Ismahaan Posted February 12, 2009 S- Waxaad sheegtaa macaha magaca Jibriil? J- Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu-cabaas S- Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro? J- Waa masaajidka(Qubaa) S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah? J- maydka xalaasha ahi waa Ayaxa iyo Kaluunka S- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah? J- dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada S- Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud? J- Wuxuu ahaa Ibnu Qimah S- Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray? J- Wuxuu ahaa Lubeyd binu-acsam S- Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud? J- wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas S- Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday? J- waxay ahayd Nebi muuse hooyadii S- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin? J- waxaa weeye Magaalada Madina-Al_munawara S- Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab? J- waxay ahayd suuradu Daah S- Waxaad sheegtaa Abuu Bokor intuu hayey xilka qaliifnimada? J- wuxuu hayey 2 sano iyo dhoowr bilood. S- Waxaad sheegtaa asxaabiyadii ugu horeysay ee dishay qof gaal ah? J- waxaay ahaayd safiya bintu cabdi mudalib S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin? J- Wuxuu ahaa Cumar binu thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas S- Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka? J- Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad S- Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo? J- Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada S- Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku **** tukaday? J- Abu-bakar sadiiq iyo C/raxamaan binu cawf S- Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada? J- waa sanadkii ay dhimatay Khadiija bint khuweylad, iyo Abu-daalib S- Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina? J- Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu suraara S- Jannada yaa ugu horgelaaya? J- Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Maxamed (NNKHA) S- Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo? J- Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa? J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil S- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada? J- Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali S- Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi- saciid al-khudriyi? J- Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC) S- Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay J- Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda? J- Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay? J- Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad(RC) S- Waa kuma sayidka shuhadadu? J- Waa Xamsa binu Cabdi mudalib(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay? J- Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka? J- C/binu Zayid (RC) S- Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala? J- Waa Suuratu, Al-Fatax S- Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan? J- Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho S- Waxaad sheegtaa magaca Faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo? J- Waxaa la odhan jiray Sakab S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay? J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic? J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle? J- Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi(RC) S- Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA)? J- Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan(RC) S- Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon? J- Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder? J- Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal? J- Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws S- Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra? J- Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC) S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi? J- Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid(RC) S- Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi? J- Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC) S- Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray? J- Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay? J- Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen? J- Waa Sacad bin-Mucaad(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay? J- Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen(RC) S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii? J- Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC) S- Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego? J- Wuxuu ahaa Nabtal binu-Acsam S- waxaad sheegtaa asxaabigii hogaaminayey dagaalkii yarmuug? J- Waxuu ahaa Khalid bin walid (Rc) S- Waxaad sheegtaa asaxaabigii hogaaminayey dagaalkii muβta? J- Waxaa la odhan jiray zeyb bin xaarith (RC). S- Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey? J- Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash? J- Cismaan binu Cafaan (RC) S- Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama? J- Waa salaada S- Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya? J- Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC) S- Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha? J- Waxaa ugu horgelaaya Suldaa,Madaxweyne, aan cadaalad sameyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 13, 2009 Ismahaan sis Β Jazakellahu kheiran walaalo, waa aqoon korosi aad loogu baahan yahay Β Β Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted February 13, 2009 Nuur waa iyaha akhi, I hope in nomads ka and dadka kale oo web kaan soo galaba ka faaidaystaan Insha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites