Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Mahiga tells Faroole reconciliation conference Will be held In Mogadisho Faroole is upset

Recommended Posts

Garoowe: Warar dheeri oo kasoo baxaya kulankii Mahiga uu kula yeeshay Garoowe Madaxweynaha Puntland.

6. August 2011

 

APL

 

 

 

 

Garoowe(AllPuntland)-Ergayga gaar ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulanka mas'uuliyiintan, hase ahaatee ujeedada socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay iney salka ku heysa qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ee lagu muransan yahay in lagu qabto Muqdisho iyo Garoowe.

 

 

Warar ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu ka biyo diiday qorshe Augustine P. Mahiga u soo bandhigay Puntland kaasoo ah in Qaramada Midoobay qorshaheeda uu yahay in shirkaasi lagu qabto Muqdisho.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Garoowe, waxaana Mahiga uu cadeeyay in Qaramada Midoobay ay u qorsheyneyso in lagu qabto shirkaasi Muqdisho oo ah caasimada dalka.

 

Wax war ah oo mas'uuliyiintan ay ugu warbixiyeen Saxaafadda kulamadooda ma jirto, isla maantana waxay dib ugu laabteen wafdiga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this