Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland minister of sea transportation receives equipment

Recommended Posts

Boosaaso [RBC Radio] Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland ayaa lagu wareejiyey laba Matoor oo ah kuwa dabka korantada dhaliya kaaso oo ay ugu deeqday hay’adda dhuuniga aduunka u qaabilsan ee WFP.

 

 

Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland Abshir Siciid Saalax oo kala wareegay labada Matoor ee koranto dhaliyaasha ah kala wareegay Shirkadda SKY Bosaso Shipping Agency oo iyada loo soo wakiishay in hawshaas fuliso.

 

Mahdi Xaaji Ciise oo kamid ah mas’uuliyiinta Shirkadda SKY Bosaso Shipping Agency ku wareejiyey Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland labada Matoor ayaa sheegay in Shirkadiisu ay qandaraaska Matoorada ay ka qaadatay WFP isla markaana ay usoo wakiilatay hay’adda WFP in labada Matoor ku wareejiyaan Wasaaradda isla markaana maanta taas ay ku dhamaatay guul.

 

 

…”"”Halkan waxan ku wareejinaynaa Matooro laba ah oo hay’adad WFP ay ku wareejinayso Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland, aniga oo ah Companay Transporter ah oo fulinaya hawsha WFP in aan ku wareejiyo waxan gacanta u gelinayaa Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland Abshir Siciid Saalax Documantiskii lagu keenay Matoorada ka dib markii aan dhignay meelihii loogu talagalay Matoorada…”"”ayuu yiri Mahdi Xaaji Ciise.

 

 

Abshir Siciid Saalax oo ah Wasiir kuxigeenka Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland oo la arkaayey isaga oo ka qeybqaadanaya soo dejinta iyo dhigida labada Matoor oo ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay hay’adda WFP qalabka ay ugu deeqday Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland,wuxuuna xusay in hawlo badan ay hay’adu kala shaqeysay Wasaaradda oo ay kamid yihiin hagaajinta jenbiyada dekedda iyo balaarinta dekedda iyo arrimo kale oo badan.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Labada Matoor looga faa’idaysan doono hawlaha kala duwan ee ka socota Dekedda siiba maaliintii iyo habeenii iyadoona taas looga gol-leeyahay buu yiri dardar gelinta Isha halbowlaha dhaqaale ee Puntland

 

 

…..”"”Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa hay’ada WFP oo runtii mashaariic aad u farabadan u fulisay Wasaaradda Dekeddaha ,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Puntland taas oo ilaa muddo socotay oo ay kamid tahay hagaajinta jenbiyada dekedda iyo balaarinta dekedda, maanta waxan halka ku gudoonay laba Matoor oo aad iyo aad u anfacaya Insha allaahu watacalaa in wadashaqeyntayaduna ay sii socoto…”"“ayuu yiri.

 

 

Labada Matoor oo ah kuwa dabka dhaliya ayaa wax weyn ka badeli doonaa habsami u socodka shaqada dekedda weyn ee Boosaaso,waxaana hadda ka soconaysa dib u balaarin ay wado wasaaradu iyadoo kaashaneysay hay’adda WFP.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;821695 wrote:
king forget about this, Galkayo video has just been released. Go check my thread. The city is booming

thanks bro. i will check it now. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this