Sign in to follow this  
ToughGong.

And so it came to pass...

Recommended Posts

Waxaan gabaygayga

guubaabada ciilka

Barbaarta gedayda

Katiinadu goysay

 

Gubtoon ladi waayo

inaan garab haysto

Gariirka agtayda

ayaan ka gartaaye

 

Hadaanan hadaanan

Hadaanan gadoodka

Lixloow guga maanta

la soo hadhin guusha

 

Waxaan gabaygayga

guubaabada ciilka

Gidaar igu meersan

God la igu horjoogo

Gaadh la iigu wareejey

 

Hadaan gacaloowe

Gaashaan hidin waayey

Inaan godobtayda

Galaydhkiyo haada

gaadhsiiyo fariinta

ayaa ila gudboone

 

Hadaanan hadaanan

Hadaanan gadoodka

Lixloow guga maanta

la soo hadhin guusha

 

Waxaan Gabaygayga

guubaabada ciilka

geeraar iyo maanso

intaan isu geeyo

Ragaad garanyso

 

Intaan u goleeyo

Garaadka u buuxsho

Waxaan goconaayo

Haddaan Gacantayda

Ku goosanayaaye

 

Hadaanan hadaanan

Hadaanan gadoodka

Lixloow guga maanta

La soo hadhin guusaha

Waxaan gabaygayga

 

guubaabada ciilka

Gammaanka cadhaysan

Gargooska ku naaxsho

Haddaan gulufkooda

ku soo gambiyaaye

 

Hadaanan hadaanan

Hadaanan gadoodka

Lixloow guga maanta

La soo hadhin guusha

 

Waxaan gabaygayaga

guubaabada ciilka

Haweenka galuuban

Gidaarada Jeelka

 

dadkoodii la geeyey

Gasiinka la taagan

Gubtoon ladi waayo

Gudaafka wuxuushtu

 

Garuunkiyo qoolka

wuxuu ku garaaco

wuxuu dhangad geeshka

Sarmaanta galoolka

 

Gabdhaha ku uleeyo

Mid gaydhka ka caayo

waxaan gasariiro

Galiilyada saanta

Gankaygu istaago

 

Gogaygu dubaaxsho

Ragaad garanayso

Haddaan gashigaygii

ka soo gudayaayoon

ka goosanayaaye

 

Hadaanan hadaanan

Hadaanan gadoodka

Lixloow guga maanta

la soo hadhin guusha

 

 

 

 

 

 

 

 

calan.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this