Sign in to follow this  
NASSIR

Xingalool: Institute for Certification of Computer Professionals(ICCP) confers diplomas to graduates

Recommended Posts

NASSIR   

Machadka Barashada Computerka ee ICCP oo Arday Shahaadooyin Gudoonsiiyey (Sawirro)

 

Xingalool: Macahadka barashada Computerka ee ICCP *ee Degmada Xingalool ayaa ku xaflad weyn ugu qabtay xarunta Machadka arday iyagu ka qalin jabiyey barashada barnaamijyada Computerka.

 

Ardaydan oo ahaa dufcadii ugu horreysey ee ka qalin jabisa Machadka barashada Computerka ee ICCP ayaa waxaa goobta lagu gudoonsiiyey shahaadooyin muujinaya iney dhamaysteen barashada barnaamijyada uu ku shaqeeyo Computerku (Software’s Program)

 

Xaflada ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Xingalool kuwaas oo isugu jirey waxgaradka, aqoonyahanka, qurbajoogta, ganacsatada iyo qaar ka mid ah ururada haweenka iyo dhalinyarada oo xaflada lagu casumay.

 

Kadib markii lagu furay ayaadaha quraa’nka kariimka waxaa halkaas kahadlay maamulaha Machadka mudane CabdiQani Xaamud Obokor isagoo sheegay in ujeedad xafladani ay tahay shahaada gudoonsiinta ardayda dhamaysatay xirfadaha kala duwan ee computerka isagoona u mahad celiyey dhamaan kasoo qaybgalayaasha xafladan .*

 

Waxaa*kaloo xaflada kahadlay gudoomiyaha waxbarasha ee degmada Xingalool ustaad Mursal Saciid Cali oo ku booriyey *aradydii dhamaysatay waxbarashada inay sii wadaan waxbarashada korna usoo qaadaan aqoontooda. sidoo kale dadkii kasoo qayb galay xaflada waxaa kamid ahaa bile maxamed faarax oo kula dardaarmay ardayd qalinjabisay inay wax ka qabtaan waxbarashada degaanka guud ahaan iyo tan xingaloolba. gebagebadii xaflada waxaa ka hadlay mudane Cismaan Maxamed Cali Gurey oo ku hadlayey afka qurba joogta deegaanka degmada xingalool gudoonsiiyeyna aradayda shahaadooyinkii . mudane cismaan waxa uu kula taliyey ardaydii dhamaysatay computerka inay ka fogaadan inay si khaldan u isticmaalan aalada internetka . machadka ICCP (Institute for Certification of Computer Professionsls ) ayaa machadkii uugu horeeyey ee lagu furay degmada Xingalool kasoo lafuray 1/1/2011 mahadka ayaa waxaa lagu bartaa koorsooyin kala duwan oo ay kamid yihiin .computer application, Networking and Installation.*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Masha Allah, Great Job Xingalool Institute, but where is Maakhir State??? Maakhiri People need their own State like other somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Liibaan, give me an update of the SSC movement - its triumphs and struggles. I know you are insider buddy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this