Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Health Minister Attends 67th World Health Assembly. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka WHO ay ku yeelatey Geneva [sawiro]

 

May 22, 20141 Comment

 

Wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Dr. Saadiq Enow wuxuu ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka (World Health Organisation) ay ku yeelatey magaalada Geneva (Swiss). Fadhigaas oo lix casho soconaya ayaa wuxuu furmey 19/ 5- 2014. Fadhigaas oo lix cisho soconaya ayaa waxaa ka soo qeybgaley wufuud ay tiradoodu dhaaftey 3000 oo qof. 194 dal oo hey´adda xubno ka ah ayaa waxay ka doodayaan oo go´aamona ay ka gaarayaan arimo la xiriira caafimaadka dunida. Arimaha miiska saaran ee sanadkan laga wadahadlayo waxaa kamid ah:

 

Ka hor tagga cudurrada aanan leyska qaadin (sonkorta, cudurada wadnaha iyo sambabka), istraateejiyad cusub ee lagu kontroolo cudurka TB-da, nafaqa-darrida hooyada iyo dhallaanka, yoolasha lagu hagaajinayo caafimaadka melleniumkan cusub, aragtiyo lagu hagaajinayo caafimaadka dadka beerka ka xanuunsan, hagaajinta hannaanka guud ee caafimaadka iyo qodobo kale.

 

Waxaa jira cudurro cusub oo shirka lagu xusey. Waxaa kamid ah cudur uu Virus sababo oo ka soo ifbaxay dalka Sacuudiga. Cudurkaas oo dadka ay ay dhintaan, waxaa laga heley hilibka geela. Arintaasi oo lagu dhaleeceeyey Sacuudiga ayaa waxay ku bixisey in dowladdu ay ku fekerto in ay joojiso cimrada iyo xajka. Laakiin waxaa hor taagan laba arimood. Mid wuxuu yahay qodobka shareecada ah oo ayan jebin karin cibaadada waajibka ah iyo midda sunnada ah. Midda labaad waxay tahay dowlado uu ka dhexeeyo xarig ku joogsi sida Iiraan ayaa olole siyaasadeed ku qaadeysa haddii Sacuudiga uu mamnuuco cimrada iyo xajka.

 

 

Arimaha xiisaha leh ee madasha lagaga doodey waxaa kamid ahayd, qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee ku howlan arimaha caafimaadka oo codsadey in ay talada hey´adda wax ku yeeshaan. Waxaa kamid ah shirkado dawooyin sameeya oo iyagu qeybo daawooyinka kamid ah bilaash u bixiya. Waxaa kale oo kamid ah shirkado hanti badan leh oo dhaqaale ku bixiya hagaajinta caafimaadka dadyowga saboolka ah. Dowladuhu qaar waa ay taageereen aragtidaas. Qeybo kale oo dowladaha martida ah ayaa iyagu diidey arinkaas oo tilmaamey in ayan suuragal ahayn in meel leysugu keeno maslaxaddii gaarka ahayd iyo middii caamka ahayd.

 

In aadamigu sinnaado oo isku xuquuq noqdo, waxat taabaneysaa xataa adeeggii caafimaadka in aadamigu uu wada-gaaro. Mashaariic caafimaad ah oo la doonayo in dunida lagu huwiyo ayaa laga hadley. Waxaa kamid ah in la xoojiyo farsamada caafimaadka ee la xiriira qalliinka. Waxaa la xusey in sanad walba ay dunida korkiisa ka dhacaan howlo qalliin ah oo gaaraya saddex melyan iyo afar boqol oo kun. Tiro ah 3 % ayaa dadyowga adduunka saddexaad ay ku leeyihiin. Sidaa darteed in la baahiyo aqoonta caafimaadka oo qalliinku ay kamidka tahay, kuwaas oo dadku ay u dhibaateysan yihiin.

 

Puntland News-24

 

Geneva, Swiss

 

k

unnamed31.jpg

1305602629341_1305602629341_r.jpg

unnamed-17.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Another huge boost to Puntland International Profile, our health minister attending the 67th World Health Assembly in Geneva. Well done Saadiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this