General Duke Posted November 29, 2011 Shirkii ugu balaaraa oo Arimaha Soomaaliya looga hadlo laguna qabto Dalka gudihiisa oo Garowe ka furmi doona Muqdisho(Puntlandi.com) Shirkii Wadatashiga ee Arimaha Soomaaliya qaybtiisii labaad oo lagu waday inuu Garowe ka dhaco ayaa dhowr jeer dib loo dhigay, Sababta dib u dhaca keentay ayaa sida aan xogta hada ku helnay ahayd mid la xiriirta balaarinta shirka iyo kordhinta ergooyinka imaanaya iyo in shirku noqdo mid si heer sare ah loo abaabulay iyo inuu noqdo mid miro wax ku ool ah ay kasoo baxaan. Hadaba shirka ayaa hada la go’aanshay inuu dhaco 9 diseembar(09.12.2011) Wuxuuna sida balantu ahayd ka dhacayaa Caasimada Puntland. shirkaan wuxuu noqonayaa kii ugu balaarnaa ee dalka gudihiisa lagu qabto, Waxana kasoo qayb galaya ugu yaraan 140 ergo oo kakala socda qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, haba u horeeyeene TFG, Dowlado goboleedyada, Ururada siyaasada, qaybaha Bulshada, Qurba joogta, Dhalinyarada, Isimada iyo Puntland oo marti loo noqonayo, shirkana marti galinaysa. Xogtaan ayaa ah mid warbaahinta Puntlandi.com ay si gooni ah u heshay, ilaa hadana lamasoo bandhigin balse dhowaan ayaa bulshada loosoo bandhigi doono. Dowlada ku Meelgaarka ah ayaa saxaafada usoo bandhigi doonta. Puntlandi.com Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 29, 2011 Excellent news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 29, 2011 Yaa la heshisinaya Puntland TFG iyo galmudug Amisom wa wada heshiis unless you are planning to invite Alshabaab? Quote Share this post Link to post Share on other sites