Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab attacks amisom and TFG forces inside Mogadisho

Recommended Posts

Xarrakada Al-shabaab oo weerartay Saldhig ay Muqdisho kaga sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM *

 

Arbaco, December 07, 2011 (HOL) ? Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay kaga sugnaayeen degmada Wadajir ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMIOSM, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

 

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la weeraray warshaddii nacnaca ee degmada Wadajir, wuxuuna sheegay in ciidamadii ku sugnaa ay iska caabiyeen Al-shabaab.

 

"Waxaa lasoo weeraray saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo AMISOM, sidoo kale waxaa la weeraray xero barakacayaal oo halkaas ku taalla, hal qof oo dhaawac qaba ayaana aragnay," ayuu yiri Axmed Daaci.

 

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas ayaa hadadna wararku waxay sheegayaan inay dagaalkii xalay ku dhinteen illaa shan qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xoogaggii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

 

Axmed Daaci ayaa sheegay inay u qorsheysan tahay inay dagaal rogaal-celis ah ku qaadaan kooxihii xalay soo weeraray illaa ay ka tagayaan goobihii ay weerarka kasoo qaadeen.

 

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa xusay inay ku dileen askar ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, iyagoo weerarkana ku sheegay inuu qayb ka yahay weerarro ay qorsheyeen inay la beegsadaan saldhigyad ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this