Sign in to follow this  
Dr_Osman

Shabab Spokesman Mocks Federalism

Recommended Posts

Dr_Osman   

Muqdisho(Allpuntland)Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheera ayaa ka hadlay maamul goboleedyada dalka ku soo badanaya ee sheeganaya degaan aysan ganacta ku heeyn iyagoo dalka dibadiisa jooga.

 

Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in hal hal gobolk amam hal magaalo ay sheegnayaan Seddex Madaxweyne iyagoona aan gacanta ku heeyn degaanada ay sheeganayaa xitaa aysna imaan karin.

 

Waxa uu sheegay in maamul goboleedyadaasi ay wadaan dano shisheeye isagoona tilmaamay in lagu doonayo in umada Soomaaliyeed lagu kala qeyb qeeybiyo isagoona tilmaamay in uusan u hergelin doonin qorshaha ay leeyihiin.

 

 

"Waxaa layaab ah in Hal gobol Sedex maamul Goboleed sheeganeeyso, Hal magaalo xitaa Seddex nin ayaa sheeganeeysa, waxaasi waa qarow iyo dhalanteed ayaan leenahay , waxaana lagu doonayaa in Soomaaliya lagu kala qeyb qeybiyo , mana hergeli doono qorshaha ay leeyihiin" ayuu yiri Afhayeenka Al Shabaab.

 

Dhanka kale Afhayeenka AL Shabaab ayaa ka hadlay shirkii maamul goboleedyo ay ku yeesheen magaalada Cadaado isagoona uga digay dadka degaanka in ay garab siiyaan dadka sheeganaya in ay maamul yihiin isagoona maamul goboleedydaii ku shiray Cadaado ku tilmaamay dhagar wadayaal.

 

"shirka dhagarta ah ee lagu qabtay Cadaado waa mid aan waxba noqon doonin mida kale dadka meeshaas Cadaado ah degan kuma ogeeyn dadka cadowga ah in ay u kaalmeyeen oo auy garab siiyaan , waxaan leenahay hadii markii hore la idinku qalday, hada ayaan idin cadeeyneenaa waa dhagar diinta lagu dhibaateeynayo shirkaasi, dadka idinka dhashay ee dhibka idin soo wada hadaad gacmaha ka qaban weysaan qatar ayey galayaan"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Hadalkaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa ku soo aadaya shir maamul goboleedyada qaar ay ku yeesheen magaalada Cadaado.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this