All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. Forgive me, for I am amateur in Somali politics discourse, remind me, besides the 1996 - 1997 armed internal conflict, which partly still fuels the current tussle against GXJS, could you recall a time in SL's recent history where it was weaker economically, and strategically with its political currency at ts lowest value than 2022 - present? Try to be honest, and even consider truncating a reverse collect call to a friend in a cell for a life line. Trouble with SL politics is as if it was designed by a tuug cawaran. Perhaps in conversations within tolka circles in Hargeysa and its immediate eviron, the toast is handsomely buttered on both sides, but politics is about mirages, mirrors, and optical illusion, and SL's had been shuttered to smithereens with its chance of being reconstituted well past distant possibility.
  3. Today
  4. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii uu dab ka kacay huteel ku yaalla magaalada Porto Alegre ee koonfurta dalka Brazil, sida ay saraakiisha dab damisku sheegeen. Shaqaalaha gurmadka degdega ee magaalada ayaa xaqiijiyay 10 oo ku sugnaa gudaha huteelka ay dhinteen , sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee gobolka Rio Grande do Sul. Dabka ayaa kacay abaaro 2-dii aroornimo ee xiliga maxaliga ah, sida ay saraakiishu sheegeen, Ku dhawaad ​​saddex saacadood ayayna ku qaadatay dab-damiska in ay xakameeyaan. War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu yiri “Khubarada dambi baarista ayaa ku sugan goobta si ay u aqoonsadaan dhibanayaasha oo ay baaraan waxa sababay dabka”. Duqa magaalada Porto Alegre Sebastiao Melo ayaa ku qoray bartiisa X in dad badan oo dhaawac ah la soo badbaadiyay dabka oo loo qaaday isbitaalka, laakiin ma uusan sheegin tirada. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tirada dhaawaca ay gaareyso 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, Sawirro la soo bandhigay ayaana muujinayay dhismaha oo uu holac ka kacayo, iyadoo kooxaha dab-damiska ay ku hawlan yihiin daminta dabka. Nin 56 jir ah oo lagu magacaabo Marcelo Wagner Schelech oo u waramayay wargeys maxalli ah ayaa yiri”Kaliya waxaan helay wakhti aan ku xirto kabahayga oo aan ordo, Walaashay oo ku noolayd dabaqa saddexaadna waxay ku basbeeshay dabka ilaa ay dhimato”. Si kasta ahaatee khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay ayaa isi soo taraya, dhismaha intiisa badanina waa bas beelay. Source: goobjoog.com
  5. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyaddu ay ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dalalka Afrika. Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta hannaanka xogta iyo Isgaarsiinta Teknolojiyada ee ICT iyo guud ahaan Teknoloojiyadda. Danjire Jabriil ayaa soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinayo Teknoloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta Qaranka. Sidoo kale waxaa uu diiradda saaray adeegyada ganacsiga iyo horumarinta Waxbarashada sida e-commerce iyo e-education, iyo baraarugga xooggan ee ay dad Soomaaliyeed ku wajahayaan ka faa’iidaysiga Teknoloojiyadda. Soomaaliya ayaa kamida dalalka hormarka feecan ka sameeyay dhanka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, sidoo kalena waxay haysataa adeegga Internet oo tayo leh. Source: goobjoog.com
  6. Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Difaaca Baarlamanka Soomaaliya, Xildhibaan Dhookir oo ka hadlay fadeexadda ka taagan lunsashada saadka ciidamada Qaranka: “Inagoo og in ciidamadeenna Xoogga dalka Soomaaliyeed ku shaqaynayaan duruufo adag oo dhinac walba leh, saadkooda iyo mushaarkooduna yahay mid ku tiirsan dawlado saaxibadeen ah. Adeegga iyo saadka ay ugu deeqaysay dawlada Mareykanku waa fadeexad aad u wayn loona bahan yahay in lagula xisaabtamo kuwa ku lug leh. Ayaandarada ugu foosha xun ayaa ah in wasaaradii gaashandhiga ee larabay inay baadhitaan sameyso sharcigana horkeento cidda leh masuuliyada musuq maasuqa , ayaa ku gaabsatay soo saaridda nuqulo qiraal ah. Dhacdadani waxa ay qireysa heerka musuq ee ka jira dalkeenna, iyo tayo-xumida hay’adaha dawladda ee loo igmadey dib-u-dhiska dalka. Waxaa la jogaa xilligiii aan muujin lahayn tayadeenna hogaamin oo ku laran-tahay dal jacayl iyo xilkasnimo. Muwaadininta Soomaliyeed, jaalayaashayada caalamiga ah, CXDS waxaan u xaqiijinaynaa in aan samayndoono falcelin ku habboon.” PUNTLAND POST. The post Guddiga Difaaca Baarlamaanka DFS oo ka hadlay lunsashada saadka ciidanka Danab. appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia has been embroiled in a severe crisis this past month marked by political instability and increased militant activity. During this period, the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) reported over 205 incidents of political violence, resulting in at least 539 fatalities. Source: Hiiraan Online
  8. Xilli ay roobab xooggani ka da’ayaan qaar kamida dalalka bariga Afrika ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda kenya dhulka iyo cirkaba ka sameeyay Gu’ga oo si mug leh uga hooray, waxaana uu saameeyay isku socda. Ciiryaamo saa’ida iyo cirkoo daruura ku shaqlan ayaa sababay in duulimaadyadii maalin laha ahaa ee magaaladaas tagi jiray qaar kamida loo weeciyo Mombasa iyo meelo kale, waxaana kamida diyaaradda Daallo Airlines oo maanta ka duushay caasimadda Muqdisho ka dibnna ka degi kari weydey gegida Joma Kenyatta. Roobabka maalmihii la soo dhaafay halkaa ka da’ayay ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay daadad xoog leh iyo fahaado dhimasho iyo burbur sababay. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaas kala qayb galay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi. Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajirkoda, isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku joogaa magaalada Daaru-salaam ee dalkaasi Tanzania, waxaana la filayaa in muddada uu halkaa ku suganyahay ay labada dowladood kala saxiixan doonaan heshiishyo dhowr ah oo dhinacyada caddaaladda, Warfaafinta, iyo arrimaha dibadda ku saabsan. Source: goobjoog.com
  10. Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo in ka badan 20 sano dalkaa ku sugnaa, islamarkaana Xukuumadda kinshaaha ka taageerayay la dagaanka kooxaha hubaysan ayaa xiray mid ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa, xilli ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan dalkan qalalaasu daashadeen ee ku yaalla bartamaha Afrika. Hawlgalkan oo magiciisa loo gaabiyo MONUSCO, ayaa xirey saldhig weyn oo u dhow magaalada Bukavu, ayadoo Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobayna uu sheegay in nabad ilaaliyayaasha ugu badan ciidamada shisheeye ee dalkaa ku sugan oo ka soo jeeda Pakistan ay ka baxayaan gobolka Koonfurta ee Kivu, kadib in ka badan 20 sano oo ay halkaa ka howl-galayeen. Sidoo kale Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda new York ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2003 dalka Congo la geeyo in ka badan 100,000 oo nabad ilaalin ah oo intooda badani Pakistan ka soo jeedaan, kuwaa soo ka shaqeeyay Koonfurta Kivu, wuxuuna intaa ku daray in uu howl-galku socday ay 31 askari oo Pakistani ahi ku dhinteen gudashada waajibaadkooda, iyagoo u adeegaya Qaramada Midoobay iyo dadka Kongo. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ah ay qulqulatooyin iyo xasrado ka socdeen muddo ku dhow 60 sano, waxaana sanadkii 2003 ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu waaweynaa ee qaaradda Afrika, xilligaa ayayna Qaramada Midoobay gaysay ciidankii ugu horreeyay oo nabad ilaalin ah. Source: goobjoog.com
  11. Wafuud ka kala socda baarlamaanada dunida oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Senator Cismaan Maxamuud Dubbe ayaa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna. Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galay intii ay ku jireen kulamada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay Vienna, sida Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr. Rafael Mariano Grossi. Madaxa xakamaynta tijaabada nukliyeerka Dr Robert Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiirada dalalka Maraykanka, Norway, Ciraaq iyo madax badan oo ka kala socotay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka khawaarijta, dhammaystirka dastuurka iyo shaqooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay. Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen shaybaarka Siebersdorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah. Shaybaarkan oo ay maamusho hay’adda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku baxday boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka. Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqday Saddex labaratoori ,kuwaas oo qabta shaqooyin ay kamid yihiimn:- Xanuunka kansarka (cancer) oo la tilmaamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah. 2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beeraha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bilood Mashruucana waxa lagu tijaabiyey bariiska Thailand oo wax soosaarkiisii saddex laab kordhay sida uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi. 3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qaraxa ama sunnaamiga ka dhasha dhulgariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo badbaadada shacabkeena. Source: goobjoog.com
  12. Somalia, a country with a tumultuous history marred by political instability, environmental crises, and governance challenges, faces a crucial juncture in its path towards stability and development. Amidst ongoing debates surrounding constitutional reform, there is a need to delve into the pressing need for reprioritizing the Somali government's agenda. Source: Hiiraan Online
  13. The countries of the European Union and the UK have welcomed the decision made for the elections to be held in Somaliland. A summary of their joint statement reads as follows Qaran News
  14. Cardiff (HOL) — Mohamud Hassan, 24, was found dead under mysterious circumstances in Cardiff shortly after his release from police custody, sparking an inquest that has uncovered allegations of police misconduct and conflicting witness testimonies. The inquest, held this week at Pontypridd Coroners' Court, continues to probe the events leading up to Hassan's death on January 9, 2021. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — The Somali government has confirmed corruption in the food supply chain for the elite Danab Special Forces, which are supported and trained by the United States. The ration theft could undermine the unit's effectiveness against al-Shabaab, a major security concern. Source: Hiiraan Online
  16. Qasaastan oo laga fuliyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubinno ka tirsan maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, maamulka gobalka dhanka Galmudug iyo masuuliyiin kale. Ku Xegeenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda Ciidamada xidigle Xasan Siyaad Maxamed ayaa ku dhawaaqay Xukunka, wuxuuna sheegay in qasaasta lagu fuliyay Cabdi Kaafi Cali Cabdulle oo horay u diley Cadnaan Cali Salaad, iyo Iidle Cumar Idiris oo asna diley Bilan Xaashi Salaad. Masuuliyiin ka socatay gobalka Mudug oo ayaguna goobta ka hadlay ayaa maxkamadda uga mahadceliyay xukunka ay fulisay, sidoo kalena waxay sheegeen inay muhiimtahay in gacan ku dhiigleyaasha caddaaladda la mariyo si ay muwaadiniintu dilalka macne darradaa uga nabad galaan. Source: goobjoog.com
  17. WAR-SAXAAFADEED Rwanda: Sanduuqa Horumarinta Afrika si loo bixiyo dammaanad deyn qayb ah si loo taageero maalgelinta dadaallada cagaaran iyo kuwa waara Tani waxay la socotaa Istaraatiijiyada Qaranka ee Isbadalka ee Rwanda (NST-1) ee 2017-2024 iyo Vision 2050 ABIDJAN, Ivory Coast,(Qaran news)-Abriil 25, 2024/ — Guddiga Agaasimayaasha Sanduuqa Horumarinta Afrika, garabka amaahda ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika (www.AfDB.org), ayaa ansixiyay dammaanad deyn qayb ah oo lagu taageerayo abaabulka Rwanda ee maalgelinta si loo hirgeliyo hindisayaasha cagaaran iyo bulshada. Dammaanadda deynta qayb ka mid ah ee abaabulka maalgelinta waarta ee mashruuca Rwanda ayaa u sahlaysa waddanku inuu ilaa 200 milyan oo Yuuro si tartan ah uga soo ururiyo bangiyada ganacsiga caalamiga ah, iyada oo kala-duwanaysa ilaha maalgelinta. Waxay u qoondayn doontaa dhaqaalaha ka soo baxa tamarta la cusboonaysiin karo, la qabsiga cimilada iyo yaraynta, dhimista iyo maaraynta khatarta masiibada, ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha, waxtarka tamarta, kaynta, sugnaanta cuntada, caafimaadka iyo fayoobida, guryo la awoodi karo, iyo helitaanka mashaariicda adeegyada bulshada iyo kuwo kale. Tani waxay la socotaa Istaraatijiyadda Qaranka ee Isbeddelka (NST-1) ee Rwanda ee 2017-2024 iyo Higsiga 2050, iyada oo dalka loo dhisayo deyn-qaade waara oo lagu kalsoonaan karo iyada oo la dhisayo rikoodhka rikoodhka ee suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah. Maalgelinta ayaa sidoo kale la socota Qaabdhismeedka Maaliyadda Joogtada ah ee Rwanda kaas oo qeexaya sida lacagaha loo diri karo, hababka xulashada iyo qiimeynta mashaariicda cagaaran iyo kuwa waara, iyo warbixinta mashruuca, si waafaqsan habka ugu wanaagsan ee caalamiga ah. “Hawlgalkani waxa uu muujinayaa sida dalalku uga faa’iidaysan karaan dhaqaalehooda Sanduuqa Horumarinta Afrika si hal-abuur leh si ay u helaan maalgelin mustaqbalka fog ah oo horumarineed ” ayuu yiri Axmed Attout, Ku-simaha Agaasimaha Kooxda Bankiga ee Horumarinta Waaxyaha Maaliyadda. “Hawlgalku waxa uu gacan ka geysan doonaa abaabulka maalgelinta maalgashiga qaybaha bartilmaameedka ah ee la jaan qaadaya ujeedooyinka Istaraatiijiyadda Tobanka Sano ee Kooxda Bankiga (2024-2033) ee ku aaddan dardargelinta kobaca cagaaran ee loo dhan yahay iyo wadista dhaqaalaha barwaaqo iyo adkaysiga leh ee Afrika, iyo sidoo kale Istaraatiijiyadda Qaranka Rwanda Isbeddelka iyo Hiigsiga 2050,” ayay raacisay Mrs. Aissa Touré, oo ah Maamulaha Dalka ee Kooxda Bangiga ee Rwanda Qaran News
  18. The event brought together foreign and local investors, businesses facilitators, scholars, entrepreneurs and Somalia friends in diaspora to network and pursue opportunities for investment and rebuilding the country's economy. Source: Hiiraan Online
  19. Baidoa (HOL) — The South West administration has successfully brokered peace between two feuding communities in the Dinsoor district of the Bay region, according to Interior Minister Abdullahi Haji Hassan. The resolution marks the end of a conflict that resulted in over ten deaths and displaced hundreds of families. Source: Hiiraan Online
  20. HMS Diamond on a previous deployment in the Mediterranean Sea Source: Hiiraan Online
  21. Kenya Airways (KQ) has accused the Democratic Republic of Congo's military of holding two of its employees since last week, despite a court ruling to release them. Source: Hiiraan Online
  22. Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka - 10/06/2022 Turkiga - 03/07/2022 Eritareeya - 10/07/2022 Kiinya - 15/07/2022 Jabuuti - 16/07/2022 Masar - 24/07/2022 Ugaandha - 08/08/2022 Tansaaniya - 15/08/2022 Kiinya (2nd time) - 12/09/2022 Mareykanka - 15/09/2022 Ingiriiska - 18/09/2022 (rushed back from Mareykanka for the islaantii aaskeeda) Mareykanka (2nd time) - 20/09/2022 (back to Mareykanka for Qaramada Midoobay sessions) Itoobiya - 28/09/2022 Ugaandha (2nd time) - 08/10/2022 Jabuuti (2nd time) - 22/10/2022 Suudaan - 01/11/2022 Aljeeriya - 02/11/2022 Masar (2nd time) - 06/11/2022 Eritareeya (2nd time) - 10/11/2022 Jabuuti (3rd time) - 08/12/2022 Sacuudiga - 09/12/2022 Mareykanka (3rd time) - 12/12/2022 Talyaaniga - 08/02/2023 Imaaraadka (2nd time) - 22/02/2023 Qadar - 04/03/2023 Eritareeya (3rd time) - 13/03/2023 Jabuuti (4th time) - 15/03/2023 Ugaandha (3rd time) - 18/03/2023 Itoobiya (2nd time) - 14/04/2023 Ugaandha (4th time) - 27/04/2023 Qadar (3rd time) - 17/05/2023 Sacuudiga (2nd time) - 18/05/2023 Imaaraadka (3rd known time) - 21/05/2023 Turkiga (2nd time) - 02/06/2023 Jabuuti (5th time) - 11/06/2023 Mareykanka (4th time) - 20/06/2023 Talyaaniga (2nd time) - 23/07/2023 Jabuuti (6th time) - 22/09/2023 Eritareeya (4th time) - 08/10/2023 Biljam - 24/10/2023 Imaaraadka (4th known time) - 30/10/2023 Sacuudiga (3rd time) - 09/11/2023 Burundi (1st time) - 15/11/2023 Ingiriiska (2nd time) - 19/11/2023 Tansaaniya (2nd time) - 23/11/2023 Imaaraadka (5th time) - 30/11/2023 Jabuuti (7th time) - 08/12/2023 Mareykanka (5th time) - 10/12/2023 Ugaandha (5th time) - 15/12/2023 Kuweyd (1st time) - 19/12/2023 Jabuuti (8th official time) - 28/12/2023 Eritareeya (5th time) - 08/01/2024 Ugaandha (6th time) - 17/01/2024 Masar (3rd time) - 19/01/2024 Qadar (4th time) - 22/01/2024 Talyaaniga (3rd time) - 28/01/2024 Imaaraadka (6th time) - 31/01/2024 Itoobiya (3rd time) - 16/02/2024 Kiinya - (3rd time) - 28/02/2024 Turkiga (3rd time) - 01/03/2024 Eritareeya (6th time) - 17/03/2024 Sacuudiga (4th time) - 02/04/2024 Kiinya (4th time) - 11/04/2024 Tansaaniya (3rd time) - 24/04/2024 ________________ Updated list.
  23. Diyaarada Xasan ee aan caga dhigan lands in Tansaaniya.
  24. Saddex muddane oo kamid ah Gollaha Degaanka Caasimada Hargeisa ayaa la xidhay. Kuwaasi oo kala ah Muddane Fidaar, Siikawi iyo Siciid Jaamac. Xildhibaan Fidaar waxa la sheegay in la garaacay oo ciidanku gacan u qadeen. Waxa sidaasi u xaqiijiyay MMTV Xildhibaan Siikaawi oo Golaha degaanka ka tiran. Xadhiga Muddanayaasha ayaa daba socda buuq iyo qalaalase ka dhashay Banaynta Xarunta laga dhisayo degmada 26 June oo buuq ka taagan yahay. Source
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up