ku sii boqranaato. Dadkuna si gaar ah ayeeyba Xamar u jecel yihiin. Haddii bur-bur dhacay oo dhawr iyo toban sano la kala maqnaa, Mbagthina ay Soomaliyi nidaam ku samaysatay Muqdisho xurmadii iyo magacii ay dalka ku lahayd in laga qaado iska daaye xitaa wax dood ah lagama soo celin. Axdiga qarankana iyadoo aysan cidi su’aal ka keenin ayaa lagu duugey. Haddaba, Haddii ay jirto cid caasimadnimada Muqdisho duullaan ku ahi aan is weeydiinee, maxay uga hadli weydey markii Axdiga qaranka la dejinayey. Kuwa dareenka dadweynaha ee nabadda iyo dawladnimada u ooman tashuushka ku furayaa ma waxay diiddan yihiin in barnaamij tifaftiran oo dawladeed ammaanka caasimadda wax lagaga qabto. Iyaguse nabadgelyada caasimadda wax la taaban karo ma ka qaban karaan? Waa su’aal rahman. Dhanka kale haddii ay dawlad ina qabsanaysaa jirto, 15 sano dawlad dhexe oo dalka ilaalisaa aanay jirin, ma dagaal ooge inay dawladi inoo dhisanto hor taaganaa ayaa inaan Soomaaliya la qabsan dhufeys ugu jirey. U malayn maayo inay dadka qaarkii ka waaban lahaayeen ogolaanshaha qabsashada dalka haddii danohooda gaar ahaaneed wuxuun looga fuliyo. Sababtoo ah qof inay Soomaaliya dawlad noqoto diiddani, in la qabsadana dan kama laha. “Ninkii hooyadii ka guurey, aayadii uma negaadoâ€. Waxna ma qaban karo oo waa la I yaqaan, talada waxtarka lehana ganafkaan ku dhufanayaa, waa amuuro aan is geyin oo hagar-daamo qaran xambaarsan. Si kastaba Qaran-doon iyo Qaran-diid ha u doodeene, kooxaha dawlad la’aanta iyo fawdada danaha shaqsiyadeed ku haysta iyo danta iyo nolosha dadweynaha oo dawladnimo hir gasha ku xidhan ayaad mooddaa in la isu marayo oo si aan macquul ahayn la isugu xoqayo. Ciddii hanaanka siyaasadda dawladda ee u guurista dalka gudihiisa ka biya diiddani haddii ay hayaan aragti ay ummaddu ku qanaci karto ha u sheegeen. Haddii kale, ha la ogaado in marka lagu xisaabtamo sida ay dhibaatada dawlad la’aantu dadka soomaliyeed u soo kartay, iyo waayo aragnimada iyo aqoonta ay bulshadani xeeladaha maldahan ee qaran-duminta looga goleeyahay u yaqaaniin, waxaa iska cad inaysan afkaarta qaran dumisku fursado dambe Soomaalida ka heli doonin. Dad weynaha Soomaaliyeed ayeeyna u taallaa inay danohooda caamka ah u hoojiyaan danta danaystayaasha bur-burka iyo dawlad la’aanta ku mamay iyo inay dan Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay daafacaan si ay nabad gelyo waarta oo dalkooda ku baahda u xaqiijiyaan. __ __ __ La soco maqaalka xiga ee MAXAY QABATA DAWLADDU? W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq, MP Nairobi, Kenya imdeeq@hotmail.com Xigasho:Somalitalk.com
  5. Fikirkaaga ka dhiibo ma kula muuqata qabqablaaysha ****** ee 14 sano isbaaraha u dhigtay shacabkooda inay maanta nabad doonayaan inay xamar ku soo dabaalaan ma aniaga waalan mise cadan baa laga heysayaa. 14 sano ayay isbaaro u taalay oo ku taajireen maxay uga baahan yihiin dowlad nin kasto airbor buu haystaa iyo taked ma kula tahay inay bixinayaan oo dowladu ku wareejinayaan......
  6. Somalia must pay arrears to win new loans - World Bank - Friday, March 25, 2005 at 14:53 Thu March 24, 2005 3:56 PM GMT+02:00 NAIROBI (Reuters) - Impoverished Somalia must clear $430 million of debt arrears to the World Bank and International Monetary Fund before the bank can start lending to the new government, a bank official said on Thursday. Somalia has lacked a central government since 1991, when the country descended into anarchy, emptying its treasury, destroying its government ministries and preventing it from servicing its debt to international lenders. A transitional federal government was formed in neighbouring Kenya last year after years of futile peace efforts and is trying to restore order in the lawless Horn of Africa state of at least seven million people. "Once a country is in arrears it cannot receive a loan from the World Bank," said Makhtar Diop, the World Bank's director for Somalia, Kenya and Eritrea. "The $430 million of arrears needs to be cleared before our institution can come in and lend money," Diop told reporters in Nairobi, the capital of neighbouring Kenya. The World Bank is working with the government to propose a debt arrears clearance programme, the bank said. He said World Bank experts were studying the legal status of the new government, aiming to forestall any attempt by Somali factions to say the debt was issued to a different government so they should not be held responsible for it. "Once we have solved this legal problem and it has been accepted in the international community that this is the government that is representing Somalia then one can start engaging as to how we solve the issue of debt," Diop said. The World Bank has earmarked $4.6 million as grants to Somalia over the next three years to support the livestock and meat industry, combat HIV/AIDS, and promote macroeconomic data analysis and dialogue, the bank said. The bank, which is also involved in plans for the relocation of Somalia's government from Kenya, is funding an assessment that will help shape any future aid for Somalia. Last month, the transitional government appealed to donors for $77.3 million for security and a relocation budget for the government for the next six months. Source: Reuters
  7. Interim government to relocate to Baidoa and Jowhar NAIROBI, 22 Mar 2005 (IRIN) - The interim Somali government, based in Nairobi, Kenya, is to relocate to the towns of Baidoa, 240 km southwest of the capital Mogadishu, and Jowhar, 90 km north of the capital, an official told IRIN on Tuesday. "The cabinet has decided that the government will temporarily relocate to Jowhar and Baidoa," Abdirahman Nur Dinari, a government spokesman, said. It would operate simultaneously from the two towns, he added. The move, he added, was backed by 64 of the 74 ministers present during a Council of Ministers meeting on Monday. However, other sources said ten ministers, including key Mogadishu-based faction leaders, walked out of the meeting in protest. These included Usman Hassan Ali "Atto", Muse Sudi Yalahow, Umar Mahamud "Finish" and Muhammad Qanyare Afrah. The leaders who walked out, between them, control most of the capital city and wanted the government to move there directly. They had asked for three months "to prepare and secure the city" for the government, according to a Somali political source. Dinari said the faction leaders had failed to prepare the city and it had remained "insecure and extremely dangerous." "This is why the government found it necessary to relocate elsewhere," he told IRIN. "There is no split within the cabinet. A vote was taken and the majority view prevailed." The spokesman said the government would open an office in Mogadishu "to monitor the situation and once it is decided that the capital is ready, the government will move there". A Member of Parliament however criticised the decision to relocate to the two towns instead of Mogadishu, terming it unconstitutional. "The move to change the capital even temporarily is a constitutional matter and can only be decided by the full parliament," Ali Bashi Omar told IRIN on Tuesday. "The cabinet on its own does not possess the constitutional power to change the capital." The new government, which includes several faction leaders, has so far failed to move to Mogadishu, citing security considerations. However, it has come under increasing pressure from the Kenyan government and western diplomats to relocate from Nairobi. Dinari told IRIN that now that a decision had been made to relocate to the two towns, the government would move very rapidly on it. "No specific time has been decided, but as soon as funding becomes available, we will be ready," he said. Somalia's transitional federal parliament elected Abdullahi Yusuf Ahmed as president on 10 October 2004, at the end of a two-year reconciliation conference sponsored by the Intergovernmental Authority on Development. He later appointed a prime minister, Ali Mohammed Gedi, who in turn named the cabinet. [ENDS] Source: News24.com, Mar 23, 2005
  8. Clan violence in Somalia leaves eleven dead By Mohamed Olad Hassan Mogadishu - Fighting between rival clans left 11 people dead and 22 wounded on Wednesday in an area of central Somalia where the president had intervened to try to bring peace. The clashes in the Mudug region between the Sa'ad and Suleyman, rival groups within the ****** clan, began late on Tuesday near the port of Hobyo, 600km north-east of Mogadishu, residents of the town said on condition they not be named for fear of retaliation. Sporadic fighting between the two subclans for control of the port in Hobyo has left more than 200 people dead since late 2004. Last month, transitional president Abdulahi Yusuf Ahmed visited the region and reportedly arranged a cease-fire, but it has not held. Yusuf leads a government in exile in neighboring Kenya and was on a brief visit home last month. His government was intended to return to Somalia and institute the first central government the country has seen since 1991. Despite having the support of most of the country's warlords, the government has been unable to return home because of insecurity. Wednesday fighting was concentrated in villages south of Hobyo, where militiamen used truck-mounted heavy machine guns, rocket-propelled grenades and small arms to battle for control of the region, forcing hundreds to flee their homes. A hospital official reached by two-way radio reported that 11 bodies had been recovered from the fighting and 17 people were being treated for wounds. Most of the dead and injured were fighters, the official said. Mohamed Amin, a doctor in the provincial capital Galka'yo, confirmed that five badly injured militiamen were admitted to the hospital there in critical condition. - Source: Sapa-AP, Mar 23, 2005
  9. Guul iyo guuldaro ayaad moodaa inay dowladda cusub ee Soomaaliyeed soo waji doonto. Hadaba bal aynu isla qaado dhigno sababaha ay dowladan ku guulaysan karto ayna dalka awoodeeda ku baahin karto kuna soo celin karto sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya kulahayd dunidda oo dhan gaar ahaan Afrika. Dowladan sideebay nabad ay hiigsadaan dhamaan ummadda soomaaliyeed ee u ooban nidaam iyo dowladnimo ugu hirgalin kartaa riyada macaan ay qalbigooda ka guuxaya ayna ku hanwayn yihiin inay u rumayso (dowladan) riyadooda shacabka dulman ee soomaaliyeed Hadaba aynu isla eegno dhibaatooyinka ku gudban dowladan cusub iyo sida ay u maareen lahayd mushiladaha waa weyn ee soo food saari doonaa. 1. Sidee bay dowladan uga taqlusi kartaa qabqablayaasha aan doonayn dowlad iyo nidaam ay helaan ummadda soomaalyeed? 2. Sidee bay dowladan u cirib tiri kartaa qabyaalada ee aynu ognahay inay tahay waxa dalka baab'biyay? 3. Madaxweyna Soomaaliya maxaa la gudboon haday qabqablayasha xaaraanta ku naaxay ay diidaan dowladan ma inuu la dagaalamaa oo haday galaan god abeeso uu ka daba galo mise inuu ka fogaado dagaal aan natiijada ka dhalan kartaa aan la saadaalin karin? Sida hadda muuqata waxaa soo ifaya dagaal ba'an oo kumanaan kun ku hooban doonaan, lana mid noqon kara kii 1991, sababtoo ah Maxamed Dheere iyo in badan ay xulufo yihiin dagaal ayay u tafa xeeteen Muuse Suudi iyo koox la socotana dagaal ayay u diyaar garoobayaan. Maxaa xal ah ma in ummadda soomaalieed ee dagaalka ka soo daalay in hadda kow la isku baa'ibiyo. Mise kooxka diidan dowladan waa in laga qabtaa dalka, haddii lala dagaalamana lama garanayo waxay noqon doonto natiijada waayo kooxdan shacab badan ayaa taageeraya una taageeraya qabiil ahaan balse ogayn meel ay u wadaan. Hishiisyada maalin walba ay gaaraan qabqablayaasha ka soo jeeda Muqdisho laguna jahwareerinayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho mowqif cad maxaa looga qaadan la yahay, shacabku maxaysan u fahansaneyn in owrka lagu kacsanayo maalin walba filim murugo leh oo aan dhamaad lahayd loo daarayo. Fadlan su'aalahaa uga jawaab si taxatar ku jirto adigoo miisaamaya siyaasada soomaaliya ee mustaqbalka dhow. Mahadsanidiin WQ: Muruqmaal
  10. Guul iyo guuldaro ayaad moodaa inay dowladda cusub ee Soomaaliyeed soo waji doonto. Hadaba bal aynu isla qaado dhigno sababaha ay dowladan ku guulaysan karto ayna dalka awoodeeda ku baahin karto kuna soo celin karto sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya kulahayd dunidda oo dhan gaar ahaan Afrika. Dowladan sideebay nabad ay hiigsadaan dhamaan ummadda soomaaliyeed ee u ooban nidaam iyo dowladnimo ugu hirgalin kartaa riyada macaan ay qalbigooda ka guuxaya ayna ku hanwayn yihiin inay u rumayso (dowladan) riyadooda shacabka dulman ee soomaaliyeed Hadaba aynu isla eegno dhibaatooyinka ku gudban dowladan cusub iyo sida ay u maareen lahayd mushiladaha waa weyn ee soo food saari doonaa. 1. Sidee bay dowladan uga taqlusi kartaa qabqablayaasha aan doonayn dowlad iyo nidaam ay helaan ummadda soomaalyeed? 2. Sidee bay dowladan u cirib tiri kartaa qabyaalada ee aynu ognahay inay tahay waxa dalka baab'biyay? 3. Madaxweyna Soomaaliya maxaa la gudboon haday qabqablayasha xaaraanta ku naaxay ay diidaan dowladan ma inuu la dagaalamaa oo haday galaan god abeeso uu ka daba galo mise inuu ka fogaado dagaal aan natiijada ka dhalan kartaa aan la saadaalin karin? Sida hadda muuqata waxaa soo ifaya dagaal ba'an oo kumanaan kun ku hooban doonaan, lana mid noqon kara kii 1991, sababtoo ah Maxamed Dheere iyo in badan ay xulufo yihiin dagaal ayay u tafa xeeteen Muuse Suudi iyo koox la socotana dagaal ayay u diyaar garoobayaan. Maxaa xal ah ma in ummadda soomaalieed ee dagaalka ka soo daalay in hadda kow la isku baa'ibiyo. Mise kooxka diidan dowladan waa in laga qabtaa dalka, haddii lala dagaalamana lama garanayo waxay noqon doonto natiijada waayo kooxdan shacab badan ayaa taageeraya una taageeraya qabiil ahaan balse ogayn meel ay u wadaan. Hishiisyada maalin walba ay gaaraan qabqablayaasha ka soo jeeda Muqdisho laguna jahwareerinayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho mowqif cad maxaa looga qaadan la yahay, shacabku maxaysan u fahansaneyn in owrka lagu kacsanayo maalin walba filim murugo leh oo aan dhamaad lahayd loo daarayo. Fadlan su'aalahaa uga jawaab si taxatar ku jirto adigoo miisaamaya siyaasada soomaaliya ee mustaqbalka dhow. Mahadsanidiin WQ: Muruqmaal