Sign in to follow this  
Jacaylbaro

For Tuujiye

Recommended Posts

Som@li   

nuune;743951 wrote:
lool bacdaa dhuuqso ayaaba la fahmi waayey, soo adduunya hallowdey oo gidaar lala dhacey ma ahan, speaking of bacyaal, waxaan soo xasuustey bari dhaweed oon booqdey reer dagan miyiga, reerku ma aanan booqanin ee meesha ay daganaayeen iyo meesha aan lugeenayey ayaa Ilaah amarkiis isku meel noqotey, anoo daalan unbaan habeenkii u soo dhaxey reerkan, Soomalidu waa dad is wada yaqaano waxaa la isku salaamaa salaanta kadib kumaad tahey iyo qolomo, lagaa hari maayo xataa illaa aad jilibka iyo lafaha hoose sheegto,

 

waa la i soo dhaweeyey, reerkuna gabdho ayuuba la ciirayey, bahalo qoortu la egtahey geedka dhabiga ah, sidii garanuugtana u wada gaduudan, mid baa aad u dheereyd oo isheyda la socotey, waana midda ii soo dhigtey ganbarka, hadhow oo kalena salli yaroo qallalan geesahana ka riffan ii gogli doonto,

 

aan soo gaabiyo sheekada, reerku odey ma laheen, islaan baa u taliso, islaantii unbaa doontey iney i shukaansato, waana islaan dhashey 7 gabdhood oo midba tan kale ka qurux badan, aniguna salligaa bannaanka la ii dhigey inaan meel u dhaafo ma doonayo inaan salaada subax intaan ku tukado oon ka kallaho ayaan rabaa,

 

habartii unbaan iska kari waayey, dhowr iyo toban jeer unbey aqalkii un ka soo baxdaa, eedo kaalay qabowga ka soo gal, aniguna aan dhahaa eedo caano geel ayaan cabey qabow ima hayo, hal aqal ayuu reerku wada daganyahey, markaas unbey dhahdaa un aqalkii baa kuleel nagu noqdey adiguna qabowgan ayaad jiiftaa, waryaa Ilaah yaqaano,

 

adigu aan soo gaabiyee, gabadhii salligii rifnaa ii gogleysey ayaa habarta shanqarteeda maqashey oo soo kacdey, banaankana u soo baxdey, waxeyna aragtey habartii oo qeyd kaliya xiran, gabadhii baa intey tiri alla hooyo guntiinadii miyaad hilmaantey intey u soo qaadey bey tiri kaalay hooyo ka soo xaroo qabowga,

 

gabadhii weyneyd baa hadana dooneyso iney ila soo jeedo oo damacdey iney sheeko ila gasho, anagoo iska sheekeesaneeno ayaa gabadhii ugu yareyd soo toostey oo maqashey hadalka, intey hadashey bey tiri caawa kuleel ayaanba la seexan waayee waan iska yara leersan, gabadhii weyneyd aqalkii bey ku noqotey, tii yareyd ayaan isku soo harney oo sheeko iyo maaweelo ii gashey, habartii iyo gabadhii weyneyd ma aysan seexan laakin hadalka sheekada ayey maqlaan,

 

 

sidii aan tii yareyd iskala sheekeesanayey ayaa tu kaloo gaabdhii weyneyd ku xigtey aqalka ka soo baxdey na weydiisey in salaad subax la gaarey, waxaan ugu jawaabney maya walaal, wey ku noqon weydey aqalkii tirina waxaan sugi salaada subax, tii yareyd baa iskaga noqotey aqalkii, hadana waxaa isku soo harey aniga iyo tii weyneyd tii ku xigtey, waxaana xigey kuwii kale ee soo harey ee gabdhaha ahaa

 

 

waxbaya yaanan sheekada sii dheereeyn, habeenkii wuxuu ku wada dhamaadey anoo hurda la'aan ah, habartii iyo gabdhaheedina kuligoodna aan isla soo wada jeedney, waagu markuu baryey bey habartii igu tiri:

 

bacdaa dhuuqso, bacdaa dhuuqso, markey saas tiri baan ku iri albaabka ballaqan waa inaad waardiye u yeeshaan, anoo ula jeedey reerka odey u yeela, habartii baa intey qososhey tiri jar wanaagsan baad ciyaareysaa ee ku soo dhawoow reerka anigu waan duqoobee ee kuweygaan yaryarka ah mid kala bax.

Very funny,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this