Sign in to follow this  
Holac

Puntland must arrest this coward

Recommended Posts

Holac   

http://puntlandpost.net/2016/03/15/gudoomiyaha-degmada-bandarbayla-miyuusan-ahayn-masuul-katirsan-puntland/

 

Gudoomiye Anteeno oo u hadlay sidii inuuba yahay Maamul ka madax banaan Dawlada Puntland ayaa tilmaamay inuu leeyahay Ciidamada Badda Bandarbayla uusana diyaar u ahayn inuu la dagaalamo kooxda Daacish hadii aysan soo fara gashan Boqortooyadiisa waa sida uu hadalka u dhigaye, Wariyaha Waraysiga ka qaaday ayaa Su’aalay inay boqortooyada uu sheegtay hoos tagto Puntland iyo in kale wuxuuse qiray inuu hoos tago balse uu Amiir ka yahay degaan gaar ah.

 

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata sheegay inay kooxahan hubaysan ay iminka soo gaareen xuduuda ay degmadiisu la leedahay Degmada Eyl uuna ku abhinaayo inay dhinac ka maraan degaankiisa, isagoo dhankiisana u balan qaaday inuusan wax dhibaata ah u geysan doonin maadama wararka uu helaayo ay shegayaan inay ku wajahan yihiin degaano aan ahayn kuwa uu ka taliyo

 

Hadalka Gudoomiye Anteeno ayaa kusoo aadaya xili ay Dadka reer Puntland Guud ahaan galeen dhiilo colaadeed maadama kooxo lagu tuhunsan yahay Daacish ay isku fidiyeen dhul xeebeedka Gobalada Mudug iyo Nugaal, wuxuuna hadalka Masuulkaasi u muuqdaa mid meel ka dhac ku ah diyaar garowga difaac ee Puntland, Si lamid waxaa is weydiin mudan goorta ay Degmada Bayla ka dhalatay Boqortooyo ka Madax banaan Dawlada Puntland.

 

Masuuliyiinta Puntland waxaa ka muuqda isbarbar yaac aad u tira badan iyo inuusan jirin Afhayeen si guud uga hadla xaalada Dalka, Illaa markii ay soo cusboonatay wararka sheegaya inay kooxo hubaysan la wareegeen Degaan xeebeedka Garacad waxaa Saxaafada kala duwan ka hadlaayey masuuliyiin kala gedisan oo midba siduu rabo arintan u rog-rogaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this