Sign in to follow this  
kingofkings

Islaan Bashiir/Tigey Mudug

Recommended Posts

Gudoomiyaha Mudug iyo Islaan Bashiir oo soo afmeeray socdaal ay deegaano gobolka ka tirsan ku marayeen

 

Wafdi ay hoggaaminayaan Islaan Bashiir & Gudoomiye Tigey oo booqasho ku soo kala bixiyay deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug.

 

Wafdigan ay horkacayaan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac waxaa xubno ka ah Nabaddoono ay ka mid yihiin Bashiir Maxamuud Dalmar, Yaasiin Cabdi Samad, Maxamuud Maxamed Cumar (Ciiro), Xuseen Cilmi Dhagow, Abshir Maxamed Dheere, Mas’uul ka tirsan Maamulka Beesha Balibusle Fu’aad Abshir, Qurbajoog ay ka mid yihiin Maxamuud C/raxmaan Xaaji Jaamac (Tarabi), C/risaaq Nuur Cirfe iyo Siciid Cartan iyo Ganacsato uu ka mid yahay Faarax Cali Maad.

 

Waxaa xubnaha wafdigu ka soo ambabaxeen magaalada Balibusle ee gobolka Mudug waxayna soo gaareen deegaanka Buubi oo 30km dhinaca Bari ka xigta magaalada Balibusle halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay

xubnaha wafdiga. Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada iyo Haweenka deegaanka Buubi ayaa xubnaha wafdiga waxay soo dhoweynta kaddib kala sheekeysteen barwaaqada iyo roobka u da’ay dadka deegaanka iyo baahiyaha ay tabanayaan oo ay doonayaan in wax lagala qabto oo ay ugu weyneyd arinta biyaha deegaanka Buubi, maadaama deegaankaasi la sheegay inuusan lahayn ceel biyood soo saara biyo ku filan dadka deegaanka.

 

Waxay sidoo kale dadka Buubi sheegeen in deegaanku uusan lahayn isbitaal iyo goobo waxbarasho, waxayna ka dhawaajiyeen dadka deegaanku in ay jiraan dad badan oo caafimaad darro ugu geeriyooday deegaanka.

 

Intaa kaddib wuxuu wafdigu u amba baxay magaalada Salax oo deegaanka Buubi dhinaca waqooyi kaga aadan una jirta 18km, halkaasi oo dadweynuhu si diiran ugu soo dhoweeyeen xubnaha wafdiga.

 

Dadweynaha deggan magaalada Salax ayaa waxay wafdiga Islaan Bashiir, Gudoomiye Gobolka Mudug, Qurbajoogta, Ganacsatada, Nabaddoonada iyo Maamulka Beesha Balibusle Fu’aad Abshir Adeer uga hor yimaadeen duleedka magaalada si ay u soo dhoweeyaan iyagoo ruxayay caleemo qoyan iyo calamo, waxayna qaadayeen oo ay ku luqeynayeen tawxiidka Alle

(SWT).

 

Xubnaha wafdiga ayaa loo gudbiyay aqalka ay u diyaariyeen martida ee magaalada Salax, waxayna la shireen dadka deegaanka oo leh rag iyo dumar, waxayna dadka deegaanku ka mahad celiyeen imaatinka wafdiga uu hoggaaminayo Islaan Bashiir iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayna xubnaha ka ahaayeen Qurbajoogta, Nabaddoonada iyo Ganacsatada.

 

Dadweynaha Magaalada Salax ayaa wafdiga sii sagootiyay waxayna wafdigu u ambabaxeen magaalada Balanbal oo Salax u jirta ilaa iyo 30km, kagana beegan jahada waqooyi galbeed, waxaana dadweynaha magaalada Balanbal oo wata gaadiid farabadan ay wafdiga uga hor tageen meel ka baxsan magaalada halkaasi oo Odayaasha deegaanka, dhallinyarada iyo haweenku ay wafdiga ku soo dhoweeyeen si qurux badan.

 

Magaalada Balanbal ayaa wafdigu ku nagaaday saacado kooban halkaasi oo loogu diyaariyay qado sharaf, waxaana xubnaha wafdiga iyo dadka deegaanku ay qaateen kulan is xog wareysi ah.

 

Magaalooyinka Qalaanqal iyo Malaasle oo Balanbal kaga beegan Galbeedka ayaa ka mid ahaa magaalooyinkii xubnaha wafdigu ay soo mareen gelinkii dambe ee shalay 05/May/2012, halkaasi oo dadka deegaanku ay si sharaf mudan ku soo dhoweeyeen xubnaha wafdiga.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Qurbajoogta la socotay wafdiga oo ka kala yimid wadamada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Mareykanka sida Maxamuud C/raxmaan Xaaji Jaamac (Tarabi), C/risaaq Nuur Cirfe iyo Siciid Cartan ayaa dadka deegaanka uga warbixiyay ujeedada safarakooda oo ay saldhig u ahayd iskuul sare iyo kuleej jiif leh oo laga dhagax dhigay magaalada Balibusle, waxayna dadka deegaanka ka codsadeen in ay iskuulkaasi ka geystaan wixii karaankooda ah maadaama dadaalka intiisii xooganayd ay baxsheen qurbajoogta.

 

Sidoo kale waxay baaq u direen dadka deegaanka oo ay ku booriyeen in ay isku tashtaan oo ay iska aruuriyaan dhaqaale si loogu kaabo dhaqaalaha haatan loo hayo iskuulkaasi.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa dadka deegaanada ay soo mareen wuxuu ka balan qaaday in Maamulkiisu uu ka taageeri doono baahiyaha ay tabanayaan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, kuwaasi oo ah baahiyaha aas’aasiga ah ee noloshooda, wuxuuna Gudoomiyuhu dadka deegaanka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga deegaanka.

 

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo hoggaaminayay wafdiga waxaa uu dadka deegaanka uga waramay ujeedada safarkooda oo ay ugu weyneyd dhagaxdhiga iskuulka sare ee laga dhisayo Magaalada Balibusle iyo booqashada xubnaha wafdigiisa ay ku soo mareen deegaanada dhulka Caduunka iyo Sanaaga.

 

Islaan Bashiir wuxuu dadweynaha deegaanadii ay booqdeen uu kula dardaarmay cabsida Alle iyo in ay noqdaan dad mideysan oo wadajira kana fogaada khilaafaadka, wuxuuna intaa ku daray in khilaafku uu yahay waxyaabaha bulshada kala fogeeya, Islaanku sidoo kale wuxuu dadka deegaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan deegaanka oo aysan ogolaan xaalufka dhirta ayna ka shaqeeyaan oo ay xil weyn iska saaraan horumarinta iyo amniga deegaanka.

 

Ugu dambeyn Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax wuxuu dadka deegaanka deggan iyo deegaankaba Alle uga baryay in ay noqdaan kuwa ku noolaada nabad, xasilooni, barwaaqo deegaankuna uu noqdo mid lagu soo hirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this