Sign in to follow this  
Caano_Geel

These Children No Father No Mother

Recommended Posts

Waagii Ingiriisku ka talinaayey dalka ayaa oday reer Ceerigaabo ahaa oo la odhan jiray Axmed Dheere ayaa carruur yar yar u keeni jiray si uu sadaqo ugu weydiiyo District Commissioner (DC), ama ninkii degmada ka talinaayay ee Ingiriiska ahaa. Inta badan odaygan Axmed Dheere wuxuu gaalka ku odhan jiray; "These children, no mother, no father" oo la micno ah "Carruurtani hooyo iyo Aabo ma jirto" oo iska ah Ingiriisku uu iska yara jajabsanaayey laakiin uu gaalku ku fahmi jiray, halkaasi waxoogaa shaxaad ah odayga u noqon jirtay. Haddaba maalintii danbe ayaa nin soo raac raaci jiray oo ay saaxiib ahaayeen oo Cilleeya la odhan jiray baa isaguna intuu ciyaal kale soo kaxaystay isla gaalkii degmada Ceerigaabo haystay ku shaxaadayaa isagoo isticmaalaya kelmadihii uu Axmed Dheere odhan jiray ee "These children, no mother, no father", oo ahayd carruurtani waa bilaa hooyo iyo aabbo.

 

Haddaba niman maqlaayey ninkan Cilleeye ayaa ninkii Axmed Dheere u sheegaya inuu kelmadahiisii isticmaalay oo uu gaalka waxoogaa kaga qaatay. Ninkii Axmed Dheere ayaa ninkii Cilleeye intuu ka daba tegay bud madaxa kaga dhuftay. Labadii nin baa loo gar naqay oo ninkii Axmed Dheere baa la weydiiyey sababta uu madaxa ugaga dhuftay budka ninkan saaxiibkii ee Cilleeye. Xaggii wax kale laga sugaayey ayuu odaygii Axmed Dheere odhanayaa; " waar adeer Ingiriisku wuu faro badan yahee, maxaa daba dhigay isaga labada kelmadood een wax ku shaxaadi jiray ee No mother, No father. Haddii la deyn waayo No mother No father, wax baa ka hig leh!"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this