Sign in to follow this  
Nur

Waano Ku Socota Sheikh Sharif

Recommended Posts

Nur   

Walaal Sheikh Sharif

 

Assalamu Caleykum Wa Raxmatullahi Wa Barakaatuh.

 

 

Walaal.

 

 

Muddo dheer ayaan lasoo socday dhacdooyinka waddanka oon kala socday dhacdooyinkaas waddanka gudihiisa (muddooyin gaagaaban) iyo dibedda (muddo dheer).

 

Marka hore aan iskaa baro.

 

Waxaan ahay qof Muslim ah marka hore, oo Somali ah marka labaad ( u fiirso sidaan u kala hormarshay labada sifo). Waxaanan muddo dheer ahaa mutadawic ( volunteer) fidinta diinta Islaamka mawaaqicda Internetka gaar ahaan Somaliaonline oon sidddeeddii sano oo tagtay aan wax ku soo qori jirey.

 

Walaal, qoraalkan waxaan kugu xasuusinayaa dhowr arrimood.

 

 

1. Inaad Allah hor is taagi doonto.

 

2. In lagu xisaabin doono.

 

3. In la soo saari doono waxa laabtaada ku jira ood qarin jirtay.

 

4. In dabadeed Allah uu ku abaal marin doono waxaad istaahisho asagoon ku dulmin.

 

 

Walaal, anigoo tix raacayaa afartaas qodob, waxaan jecleystay inaan kula taliyo anigoo jecel inaad aakhiro iyo adduunba aad ku guuleysatid.

 

Walaal, Allah nolosha adduunka wuxuu ka yeelay mid imtixaan ah, meel aan lagu nasanin, meel shar badan, meel kheir laga shaqesyto, loona tartamo waddooyinka nabadda ( Subul Al Salaam), meel dadka hodda,( Daarul Ghuruur) oo dad badan ku lumaan dad yarna ay ku mitidaan oo qabsadaan xarigga Allah oo adag.

 

Talo waxaa ugu quman midda Allah uu raalli ka yahay, dadkuba ha diidaanee. Talooiyinkana iney xaq yihiin waxaa lagu ogaadaa cidhibtooda dambe, oo ah daarta aakhiro, maxaa yeelay Dunidu waa daarta loo qurxiyey kuwa daarta aakhiro laga xarrimay, taasoo macneheedu yahay, in marna aan DUNIDA DARTEED talada umadda lagu dhisin ee talada lagu dhiso Wanaagga Aakhiro, iyo badbaadada laga badbaado cadhada Allah SWT.

 

 

Maanta waxaa ku horyaalla talooyin badan, waxaana la hubaa, haduusan Allah ku sugin addimahaaga dariiqa toosan inaad talo qaldan aad raaci doonto. Ogowna, walaal, in qof walba oo kuu qosla uusan aheyn saaxib, mid walbaa oo ku caayana uusan ahaeyn cadow. Cadow waa kan xaqa kaa fogeeya, haba kuu qoslee, saaxiibna waa kan xaqa ku xasuusiya naftaadoo dhibesaneysa, haba ku caayee.

 

Maalinka aakhiro, intii isku jecleyd adduunka dartii, wexey isu noqon doonaan Cadow. Al akhillaa u yawma idin bacdhuhum li bacdhin caduw, ilal muttaqiin

 

Walaal, adduunka ma hagaajin karo qof qalbigiisu jeceylka adduunka uu ku jiro, Qofka Aakhiro jecel una shaqeysta darteed, xikmadna ku dhaqma ayaa laga yaabaa inuu Adduunka iyo addoonta hagaajiyo, Aakhira guusheedana waxaa lagu xidhay Taqwada Allah, taasoo ah, Cabsida Jaliilka, ku dhaqanka Tanziilka (Quraanka), u diyaar garowga geeddiga Aakhiro, iyo ku sabirka waxa yar ( magac, mansab, iyo hanti adduun).

 

 

Intaas waa iga xasuusin!

 

 

Waxaan kaloon ku xasuusinayaa taariikhdii gabneyd aa Maxaakimta Islaamka iyo sidii qurxaneyd ee ummaaddu ugu nasatay lixdii bilood ooy hoos yimaaddeen xukunka Allah.

 

Walaal, 20 sanadood ayaa nalagu dhex jirey, niman mujrimiin ah oo kulligood laga wada xukumo meeshaad taqaan, ayaa dhiigii rayadka magac qabiil ku daadshey, oo na dhex dheigay colaad iyo dakano, taasoo danta cadowgeenna ka lahaa ay aheyd in annagu aan is nacno, si Cadowgeenna aan u jeclaanno. bi'sa li dhaalimiina badalaa , ilaaa Tigreegii Somalida gumaaday aftirsigeennii lagu soo daray. Islaannimadii iyo raximkii naga dhexeyayna la gooyay.

 

Mujirimiintii, ayagoo fulinaya amarka cadowgeenna ayaa wexey gumaadeen culimadeenna, si loo tirtiro diinta, dadkana looga fogeeyo Rabbigooda xaqa ah.

 

Allah ayaa mujriniintaas, uga yimid hoostooda, meel ayan fileyn, markaasuu saqafkii dushooda ku soo dumay, markaasey badda ku carareen ayagoo naf ka raadinaya kuwey u shaqeynayeen.

 

Allah ayaa ku galladeystay masaakiinta la dulmay guul ayan filaneyn, una diyaargoaroobin, oo siiyay guul la mid ah tii banii Israaiil fircown ay uga guuleysteen.

 

Adiga ayaa markhaati ka ah in lix bilood oo barwaaqo, midow, walaalnimo, iyo cadaalad leh iney waddankii kulmisay, taasooy suuro gelisay naxariista Allah.

 

Markii umaddii lagu kala dhex jirey 15 sano ay isugu imaatay Islaannimo dhab ah, oo keentay cadaalo, iyo sinnan xuquuqda ah, ayaa mar labaad Cadowgii waddankii soo weeraray, asagoo haddana adeegsanaya Mujrimiintii waddanka burburiyey.

 

Walaal waa adigii ku dhawaaqay Jahaadka, dhallin yaro badanna dhawaaqaas ayey soo jiibiyen qaar badanna waa ku shahiideen, baaqaagii, Allaha ka aqbalee.

 

Dowrkaagii Horseedka Jahaadka ahaa ood dhallin yaradaas ugu baaqday jahaadka waad ka maqnaatay, waxaanad doorbidday dowr siyaasadeed, taasoo keentay iney kuugu muuqatay in hagaajinta wajiga siyaasadeed uu ka muhim san yahay kan is-caabbinta.

 

Waxaad haddana ka baxday midnimadii is-caabbinta markaad si gaar ah ula heshiisay Mujrmiintii 20ka sanadood waddanka burburiyey.

 

Ka siibashadaadii Jahaadka, iyo ka bixiddaadii ururka is-Caabbinta ayaa wexey keeneen in aad u suuro gelisay cadowga umadda wexey ku keeni waayeen duullankoodii.

 

Maanta, Jahaadkii aad ka tagtay, waad ku so laabatay, laakin rasaastaadii dhinaca walaalahaa ayey u jeeddaa, waxaanad ku saf tahay mujrimiintii Culimada Umadda madaxooda iibsan jirey.

 

 

Walaal, wax weyn baa kaa qaldan.

 

Walaal, askar shisheeye haddey wax tarayaan, 1993gii 30 kun oo askar ah ayaa nabad ka suurogelin waayay waddanka, maxaa yeelay nabad dhab ah ma aheyn, hadaba, Indonisia, Turkiya iyo Burundi nabad uusan Allah suuro gelin ma dhalin karaan ayagoo u shaqeeynaya marka horeba kuwii ka dambeeyay burburka waddanka.

 

 

Walaal, Allah Xisaabta ha ka saarin, hana ku tiirsan daalimiinta si ayan cadaab Allah kuu taabanin Wa laa tarkanuu ila ladiina dhalamuu, fa tamassakumu naar

 

 

Walaal, ogow mansabka ay cadowgu ku qirsan yihiin inuu ku dhisan yahay inaad Allah ka fogaato, iyo walaalahaa aad shalay meel ka soo wada jeeddeen. Ogowna, hadduu cadowgu ka gacan sarreyn lahaa is-caabbinta, inaadan maanta qiimo u lahaateen, maxaa yeelay, Somlalidu wexey ku maahmaahdaa, ninuusan warankiisu ku gelin weedhiisu kuma gasho,

 

Walaal, ogow sirta guusha Ururka Maxaakimta uu Allah siiyey 2006-gii ineysan ku dhisneyn xeelad siyaasadeed iyo fadhiyaal Hotellada Nairabi iyo Jabuuti, guushaas wexey ku dhalatay daacadnimo Allah iyo dulmi xad dhaaf ah oo Mujrimiinta dadka ku sameeyeen iyo baryada Allah ee Masaajiddada lagu Allabaryay, hadaba haddey maanta kuu muuqatay in xeelad siyaasadeed oo qura loo bahan yahay, ogow in raggaad dheeshaas la cayaareyso iyo kuwa aad kooxda ka dhigatayba ay kaa yaqaannan cayaartooda, dabin weynna iney kuu dhigeen. Ogowna inaad dabinkaas ugu dhici doonto siduu ugu dhacay Cabdullahi Yusuf, maxaa yeelay markii danaha laga lahaa Cabdullahi Yusuf lagaa dhameystay, sidii kaba dhamaaday ayaa loo tuuray, adigana waxaad tahay kabahii cusbaa oo la dhalaaliyey si loogu gaadho meeshey ku gaadhi waayeen dayaaradihii iyo tankiyadii cadowga Somalida.

 

 

Walaal, maanta waxaa kula gudboon dhowr talo:

 

 

1. Inaad ku socotid talada cadowga

2. Inaad Walaalahaa usoo laabatid taladoodana raacdid.

3. Inaad is casishid.

 

 

Talada hore, waa ila qaldan tahay, Nabadda Somalia kuma istaageyso Xoog dibedda ka yimid, intuu raboo ha gaadhee.

 

Talada labaad, aad bey u fiican tahay, Somalidoo badankoodna wey ku farxayaan ( marka laga reebo mujrimiinta dagaallka sokeeye iyo inta nafci adduun raadiska ah oo xisaabta Aakhiro moog), midnimadii walaalahana isku baheystay Allah dartiisna wey soo noqoneysaa inshaAllah.

 

Talada seddexaad, waa mid ka dhib/nafci yar labada talo, waa mid meel dhexdhexaad ah, waana mid gaar ahaan adiga ku badbaani karta Allah agtiisa maalinka xisaabta, maxaa yeelay masuuliyadda umadda ma aha mid sahlan.

 

 

Walaal, Diintu waa nasiixa, wixii aan ku qaldamay Allah ayaan warsanaya cafis, waxaan ku qumanahayna waxaan rajeynayaa inuu Allah ku waafajiyo raaciiddeeda.

 

 

Nur

 

2009 eNuri Softwaano Series

A Mind Once Expanded With An Idea, Can't be Shrunk Back To It's Original Size! We Demand Real Islam, Not Mannequins!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

La kulanka uu la kulmay Sheikh Sharif Culimada Suufiyada iyo hanjabaadda dagaalka uu u hanjabay is-caabbinta uu shaly ka tirsanaa wexey muujineysa soona saareysa dareen shaki laga qabay, laakin anugu weli rajo ayaan ka qabaa inuu Sheikhu Caqliga howl geliyo, saa xoog wax la isaga qaadi waayayee.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hassan_B   

Br. Nur,

 

Can you please translate into english? I'm not fluent at all in Somalia, so I'd just be spending my time trying to make out the sentences... I know you're english is excellent, so I hope you will help us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Hassan bro.

 

I regret that this piece is quite long, a translation of its meaning will take forever. May I suggest that you run it by one of your friends at your local franchise of Ciil and Cabasho Coffee Shops or the closest Somali Daddy's-Day-Care Centre where Halimos drop their unemployed husbands in the morning and pick them up after school

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

“xabash ugu yeero in uu ku gumeysto, isagiina haku diido, sow nasiib darro ma ahan?”.

 

 

Source: Kismaayonews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goodir   

^Shariifka is a victim of deadly takfiri movement.

 

I didn't read all of it and I suppose it is great waano for everyone but the takfirs who brought suicide bombings to the 99.9999% of Muslims living in Somalia urgently and desperately need your advice yaa shiekh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Brother Goodir

 

Please take your time and read, but let me remind you of one thing:

 

If we continue doing/saying the same things we will remain in the same situation we find ourselves in. What I expect from you as an intellectual person is to remove yourself from the problem before you can become part of the solution.

 

The cycle of violence (Ethiopian Bombings and the current warlords have collectively killed more people in Somalia than the last unfortunate bombing in Beledweyne that took the lives of innocent civilians) has its roots deep in past wrong decisions and mindsets , and the mistakes that led to these problem squarely belong to past and present decision makers no matter who they are. It is easy for every group to point finger at the other, but unless we become mature enough to speak with wisdom, our finger pointing can only be met with another and we will remain in the same pit for another twenty years.

 

Can you contribute an advice based on what is good for our people both in this life and the next as a solution to our current problems?

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ Nurow, taking into account what has taking place in the last few weeks, what is your waano to the groups fighting against Sh. Sharif's groups?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ If Nur is being truthful to his conspiracy fixation, and seeing that Al Shabab have admitted to following the Bin Laden doctrine of resistant Islam (whilst keeping in mind, of course, that Nur does not believe there is such a thing as Al Qaacida), I think his valuable waano to the Somali opposition will be exactly the same as the one he gave Sh. Sharif above. It surely must!

 

Good advice nonetheless.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^ What was the cheapest commodity on earth again?!

 

If a contest regarding this cheap commodity was thrown could our Sheikh threaten Duke's superiority?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ayoub bro

 

I have written on several posts my advice for the resistance not to fit ready made media moldings, but I think now that they are on the verge of taking over the capital, an advice is well overdue, Jazaakallahu kheiran for the reminder

 

 

Ngonge bro.

 

Here is my favored website on al qaacida:

 

http://www.alqaedado esntexist.com/

 

 

Johnny bro.

 

David Duke? Maankeygey gaddayee ma masaar bey liqday!.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^My interpretation of your response to Ayoub,is ' Once the capital is taken over by Al-Shabaab,then all shall be honky dory'..Is that your amiin? Hence the no need to advice?

 

 

ps.It's a good suggestion that folks come up with ideas of solutions and way forward..

 

Inshaallah will share,if an AHA! moments strikes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ I think Nur is saying he's given them advice in the past, and will soon be giving them more (fitting the current situation in the near future InshaAllah). I hope that’s what he meant anyway. Hello to you btw... smile.gif

 

 

Johnny B

You think action speaks louder than words? Thank God for the masked Youths then, right?

 

Ngonge

It not a sin if Nur down-plays your Adeero’s importance. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi Ayoub

 

Ma aqaan in uu Sheikh Sharif akhristay waanadayda iyo in kale, laakin, dhacdooyinka waxaa ka muuqata inuusan akhrin, hadduu akhriyeyna, inuusan ku waano qaadan. Allah ayaan ka baryeynaa caafiyada dunideenna iyo diinteenna.

 

Maalmaha no soo haya, waa kuwo si shaki la'aan ah u kala caddeyn doonaan qolooyinka is heysta meeshey kala taagan yihiin, waxaanad mooddaa markuu sii dheeraado is-horjoogga, iney sii caddaan doonto qolada garta leh iyo qolada gardaran.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Br Nur;

 

Ma waxaad kula talin laheyd sheikh sharif in uu meesha isaga tago mise in uu sii joogo balse uu la heshiiyo qolooyinka ka soo horjeeda.

 

Ani ahaan waxay ilatahay in sheikh sharif meesha iga tago, obviously meesha wax wanaag ah kama soo socdaan.

 

Go Figure:.........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this