Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

S/land traditional elders call upon all the citizens of Somaliland to help Famine effected Somalia.

Recommended Posts

Salaadiinta Somaliland Oo Ugu Baaqay Bulshadu Inay Ka Qaybqaataan Taakulaynta Dadka Ku Tabaalaysan Somalia

 

Hargeysa, August 17, 2011 (Haatuf) – Salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay u kacaan taakulaynta dadka ay walaalaha iyo jiraanka yihiin ee ku dhaqan Somalia, kuwaas oo ay la soo daristay xaalad duruufeed oo adag, isla markaana ay hayso Macaluul aad u daran oo ay ku leedeen.

 

Salaadiintan oo ka koobnaa 12 Suldaan ayaa bulshada Reer Somalialnd u soo jeediyey dibad iyo gudaba in ay si mug leh uga qayb qaataan gurmadka Macaluusha ay dadka Somalia ku sugan yihiin wakhti xaadirka ah, kuwaas oo sidoo kalena baaq u diray kooxaha ka dagaalamaya Somalia inay xabadda ka joojiyaan shacabkooda tabaalaysan ee ay asiibtay Macaluusha Darani.

 

Salaadiintan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Cumar Saalax iyo Boqor Cali Xuseen Kaahin ayaa ku hadlay Magaca Madaxdhaqameedyada Somaliland shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo shacabka usoo jeediyeen in gurmadkaasi oo ay ka qayb galayaan Muslim iyo gaaloba ay reer Somalilandna ka qayb galaaan maada oo ay yihiin cida ugu dhaw ee ay wadaagaan Diin iyo Wada Dhalasho.

 

Ugu horayn waxa Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu isugu nimid halkan in aan ka hadalno mawduuc aad iyo aad u qiimo leh oo islaamnimada iyo dad nimada mid walba ku farayo, arinkaas oo khuseeya walaalaheena Soomaalida Koonfureed dhibaatada ku dhacday inaanu maanta halkan wixii nagaga haboonaa ka nidhaahno anaga oo in badana arinkaa ka hadlaynay iyo dawladdaba arimahooda aanu si fiican ugu sheegnay waxaanu jecelnahay in aanu maanta halkan wixii ku tacaluqa arinkaa halkan ka nidhaahno arinkaas oo Islaam nimo, Jiiraan nimo, wada dhalasho wax walba nagu xukumayso hadaanu salaadiintii Somaliland nahay waxaanu taaganahay geed hoostii maaha, Caalamka meel walba oo uu joogaba waa ka Suldaan”.

 

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa hadalkiisa oo uu yidhi “Dhibaatooyinka Ilaahay SWT dadka inba qaarbuu dhibaatada tusaa, inaga ilaahay mahadii nimcooyinkiisa wuu inoo dhamaystiray, Amni buu ina siiyey, barwaaquu ina siiyey, nabadgelyo iyo barwaaqo labadaa markaad heshana noloshoo intii badnayd baad haysaa, runtii walaalaheen Koonfur ku nool, labadaasiba way ka maqan yihiin, ilaahay waxa aynu uga baryaynaa ilaahay SWT labadaba inuu u soo celiyo oo nabadna ay helaan Barwaaqo iyo nimcana ilaahay SWT uu ugu bedelo dhibaatada imika haysata, markaana intaa ka gudbo, waxaan u soo jeedinayaa kolay inta muxsiniinta ah cid kasta oo muxsin ah, wax bixin karta inay ilaahay dartii wax u bixiyaan, maaha inay wax u bixiso is tustus ama Farsamo kale ay wax u bixiso, laakiin ilaahay dartii inuu wax ula baxo oo cid kasta oo u baahan in la caawiyo, haday noqoto mid Somaliland jooga iyo haday tahay mid dibada kaga maqan, in dadkaa muxsiniinta ahi ay u kacaan oo ay caawiyaan, dadkii barakacay ee qaxootiga ahaa ee Burco iyo deegaankeeda degenaana in la caawiyo, kuwaa Koonfur ee aynu walaalaha nahayna in la caawiyo, dhibaataduna waa meerto oo habeena aduunbay kula joogtaa habeena way kaaa maqan tahay, sadaqaduna waa balaayo xijaab weeyaan, balaayaday xijaabtaa in inaga ilaahay nabadeenaa inoogu sii nagaadiyo oo ilaahay SWT wanaageenaa inoogu sii wado ayaynu la niyoonaynaa inaynu sadaqaadkaa u bixino qofkana aakhiradiisa ku wanaajisto, waxaan markaa ku boorinayaa cid kasta oo muxsin ah oo wax bixin karta oo Somaliland ku nool mid xoolo bixin kara iyo mid lacag bixin kara, mid raashin bixin kara iyo mid nolol kale bxin karaba, in gacanta la galiyo oo loo gurmado dadkaa masaakiinta ah ee tabaalaysan ilaahayna SWT waxaynu uga baryaynaa in uu ilaahay ka dul qaado colaadana ilaahay ka dul qaado, dhibaatadaa, Abaarahaa iyo darxumadaa haystana ilaahay SWT uu ka dul qaado maaha iyaga oo kaliya ee qof kasta oo muslim ah inaynu u damqano ayaa waajib ah, iyaguna way ka sii sokeeyaanba, bishii ramadaan ee khayrka badana waynu ku jirnaaye ee qofka wax bixiya khayrkiisa loo laban laabayey, waxaan aad iyo aad ugu soo celcelinayaa in loo gurmado qof ku uu wax la baxo, sadaqada bixino dadka tabaalaysanna la caawiyo”.

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba guddo iyo dibadba waxa looga baahan yahay gurmad bani’aadanimo oo xilkasnimo ah oo dadkaa salaadiintu ka hadashay ee aynu marna jiiraanka nahay marna wada dhalashadu inaga dhaxayso ee Somalia la yidhaahdo ee masiibadu ku habsatay ee mudadu hasytatay ee dagaalo iyo barakac iyo rasaas iyo abaaro iyo cudur ay isku bedeleen, inaynu u gurmano, maanta waxa socota arin bani’aadanimo oo calaamka ka socota oo loo gurmanayo oo gaalo iyo muslim iyo wixii wax u tarayaaba ay u gurmanayaan hadadka ay isku xigaan baynu nahay haddii la eego dhalasho iyo haddii la eego jiiraan nimoba, inaguna ilaahay baynu ugu mahnaqaynaa maantana waynu ladanahay, mar haddii aynu laadanahayna, waxa inagu waajib ah in aynu u gurmano oo gurmad qaran samayno oo Somaliland ah, dawladda Somaliland way ka hadahsay gurmad qaran bay ka hadashay, qaybteedii bay ka qaadatay anaga oo kaa ka duulayna waxa aaanu ka qaadanaynaa kii dhaqan halkii dhaqanku lahaa baanu ka hadlaynaa dadku gurmashuu inaga mudan yahay, gurmashadaa yaan look ala hadhin, ha la is abaabulo, ha la is muujiyo, bishaa ramadaan dadkaa ha loo dedaalo , dadka kale ee Soomaalida ah ee iyagu gudahooda dhibaatadu ku haystana, waxanau kula talinaynaa oo aanu u soo jeedinaynaa inay sidaas oo kale isu caawiyaan oo ay maanta isu guntadaan, waanu u ducaynaynaa sidii salaadiinta horeba ugu ducaysay in ilaahay masiibada ka hor qaado. Mid iyagu isku keeneena way jirtaa, mid xaga alle ka timidna way jirtaa, waxaanu u ducaynaynaa in ilaahay ka hor qaado.

 

Suldaan Aadan Faarax “Wixii laga hadlayey ee siyaasada masalan ahaa Anagu madaxdhaqameed ayaanu nahay oo siyaasada dawladd baa u xil saaran, iyadaana xukuumadaasi ummaddu u igmatay, anagu waxa aanu ka hadlaynaa waxa weeyaan, wixii wanaag ahaa ee dadkaa wax loogu tari lahaa bulshada Somaliland waxa aanu leenahay ka dibada jooga iyo ka gudaha jooga iyo haday xukuumadda tahay iyo cid walba waxaanu leenahay guntiga dhiisha ha la iskaga dhigo ha la muujiyo walaal nimo”

 

Waxa kale oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay Boqor Cali Xuseen Kaahin iyo Suldaan Cumar Saalax, kuwaas oo dhamaan shacabka Somaliland ugu baaqay inay u kacaan gurmad iyo gacan deeqsinimona ay u fidiyaan dadka Soomaalida ah ee ku tabaalaysan dalka aynu jaarka nahay ee Somaliland, waxaanay Guud Ahaan Salaadiintaasi ugu baaqeen Kooxhaa kala duwan ee Rasaasta sita ee ka dagaalamaya Somalia inay dhibaatada iyo dagaalka ay ka daayaan dadka tabalaysan ee Somalia, Salaadiintaasi waxa ay si gaar ah baaq ugu soo jeediyeen Dawladda Sheekh Shariif, AMISOM iyo Al-shabaab iyo joojiyaan dagaalka iyo Rasaasta ay ku leedayaan shacabka Soomaaliyeed eek u dhaqan Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this