Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands new military commander Gen Maxamed Xasan Jidhif takes over Command

Recommended Posts

Saturday, December 17th, 2011 | Posted by Maxamud

Taliyaha Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan Jidhif oo Hanjabaad Kulul u Diray Maamul Goboleedka Puntland (HALKAN KDHEGAYSO)

HALKAN KA DHEGAYSO

 

Hargeysa (Waaheen) Taliyaha Ciidanka Qaranka ee cusub Somaliland Eng. Maxamed Xassan Cabdilaahi ayaa Maanta Si rasmi ah ula wareegay Xilkii Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhawaan Madaxweynaha Soamlialnd u Magacaabay,Waxanu Xilka kala wareegay Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaciiil Taani, Xafladan ayaa Waxa maanta lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga ee Somaliland, Waxana Xilka u kala wareejiyey Wasiirka wasarada Gaashandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, Waxana ka soo Qayb galay qaa rka mid ah wasiirada Xukumada iyo Masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Waxa uu Jeediyey Qudbad Dhincayo Badan tabanaysa, Waxanu Xusay in aanay Taliyanimada Ciidamadu aanay ku Cusbayn, Waxaanu Baaq Hanjabaad ah u Diray Maamul Goboleedka Puntland, isaga oo ugu hanjabey in haddii ay Somaliland soo Dandansadaan aanu ahayn Nin Baqa, Lakiin uu yahay Nin Badda oo Kali ahi soo Celiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaan Gabiley Xukumi kari waayo meel kalena tagi maayo ..Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Gen Jidhif

 

Hargeysa/ToggaHerer 17 Dec 2011

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen Maxamed Xasan Jidhif ayaa Maanta Xaflada uu xilka kagala wareegayay Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Taani ka jeediyey Khudbad Aad u dheer oo ku taabtay Meelo kala Duwan.

 

Taliyaha ayaa Mar uu ka hadlaayay Dhacdadii Saameel iyo Galbeed Ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay ayna ahayd arrin aan loo baahanayn arrintii Dhacday..

 

Taliyaha ayaa mar uu ka hadlaayay Gabiley yidhi Gabiley Afweyne idin Habaaray oo yidhi Shaydaan baa idinku dhuusay Hadaba imikana waxaan leeyahay yaa idinku dhuusay Rabshada inaga Daaya Dawlad baynu nahay ..

 

Taliyaha ayaa intaa Raaciyey yidhina hadaan Gabiley Xukumi kari waayo meel kalena tagi maayo ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this