Sign in to follow this  
Caano_Geel

Best Jacbur Ever

Recommended Posts

Qalbigaygu yaraantii

Inantuu u qushuucay

Qalanjaabay ahayde

Quruxdii midabkeeda

Qaadirkeed ugu deeqay

Iyadoo qarinaysa

Marna qaadan surwaal

Qolqolkoodana Joogta

 

Ayuun baan qiyaastay

 

Waysu qalanay inantee

Sheekaan qac ka siinay

Guurna waaban qalqaalnay

 

Anigoo qorshihii gurigayga

Iyo qarashkii day dayaaya

Ayuun baa Telephone qac soo yidhi

 

Maxamed kii qurbaha jiray

Ima soo qabadsiinin Telephone

 

Fiisaan kuu qalqaalay

Oo muddo kugu qaadan maysee

Soo qabo Ethiopia

 

Waxaan Qadan kusii idhi

Marka aan qurbaha tago

Een gaadho qadankaa

Ayaan ku qaadi doonaa

Meel nolol leh oo qabow

Ayaan qalbigii jacaylka

Aaan ku qaybsan doonaa

 

Waxa iga qanciyay ee

Ay qowl isii tidhi

Qaaligaan jeclaayow

Qadan way ku sugaysaa

Qadarkana Allah iska leh'

 

Qalbigii dhimaygii

Gaaladu qotomiyeen

Halkii laga qul qulayay

Laga qaato fiisaha

 

Qabad baad tahay buu

Qalinka iiguba duugay

Dabadeed waan qayliyay

Oo qaadiraan ku danbeeyay

 

Intii aan qayilaayay

Qaliil baan u haystee

Ileen waaba Qarni

 

Markii aan qurbaha tagay

Een gaadhay qadankii

Saw yartii qurxoonayd

telephone ma qabadsiin

 

Ku yaroo ciyaal ahi

Saw tell kii igama qaban

Qodabkaa iska ilow

Saw qawl imuu odhan

 

Nac-as baa wax qasee

Anna maan qaldamine

Saw ii qal sheekada

Qowl uguma aan celin

 

Qodob qodoba sheekada

Intuu iigu kala qalay

Iska quuso ima odhan

 

Qadan waa la qabaa

Oo qololkay gogoshaa

Ahh Qadhaadhaa arintu

Qooma mooyin reebtee

Bal yaan qawl uun kaa hadhin

 

Qawl kaluu nin kale yidhi

Ayaa waxaa ku qaydnaa

Wixii aan laguu qorin

Adoon quudinbaa wacan

 

Iminkana qowl san oo hadha

Iyo ducadaan qarqinayaa

 

Allahayow Adduun yada

Inta aan ku nool nahay

Qumanaanta nagu hay

Diinteena quruxda leh

Kuwa qaata naga yeel

 

Inantaa qudheedana

Iyo sayid kii loo qoaray

Ubad khayr leh kala sii

 

Anigana tu qalanjo ah

Oo u qalanta inantaa

qabuul ii gudoonsii

 

Allahyow qiyaamada

Qalinkiyo xisaabtiyo

Jid siraad ha nagu qubin

 

Waa maalintaan la qarinayn

Qalad waxaad samaysee

Qof waliba qalad wuxuu galo

Maalinta qoorta loo sudho

Aan qof diidayaa jirin

Jannadii qaboobayd

Kuwa loo qorsheeyee

Loo qaato naga yeel

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this