Sign in to follow this  
Maqane

Yaa ii afcelin kara Af-Maay gan?

Recommended Posts

Maqane   

Yaa halkan ku hadla Af-maay oo fadlan Af-soomaali iigu afcelin kara oraaho-da af-maay-ga ah ee hoos ku xusan? Mahadsanid :)

 

Hiileey hobaalimo, howa hiiliyeey

 

Bilaay beer mataabaa, baahy leey dilaasee

 

Lang buur biyi saari, badar ku goosidii ky baahy beelii

 

Habahaa beeng may faadaa, badar hay abuurooy

 

Haye hee niing haatoy hee, balang niing qobooy

 

Beled baaby risiq me ee, beeng ly degeeyaa

 

Kulu yuung ha beegtimii, beerky ky gooytii

 

Aay batuulo kooy banoo, beeroo marnoo

 

Bii manyi boroodky me ee beer mawaraawiyayang

 

Dhulkuung bileerenoo biligeey isiiyi, war biyo buruundung lee bara kaaysydoo

 

Any hoo bariisiyoo, any ay ky beeree


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta si adag ayaa loo qoray Afmaayga, haddii si sahlan loo qori lahaa waa garan lahayd. Aan isku tijaabiyo.

_________________

 

Bilaay beer mataabaa, baahy leey dilaasee = Bishaan beer ma taabanaayi, baahi i dileysee

 

Lang buur biyi saari, badar ku goosidii ky baahy beelii = Nin buur biyo saartay, badar ka goostay wuu ku baahi beelaa

 

Habahaa beeng may faadaa, badar hay abuurooy = Soo baxa been mala rabee, badar aan abuuranee

 

Haye hee niing haatoy hee, balang niing qobooy = Haye hanoo ahaatee, balanta noo qabo

 

Beled baaby risiq me ee, beeng ly degeeyaa = Beled baabi risiq ma'ahee, been lee la degaayaa

 

Kulu yuung ha beegtimii, beerky ky gooytii = Kuligiin (....?), beerkeyga ku gooysee

 

Aay batuulo kooy banoo, beeroo marnoo = Aybatuulo kaalay aan baxnee, beertii aan marnee

__________________

 

Ereyada 'hiileey hobaalimo, howa hiiliyeey' saa jeclahay waa iska oraah reer beeraleyda isticmaalaan, sida Afmaxaatiriga ku lagu dhaho 'hoobaa hilowloow' ama 'hoobaaloow' ama 'hobaleeyaa hoobaala.'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Miyir;979495 wrote:
Abaas lol Afmaay iigu fisira af soomaali? Af maay = af maxaa ? labadaba Af Somaali ma ahanoo?

Haa inaar, dee waxaan ulajeeday af-soomaaliga caadiga ah :P (standard somali). Maayga wuxuu Soomaliga caadiga ah ee looga hadlo koonfur iyo waqooyiba uga duwanyahay oraah dhismeed iyo dhawaq ahaanba, marka weey ku adagtahay qof aan Maayga garanayn ineey si fudud u garato siduu MMA sheegayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;979511 wrote:
Horta si adag ayaa loo qoray Afmaayga, haddii si sahlan loo qori lahaa waa garan lahayd. Aan isku tijaabiyo.

_________________

 

Bilaay beer mataabaa, baahy leey dilaasee = Bishaan beer ma taabanaayi, baahi i dileysee

 

Lang buur biyi saari, badar ku goosidii ky baahy beelii = Nin buur biyo saartay, badar ka goostay wuu ku baahi beelaa

 

Habahaa beeng may faadaa, badar hay abuurooy = Soo baxa been mala rabee, badar aan abuuranee

 

Haye hee niing haatoy hee, balang niing qobooy = Haye hanoo ahaatee, balanta noo qabo

 

Beled baaby risiq me ee, beeng ly degeeyaa = Beled baabi risiq ma'ahee, been lee la degaayaa

 

Kulu yuung ha beegtimii, beerky ky gooytii = Kuligiin (....?), beerkeyga ku gooysee

 

Aay batuulo kooy banoo, beeroo marnoo = Aybatuulo kaalay aan baxnee, beertii aan marnee

__________________

 

Ereyada 'hiileey hobaalimo, howa hiiliyeey' saa jeclahay waa iska oraah reer beeraleyda isticmaalaan, sida Afmaxaatiriga ku lagu dhaho 'hoobaa hilowloow' ama 'hoobaaloow' ama 'hobaleeyaa hoobaala.'

 

Marka hadii aan gartay heestan waa heeso kamid ah heesaha ay reer miyiga heesaan :)

Aad baad u mahadsantahay MMA!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this